
HORDHAC.
Waxaan Halkan ugu soo Gudbinayaa Akhristayaasha Qiso Sheeko Gaaban, Oo Dhab ah kana hadleysa waxtarka uu Samirku leeyahay iyo sida uusan qofka Samraa ugu Hongoobin oo uu mar uun u garto Mirihiisa.
Sheekadan oo la yiraahdo (Alla Samirku Wacanaa oo hore aan idnku sheegay in ay soo bixi doonto Baalka ugu horeeya ee buugii la oran jiray (Murugo Jacayl) Waxay igu Qaadatay muddo dheer isu soo urur inteeda Xaqiiqadan, Waxaana ku lumiyay Waqti badan.
SheeKadan oo dhacday Waxay ku qoran tahay Afsoomaali Qof walba uu Fahmi karo waxaana kaa codsanayaa Anigoo ah Qoraha Buugan:-( Max'ed Faarax Cumar " Burhan Bayer) in aad ka raali noqotid Wixii dhibaato ah ee aad kala kulantid Buugan.
Waxaa Xaqiiqo ah in wax qoridu aysan ahayn hawl Sahlan ayna u baahan tahay Samir iyo Adkaysi iyadoo ay taasi jirtay isla markaasna aan anigu si gaar ah xiiso ugu hayay soo ururinta qisadaan ayaan dhibaato kala kulmay inaan sidaan Rabay xog waran dheer ugu helo dadkii ay khuseysay qisadani.
Waayo iyaga oo u muuqday Dad aan dooneyn in ay dib u eegaan wixii dhacay in dhalinyaradu markaa ka raali noqon Akhristoow, Wixii aan habooneyn iyo wixii aan dhaweystirneynba.
Waxaan Rumeysnahay in aad kala kulmi doonrid buugan sheeko ku saleysan nolol adag, Hayeeshee ay dadkani yihiin kuwa dhuuxay Macnaha Nolosha iyo qiimeynta shaqsiyada aadamiga ah Waxaad ku arki halkan qiimaha ereyga Jaceyl iyo in qofka Wax jecel in Naftiisa ay ku qanci karto oo kaliya inay waxay jeceshahay hesho.
Waxay Dan u tahay iney akhristaan kuwa is jecel Naf ahaan ha yeeshee uu ka dhaxeeyo Dagaal ah isku daneysi iyo lugooyo, Markaas ayaa laga yaabaa inay diban daabyadda u badalaan isdaryeel iyo Xushmad ayna ku guuleystaan labadan is jecel in ay kuwada noolaadaan ifka Nolol Wacan oo raaxo leh.
Waxaan Halkan uga Sheegayaa Dadka Xiiseeya sheekooyinkan in dhawaan soo bixi doono Buug la yiraahdo (Kurbo Jaceyl Iyo Kadeed Nololeed).
MAHADNAQ.
Waxaan Mahad Balaaran U celinayaa Dhamaan Dadkii qeybta weyn ka qaatay Hirgalinta Iyo Soo Saarida shekadan Magaceedu Yahay ALLA SAMIRKU WACANAA:- Oo aan la'aantood waxba ii suurta Galeen; Waana kuwan hoos ku qoran Magacyadooda:-
BISHAARO.
Waxaan Akhristayaasha Sharafta leh ugu Bishaareynayaa In dhawaan uu soo Bixi Doono Buugan Magaciisu Hoos ku Xusan Yahay.
QAYBTII KOOWAAD.
Waxay ahayd Goor Maqrib Markii Ayaan loo sheegay war kiciyay, Danqiyayna Qalbi Daalay oo Murugo iyo dhibaato u go'doomay, Waxaa loo sheegay in kii Nafteeda Raacday uu dhowr bari jeelka jiifay uuna galay danbi culus, Isagoo laayay Dad ka dib markuu si wacan uga soo dhergay waxyaabaha Maanka dooriya, kaas oo uu caado u lahaa ugana takoormay bulshadda inteeda kale ayna dhamaan Eheladiisu ku deyrsheen, Ayaan oo horeyba u dhibaneyd waxuu hadalkaasi ku noqday Naxdin hor leh iyo shaqo Cusub, Waxaana mar qura is badelay farxadii wajigeeda ku tiil, Waxaana mar qura ilin ka timid isuna badashay ooyaan indhaheedii wacnaa ee waaweynaa, Waxayna ka fursan weyday in ay ooydo bal si ay uga nafisto Naxdinta Degdega ah ee loo sheegay.
Daqiiqado ka dib waxaa isbadel la taaban karo ku dhacay midabkii qaaliga ahaa ee ilaah ku maneystay waxayna u muuqatay mid maanta dhan ka shaqeyneysay maqaasiin dhuxuleed.
Waxaa Habeenkaas oo dhan uu u ahaa Habeen Baas oo ay kaligeed ku nooshahay aduunkaan Balaaran, Waxayna Habeenkaas oo dhan dul tiil Sariirta iyadoon Marnaba il isku qaban, Waxay aroor hore u kalahday Jeelka iyadoo quraac ku raran bal si ay u soo aragto waxa ay ku tilmaantay Nuurkii Qalbigeed.
Waxay Jeelka kula kulantay Yaxye oo dulinimo Wayni ka muuqato anan ogeyna Waqtiga in uu maalin yahay iyo in kale waxay halkaas ka bilowday Baroor hor leh waqti yar ka dibna waxay quraacdii u dhiibtay, Askari, kana soo tagtay Jeelkii iyadoo haba yaraatee aanan garaneynin waxay sameyso, Subaxaas ka dib waxay mar walba u dhaxayn jirtay, Gurigooda Iyo jeelka oo uu ku xiraa Gacaliyaheeda ay mar qura nafteeda ka goyn weyday ayna wax walba u hurtay Jaceylka ay u qabtay, Waxuu waqtiga is guraba waxaa la soo gaaray Subax ay Ayaan ku tilmaantay (Subixii Madoobaa), Ayna ku jirtay Walwal iyo Walaac, Waxaa maxkamad la keenay Iftiinkii Nolosheeda Waxayna ka mid ahayd dadkii dhageysanayay waxaana dhagaheeda soo gaaray Go'aan dhinbilo dhab ah kala kululaa, Kaas oo ahaa in uu Yaxye Muteystay Ciqaab dhan Saddex (3)Sano oo Xarig ah kuna nagaan doono jeelka.
Ayaan Waxay Maxkamdii ka soo tagtay iyadoon waxba kala garaneyn Waxayna ku miyir beeshay Tagsi ay wadatay dhexdiisa, Waxayna Miyir la'ayd Muddo Seddex Bari ah iyadoo aan waxba Cunin. Waxaa Dood dheer oo kulu dhex martay waalidkeed oo awalba aan wanaag u ahayn iyadoo lagu eedeeyay in ay Hankeedii iyo Wanaageediiba u Hibeysay oo ay Aduunka ka dooratay in mid Aalcoholiiste ah oo aan u qalmin ay daba kacday.
Faarax: Faadumooy Maxaad Gabadhan Guriga ugu hayssaa? Miyaadan Ogeeyn waxa ay ku dhex jirto Miyaanse Xumaanteeda kuu Muuqan?.
Faadumo: Anigu ma haysto awalbaan horoy uga Samray mana doonayo mana arki karo oo Caawa laga bilaabo adaa og sidaad yeeleysid?.
Faarax: Anigu Caawa laga bilaabo iima joogto kamana mid aha Ilmahayga waxayna iga tahay dayro, mana arki karo, Hadaan gurigeyga ku arkana adiga ayaa ka masuul ah.
Cabaas: Cabaas oo ah Walaalkood Uguna Weyn ilmaha ahna nin dhalinyaro ah oo wax garad ah Aabo Go'aan Degdeg ah ha gaarin, Waayo Ayaan caqli yari ma hayso ee wax dhab ah oo ka tan badiyay ayaa haya, Markaa ama ilaah baa u soo hanuunin Ninkaa ay Calmatay ama iyada ayaa dan uga harin oo Aabo jacaylku waa wax jira Gabadha sidaas halaga daayo, Aniguna deeyradeeda idinkuma raacsani.
Faarax: Waryaa Hadalkaaga dooni maayo, Hadaad doonooyso Naagta iyo Aalkoliistahooda adiguna raac aroortii, Anigu Ayaan Deyro ayay iga tahay, Haddana Gurigayga iiga Saara.-
Faarax: Ayaan Dhibaatooyinku Waxay Ugu soo furmeen sida moowjadaha Badda waqtiguna waxuu khasab kaga dhigay in ay Nolol DerbiDerbi ku Noolaato Waxaa aroortii u yimid walaalkeed Cabaas oo indhihiisa ay ka muuqato Ilin, Wajigiisana ay farxadi ugu danbeysay waqti dhoor ka hor.
Cabaas. Abaayo Waxaan aad uga Murugeysanahay dhibaatada ku haysa & Aabaheen oo Caawa Go'aan in aadan reerka ka mid ahayn aadna Deyro ka tahay xagiisa, Marka Walaal maxa aad naftaada ula talin wayday ana ii maqli weyday oo aad ninkan uga hari weyday?!.
Ayaan: Abowe waa la i deyrshay ma ahee Nafteyda Qaaliga ah baan ku furan lahaa Caawa Haddaan Helli karo, Wax kastoo uu yahayna Anigu waa ii Yaxye !!Jaceykiisuna ma aha mid aan ilaawi karayo Waqtiguu inanka wanaagsan ahaaba, Aabahay iguma deyrin, Wanaagiisana inuu dib u hanto waa laga yaabaa Wax kastoo Jaceylka Yaxye igu soo gaarana Dulqaad Iyo Samir baan u lahaanayaa ilaa Iilka la dhigo taas oo ah marka qura ee iloowi doono. Aah-Mhh-Mah-!! Aboowe Adigu ma ku Raacsan tahay Figradda Aabe Iyo Hooyo?!!!
Cabaas: Maya--Maya--Abaayo Anigu Waxaan Ogahay waxa runtu tahay Waalidkeen Ma yaqaano Jaceylka iyo Cabaas: -Arimahiisa Waxaana Marwalba Kula Garab taaganahay taageero Walaaltinimo kumana ilaawi karo kumana Dayrin karo waayo waxaad tahay Walaal Qaali ah.
Hadda Walaal Orod oo Moolaha isaga noolaw oo la joog Saaxiibadaa ana waan ka warheyn doonaayee meel kastoo aad joogtid, Aabe Haddii uu Maanta Guriga kuugu Yimaado Wax aaba Khatar ah Naftaada.
Ayaan: Walaale Waan Maqlay Hadalkaaga Waxaana u tagi doonaa Saaxiibtey Ubax, Dabadeedna waxaan raadinayaa Shaqo waana Baxayaa hadda ee Nabadgalyo Walaal Ah--Ah.
Cabaas: Walaal aad Iyo Aad baan uga Xumahay iney dhibaato ku soo gaarto, Waxaanse Eebe kaaga Rajeynayaa Wax Wanaagsan Inaad la Kulanto.

QAYBTA LABAAD.
Ayaan Waxay ku dhalatay Magaalo Madaxda Soomaaliya, oo Muqdisho kuna soo barbaartay kuna dhameysatay Waxbarshadeeda ilaa Dugsiga Sare. Ayaan Waxay is barteen Yaxye Waqtigii uu dhiganayay Jaamacadda Markaas oo iyadu ku jirtay D/Sare, Ayaan waxa ay sheegtay in ay marwalba dareemi jirtay, Taabasho Naxariis leh iyo Xiiseyn Gaar ah oo ay u haysay oo inankaas markasta oo ay aragto ilaa ay gaartay waqti ay ku qirto nafteeda waxa haysa inuu yahay Jaceyl, Waxay Awood u yeelatay in ay u sheegto Yaxye oo ay aad isu yaqaaneen Jaceylka Dhabta ah oo Taabtay ugana yimid Xagiisa Waxuuna si farxad leh oo aan walaac ku jirin uga aqbalay ulana daadihiyay Jaceylkii Ugubka ahaa oo ay u soo bandhigtay Gacaliyihiisa Ayaan. Waqtigaa Laga Bilaabo Ayaan Iyo Yaxye Waxay Ahaayeen Dad u Go'doomay … Daacad ugu noqday Jaceylkeeda ayna gaareen heer ay dhamaan dhalinta Saaxiibadood ahi yiraahdaan waqtiyadda Dambe oo ay ka yimaadaan Magaaladda ina keena aan sii maro labadii keleyba meeshii ayay fadhiyeen?!
Runtu Waxay ahayd in labadoodu ay Habeen walba fadhi jireen Jardiinka ku tiil Guriga Ayaan Hortiisa. Waxaana Ayaan mar dhalinyaro ay weydiiyeen su'aal ay kula kaftameen, ay ugu jawaabtay:
Ayaan:- Anigu ma dareemo wax Gaajis ah, Ma hurdo mana Gaajoodo Waqtiga uu ila joogo Yaxye, Sheekadiisa waxay iiga xiiso badan tahay, Sheeko kasta oo la sheego ma'aan dareemo waqtiga marka uu ila joogo, Waxaan dareemaa marka uu iga tago waxaana is iraahdaa ilaahoow yaa waqtiga dib u soo bilaaba !!!.
Yaxye Waxuu dhameystay Jaamicadii una diyaar noqday inuu nolol cusub oo run ah la bilaabo Gacaladiisa Ayaan oo uu ka dhaxeeyay Jaceyl run ah oo xidido dheer Aastay , Waxuu Yaxye ka mid ahaa dhalinyaradda waqtigiisa kuwa ugu kartida roon iyo danina roon, Taas ayuuna ku kasbaday inuu si Degdeg ah ku shaqo bilaabo waxuuna horaantiiba u muuqday inan loo han weeyn yahay, Waxuuna mar walba ku dadaali jiray siduu mar walba ku qancin lahaa Iftiinka Noloshiisa tuu ku tilmaamay uu lana qeybsan lahaa, Farxad Iyo Murugaba, Hadba kii soo food saara waxuuna sheegay in nolosha dhabta ah ee uu haysto ay tahay waqtiga uu iyada la joogo.
Waqtiga Xun Iyo Saaxiibkaaga Xunba marbay ku … ee Yaxye Nasiib xun oo Noloshiisa kala dhantaalay oo sumcadii uu bulshada ku lahaa na dishay, Dhaawac weyna ku noqotay Ayaan ayuu kala kulmay shaqaddii iyo Saaxiibadiiba cusbaa ee uu Sameeystay Waqtiguu shaqadda Bilaabay, Waxuuna Waqtigani noqday waqtigii ugu xumaa ee soo mara nolshiisa, Yaxye waxuu halkan ku bartay dhamaan waxyaabaha Maanka Dooriya oo runtii ah waxyaabaha sida runta ah u kala dadnimo iyo Kartida Qofka bani'adanka ah uuna ku kasbaday deyro kaga timid xaga dhamaan Eheladii Uuna ku Noqday Mid ka takoormay Bulshadda inteeda kale.
Ayaan oo ay Geeri Ula muuqatay nolosha Cusub ee aadka u xumeyd ee ka ifka ka calmatay uu ka dhex dhacay ayaa iyadoo ilmeyneysa ayna ka muuqato murugo Iyo Niyad Xumo ayaa hadalo Calaacal ah Iyo Waano isugu jira u soo jeedisay Xubigeeda aysan ilaawi karin waxayna iyadoo gurigiisa ku soo booqaneysa goor casar ah ku tiri:-
Ayaan:- Yaxye Aboowe, Gacaliye Waan ku jeclahay waanad ogtahay sida uu jaceykayagu aan kuu qabo uu heerar kala duwan u soo maray waxaad kaloo ogtahay inaan Jaceylkaaga sinaba uga hareyn ilaa aan ku si dhaba kuu hanto, Waxaana qofkasta oo isu keen yaqaana ka dheregsan yahay sidaan Daacadda kuugu ahay- Waxaase lama filaan igu noqotay noloshaadda is bedeshay iyo waxaan dadnimadaada iyo sharaftaada dilaaya, Waxayna Runtii Aniga iila Muuqataa Waqti Madoow Oo Murugo leh oo lama filaan ah oo soo dhex galay Nolosheena Iyo Jaceylkeenii Mudada Soo Soeday. Maadaama aad adigubilowday wax aan kaala hanweyna laakiin anigu marnaba kuma ilaawi karo oo kuuguma ma nicin karo sidaan Ah::Ah;...Ah ee Maxaa Kugu Dhacay Aboowe!!?
Gacaliye ma sidaad Noloshaada u badashay yaad Jaceykeena u badashay? Ala Aboowe Ana May Iloowday? Alla anigu kuma ilaawi karo oo waan ku jeclahay si kastaba, Alla Yaxye Gacaliye Waxaan kuu jeclahay sida qof loo jeclaado sida ugu sareysa, Niyadeydu waa adiga Farxadeydu waa adiga, Murugadeyduna waa la'aantaa oo maad isku dayn Gacaliye Noloshan Xun? Alla iska daa'oo dib u hano Sharaftaadii Iyo Wiilnimadaadii Wacneyd aan kugula Raaxeeystee dunidan bilicda san oo ilaah baan kugu dhaarshee Axdigeenii Iyo Jaceylka aan kuu qabo meel mari, Alla Gacaliye waan kuugu fannaa, Kugu Fakaraa, Kugu Riyoodaa, oo riyadeyda meel mari, Ruuxeygana Badbaadi, Waxaanan Balan qaadayaa in aan ku garab istaago hadaadan taa yeelin waxaan doorbidayaa in aan geeridda Lugaheyga ku doonto oo aanan Marnaba Eegan karin seegseegaga ...Ah....Ah..Alla Aboowe Maad Qaadan Waanadeyda?Ah ...AhAlla Waan Ku Jeclahay Yaxye Mana aha Mid la qiyaasi Karo Ah/...Ah..
Yaxye: Ayaanay Anba Waad Ogtahay waan ku Jeclahay kumana ilaawi karo ha'yeeshee wax i qaaday garan maayee, Waanan Ogahay Nolosha Xun ee aan dhaxlay Waxaana i duufsaday wax aanan Garaneyn waanan ogahay, dulinimadda aan maanta ku jiro waalidkeyna igu deyrshay iguna Naceen, dhamaan Saaxiibadeey wacnaa waxaan macaaneey marwalba ku fakarayaa sidaan isaga deyn lahaa taas oo ah dhibaato aan ilaa hadda xal u la ahay waxaanan ku da'dadlayaa sidaan ku joojin lahaa.
Abaayo iga balan qaad inaadan xumaantaa igu nicin Waxaad ku sawiran tahay qalbigeyga aad dhoof u noqtay Nolosheyda oo Macaaneey haygu nicin Xumaanta!!
Ayaan: Aboowe ha i maqashiin hadaladda wax u dhimaaya qalbigeyga kumana nicin karo kumana ilaawi karo ilaa iilka la i dhigo waxaanan balanqaaday in aan nin kale xile u noqonayn, Aanan ku sugo oo kuu samro, ilaa aad ka noqotid Yaxyihii Runta ahaa ana dhabta ahaa oo aan u dul qaadan doono wax kasta oo xagaaga iiga yimaadda, Aboowe Waan ku jeclahay kuna Jeclaan Doonaa ilaa inta Nolosheydu ka jirto.
Waxay la soo martay Maalmo iftiimiya inankan ay calmatay isuna hayeen Jaceyl dhab ah, Waxaase Nasiib daro ah in ay hadda ku barooraato gidaaradda cidladda ah, Murugo Iyo Fakarna La Macaluushay uuna ku deyrshay Waalidkeed, Waxayna Noqotay mid lagu Sheekeysto, Waxay ku Danbeysay Kalinimo Iyo Ehel la'aan, Waxayna Dantu ku Kaliftay in ay Seegseegto dunidda Guudkeeda waxay Gabdhii bilicda Sameyd Noqotay mid rajo xumo ku nool, Waxayse Wax walba ku dhaaftay Samir Iyo Dulqaad kuna da'daashay sideey u toosin lahayd Jaceylkeedii Marin Habaabay.
QAYBTA SADEXAAD.
Darxumo Iyo Waqti Qalafsan oo la soo gudboonaatay Ayaan!! Waxay Ayaan Iyadoo aad U niyad Xun Timid Gurigii Saaxiibteed, Waxayna Iyadoo Xoogwaran - guud siineysa una sheegeysa Guud ahaan sida wax u dhaceen ka dalabtay in Caawa Jiif-siiso.
Falis:- Abaayo Gabar fikirta ayaan kugu Ogaayo maad yeeshid taladda Waalidka oo aad ka hartid Ninka duliga oo dantaada ka raacdid yuuna waqtigaaga kaa luminee!!
Ayaan: Saaxiibey mar hadaad saas u hadleysid wax islama keeni karo haddiiba wiilka aan jeclahay uu kula muuqdo mid aan waxba ahayn balse aan anigu iska daayee aan ruuxeyga gooynayo dartii, Aanan ku jeclahayna waxuu yahayba oo adigana kulankeena kan iigu danbeeyo ee Jaaw-Jaaw.
Waxay Habeenkaas Bariday Cidla, Waxayna Subixii iyadoo Rafaad Iyo Gaajo fara badani ka muuqato boorso weyna jiideysa ayay ku garaacday reer aysan aqoon irridiisa ayadoo weydiineysa shaqo.
Ayaan: Subax Wanaagsan, Subax wanaagsanee- Maxaa daraa ood dooneysay?.
Ayaan: Eedo wax idiin shaqeeyo ma doonaysaan, Shaqo doon baan ahayee? Naa shaqo layne orodoo naga tag hanagu soo kalahinee ayay ugu jawaabtay iyadoo iridana soo xiraneysa.
Ayaan oo caga jiideysa ayaa ka dhaqaaqday Meeshii ayadoo hareerahooda Eegeysa oo ilmeyneysa, Waayo ayaan oo ka dhalatay Reer Ladan kumeey fikirin marnaba in Nolo Noocaan soo mareysa.
Aad bey u madluun ahayd wareegeysayna Xaafadaha Waxaana ka muuqday, Daal iyo gaajo fara badan waxayna Xasuusaneysay Baryo Sanadkii ay waayo soo aragtay si ba'ana uga fikireysay da'daradda Iyo Dulinimadda uu ku danbeeyay kay marnaba ka go'ayn weyday Nafteyda.
Waxay ugu Danbeystii Heshay reer ay u shaqeyso halkaasoo ka biloowday Nolo Cusub Nolol Cusub oon horo u soo marin oo aad Runtii u dhibaato Badneyd
Ayaan oo ahayd Gabar Garaad Iyo Karti Dadnimo hanatay kumey ekaan in ay quudiso Nafteeda, Dabartana Nafteeda oo waxay ku guuleysatay in ay ugu geyso jeelka waxuu u baahdaba inan jaceylkiisu harqiyay, Una hurtay waqtigeeda Firaaqada ay agtiisa ka muuqato.
Ayaan oo aheyd Runtii Gabadh Muuqeedu uu soo jiidan karay qof walba, Waxay ka caan noqotay Jeelka uu ku xiraa xabiibkeedu, Ayaan oo in muddo ah la joogtay Reerkan ay u shaqeyso waxaa dantu ku khasabtay in ay ka tagto, Raadsatana Meel kale ka dib markay u adkeysan weyday dhibaato kaga timid xaga dhaqankooda, Waxyna Markiiba Shaqo ka heshay iyado oo shaqo la'aanteeda dhibaato ku ahayd Yaxye iyada oo quruhi ku haysay kuna masruufi jirtay Xabsiga Waxayna dadaal badan u martay sidey isaga u dabooli lahayd cidladda uu yahay una dhigi lahayd Hortiisa waxay u heli kartay taasna waxay aheyd siday Nafteeda ku qancin lahayd oo kaliya, Waxay ka muuqday Gacanteeda Midig Alaab aad u culus oo ay jeelka ula kalahday iyadoo aheyd Jimce oo ay Caadi ahaan isula xiri jirtay asaga iyadoo shaqadda Fasax ka ahaan jirtay Maalmaha Jimcaha, Waxaase Ayaan Daro aheyd in ay aad u murugeysneyd soo noqodkeedii.
Waxaa sida caadiga aheyd laga furay iridda uu ku jiray la isuna geeyay meel jardiino ah oo jeelka ku dhextiil waxayna iyadoo Farxadi ka muuqato Bariisay Nuurkii Qalbigeeda tirina iyadoo si wacan u bariidineysa ilina ka dareereyso dhabankeeda Ah... Ah....Gacaliye See Tahay? Nasiib Daro waxay is aragtay iyadoo hoos taal geed hoostiis dhagaheeduna Waxay maqleen Ereyadan:,Naa hana Salaamin wax yahay qurutay , Bax iga tag Kuma aqaanee! Naa maxaa Marwalba ii agtaagan tahay ! Askari Kaalaya Qaada Mayd kan ayuu yiri isagoo u gaystay, Dhaawacyo aad u culus kana Dhaawacay Madaxa.
Waxaa loo qaaday Isbitaalka Ayaan oo miyir la, Dhiig fara badana ka baxayo.
Ayaan oo horaba u dhibaneyd waxay indhaha kala qaaday iyadoo joogta Gurigeey Saaka ka tagtay, Waxaana runtii u soo hoyday Nafteeda Wal-Wal Iyo Walaac aan awalba ku yareyn, Waxayna isku Canaanatay in ay ahayd Gabar aad u Nasiib daran, Madaama uu Nacay kay Dadka kala soo dhex baxday uuna dhawac iyo dhibaatana u geystay Naftii Dartii u dulawday ayna u hibaysay isaga inta uu ifka ku nool yahay.
Waxaa la xaqiijiyay in Yaxye oo horaantii la qeybsaday Jaceylka ay ku mataanoobeen uusan tamaam aheyn Subaxa uu hagardaama u geystay tan qaybta ka qaadatay Jiritaanka Noloshiisa.
Waxay Canaan Fara Badani kaga timid Falkii uu ku sameeyay Gabadha, Waxayna Runtii ku abuurtay Murugo Iyo Fakar ficilkuu Sameeyay Maxaan Qaban Karaa Hadda? Maxaan Dulinimo ku danbeeyay? Maxaan u dilayay Ayaan oo dartay u dacdaroowday!!Maxay Tahay Faiidada aan ku leeyahay Nafteyda Iyo Dadkeyga?? Alla Maxaan u noolahay, Haddase Maxaan qabtaa ayuu ku Cataabay Yaxye,
Yaxye oo ilini ka dareereyso dhabanadiisa rumeysan la'aan ficilka uu ku sameeyay tan bulshadda oo idil uga soo ifbaxday.
Ayaan waxay muddo dhawr todobaad ahayd la ildarayd Dhaawacii Iyo Xanuunkale oo nafteeda la soo dersay iyadoo uu mudadaa ka muuqday isbadel weyn aan horo loogu arag, Waxay in muddo ah u go'deentay Baroor waxayna ka go'day Dhamaan waxa la quuto, Hasayeeshee wey noolaatay kana soo kabatay dhibkii gaaray, Waxaa Booqasho aad u qiimo lahayd ugu imanaya goor barqo ah, Iyadoo ka shaqeynaysa Gurigii ay joogtay Walaalked aad u da'yare Cabaas, Waxuu rumeysan waayay inay walaashii tahay waxa wajigiisa ka muuqanaya Naxdin Fara badan:-
Cabaas: Abaayo ma adigiiba?! Alla Maxaa kugu dhacay Walaal asagoo rumeeysan la' in qof isu badeli karo sidaan oo kale ayuu ku daahayaa Oohin Muddo dheer.
Ayaan: Walaal waan yara Xanuunsaday , Waxaanan ku dhacay Daaradda Guriga haddana aad baan u ladanahay ee Aamus walaal, Walaal Iiga Waran Aabe Iyo Hooyo Iyo Dadkii-kale.
Cabaas: Ah....Ah aad bey walaal u wada ladan yihiin Waxaanse Walaal aad uga xumahay Nolosha aad ku jirtid, Iyo sida aanan waxba kuugu qaban karin, Waxayna iila muuqataa in Noloshayda iyo jiritaankeyga aysan qiimo lahayn, Maadaama anan inaba Caawin karin Walaal aan jeclahay oo ii baahan Haseyeeshee Waxaan Filayaa in Noloshaada jiri doonto si kastaba ha ahaatee, Waxaa Ayaan Waqtigan ka dareeray Dhabnadeeda Ilin ku timid dareen dhab ah Iyo Muxibo Walaalnimo waxayna uga tacsiyaysay walaalkeeda yar oo garaadka Iyo Caqliga aan ilaah ku yareyn, Wal-Wal iyo Fikir xageeda kaga Yimid, Waxayna ka tagtay isaga oo aad uga xun ficilka ay waalidkii sameeyeen.
QAYBTA AFRAAD.
Ilaahoow Ciqaabta iga saar Caadil baad tahayee Ayaan oo intay Xanuunsaneyd Arag Yaxye waxay ula muuqatay Sanado Dareemeysayna hilow weyn oo ay u qabtay arigiisa, Waxayna Goor Aroor ah isu diyaarisay Booqasho aad Nafteeda ugu Qaalisaneyd, Hase Yeeshee Dadka kuma yara inta garaadka yar ee sida xun u fakara, Waxaana Ayaan Subaxaas ula yimid hadalo Jees-Jees ah oo runtii Maskaxdeeda wax u dhimay, Gabar ka mid ah qoyskii ay u shaqayneysay kuna tiri iyadoo qosol dheer ku dhufaneysa ah;;.Ah....' Alla Hooyoy BAL tan eega, Hooyoy tan ma ka dhabaa waxbaan jeclahay, Waxaanse la yaabay yay Booyaasadini Jeceshahay See beyse Wax u Jeclaatay Iyadaaba Nafteeda yaabanee?.
Ayaan hadaladani Runtii wey damqiyeen waxayna Oohin dheer oo ay qarineysay ku qancisay Nafteeda in ay Samir u yeelato Waxyaabaha Dhacaya, Waxayna iyadoo iska adkeyneysa ugu Jawaabtay Walaal Waa dhab oo waxbaa jeclahay, Adeegtaduna Dareen Iyo Danimo wey leedahay, Gabdhuhuna Nooc Kasta halahaadaane waxay Hajbadooda u muujiyaan Gayaankooda, Aniguna Waxaan ka mid ahay Gabdhaha Gayaankood Gacmaha u lulaya kan aan jeclahayna Waa Yaxye oo horaan Nafteyda ugu Ogolaaday in waxaas oo kale soo gaaraan Nafteyda isaga oowgii, Adiguna waxaad iila muuqataa, Gabar yar oo Caano Nuug ah oo iska hadashay, Garaneyna Nolosha Macnaheeda Iyo Iyo Waxa Nafta u Roon Qalbi Jaceyl oo Naxariis ka buuxdo ee ha u fikirin in jeeb lacagi ka buuxdo nolosha qiimo u leeyahay, Haddii aan Jaceyl Jirin, Ee Aniga Iyo Inankaan Waxaa naga Dhaxeeya Jaceyl fac weyn oo waxaan ku leeyahay ka fiirso Hadaladda sida xun kaaga daadanaya!! Inantii iyadoo aad u Xanaaqday Jawaabta La siiyay ayay Biloowday Caytan Iyo Dagaal ay u geysaneyso Naf horey u dhibaneyd una Gaysatay Dhaawacyo Culus oo ka daran Kuwii Hore.
Maciin bey ka fileysay Islaanta Guriga Lahayd Waxayse u sheegtay Gabar aad u edeb daran kuna Sameeysay Dagaal ilmihii kuna tiri inaqal kuma arki karo gurigeyga saaka laga bilaabo haddana iga guro Caladaada ma taadan xunbaa inantayda la dagaalamaysa !!ah-Ah Naa Soco!Soco Bax.
Ayaan iyadoon hadal soo celin bay biloowday iney aruursato alaabteeda, Waxaana Dhibaato Weyn ku ahayd meesha ay fooda Saari lahayd Waxaase kala sii wayhaa taas, Iyadoon arag Yaxye Subaxaa!!Waxay Fakar muddo dheer ku gaartay in ay soo booqato iyadoo waxeeda jiidaneysa una dhaqaaqday dhinicii jeelka uuna Joogay Nuxurkii Indhaheeda iyadoo Runtii Nafteeda ka muuqatay dhibaato aad u weyn.
Ayaan Baskii ay Qaadatay Waxaa kula kulmay Laba gabdhood oo ka mid ahaa Asxaabteeda barayo Sanadkii waxayna iyagoo si wayn u shakisan waydiiyeen.
Abaayo Naga Raali Ahoow oo ma Ayaan Faarax Baad tahay!!! Ayaan Daqiiqado ka dib waxay go'aansatay in ay iska qariso iyadoo ay runtii ay si weyn u garaneysay Saaxiibadood Balse ay si weyn ugu mashquulsaneyd Nafteeda ayna diideysay Wareysiga ay la yeelan doonaan waxayna iyadoo Naxsan ugu Jawaabtay:-
Maya !! Walaal Waxa la i yiraahdaa Caasha!!Waxayna iyagoo Raaligalinaya ku yiraahdeen, Hadda Naga Raali noqo waanu kugu khaldanaye!! Ayaan Markay ka dagtay Baskii Waxay Rumeysneyd in nolosheeda Gabi ah aan muuqeediiba uu isbadelay, Waxay Aragtay in ay ku nooshahay Duni kale, Aysan lana qabsan karin asaageed, Ayaan ugu Danbeyntii waxay soo gaartay xabsigii, Waxaana Bariidiyay Askar Ogeyd Dhibkii soo gaaray waqtigii ugu danbeysay!! Waxay Dhamaantood la yaabeen dhibaatadda ka muuqatay inantan, Waxayna Rumeysan waayeen in Gabar da'deeda ahi ay ugu Samri karto dhibkan intaa la eg !! Waxay kawada qiiroodeen sida inantan u jeceshahay Ninkan Iyo Siduu uga Xumaaday !! Waxay Dhamaantood Dareemayeen Naxariis Iyo Xurmo ay u hayeen Gabadhan Daacadda ah!! Waxayna Salaan Ka dib Weeydiiyeen Walaal iska waran soo noqotay? Waxayna ugu Jawaabtay iyadoo Naxsan: Yaxye See Yahay? Ma Nool Yahay? Alla Ma Joogaa? Alla i Tusa? Waxay Iyagoo Yaaban Askari Amar ku siiyeen in uu soo bixiyo una geeyo qolka kulanka! Kuna yiraahdeen haa wuu fiican yahay hadda lagu tusayaa !!Waad Mahadsan tihiin horana u carartay Fariisatayna qolkii iyadoo sugi la'aragiisa, Waxaana Muddo yar ka dib u muuqtay, Muuqaal ay ku diirsatay Waxaana ka shubmay ilin aan joogsi lahayn.
Waxa xiligan jirtay, Qorax uu jirku ku diirsanayo waxaa cirka ku gadaamnaa, Daruur aan kala go'aynin oo muuqeedu u roonaa arga, Jawiguna waxuu ahaa mid dagan waxaa dhacaysay neecoow yar oo u rooneyd dareenka jirka oo ruux balba, Waqtigan Ayaan Waxay Fadhiday iridda guriga yar oo ay la kireysatay gabdho dhoowr ah oo ay isku dan ahaayeen, Waxay Kalinimadani Sababtay in ay Ayaan Maskaxdeeda ku soo dhacaan waxyaabo badan oo nafteeda ilaawi weyday.
Waxay Xasuusatay waqti wanaagsan oo soo maray waxay is barbar dhigtay waqtiga sida uu yahay iyo siduu bari ahaan jiray, Waxa Ilinta ka shubmaysa keenay Xasuus dheer oo ay xasuusatay sidey bari ahaan jireen kuwa wada qeybsada Dareenka rabitaanka ah ee ka dhaxeeya Jaceylkeeda dhabta ah ee Yaxye iyosida ay maanta uga takooran yihiin Eheladoodii iyo dhamaan Asxaabtoodii ay bari waqtiga wada riixi jireen, Waxaa maskaxdeeda qaadi weyday Aduunkan balaaran oo bilicsan oo ula ekaa mid madoow oo ay kali ku tahay Waxay ka tiiraan yootay dhibaatada, Xoriyadarida iyo sharaf daridda uu ku sugnaa inanka ay calmatay.
Ayaan oo subaxaas isu diyaarineysay booqasho ay todobaadkan oo dhan dharareysay hase yeeshee waxay ku nagaatay Meeshii muddo dhowr Sacadood ah iyadoo an inaba dareemeyn socodka waqtiga fakar awgi-
Waxay Ayaan Waqtigan iyadoo waxyaabo badan oo nolosheeda ku saabsana Xasuustooda ku raageysa, Runtiina Dareenka ka muuqdo Wajigeeda oo uu ahaa mid laga tiiraanyoodo ayay tirisay Maansadan Gaaban iyadoo markaa ag fadhiyeen labo saaxiibadeed ah, Ayaan waqti dheer kumay qaadan tirnta Maansadan ee waxay ahaayeen Hadalo Gaagaaban oo ay ku dhawaaqeysay, Waayo waxay runtu tahay in qofka wax alifi karaa marka qofku waxa uu ka maansoonayo ficil ahaan u arko oo uu wanaag iyo Xumaan waxa uu leeyahay dareemo , Ayaan waxa iyada oo ilmaynaysa hadaladeeda ku biloowday:-
Ayaan Markay dhamaysatay tixdaan waxay ku daahday Oohin dheer oo runtii ku saleysneyd garwaaqsasho ay garwaaqsatay wixii dhacay, Waxay kaloo arintaasi sameeyneysay , Saaxiibadeed oo la fadhiyay, Waxayna ugu danbeyntii u diyaar garawday in ay u dhaqaaqdo xabsiga iyadoo ay weheliyaan laba Saaxiibadeed ah waxayna kawada sinaayeen Aamus dheer oo midba mida kale la hadlin waxayna ugu danbeyntii soo gaareen Jeelkii halkaas oo ay dib u heshay Farxadeedii ka maqaneyd muddo saacadaah ka dib markay aragtay Yaxye oo nafteeda u oomaneyd waxay ayaan is bartay wiilkan ay jecleyd iyo Saaxiibadeed , Intaas ka dib ayaa waxaa ku soo biiray Dadkii Jaamac oo ahaa Yaxye Adeerkii ahaana nin a Ayaan Nolosheeda baal dahab ah ka galay, Waxuuna Jawiga u muuqday mid is badelay Maalinkii Jaamac ka dib.madaama uu ayaan ka mudnaa Qadarin, Waxaana waqtigii Qadada Laga Dareeray iyadoo la is wada raacayo, Waxaana intii Baska loo taagnaa Gooni isula baxay Ayaan Iyo Jaamac oo doonayay in ay kawada hadlaan wax u gaar ah.
Waxaana Hadalkii ka biloowday Jaamac oo hadlay:-Adeer waxaan Damcay qorshe aan rabay in aan kula socodsiiyo kaas oo ah, Waxaa laga yaabaa in ninkan dhowaan la soo daayo waxaana hubaal ah in marka la soo daayo uu wixii dhexgalayo, Ayna iila muuqato in laga fakiro taas waxaana ila hagaagsan in la geeyo meel uusan ka heleyn waxyaabaha duleeynaya oo lagu soo hayo ilaa inta uu ka ilaawayo ka dib lagu soo dhexdaro darkiisa ee see kuula muuqataa Arintaas?-
Ayaan:- Adeer waa arin Wanaagsan ee yaa yeelin sidaas halkeese la geeyn yaase ku hayn halkaas? Jaamac Adeer aniga ayaa raba in aan arinkan fuliyo, Waxaanan rabaa in aan geeyo meel miyi ah oo aan ku hayo ilaa muddo inta uu ka hagaagayo.
Ayaan:- Adeer ana waan kula garab taaganahay ee fadlan arintaa Ficil ahaan u muuji, Hadey dhawowdana Micnaheedu waa in aad laba nafood badbaadisay waxaana Hubaal ah in aad aduun qurxoon ku dakayn doontid , Bal taa iyada ah Aan Aragno Waqtiga uu soo baxo.
QAYBTA SHANAAD.
Bixidii Yaxye dhinaca Baadiyaha, Waxay aheyd goor maqrib ah markuu dhinaca Bidix ka soo galay galay Yaxye oon cagaha ku joogin hiloow weyna u qabay in uu mar dhabankeeda dhalaalaya dibnaha Saaro
Ayaan Markay dhamaysatay tixdaan waxay ku daahday Oohin dheer oo runtii ku saleysneyd garwaaqsasho ay garwaaqsatay wixii dhacay, Waxay kaloo arintaasi sameeyneysay , Saaxiibadeed oo la fadhiyay, Waxayna ugu danbeyntii u diyaar garawday in ay u dhaqaaqdo xabsiga iyadoo ay weheliyaan laba Saaxiibadeed ah waxayna kawada sinaayeen Aamus dheer oo midba mida kale la hadlin waxayna ugu danbeyntii soo gaareen Jeelkii halkaas oo ay dib u heshay Farxadeedii ka maqaneyd muddo saacadaah ka dib markay aragtay Yaxye oo nafteeda u oomaneyd waxay ayaan is bartay wiilkan ay jecleyd iyo Saaxiibadeed , Intaas ka dib ayaa waxaa ku soo biiray Dadkii Jaamac oo ahaa Yaxye Adeerkii ahaana nin Ayaan Nolosheeda baal dahab ah ka galay, Waxuuna Jawiga u muuqday mid is badelay Maalinkii Jaamac ka dib madaama uu ayaan ka mudnaa Qadarin, Waxaana waqtigii Qadada Laga Dareeray iyadoo la is wada raacayo, Waxaana intii Baska loo taagnaa Gooni is ula baxay Ayaan Iyo Jaamac oo doonayay in ay kawada hadlaan wax u gaar ah.
Waxaana Hadalkii ka biloowday Jaamac oo hadlay:-Adeer waxaan Damcay qorshe aan rabay in aan kula socodsiiyo kaas oo ah, Waxaa laga yaabaa in ninkan dhwaan la soo daayo waxaana hubaal ah in marka la soo daayo uu wixii dhexgalayo, Ayna iila muuqato in laga fakiro taas waxaana ila hagaagsan in la geeyo meel uusan ka heleyn waxyaabaha duleeynaya oo lagu soo hayo ilaa inta uu ka ilaabayo ka dib lagu soo dhexdaro darkiisa ee see kuula muuqataa Arintaas?-
Ayaan:- Adeer waa arin Wanaagsan ee yaa yeelin sidaas halkeeso la geeyn yaase ku hayn halkaas? Jaamac Adeer aniga ayaa raba in aan arinkan fuliyo, Waxaanan rabaa in aan geeyo meel miyi ah oo aan ku hayo ilaa mudlo inta uu ka hagaagayo.
Ayaan:- Adeer ana waan kula garab taaganahay ee fadlan arintaa Ficil ahaan u muuji, Hadey dhacowdana Micnaheedu waa in aad laba nafood badbaadisay waxaana Hubaal ah in aad aduun qurxoon ku dakayn doontid , Bal taa iyada ah Aan Aragno Waqtiga uu soo baxo.
QAYBTA SHANAAD.
Bixidii Yaxye dhinaca Baadiyaha, Waxay aheyd goor maqrib ah markuu dhinaca Bidix ka soo galay galay Yaxye oon cagaha ku joogin hiloow weyna u qabay in uu mar dhabankeeda dhalaalaya dibnaha Saaro Inantan Qurux iyo soo jiidasho haweenba u sugnaadeen, taasoo ula muuqatay in culoys weyni ka harayo Ayaan waxay waqtigan ku mashquulsanoyd Nafteeda waxayna ku aheyd lama filaan waa aragtida Yaxye, Waxayna awoodi weyday Hadal, Waxayna Awooday oo kaliya Oohin Farxadi Keentay.
Kulankani waxuu ahaa mid farxadi iyo isjaceyl badani ka muuqdeen, waxayna Oohin Iyo Aamus dheer ka dib bilaabeen hadal iyo iswareysi Ayaan ah..Ah Gacaliye Goormaa lagu soo daayay? ii waran Yaxye Ah...Ah Gacaliso Hadda Ayaa la i soo Daayay ee ma ladan tahay, Ayaan Waan Ladnahay hadda waxna igama maqna ee Maxaad Adigu Damacsantahay Yaxye: Waxaan Damacsanahay in aan Nolo Cusub kula Bilaabo una soo Jeesto danaheena waxaanan Jeclahay in aan yeelo waxaad igula talisid Waayo Ruux aan kaa jeclahay wali lama Uumin.
Ayaan:- Waan ku Faraxsanahay Ereyadaada Qiimaha leh waxaanan kuu sheegayaa in aan ka tashanay Aniga Iyo Adeer Jaamac in aad aadid Baadiye ilaa mudana soo joogtid si aad u badishid Nolosha aadna dib ula qabsatid bulshadda iskana dhaaftid waxyaabaha aan noloshaada u fiicneyn ee aad isticmaashid waxaana rajeynayaa in aad taladeyda qalbi wanaagsan ku soo dhaweysid.
Yaxye: Runtii waa talo aad u wanaagsan waxaana aad ugu faraxsanahay sida hagar la'aanta ah ee aad noloshoyda uga fikireysid waxaana Diyaar u ahay in aan baxo waqtiga ugu horeeya ee suura gal ah.
Ayaan: bixidda Yaxye Iyo Fogaanta uu ka fogaanayo waxay ula muuqatay dhib iyo Walwal hor leh waayo aragtida ay aragto asaga ma ay jirin wax u dhigma oo nafteeda ku qanci kartay, Laakiin waxay wax walba ka hormarisay dantiisa oo ahayd wanaagiisa markaas ayay iyadoo tixgalin siineysa arimahan bartay nafteeda Samir Iyo Adkeysi diyaarina ku biloowday Boorsooyinka uu safri lahaa, Habeen ka hor bixidiisii waxaa kulan farxad leh isugu yimid, Jaamac oo ahaa Adeer Wax garad ah iyo Labadan qalbiga ka mataanoobay, Kulankan waxaa duco Iyo Dardaaran dheer lagu gudoon siiyay Yaxye laguna Rajeeyay in ilaah ka dhigo kii lagu tashado, Waxay Ayaan Subixii sii dhaweysay Yaxye Waxayna u hibeeysay Duco iyo in uu sharaf iyo Wanaag kula soo noqdo bulshadda, Kuna tiri iyadoo ilmeyneysa Gacaliso Soo Noqo adoo Nabad ah.
Ayaan waxay soo laabatay iyada oo cagajiid ah, Qalbigana ka daalan, Ha yeeshee Waxay is weeydiisay Baadiye Boosta Ma leedahay? Yaad Waraaqo ugu sii dhiibi,? Fakar Dheer ka dib waxay gashay Raadis dad aadaya dhinaca Baadiyaha, Waxaana Farxad wey u ahaa inay heshay nin ka ganacsada Xaaladaha mar walbaadana Baadiyaha uu Yaxye Aaday waxayna kula soo laabatay gurigeedii Farxad Iyadoo uu hadda sii Maqan yahay Saddex Cisho Kaliya Hasoyeeshee ula muuqatay Boqolaal Sano oo aad u xunxun waxayna si Degdeg ah ugu Ogolaatay in qalinku ku duldhaqaaqo warqadda dusheeda Waxay ayaan Goor Maqrib ah Jawiguna aad u dagan yahay Hoos Fariisatay Geed ku hoos yaalay Gurigeeda. Ayaan Waqtigan Waxay diyaar u aheyd in ay u qorto warqad Gacaliyaheeda, Waxayna Dhibsaneysay Buuqa waxayna dhmaan Xubnaha Jirkeeda diyaar u ahaayeen qoridda Warqadan Qiimaha leh Waxayna Xasuus iyo Fakar dheer ka dib waqti u heshay inay ku biloowdo warqadda sidatan:-
"Gacaliye Yaxye:- Gacaliye iga Hanti Salaan iyo Duco aan kuu hobeeyay, Salaan ka dib waan ladnahay hasoyeeshee nolosheydu wax qiimo leh iilama muuqato mar hadaan muuqaaga arkayn, Ogowna Marnaba Farxadi iima soo hoyaneyso ilaa aan ifka kugula Mataanoobo in kastoo adan agteyda ka muuqan haddana waqiiqad walba waxaan weheshadda muuqaaga aan dhabta ahayn waxaana qabsatay dhamaan Maskaxdeyda Qeybta Xasuusta Runtiina Kama Fikiro wax kale mana jiro qof iila kaa dhigan aduunkaan balaaran in kastoo nolosheenu taan ahayn waqtiyadan haddana waxaan mar walba ku lahaan Samir. Aboowe Macaane sidaad iigu Ogeyd Waan ku jeclahay in Kastoo ay damceen in ay inakala dilaan, Waxaan ka doortay in aan kula ahaado hadba sidaad tahay, Waxaad ku jirtaa Nolol Aadan hore u arag ee u samir Waqtiga una adkeyso wax kastoo kula kulma intaad nooshahay adoo maskaxda ku haya inaan marnaba waqtiga xumi kula dhalan aadna Dhib-dhib iyo Dheef kala mid tahay Aadanaha Intiisa Kale, Ha ku fikirin in aad sii wadid wixii sumcadaada Iyo Noloshaada wax u dhimaaya ana waxaan ilaah ka rajeynayaa in aan kulano adoo bilicsan oo barwaaqeysan ahoow mid u aragti dheer Nacabkiisa soona dhaweysta kuwa Naxariista Niyadda ugu Haya ana Waan ku Sugayaa Nabadgalyo -----Gacalisadaa Ayaan.
Ayaan Markay Dhameysay Waraaqdii Una Dhiibtay Ninkii Qaadi Lahaa waxay ku fakartay kuna dhaqaaqday in ay shaqo fara badan qabato maadaama ay nafteedii Masulka ahayd ayna dooneysay in ay caawiso oo ka warqabto kay nafteeda Calmatay oo dhinaca Baadiyaha loo geeyay qurxinta noloshiisa Iyo Qiimo u yeelidda Naftiisa, Ayaan Wey daashay shaqo badan awgeed Haseyeeshee wey ku niyad Sameyd, Way murugtoola oo macaluushay Fakar iyo Isla Hadal ay ku fogaatay ilaa ay aragtay in ay ku sheekeysato kuna qososho darii-qyada kaligeed sidii iyadoo Saaxiibo badan latamashleeyneysa taas oo ay sababtay jacayl ku kaliyoobay iyo Ehel la'aantii aysan jirin qof ay u ciirsaneysay aduunkan Balaaran.
Ayaan waxay Saaxiibadeed Sheegeen in ay jaceyl ka dhabta ah aaminsaneyd oo daacadnimadu ku jirto una jiro qof kula qaybsanayaa uu yahay caafimaad uuna ka badbaadiyo qofka cuduro halis ah, Uuna qofkaasi ka farxad badan yahay, Kana Firfircoon yahay qof ka caadiga ah, Ha yeeshee waa cudur ayay tiri waana ayaan daro qofkuu kalinimo ku helo, Ayaan waxay heshay Jawaabtii warqadii ay bil ka hor u dirtay Gacaliyaheed Iyo Waqtigan aad u fakarsaneyd aadna u dharareysay in ay aragto waraaq uu yaxye soo qoray waxayna warqadiisii ku bilaabatay:- 25/5/1965.
Gacaliso Ayaan: Waan helay Warqadaadii hadaladda Wanaaga Iyo Sharafta leh ka muuqdeen waana fahmay Erayadaadii waana ku farxay runtii, Waxaana kaa codsan ayaa in aad iga hantidid Salaan la mid ah taad ii soo dirtay, Ka dib waan Caafimaad Qabaa Adigana wax aan kula jeclahay sidoo kale.
Gacaliso Waxaan Joogaa Baadiye way dagtahay sidaan ula qabsan lahaa noloshan, Waan qabatimi la ah ay mugdiga Habeenkii cabsiyina wey ii dheer tahay laakiin kuma tashan inaan ka imaado adoon raali ka ahayn.
Warqadaadii iigumaad sheegin wax walba saan u rabay waxaan filayaa inaad maanta dhiban tahay, Dhibkaas oo runtii aan anigu ku baday, Waana Garwaaqsanahay in aan danbi intaas la eg kaa galay, Mana gudi karo abaalkaaga laakiin waxa aan marwalba ku fikiraa bal in anigu hortaada imaado mar uun, In kastoo waqtiga iyo dhalinyaranimadu i qaaday haddana mar walba waan ku jeclahay waxaana kuu sheegayaa in aanan gabadh kaleba … inta aad aduunka ku nooshahay, Waxaanse kaa codsanayaa in aad ii dulqaadatid dhibka aan ku baday, Waxaan dhibkeyga ah Aragti lanteena, Ha yeeshee waynu kulmi doonaa mar uun, Aanse kaa helo Fadlan waraaqahaaga Bilicsan, Waxaana kuu rajeynayaa Nolol wanaagsan iyo is arag wacan Nabadgalyo Gacaliyahaagi Yaxye.
Ayaan Markay Dhameysay Akhrintan Waraaqdan Wax ay Dareemeysay Nafis Iyo Culeys ku dhacay, Waxaana ku abuurmay Nafteeda Farxad aan durugsaneyn oo ku sugneyd Daqiiqadahaas waxayna is tuseysay Riyo iyo waxyaabo dhalanteed ah waxayna Maalinkaas ku shaqeyneysay Farxas Kulana dhaqneysay dadka Dabeecad aan hore looga baran, Ayaan markay ka soo laabatay Shaqadii goor galab ah ayay guriga kula kulantay Walaalkeed Cabaas, oo ku sugaya Guriga aysan Aragnaa Muddo laba todobaad ah Waxayna Farxadeedii hore ku biirisay mid dareen walaalnimo oo ay dareentay waxay na ka wareeysatay Dhamaan Reerkii yar iyo weynba isna wuu uga waramay si ayna hagari ku jirin una xog waramay ka dib walaalkeed yar maskaxda iyo Caqliga aan ka yareeyn u dheegay Hadalo waano iyo Calaacal isugu jiray, Cabaas Abaayo waan ogohay in aad dhibaataysan tahay noloshuna qiimo lahayn farxad la'aanteed runtiina Anigu Qof ahaan waan kugu garab taaganahay inankan aad jeceshahay oo waxwalba oo farxadaada ah, Ha yeeshee anigu maanta waxba kuuma qaban karo taas oo ah taan marwalba ka murugoodo, waxaase laga yaabaa in maalin uun jiri doonto aan farxad kuwada iidno adigana lagaa rabo inaad Samir weheshato una Samirto Wax walba, Shaqdaadana aad wadatid:-
Ayaanoo ilmeyneysa Ayaa ku Jawaabtay:-
Ayaan: Walaal Waad ku mahadsan tahay waanada Waxtarka leh ana aan kaa balan qaaday in aanhadalkaaga si dhab ah u dhageysto, Adna waxaan Caadilka Kaa baryayaa in barwaaqo iyo Cafimaad ku waarto, Waxayna wada Caweyn Dheer ka dib u sii dhaweysay Walaalkeed Xaafadisii kana codsatay inuu Salaan ka gaarsiiyo Waalidkeed Asna uu ka aqbalay.
Ayaan waxay mudo badan ku nagaatay kalinimo iyo nolol aan macaan lahayn waxayna ahayd Rajo ku nool mar walbana ku hamiyaysay in ay heli doonto waxay dooneyso waxay marwalba qorsheysay Waraaqaha Dugaalna ka dhiganeysay Waraaqihiisa.
QAYBTA LIXAAD.
Anba Bixii Yaxye Dhinaca Dibadda.
Yaxye in kastuu dhibsanayay Baadiyaha haddana Waxuu ku nagaaday halkaa ilaa Muddo labao Sano iyo Bar ah kuna gaaray halkaa Dantiisii.
Yaxye inkastuu Arag Gacaladiisii Ayaan haddana wax ay ula muuqatay ayna kula taliyeen Asxaabtiisii uu muddo la joogay in uu dibadda u shaqo tago uuna raaco maraakiibta Iyo Doonyaha ka baxa dhinaca Xeebaha bari isla markaana go'aan ku gaaray isaga oo eegaya laba sababood tan hore bal in uun mar uun wax helo una abaal gudo ayaan oo ahayd Gabar Qaali ah uuna u shaqeeyo si adag maadaama uu ahaa inan qura ehelkiina deyrsheen cidna aan ku tiirsaneyn iyo isaga oo aan inaba Jacayl u heyn ku noqoshadda Magaaladda oo uu u arkay meel noloshiisa xumeeysay xasuus xuna ku reebtay qalbigiisa asagoo murugeysan aadna uga xun ay uu ka shiraacday Xeebta Magaaladda Ceerigaabo asago shaqo ka helay Markab isaga goosha Wadamadda Carabta Yaxye Waxaa ka muuqday Caro, Naxdin, Iyo Ciil Waxuuna ka welwelay Halkee ayay ku danbeyn Nolosha Ayaan? Ma is Arki Doontaan? Ma waxaan uga Tagay Kalinimadii? Ma dhacaa In Shaqsi Dartaa darxumo intaa la eg u la kulmo? Mana dhici kartaa inaan sidaas isu arag mar danbe? Haddii Dhacdo Maxay tahay Shakhsiyadeydu Miyaanse anigu Sabab u ahayn Geerideyda iyo darxuma-day ku mudatay aduunka guudkiisa? Su'aalahan Faraha badan ayay ahaayeen kuwii sida aadka ahaa u mashquuliyay ka hor bixidiisa waxuuna isagoo aad u murugeysan u qoray warqad uu ugu sheegayo sida uu go'aankan ku gaaray iyo siduu uga xun yahay is arag la'aanta waanatan Warqadiisii:-
" 19-Sebtebbar 1967, Gacaliso Ayaan:Sidee Tahay ma iga aqbali kartaa Salaanahayga diiran Iyo Ducooyinka ka dib waan caafimaad Qabaa laakiin waxaa si naxariis ku jirto kaaga codsanayaa in aad cafis dhab ah i cafsid madaama aan dhibaato u geystay Naftaada waxaad kaloo iga hantidaa Mahad Balaaran oo aad ku kasbatay waraaqahaagan xiisaha Badan Iyo Qalbigaagan Daacadnimadda iyo Jacaylku Ka buuxaan, Waxaan Jeclaan lahaa in aan halkan kuugu sheego in aan Go'aansaday in aan aado Dibadda aano shaqo kahelay- Markab una kicitimay Magaaladda Cadan 19-9-1967 Waxayna arintan iga tahay Da'daal ha'yeeshee waxaa dhab ah in aan ku jeclahay, Waxaa kaloo jira in aad muddo i sugeysay iina samreysay mana aha mid aan kaw iyo laba Oran karo inta aad danteyda u diyaarka ahayd Waxaanad iga rumeeysataa inaad mar walba ku dhex sawiran tahay Qalbigeyga, Waxaan Balan Qaadayaa inaa Xajiyo Axdigeena.
Adoo u eegaya inaan danteena u kicitimay waxaan ka codsanayaa Samirka, Kartida Iyo Dulqaadka noloshada salka u noqday inaad laban laabtid.
Gacaliso Kuuma abaal gudi karo Kumana abaal marinkaro ee waynu is arki doonaa way ahaan mar uun farxad muddo dheer inaga maqneyd in aan dib u hantino!! Ogoow in Ninkii reer isbeyn uu ku dhameystay Maalmihii u danbeeyay Noloshiisa Farxad Ka dib markii uu muddo dheer ku dhex jiray Fakar, Murugo, Jiro, Iyo dhibaatooyin fara badan taana macnaheedu waa in muddo yar oo aad faraxsan tahay ay ku iloowsiin karto kaagana wacan tahay wax kasta, Kaasho Caqligaaga Niyaddana Adkee, Aniguna waan kula Kulmi doonaa Hadd ii eebe idmo.
Waqti Wacan oo aan wada yeelano Iyo Is arag dhabe oo wanaagsan Ayaan ilaah ka rajeeynayaa -Aamiin.... Ha ilaawin Marnaba Gacaliyahaa Yaxye..
Yaxye Bixidiisaba Waxuu bilaabay Shaqo kuna daalay dibna u soo jeedsan waayay, Isagoo aysan Madaxiisa Marnaba ka maqneyn dhibaatadaa Haysatay Saaxiibadii, Ayaan Waxay ka mid aheyd riyooyinkiisa in uu mar ka ka saaro Fakarka ka dibna uu ku soo daro bulshadda Saaxiibadii Ayaan., Ayaan Markay soogaartay waraaqdii Yaxye uga sheekeeyay bixidiisa waxay ku noqtay Go'aan aysan marnaba fileyn waxayna waqtigan awood u heli weyday in ay wax ka tiraahdo arintan kuna noqotay Aaamusiyo isbedel ku dhacay gabi ahaan inantan muddo dhibaateysneyd, Saaxiibadeeda la noolaa waqtigaas waxay yiraahdeen Ayaan Waxaa ku dhacay Warqadan ka dib isbedel xaga Maskaxda ah taas oo Sababta ugu weyn aay tahay Ayaan oo warqadan ka hor aad u faraxsaneyd Waayo waxay isu diyaarineysay booqasho qiimo u lahayd oo ay ugu kicitimi lahayd saaxiibkeed Yaxye oo aysan Muddo Arag, Ha yeeshee Warqadan waxay aheyd tii wax u dhintay dareenka Ayaan oo rumeeysatay waqtigan in dhibaatadda dhinaceeda ahaan doonto waxayna u muuqatay, Gabar Maskax ahaan Iyo dareen ahaanba ka jiran isuna badeshay Gabadhii beri bilicda lagu tilmaami jiray mid bukaan socod ah Alla Alla yaa baday dhibaatadda miyaaneysan Calaf ku lahayn Aduunyadda, In kastoo ay la dhibaatooneysay jirooyin da'weyn iyo kuwo ku soo biiray waayadii Danbe haddana shaqadeedii wey wadatay, Waxayna aheyd Gabar Dadnimo Iyo Wanaag loogu soo Hagaago, Ha yeeshee waxaa nolosheedee Saameyn ku yeeshay Su'aalo hortaagnaa, mar walbana ay ku tiraabeysay, Alla Ma runbaa warkani halkee waraaqaha ugu hagaajiyaa aniguse ma sidaan baan ku dhameysan aduunyadda ma laga yaabaa in aan mar danbe arko? Ayaan waxaa kaloo loo sheegay in uu ka guuray gabi ahaan rabitaanka iyo hawooyinka aduunyadda, Waxayna ku raagtay Kalinomo aysan waqtigana arag Gacaliyaheed Yaxye Muddo dheer oo ilaa lix sano ah kuna adkeysatay figradeedii ahayd ana yaxye ana Nolol aan dhan dhan lahayn iyo qiimo, Dhibaatada Nololeed Waxaa u dheeraa Iyada oo aan marnaba waraaqo ka helin siduu u aaday dibadda Gacaliye Yaxye, Waxayna isweydiin Jirtay Taloow ma nool Yahay?.
Yaxye in kastoo uu saaraa Markab dushiis Waqtiga intiisa Badan aanu arki jirin Bariga haddana waxuu taabtaabaa waxay ula muuqdeen Ayaan!!! Waqtiyadan danbe waxuu rumeeysnaa in noloshiisa ku dhamaan doonto Ayaan Aragti la'aanteed, Muu awoodin in uu waraaq u diro iyada kamuu helin wax waraaq ah, Waxuuna ku seegay Halkaa Farxad uu la qeybsan lahaa Ayaan una ogolaan waayay gabadhan in ay waqtigeeda qaadato kuna raaxeeysato aduunka, Yaxye in muddo ah hadduu la shaqeynayay Maraakiib kala duwan Waxuu Aakhirkii ku wareegay, Markab isaga Goosha Wadamada Yurub Lagaana lahaa Wadanka Talyaaniga Halkan ayay ahayd Markab Gudihiisa, Goor Barqo ah Maalin Khamiis ah 1972 Meeshuu kula kulmay Masiibo Xasuus ku reebtay dibna u dhigtay Socodka Noloshiisa, Runtii sida laga Wariyay waxuu yiri Ma dhameyn, Xasuusteydana ma joogin waxaana ka fakiraayay Ayaan Iyo sida Nolosheeda ku danbeyn doonto, Waxaana Waqtigan weheshanaayay Humaag Iyo Muqqaal aan jirin oo aan caadeystay in aan la sheekeysto kuna maaweeliyo nafteyda, Waxay aheyd Goor Subax ah waana maalintii Lixaad ee uu taagnaa Markabkii uu la shaqeynaayay Magaaladda Toriino ee Wadanka Talyaaniga Halkaasi oo uu qorshahu ahaa in uu taagnado Muddo Toban Cisho ah uuna ku dajiyo alaab ka dibna uu u shiraacdo wadanka Faraansa Waxaase Ayaan Daro u aheyd Yaxye in uu ku gaaray halkaa Dhaawac aad U culus ka dib Markii ay ka soo fakatay Alaab uu siday Wiish uu hoos taagnaa, Kagana Habsatay Qaarka Danbe uuna ilaa Muddo aan la cayimin Wehel Waayay Xiskiisiina uu ku nagaaday Isbitaalka ilaa Muddo Sideed Bilood ah waxuuna ku soconayay Qoryahah Caawiya Socodka Waqtigan Waayo mid ka mid ah Lugihiisii ayaa Socodkii gabtay.
Yaxye Maadaama uu Dhakhtar galay waxuu ku dadaalay in uu la yeesho Xiriir Ayaan, Sida Xaalku Yahayna waxuu afartii bilood ee ugu Danbeeyay waqtigiisii isbitaalka ku lumiyay waraaqaha u qorayay hasayeeshee kuma guuleysan in uu marnaba jawaabhelo, Waxayna Arintii ku sii kordhisay walaacii uu ka qabay nolosha Ayaan, Waxuuna aad ugu badiyay codsi ah in uu tago dhakhtaradii Daaweeyneysay waayo muu hayn wixii qancin lahaa Naftiisa Markaas ayuu isagoo ku adkeeynaaya ugu hanjabay in uu isaga u sabab noqon doono Goynta Ruuxiisa, Markaas Ayay Ku khasab noqotay in ay fasaxaan waqtigii loogu talo galay ka hor waxayna ku sii khasabtay in uu sii sugo ilaa muddo lix bilood ah, si loogu sii diyaariyo Xaqiisii Ayaan:oo aan Muddo Nolo Wanaagsan Ku nooleyn waqtiyaddii ugu danbeeyayna dhex dabaalaneysay moowjado fakar ah waxay heshay Waraaqdii ugu Horeysay ee ka timaadda Gacaliye Yaxye aabeyna runtii ugu faraxday Markay Aragtay Magaca Yaxye ee ku dul muuqday Waraqda hase yeeshee (Alla Wanaagsanaan Lahaydaa in ay SAN WARQADAN HELIN).
Iyadoo Degdeg u akhrineysa Waraaqdii Waxay Mareysay- Waxaan si xun u jajabay Qaarka Danbe Waxaanan Jiifaa Isbitaal ku yaala Magaaladda Rooma ee Wadanka Talyaaniga ilaah baa ogsoon sida aan noqon doono iyo waqtiga aan soo bixi doono!! Markii ay Ilin Qoysay Hadal Dheerna Kor Ugu Dhawaaqday alla-Ala Yaxye !!Alla Yaxye Oohin dheer Ka dib Awood umeey Helin in ay dib u maamusho Nolosheeda iyadoo adeegsaneysa Maskaxdeeda Waqtigan Ka badani Waxay ka tirsanayd Dadka Waalan Waxayna Meel Kasta Iyo Waqti Kastana ku tiraabeysay Alla Yaxye...Alla Yaxye Waxaa kaloo Jira in aysan Heysan wax xanaaneeya.
Saaxiibadeedii Danbe oo la shaqeyn jiray waxay ahaayeen dad hore uga Samray Ayaan, Sidaa Awaadeed Jiro Danbe ee ku timid Saameyn weyn kumey Yeelan Dareenkooda isla markaana awood umeey heyn in ay is ku wadaan Xanaaneeynteeda Iyo Shaqadooda sidaa Awgeed ayay Doorbideen in ayaan ku xereeyaan Isbitaalka Dad Waalan Lagu Xanaaneeyo Halkaas ayayna ku soo booqan jireen in kastoo aysan Gabdhahaani awood lahayn haddana wax qabadkooda Hagari kumeey jirin.
Mid ka mid ah Saaxiibadeed Khadiija oo ahayd Gabar Indheer Garad ah ayaa iyadoo ilmeyneysa Waqti ay booqdeen Ayaan waxaa Ereyadeedii laga Maqlay Afkeeda KA mid ahaa Marnaba Maan qosleen Mana Farxeen Hadaan Ogaan lahaa Saaxiibtey Ayaan Nolosheedu dhibaatada ay ku Saloysan tahay, Kumana Raaxeysan doono Nolosha inta aan Xasuusanahay in Walaalkay(Bini aadan) Kula il daran yahay Aduunka Gaajo, Cudur Iyo dhibaato kaleba, Allo Masaa laga yaabaa in aan dib u arko Ayaan oo Xayi iila Hadleysa!!!!!
Ayaan in kastoo ay waaleyd Haddana Waxaa Mar walbaa Afkeeda laga Maqlayay Yaxye Mee ma yimid, Maxuu iigu imaan Waayay.?
QAYBTA TODOBAAD.
Ku Soo noqoshadii Yaxye Dalka Iyo Noloshooda Waqtiga Cusub.
In kastoo uu Gaaray Yaxye Guulo Badan oo uu ku taamayay Noloshiisa Haddana Dareenka Jacaylka Ayaan ayaa ahaa mid si weyn looga Garanaayay Muuqaalkiisa Waxaa kaloo la ilaawi karin Saameynta Noloshiisa Iyo Hanaanka Muuqaalkiisa, ku yeeshay dhaawacsoogaaray, Wuu Daalanaa waxuuna doonayay inuu ku nasto aragtida Ayaan, Rabayna Dharaar Qura in uu dhinaciisa dhigo, Ayaan tusana … Jaceylka uu u hayo Waxuuna Daaweynta Naftiisa Qaaliga ah ka door biday in uu u soo cararo, Ayaan isagoo Oranaya, Idaa aan arko inta uu mowdku noo iman, Markaas ayuu u soo baxay Wadanka 28-Sentebar 1973 Waxuuna Dareemay Farxad wal wal iyo Naxdin ma uu qiyaasi Karin Farxad ugu weyn aragtida Ayaan Waxuuna Yiri Marnaba Kumaan Fikirin Wax kale Waqtyadii ugu Danbeysay Nolosheyda intaan Ayaan ka ahayn Waxaa kaloo i Farxad Galiya maan arag iyadda Mooyee.

Waxuu ka soo dagay Garoonkii Dayuuradaha ee Muqdisho, Isagoo ku boodaya Laba Birood Si Hal-Haleel ahna ugu booday Taksi Yaalay Meesha Kana Codsaday in uu ula cararo Dhinaca Hoowlwadaag Waqti aan dheeryn ka dibna Waxuu soo gaaray Meeshuu Rabay Waxuuna garaacay Irid aan laga Filayn, Waa Gurigii Ayaan ku Nooleyd Kuna Weyday Xiskeedii Waqtigii U Danbeeyay Jacaylka Ay u qabto Yaxye, Awgiis, Hasae Yeeshee Muu fileyn Masiibadan ku timid Gacaladiis Ayaan Waxaa ka furay Iridda Khadiija oo ahayd Gabadh hanaan Quruxeed Iyo Hibo Eebe U siiyay, Markiiba Waxay garatay Yaxye Laakiin may awoodin in ay salaanto Naxdin Awgeed, Waxayna Hadal Yar Ku tiri Soo Dhawow Yaxye, Yaxye oo iridda Soo dhaafaya meeday Ayaan ma joogtaa? Ma Furudaa? Halkee Jirtaa? Khadiija may awoodin in ay ka jawaabto su'aalahan isla markaasna waxaa yaxye dareen ku abuuray shucuurta aan wanaaga lahayn Iyo Jawaab la'aanta, Markaa ayuu door biday inuu aamuso isagoo aad moodid in loo soo sheegay Geerideeda, Ha yeeshee Caasho oo ku soo Baraarugtay Aragtida Yaxye una muuqatay inay hayeen wax Naxdin Iyo Farax ayaa hadal Dheer ku tiri Caasha Yaxye!! Walaal Ayaan Isbitaalka Ayay Jirtaa Yaxye ah..!!Alla Maxaa Ku dhacay? Walaal? Caasha Aamus yar walaal Wey Xanuunsan tahay: Yaxye "Halkee Laga qabtay.
Walaal Isbitaalkee Jiiftaa? Ilaa Goormay Jiraneyd? Caasha "Walaal Waxaa laga Qabtay Madaxa Waxayna ku jirtaa Isbitaalka Qaybta Cuduradda Madaxa ilaa Muddo hal sano iyo Barah, Yaxye oo ilmeynaya Aah..Ah.. Walaal Kaalay Ii Geeya Ayuu ka codsaday wayna ka yeeleen iyaga oo u arkayay Saaxiibtoodii Qaaliga Ahayd Daawadeedii Waxayna U Carareen Dhinacii Isbitaalka, Yaxye Dareen Muu lahayn In Kastoo aan haddana Adkeysiga Iyo Ad-adayga ni'nimo ka maqneyn haddana muu awoodin in uu ilmadda iska duwo, Waxuuna dib u gocanayay Meelihii Madoobaa ee uu soo maray Waxaa kaloo Maskaxdiisa ka maqneyn Nasiib Xumadda soo Martay Jacaylkooda Waxuu isweeydiiyay Ma'anaa masuul ka ah dhibaatadda Nololeed ee soo food saartay Inantan? Yaxye Muu Garaneyn Waxa uu isbitaalku ku yimid waxay soo gaareen ugu danbeyntii Isbitaalka ayna kula kulmeen irida Mid ka mid ah dhakhtaradda Isbitaalka oo Xaalka Ayaan Si Wacan Ula Socday Waxuuna Markuu Arkay Gabdhihii si Farxad leh ugu sheegay Hadalkan: Dr. Waxaan Idinku Bishaareynayaa in Ayaan Labadii Cisho ee ugu Danbeeyay soo roonaaneeysay, Ayna iska deysay Hadalkii Badnaa iyo Cararkii Balse ay dhahaysay oo kaliya Yaxye-Yaxye Aaway ma yimid , Markaa waxay u muuqataa in ay u baahan tahay oo kaliya Wiilkan ay sheegeyso Aragiisa.
Caasha ee is hayn la ayaa la soo booday Alla Dr, Waakan Yaxye!!Hadduu Yimid Alla Fadlan Waakan Tus! Haa Ma Wiilkan Baa Khayr ma la hubaa waa Kheyr!!!! Yaxye Dakteere Waa Aniga Waykan i Tus! Docteer, Aniga ayaa marka hore u tagaya, Waxaanan Rabaa in aan si Tartiib ah ugu sheego ka dibna aan tuso asaga Markaa idinku iska taga inankuna halkan ayuu joogayaa, Caasha Iyo Khadiija Waa Yahay Dakteer, Markaas ayay Yaxye Ku Jeesteen Walaal Waxba ha is Murugeyn Way ladan tahay Wayna ladnaan Doontaa Hadey adiga ku aragtee ee isku day sidaad adigu u qancin lahayd Yaxye Hadal Yar buu ku yiri Waa yahay Waan u qaban wax kasta ee aan awoodo, Waana ku mahadsan tihiin taladiinan Wacan ee iska taga idinku. Khadiija Iyo Caasha way Bareynan, Yaxyana waxaa la fariisinayaa Qol inaba isaga ee aan sugi karin Araga Ayaan ha yeeshee aan jecleyn in uu ka gudbo taladda Dhakhtarka, Docter Sakariya ee ahaa Lixdan Jir Waayo aragnimo ku filan lahaa waxuuwareysi ugu dhaqaaqay Ayaan, Asagoo Keenaya Xafiiskiisa Waxayna u Dhacday sidan:- Dr.Ayaan Sidee Tahay, Ayaan Waan Ladnahay Docter Yaxye-Yaxye Ma yimid haa waan rabaa inaan baxo Yaxye , Dr.Ma Jeceshahay Inaad Yaxye Aragtid Buuqase Ma kaa bi'in?.Ayaan haa Docter Waan Jeclahay in aan arko Waxaan Hubaa in Buuqa Iyo Wareerkaba iga bi lahaa.
Doctor: Hadaba aan kaa Farxiye Yaxye Anaa Arkay waana ku tusayaa haddii laba Daqiiqadood Gudahood Caadi ku soo noqotid, Buuqa Iyo Fakarkana iska Dhaaftid, Haddana Orod oo is Nafiifi iskana dhig qof loo imanayo bixina doonta, Hadaanse Khalad Yar kaa arko kuma tusayo Yaxye!! Gabar Dheer oo aad u Caataysan Madaxana aan timo lagu arag, Madoow aan Asli ahayn oo darxumo Keentay Runtiina Isha Aragtaa aay qiyaasi Kartay in Bilic Haween ay lahaan jirtay ayaa u carartay dhinacii ay seexan jirtay biloowdayna is diyaarin iyo dib u habeyn Naf ay mar hore Dayrisay, Dr:Sakiraya Waxaan hubaa in ayaan ay aad ugu faraxday hadalkaan u sheegay waxaase Walaac igu Abuuray Ayaan oo markay iga tagtay aad u qosleysay una boodboodeysay anan ka baqay inay ku sii waalato Dr.Sakariya oo u tagay Yaxye Ayaa ugu Bishaareeyay in ayaan aad u ladan tahay, Yaxye Ah ah alla Doctor maad mar uun i tustid, Dr; Waan ku tusi Laakiin ma doonayo in kulankiinu Noqdo Mid Kadis ah waana kulmi doontaane mar dhaw haddii Eebe Idmo Waxaase kaa codsanayaa in aad Gabadhan si wacan ula dhaqantid oo aad ku da'daashid sidii aad ula dhaqmi lahayd oo ugu dajin lahayd Qalbiga Ugu Danbeyntiina Dr:Sakariya Waxuu u dhaqaaqay dhinicii qolka Ayaan Waxaana la garan karay Farxadda ku Aasneyd Qalbigiisa iyadoo aay ula muuqatay Caafimaadka Ayaan Farxad Shakhsi kasta Taabaneysay Waxuu soo Galay Qolkii Ayaan WaxUUNA ISHA KU dhigtay iyadoo Diyaar ah Fadhidana Sariirta dusheeda una muuqatay mid aan waligeed jirin Farxadda Wajigeeda ka muuqatay Iyo Bilicda Dharka ay labisneyd ayaa ahaa kuwii ishii Aragtaa ilaawi karin, Waxayna Su'aal Dheer ku tiri Aaway Yaxye Doctoorkiina Si Naxariis leh ayuu ugu Jawaabay Waa Joogaa oo adiga ayuu ku sugayaayee ina keen, Waxay ku soo istaagtay si degdeg ah, Ha yeeshee Indhahay wax ku rumaysan kartay, Waxayna ula Muuqdeen Hadalo dhakhtarka kuwa aan Caqli Gal ahayn, Waxa ula Muuqday Safar Dheer Shan Talaabo Oo u dhaxeeyay Qolkeeda iyo Xafiiska Way Soconeysay oo kaliya, Sheekadda Doctorka, Waxaase Dhegaha Doctorka Soo Gaaray Hadal Guux ah (Alla Ma dhabaa Yaxye Waa Yimid)!!!Bal u fiirso in kastoo Waaleyd haddana May ilaawin Arimaha Jaceylka ulamana mid ahayn Dadka kale Yaxye Marka Waxaan Halkan ka Ogaan Kartaa in Jaceylku uu yahay Cudur dhib badan Haddana Daawo Fudud, Qalbigana uu ku qanci karo wax uu rabo oo kaliya, Ugu Danbeyntii waxay soo istaagtay Iriddii Qolkii uu Fadhiyay Yaxye, Way Gariiraysay Wayna ilmeyneysay, Mana ay sugi karin in uu mar uun soo dhex galo Gacmaheeda dhexdooda uuna diiriyo Qalbi dhibaato, Waxaa si fiican uga Muuqday Yaxye oo aysan Arag Todobo Sanadood, Isbedel wayna ka muuqday Noloshiisa, Wax uu Taageersanayay Biraha Lagu Socdo, Lagana Garana yay in da'diisa Fakar Badani u Weheliyay Waa Kuwan: Labo Qof oo is jecel isuna Qabay Muxubo Iyo Kalgacal tan ugu heersareysa uguna Samir Iyo Sharaf Badneyd, Waa kuwan Hadda Ayay isu soo Boodeen!! Oohinta Farxadda dhididka Iyo qayladda ka baxysay ayaa ahayd tii Doctor Sakariya ku Khasabtay in uu meesha isaga tago Asagoo yara xishood Dareemaya, Waxa Doctor Sakariya soo wariyay in muddo ka badan Sideed Iyo Toban Saacadood ay isku sii Ooyayeen Waxaa Qof Walba oo Dareen lihi garanayay in labo qof waxa ay isu qabeen uu ahaa mid ka baxsan qiyaasta Qofka Caadiga ah ayna dhib ahayd in Erey Ahaan loo qeexo inta Xad uu la egyahay Jacaylkooda Waxaa kaloo Xasuus ku reebtay qof walba Hadaladda Catawga Iyo Xogwaranka ka dhex Socday oo muddo dheer qaatay ugu danbeyntii Laba Jaceyl wadaagay isu soo daalay, Dhibaatooday isuna soo Samray waxay isula dhaqaaqeen dhinaca Magaaladda iyaga ka tagaya Isbitaalkii Ay Ayaan Mudadadii Ku Ooneyd kuna il dareyd, Iyaga oo halkaa uga Bilaabatay Nolol Cusub oo ay muddo sugayeen, Waxaa la sheegay in ayaan ka jiraneyd Madaxa,-In ay ka soo Reynaysay Maalinba Maalinta ka Danbeysa ayna Caadi ku soo Noqtay Saddex Bilood Gudahood, Marka Waad Garan Kartaa In Jacaylku Cudur Yahay, Hadda Wey Caafimaad Qabtaa, Qosodhaa Lana Socotaa Asxaabteedii Una Qurux Iyo Qaayo Badan Tahay siday Bari ahaan Jirtay.
Ayaan Iyo Yaxye Arooskoodu Waxay Qaadatay Muddo iyo qaban qaabadiisiiba, Waxaana Qeyb Weyn ka qaatay Jaamac oo ah Yaxye Adeerkii Waxuuna Ahaa Aroos ila hadda Laga Sheekeeyo, Waxayna ku aqal Galeen Magaaladda Muqdisho Iyagoo Labaduba Raali ka ah Haddeey moowdka la kulmaan waqtigaas, Waxay Ahaayeen Waqtigan Reer Dagi Kara oo xoogaa dhaqaale ah isaga Filan wax kastana isga filan, Marka anigoo Xogogaal u ahaa Nolsha Ayaan Jeclaana in aan Wax ka qoro Dhacdadan Xiisaha leh Ayaan Ugu Tagay Gurigeeda Ayaan, Toban Bilood ka dib Arooskoodii Waxaanan Weeydiiyay Bal inay ii sheegto Dareenka Nololeed ee ay Maanta ku jirto Iyo Farxadeeda Heerka ay Gaarsiisan tahay Waxayna iigu Jawaabtay:-
Ayaan: Marnaba Kuuma Suurta Galayso Inaad Tarjumaad Ku sameysid waxa aan soo arkay Iyo Waxa aan hadda dareemayo labaduba Laakiin waxaa wanaagsanaan lahayd inaad ficil ahaan u aragtid ood soo martid noloshan labadaba,-Markaa ayay kuu suurta Gali Kartaa inaad Qalinka Iyo Warqadda is dul saartid laakiin aan ku soo gaabshee waxaan soo maray, Fakar Dhibaato Ciil Xanuun Iyo Walwal Haddana Waxaan Ku Jiraa Nolo Farxad leh oo aanku kasbaday Samirkeyga Iyo Dadnimadeyda waxaanan Hubaa Inaan la dhiman doono Farxadan aan ku jiro Maanta Waxaa Gacanta iigu Jira Aduunyadda Gabi ahaanteed Waayo Waxa Iga Ag Jooga Waa Yaxye !!!
Maxaa iga Maqan Waxay Naftu Rabtay wey heshay !!? Maxaan Hadda ka Fakarayaa Hadda oo kale!!Maxaase iga Maqan?
Waxay ku Nagaadeen Kuna Wareereen Nolol Wanaagsan iyo Qalbi Furan kuna nool yihiin Magaaladda Muqdisho iyagoo ay hortooda ka muuqdaan Laba Gabdhood iyo Wiil ay dhaleen yihiina Qoyska ugu Farxadd badan ee ilaa Hadda Nool iyagoo mar walba dib u eegaya Waqtigay soo Mareen uuna Mar walba ku sii Sa'idayo Jaceyl Hor leh.
Dhamaad.
Marka Hadda aan ku weeydiiyee Maxuu Yahay Samirku? Mase Dareemi Karaa Qof Walba Qiimaha Samirka ku leeyahay, Adiguse Xad intee la'ed ayaad Samri Kartaa? Maxaynuse inaga Nolsheena ugu Saleysan tahay is xiiseyn iyo Isku Daneysi gaar ahaan dhalinta Waayahan? Maxaynuse isugu Kalsoonaan weynay oo isugu Samri weynay? Maxaase adiga kaa ceyrsha Kan/Tan aad jeceshahay? Maxayse ku kala tagaan Labada walaalaheen ah Maalin Walba ? Miyuunsanse Jirin Jacaylkii ay isagala soo baxeenbulshadda intooda kale oo ay runta isaga indha tirayaan una adeegsan waayeen Samir una tixgalin waayeen dantooda? Qof walba Su'aalahan Jawaabtooda wuu garan karaa waxaanu nahay Dad dhamaatood xaqiiqada ka soo horjeeda!!!.
Waxay Naftoodu la daristay Wal-wal iyo walbahaar fara badan, waxay u dulqaaten dhibaatooyin kaga yimid bulshada ay ku dhexnoolaayeen iyo mid dabiici ah, iyadoo ay kaga baxeen dulqaad dheeraad ah iyo aaminaad wanaagsan, oo ay ka keenta ay oo ay keentay Jacaylkii isu Cabiidinayay, midkoodna lama kulmin raaxo wanaagsan markay kalama maqan yihiin, waxaay dareemi jireen Taabasho naxariiseed oo darandoori u taabanaysa iyadoo qofba qofka kale ka qiimaynayo Bulshada inteeda kale, waxaa hubaal ah qofkii u samra dhibaatooyinka qofka bini aadanka ah la kulmaya in uu guranayo miraheeda, oo uu u aayi doono kana guulaysan doono ugu danbaynta.