
CUNTO IYO NAFAQO
ARAR
Buuggan Nafaqada ee Dugsiyada Dhaqaalaha Guriga waa mid ka jawaabaya ujeedooyinka laga leeyahay Xagga barashada Nafaqada si Haweenka Soomaaliyeed uga faa'iideystaan ha naqdeen kuwa Dugsiyada K.N.Q. wax ka barta ama hooyooyinka Guriga jooga ah.
In kasta oo barashada Nafaqada ay ku xirantahay sida hooyo kastá u qiimeyso ahmiyad gaar ahna u siiso ka faa'iideysiga buugga. Haddana buuggaani waxaa loogu tala galay Ardada wax ka barata Dugsiyada kor u Qaadida Nolosha qoyska ee Dalka oo dhan; Wuxuuna kaalin weyn siinayaa Macallimiinta sida ay u diyaarin lahaaheen Casharada. Waxaa Mahad & ammaan mudan Jaalle Xaawa Aadan Maxamed (Madaxa Qaybta Waxbarashada Haweenka). Oo diyaarisay Manhijka & buugaagta Dhaqaalaha Guriga, in kasta oo ay dhibaatooyin badan kala kulan tay Qoraalka & Uruurinta Araada. Iyana waxaa mahad loo soo jeedinayaa Jaallayaashii Gacanta ka geystay dib u habeynta buugga.
Kuwaasoo kala ah:
J/le Xaliima Cismaan Sheekh Macaw dib u habeynta Buugga Xaliima Xasan Cumar oo Sawirrada u sameysay Aamina Cabdullaha oo garaacday Buugga.
Waxaa kale oo mahad gaar ah mudan Shaqaalaha Madbacadda Qaranka oo iska Xilsaaray Daabacaadda Buugga.
CUTUBKA KOOWAAD
BAABKA KOOWAAD
HORDHAC
Buuggan oo ah buugga koowaad ee cuntada iy o nafaqada waxaa loogu tala galay fasalada koowaad iyo labaad ee heerka kor u Qaadida Nolasha Qoyska iyo hooyo kasta ee jecel in ay barato cuntada uu xaaskeeda u bahan yahay.
Buuggan waxa uu u qaybsan yahay laba cutub Cutubka koowaad waxaa loogu tala galay fasalka 1aad ee heerka kor u Qaadida Nolosha Qayska.
Cutubka 2aad waxaa loog u tala galay fasalka2aad ee heerka K. N. Q. Buuggan waxaa laga baran karaa:-
1. Baahidda iyo noocyada cunto uu xaasku u baahan yahay. Quudinta iyo nafaqada ay u baahan yihiin ilmaha iyo carruurtan; tan ay u baahan yihiin dhallinyarada, dadka waaweyn, uurleyda iyo nuujisada.
2. Cuntada xoolaha iyo nafaqada laga helo, ta dhirta iyo nafaqada laga helo iyo sharaabka.
3. Waxaa kale oo buugga laga baran karaa: nafaqooyinka lagama maar maarnka ah, keydinta iyo dhawrida cuntada.
Waxaa haddaba la rajeynayaa in uu buuggani noqdo mid siiya hooyooyinka aqoonta ay uga baahan yihiin xagga cuntada iyo nafaqada si ay uga soo baxaan xilka quudinta xaaskooda.
QUUDINTA XAASKA
Xaasku waxa ku wada noolaada dad da'doda, shaqadooda iyo xaalada caafimaad qabidooda ay kala duwan yihiin.
Haddii aad heerarka nolosha xaasku marto aad fiiriso waxa aad arkeysaa in baahida iyo noocyada cunto qaadashada kala duwan tahay, kalana badan tahay. Baahida iyo noocyada cunto qaadashada xaasku waxay ku xiran tahay :-
I. HEERARKA NOLOSHU AY MARKAA MARAYSO
Heerka noloshu marto ee cuntada nafaqada jirka dhista loo baahan yahay waa marka jirka qofka sida deg degta ah uu u korayo, oo ah waqtiyadaan hoos ku qoran :-
II. SHAQADA DADKA QABTAAN
Shaqada dadka qabtaan wax badan bay ka baddeshaa baahida cuntada qofku u baahan yahay caadi ahaan.
Masalan, dadka shaqada adag qabta sida guryo dhiska, qoryo gurka, biyo dhaaminta xammaalidda, beerfalidda waxa ay u baahan yihiin cunta aad iyo aad uga badan ta qofka shaqada fudud qabta ama dadka fadhiya iyo istaaga ku shaqeeya sida karaaniyaasha iyo macallimiinta.
Sababtoo ah qofka shaqada adag ama culus qabta waxa uu u baahan yahay awood iyo kul badan oo uu ku fuliya shaqada dheeraadka ah oo xoogga badan u baahan. Cuntada ay dadkaasi aadka ugu baahan yihiin waa tamarta (tabarta) keenta sida xubuubka iyo dufanta.
III. XAALADDA CAAFIMAADKA XAASKA
Baahidda dadka xaaska ku nool waxaa kale oo beddeli karaa xaaladda caafimaadka ay dadka xaaska ku nool ay ku sugan yihiin.
Masalan, haddii ay ilmaha ama carruurta ku dhacdo jedeeco waxay u baahan yihiin cunto nafaqada jirka dhista leh oo dheeraad ah, si jilicsanna loo sameeyey waayo ilmuhu ma cuni kara cunto adag. Sidaas oo kale marka uu ilmaha shubmo waxay u baahan yihiin cunto nafaqa leh oo dheeraad ah si unugyada dhamaaday u u dhismaan, nudka jirakana u kabmo.
Haddaba waxa haboon in hooyo kasta oo jecel in ay nolosha xaaskeeda sare u qaaddo ay garataa baahida xaaskeeda iyadoo u fiirineysa da'da shaqada iyo caafimaadka dadka ay quudineyso.
QUUDINTA IYO NAFAQADA AY U BAAHAN YIHIIN ILMAHA IYO CARRUURTA
Waxa la ogaaday in nafaqo xumada hasha ilmaha iyo carruurta, da'da ay aad u korayaan ay halis geliso noloshooda, hadduu ka kacana dhibaatooyin waaweyn u geysato qofka noloshiisa dambe. Haddaanay ku keenin jiro muqata, itaal iyo qumanaanta uu ilmuhu wax ku garanayoba waa dhinmaan. Iyadoo la tixgelinayo arrintaa waa in qof kasta gaar ahaan hooyooyinka fahmaan cuntada nafaqada leh ee ay u baahan yihiin ilmuhu iyo sidii baahidaas looga hortagi lahaa.
QUUDINTA ILMAHA MARKUU DASHO ILAA AFAR BILOOD
1. Dhalashada ilaa lix bilood muddada u dhaxeyso ayaa ilmaha koritaankiisu ugu dheereeyaa. Sidaa darteed waqtigaas waa in uu helaa cunto naafaqadu u baahan yahay oo dhan ku jirto. Ilmaha yar markuu qaato cunto dheelitiran oo si fiican loogu qorsheeyey, waxtar weyn bay u lehaataa jirkiisa koraya. Ilmuhu hadduu helo nafaqo ku filan culeyskiisu waa laba laabmaa lixda bilood ee hore, waqtiga u dhexeeya lix bilood ilaa laba iyo toban bilood, koritaanku waa ka gaabiyaa sidii hore.
Ilmuhu markuu sanad gaaro waa in uu culeyskiisu ka weynaadaa laba jibaar culayskii uu ku dhashay. Masalan culayska uu ilmuhu ku dhashay hadduu ahaa 3½ Kg. markuu sannad gaaro wuxuu noqon 10½ Kg. Haddii uu helo cunto nafaqo leh oo ku filan.
CAANAHA HOOYADA WAA CUNTADA UGU WANAAGSAN EE ILMAHA LA SIIN KARO ILAA AFARTA BILOOD EE HORE
1. Ilmuhu wuxuu caanaha hooyada ka helayaa cunto nafaqada jirka dhista ah ee uu jirkiisu u baahan yahay si uu koro.
2. Caanaha hooyada wuxuu ilmuhu ka helayaa nafaqooyinka kale ee uu u baahan yahay afarta bilood ee ugu horeeysa noloshiisa.
3. Waa cunto mar walba diyaar ah.
4. Waa nadiif, ili-ma-aragtada jirooyinka keenta malaha haddii hooyadu fayowdahay.
5. Ma dhanaanaandaan mana xumaadaan.
6. Ma qabooba mana kulula, waxay leeyihiin heer kul joogta ah.
7. Hooyadu dhallo dhiqi mayso.
8. Waa cunto jaban oo ilmuhu mar walba helayo.
9. Waa sida ugu habboon ee ilmaha yar lagu cuntaysiiyo, kalsooni iyo xanaana ilmuhu ka dareemayo hooyadiis.
10. Siinta naaska waxa uu ilmuhu ka helayaa kalsooni iyo dareen jeceyl hooyo.
11. Waxa uu ogaanayaa in uu leeyahay qof uu ku tiirsan yahay oo xannaaneynaaya.
Hooyooyinka badankood waxaa ay leeyihiin caano ku filan ilmaha afarta ilaa lixda bilood ee hore, dhib xagga nafaqada kaga timaada ilmaha ma jirayso lixda bilood ee noloshiisa ugu horeysa, haddii caanaha uu hooyada ka jaqayo (ka nuugayo) ku filan yihiin, hooyaduna fayawdahay isla markaasna ilmuhu aanu jiraneyn. Waxaa nasiib darro ah in hooyooyinka qaarkood ay caaddeystaan in ilmaha laga guriyo naaska laguna cunteysiiyo dhalooyinka lagu shubay caano kale oo aan ahayn kuwa hooyada iyo cunto kaloo jilicsan. Caaddeysiga ilmaha laga gurinayo naaska iyagoo aan sannad gaarin waxay noqotay arrin si weyn uga hirgashay magaalooyinka.
Hooyooyinka qaar waxay u haystaan in dhallo ku siinta ka wanaagsan tahay jaqsiiska naaska ama koob ku siinta, iyadoo is leh sidaan baa sharaf weyni ku jirtaa oo ilmahana u fiican iyagoo is ilawsiinaya caadadeeni ahayd in naas la siiyo koobna lagu cuntaysiiyo ilmaha. Dhaladu waxa suurtowda inay halis geliso caafimaadka qofka yar sababta oo ah nadiifinteeda oo adag. sidaa darteed ma habboona dhallo ku siinta iyo ilmaha oo loo diido naaska taas oo lumisa kalsoonida.
War laga soo tebiyey Ummadaha Midoobay laanta caafimaadka (WHO) waxay caddeysay in ilmaha naaska la jaqsiiyaa ka xamil ogyahay jirada shubanka leh ama ugu adkeysan badan yahay ka dhallada lagu abaabiyo isagoo aan wax badan hooyada nuujin. Haddii aan ilhama naaska la nuujin, waa mid ee hooyada caanaheedu waa sii yaraadaan, isla markaana baahida ilmaha koraaya waa sii korodhaa.
ILMAHA KORAAYA WUXUU U BAAHAN YAHAY NAFAQO AAN KALA GO'IN OO JIRKIISU KU DHISMO
Arrintaan hooyooyinka badankoodu ma fahamsana oo waxay u haystaan in ilmuhu uusan u baahnayn cunto kale, caanaha mooyee, mar haddii naaska la jaqsiinayo ( la nuujinayo).
Wixii afar bilood ka dambeeya ilmuhu waa inuu helaa cuntada kale ee ku habboon koritaanka noloshiisa iyadoo caanaha hooyada iyo caanaha kaleba ay u dheer yihiin.
Cuntada caanaha lagu kabo ee ilmuhu qaadan karo markuu naaska jaqaayo (nuugayo) waxay isugu jirtaa mishaari jilicsan, dheecaanka miraha, maraqa khudaarta, hilibka iyo kan kalluunka oo la miiray, ukunta. Waxaa haboon in ilmaha lagu bilaabo in yar oo mishaari ah, marka uu gaaro afar bilood. Haddii mishaarida lagu bilaabo da'da ilmuhu yar yahay waa uu kusii abaabayaa oo si quman buu u qaadan karayaa markuu gaaro lix bilood. Markaas oo uu u baahan yahan cuntada kabta caanaha hooyada iyo kuwa kale.
Hooyada waa in ay in yar in yar ugu bilowdo siinta cuntada cusub.
Hadduu ilmuhu diido cuntada cusub maalinta ugu horeysa, ha ka deyn gebigeedaba, hana ka caajisin ee in aad u yar sii, maalin walba ilaa uu ka barto qaadashada cuntadaas. Sidaas ayaa lagu wadayaa marka cunto cusub lagu bilaabo.
Haddii hooyadu ay sidaan yeesho ilmuhu wuu qaadan karayaa mishaarida ilmaha loo diyaariyo markuu lix bilood gaaro. Mishaarida ilmaha loo diyaarinayo waa galley ama masago lagu daray mid ama laba ka mid ah cuntada jirka dhista sida caanaha. lawska, digirta, kalluunka. kalluunka qalalan, qumbaha, sisinta, digaaga, ukunta, hilibka, hilibka iyo khudaarta oo la qalajiyey lana budeeyey.
MID AMA LABA KA MID AH CUNTOOYINKA HOOS KU MUUQDA AYAA MUSHAARIDA LOOGU DARI KARAA ILMAHA SI JIRKIISU U KORO

Masalan in yar oo mishaari gallay ama mishaari masago ah oo lagu kariyey fuud hilib ama fuud digaag ama fuud kalluun. In yar oo mishaari gallay ama masago caano lagu kariyey. In yar oo mishaari digir iyo masago ah.
In yar ao mishaari ukun lagu daray ah iwm.
XUSUUS Cuntada ilmaha la siinayo waa in ay aad iyo aad u bur-bursanaato ama miirnaato.
QUUDINTA ILMAHA WIXII KA DAMBEEYA SHANTA BILOOD EE HORE
Cuntada uu ilmuhu u baahan yahay nooceeda iyo intay le'eg tahay waxay ku xiran tahay da'da ilmaha. Biliba bisha ay ka dambeyso baahida ilmuhu waa sii kirodhaa sababtoo ah ilmuhu waa korayaan.
Markuu ilmuhu gaaro bisha lixaad; waa uu cuni karaa cuntada xaaska cuno oo dhan haddii si quman oo uu cuni karo loogu sameeyo.
Masalan ilmaha la siin karaa :-
Hooyooyinka Soomaaliyeed badankoodu awood uma laha ay ilmahooda ugu iibiyaan cuntada diyaarka ah ee suuqa taal, laakiinse hooyo kasta oo jecel in ay ilmaheeda si fiican u quudiso waxay u diyaarin kartaa cunno aan innaba ha yaraatee ka liidan cuntada diyaarka ah ee qasacadaha ku jirta.
Cuntooyinka hooyada u sameyn karto ilmaheeda waa ay ka faa'iida badan yihiin kuwa qasacadaha ku jira sababta oo ah :-
Sida ugu fudud ee ay hooyadu ugu diyaarin karto ilmaheeda cuntada jirka dhista waa iyadoo shidda cunta ka mid ah cuntooyinka jirka dhisa sida digirta, lawska, kalluunka qalalan, caleenta la qalajiyey sida raasowga, koblaha caleenta bocorka, dabadeedna mid ama laba ka mid ah cuntadan la shiiday la lagu daro mishaarida ilmaha la siinayo.
Hooyadu waxay isticmaali kartaa mooye, midxin ama shiid sooreed, si ay ugu shiido cuntada ay u diyaarineyso ilmaheedadabeedna waxay ku keydin kartaa teneg dabool leh, quluc. dhiil, kolay, baaquli dabool lehiwm.
Cuntada waxaa ilmaha loogu shiidi karaa Shiidi Sooreed, Maxdin ama waxaa loogu tumi karaa Mooye.
Waxaa cuntadaas lagu keydin karaa :-

HABKA LOO SAMEYN KARO MUSHAALIDA ILMAHA
Meeleynta (Cuntada Shiidan
Cuntada shiidan intii midba weel gooni ah lagu ridi lahaa (shubi lahaa) waxaa lagu ridi karaa hal weel oo dabool leh oo lagu keydiyo laba ama saddex cisho.

HOOYO QUUDINEYSA ILMAHEEDA

Ilmuhu wuxuu u baahan yahay weel u gaar ah sababtoo ah ilmuhu heli maayo cunto ku filan haddii lagu quudiyo xeerada lagu wada cuno inta uu ka korado.
Ilmuhu wuxuu u baahan yahay in fandhaal ama qaaddo yar wax lagu siiyo. Ilmaha yari iskuma quudin karo farihiisa, marka hore wuxuu u baahan yahay in la baro sidii isugu isugu fillaan lahaa (isku quudin lahaa).
Haddii loo daayo in uu ilmuhu ku isticmaalo farahiisa, waa uu isku wada daadin, wejigoo dhan buu iskaga bi'in amaba waa ay ka daadan, sidaas daradeed waa in la caawino ilmaha inta uu ka baranayo in uu farihiisa ku isticmaali ama fandhaalka isku quudin karo.
XUSUUS :
NAAS - GURISKA
1. Naas guurika waa marka ilmaha laga joojiyo naaska jaqsiinta (nuujinta).
2. Xilligaasi carruurta bahankooda aad buu ugu xun yahay marka loo eego soo kariinkooda.
3. Muddada ilmuhu naaska ka maarmi karayo ee cunto kale uu qaadan karo waa marka uu gaaro 16 (lix iyo toban) ilaa 18 (sideed iyo toban) bilood. Waqtigaas oo ah marka ilmuhu xoog u koroyo.
4. Waxaa habboon in aan naaska ilmaha looga goyen dhaqso.
5. Ilmaha waa in la baraa siduu u qaadan lahaa cuntada adag oo ay ku jiraan nafaqada jirka dhista, birta iyo tan jirka cudurada ka dhowrta ka hor inta aan laga goyn naaska.
6. Ma habboona in ilmaha dhaqso naaska looga joojiyo haddii meesha uu joogo cuntada xoolaha ku yar tahay.
7. Da'da ilmuhu uu aad u korayo cuntada la siiyo ayuunbaa muujin karta hannaanka uu ku korayo ilmaha iyadaa siin karta awooduu isaga celin lahaa cudurka, iyadaana noleyn karta dilinka karta..
8. Aad iyo aad bay u xun tahay in ilmaha looga guriyo naaska si lama filaan ah ama hal mar oo qur ah laga joojiyo naaska
9. Waxaa jirta in hooyooyinka qaarkoood malmal. sibir. ama basbaas mariyaan naaska si aan ilmuhu u nuugin.
10. Waa dambi ilmaha yar oo isyiri hooyadaa nuug in uu basbaas afka gashto, waxaa laga yaabaa in uu ilmaha wax cuni waayo intii muddo ah amaba jirado.
11. Waxaa habboon in eyan marnaba taa dhicin oo hooyo kasta u sii tabaabusheeysataa sidii ay naaska uga gurin lahayd ilmaha.
SIDA NAASKA LOOGA GOYNAYO ILMAHA MARKUU SANNAD & LIX BILOOD GAARO
1. Muddada ilmaha laga joojinayo naaska hooyada ee loo duwayo cunto iyo caano kale waa in ayan ka yaraan laba todobaad haddaan wax lama filaan ihi ku imaan hooyada. Waxase sii fiican in shan ama lix todobaad laga guriyo naaska.
2. Hooyooyinka waa in ay ka digtoonaadaan iney ilmaha ka guriyaan naaska xiliga kulaylka hadday suurta gal tahay.
3. Todobaad kasta hal ama laba jeer ayaa la dhaafaa nuujinta naaska oo halkii naaska laga nuujin lahaa waxa la siin cuno kale.
4. Sida haddii todobaad laba ama saddex jeer dhaafo nuujinta naaska: si fudud bay ilmuhu u qaban caanaha iyo cuntada kale. naaskana iskiis buu iskaga gurayaa.
5. Sidaa awgeed waxa ilmaha u wanaagsan in talaabo talaabo looga gooyo naasnka (looga guriyo naaska).
GOORMAA LA CUNTAYSIIYAA ILMAHA MAXAANA LA SIIYAA ?
Fikraddan ah waqtiga la quudinayo ilmaha ama saacadaha lgu quudiyo waa wax aan loo baahnayn in hooyadu isku mashquuliso. wayo waa ku dhibaato in jadwal lagu cuntaysiiyo ilmaha. wxaase muhiim ah in ay hooyadu cunto siiso ilmaha marar badan, si uu u helo nafaqadii uu u baahnaa oo dhan.
Magaalooyinka badanaaba wanaa ilmaha iyo carruurta la siiyaa canjeero, rooti ama muufo iyo shaah iyo saliid ama subag ah marba kii la helo. Runtii nafaqo ahaan canjeero iyo shaah kuma filla ilmaha gaar ahaannafaqada jirka dhista, laakiin waxay dhaantaa naaska oo keliya oo ilmaha la siiyo.
— Waxaa habboon in halkii canjeerada loogu dari lahaa shaah ama soonkor in laws ama sisin la burburiyey loogu daro canjeerda haddii la heli karo.
— In canjeerada marka la diyaarinayo looga dhigo bar xubuub iyo bar digir ah
— Haddii la heli karo waxa ilmaha u wanaagsan ukunta, digirta iyo fuudka hilibka in loogu daro canjeerada.
— Lawska sisinta iyo qumbaha waxa ay bixiyaan nafaqada jirka siisa xoog (kul) uu ku fuliyo hawlaha la qabto isla markaana laga helaa nafaqada jirka dhista sidaa awgeed waxaa habboon in quraacda loogu daro ilmaha.
— Ilmuhu waa gaajoodaan inta u dhexeysa waqtiga xaasku cuntoyo sida quraacda iyo qadada dhexdooda, qadada iyo cashada dhexdooda. Waqtiyadan waxa la siin karaa ilmaha iyo carruurta buskud lga sameeyey bur digir, laws iyo sisin oo loo dubo ama loo shiilo loono dhigo meel.
— Buskudka nooca ah uxuu ilmaha ka heli karaa nafaqda uu u baahan yahay oo dhan.
— Hooyooyinka waxaa habboon in ay ku dadaalaan sidii ay ugu diyaarin lahaayeen ilmahooda cunto nafqo dhan leh oo jaban (raqiis) ah.
HOOYADA AYAA U SAMEYSAN KARTA JADWAL AY ILMAHEEDA KU CUNTAYSIISO HASE YEESHEE MID TUSAALE AH AYAA HALKAN LAGU MUUJIYEY. KAAS OO TUSAALEYNAYA SIDA CAANAHA LO'DA LOOGU QIYAASO ILMAHA IYO INTA JEER EE LA CUNTAYSIISYO ILMAHA
Maalintiiba lix jeer cuntaysi Ilmaha:- Ila 8 maalmood uu jiro waxaad siin kartaa 80 gr. oo ah ½ caano iyo ½ biyo karkarsan ah.
BISHA 2aad : Maalintiiba lix jeer ee la cuntaysiiyo ilmaha markiiba 125 gr. oo ah 2/3 caano lo'aad iyo 1/4 biyo karkarsan (5 jeer). Waxaa loogu dari karaa qaaddo yar barkeed oo mushaali galay ama masago laga sameeyey.
BISHA 3aad : Maalintiiba lixda jeer ee la cuntaysiiyo ilmaha, markiiba 140gr. oo ah 3/4 caano lo'aad iyo 1/4 biyo karkarsan (5 Jeer) hal mar fuud khudaarta
Labo saacadood u kari, caano miir ku miir.
Biyo bombeelmo maalintiiba 3 qaado yar oo in yar sonkor ah lagu daray.waa in la siiyaa.
BISHA 4aad : Maalintiiba hal mar mushaali iyo 3 jeer caanaha oo la siiyo markiiba 150gr. oo 4/5caano lo'aad iyo 1/5 biyo karkarsan.
MUSHAALI :
BISHA 5aad :
LIX BILOOD ILAA SANNADKA :
TUSAALE : Sida loo diyaariyo cuntada ilmaha.
MUSHAARI DIGIR AH BADAR AH AMA DIGIR IYO GALLEY
XUSUUS : Diirka digirta guduudan waa adag yahay oo caloosha ilmaha ma shiidi karto. Digirta miir marka aad burburisid si aad diirka uga reebto ama radi oo ka dhil diirka inta aadan karin.
MISHAARI GALLEY IYO UKUN KARSAN
MISHAARI IYO CAANO: habka ugu wanaagsan waa iyadoo mishaarida lagu kariyo caano halkii biyo looga karin lahaa haddii la heli karo Haddii caanaha yar yihiin kari mishaarida oo markii ay bislaato ku dar caanaha.
MISHAARI LAGU QASAY UKUN
BATAATI GUDUUD BURBURSAN IYO LAWS TUMAN
MISHAARI QUMBE
CAANO QUMBE
JARIIR DIGIR IYO BUDO DIGIR
CAJIIN LAWS CEERIIN
BUDO LAWS DUBAN
HABKA UKUNTA LOOGU DARO SOORTA
MISHAARI HILIB LAGU KARIYEY
In yar oo hilib ah aad qurbi (jar jar) shiid, ku dar mishaarida oo aad isugu kari ilaa ay si fiican isugu bislaadaan.
MISHAARI KALLUUN LAGU KARIYEY
MISHAARI IYO KHUDRAD:
Khudaar fara badan baa hooyada ku dari kartaa mishaarida ilmaheeda si ilmuhu u helo nafaqada jirka ka dhowrta cudurrada, kaaliasana korriinka siyaabo badan bey hooyadu u diyaari kartaa khudaarta.
Khudaarta cagaaran ayey ku karin kartaa mushaarida, babaayga, cambaha iyo muuska ayey burburi kartaa ay mishaarida ku darikartaa Iwm. Waqtiga la joogo cuntada xoolaha sida caanaha, hilibka, ukunta, kalluunkaiwm. aad bey qaali u yihiin hooyada waa in ay ku dadaasho haddii ay kari karto in ayhaba yaraatee ku darto cuntada ilmaha si ay ilmuhu u helaan cunto nafaqadeed u dheelliti-ran tahay.
QUUDINTA CARRUURTA DUGSIGA AADA
Carruurta dugsiga aadda goor horey ka tagaan guriga caruurtan badankooda quraac ku filan ma cunaan aroortii, qaarkoodna maba quraacdaan. Carruur gaajeeysan maskaxdooda ma shaqeynayso, si quman uma fahmi karaan casharrada loo dhigo mana xasilloonaadaan. Waa dhibaato sida wax looga dhaadhiciyo carruurta gaajeysan, aaqirkana imtixaanka waa ku dhacaan.
Haddaba waxa loo baahan yahay in ay hooya kastaba ka feejignaato dhibaatada ku imanaysa carruurteeda oo ayan marnaba dirin carruurta quraac la'aan. Halkii ay hooyadu laba ama kumi ka siin lahayd cunugga waxay ugu diyaarin kartaa cunno yar oo uu qaadan karo cunina karo waqtiga bariifta.
Cuntaada uu cunaga qaadan karo ma aha doolsho loo iibiyo oo keli ah ee hooyadu waxay u diyaarin kartaa carruuteeda buskud laga sameeyey bur, digir, caano iyo sokor ama gallay, digir iyo ukun ama bur, kalluun shiidan iwm.
Hooyadu hadday siiso buskudka noocyadan ah waa hubaal in canugeedu si fiican u korayo wax fahmi karayo, imtixaanka ku guuleysnayo, caafimaadkiisa wanaagsanaanayo, haddii uu caadi yahay, waayoo nacnac, jalaato, iyo xanjo cuni maayo kuwaas oo caafimaadka halis u ah, haddii uu caadeysto. Hooyadu waa in ayan marnaba ugu roonaan carruurta nacnac, jalaato iyo xanjo, waxa habboon in aan carruurta marnaba la siin lacag ay ku iibsadaan nacnac iyo xanjo. Hooyadu waa in ay ogaataa in caruurta da'da dugsiga joogto ay si dhaqso ah u korayso in ay u baahan yihiin nafaqo dheeraad ah oo jirkooda korayo dhista, xoog iyo awood ay wax ku qabtaan siisa.
Hooyadu waa in ayan siin carruurta lacag ay faanta iyo kooka-koola ku cabaan. cabidda biyaha ma siineyso carruurta nafaqada ay u baahan yihiin waan qaali.

Cuntada loo weeleynayo carruurta dugsiga aada waxay noqon kartaa buskud, rooti, bajiyo laga sameeyey galley, bataati, badar iwm. oo lagu darey cuntada jirka dhista lawska, qumbaha, sisinta, digirta budo hilib kalluun iyo sonkor haddii la heli karo.
Waalidka waa in ay ka codsadaan maamulayaasha iyo macallimiinta in aan dugsiyada agtooda lagu iibin jalaato, xanjo, nacnac, oo ay dhiirrigeliyaan maqaayadaha dugsiyada.
Dugsiyada oo lagu iibiyo caano, buskud, digir iyo laws laga sameeyey ama digir iyo sisin, qumbe laws iyo sisin si fiican loo sameeyey sonkortane loo yareeyey ayaa ku fiican carruurta in la siiyo intii la siin lahaa nacnac, jalaato, xanjo. Sisinta, qumbaha iyo lawska waa in weel daboolan lagu rido si dugsiga (daqsiga) looga ilaaliyo.
Sisinta lawska iyo qumbaha waxaa lagu dheefaa nafaqada jirka dhista, nafaqada awood siisa jirka oo badan iyo nafaqada cudurrada ka dhowrta jirka kaalisana koriimada. Cunnada ay carruurtu dugsiga u qaadan karaan waxaa ka mid ah:-
— Cunto karsan sida, digir karsan, bataati guduud karsan, sabuul galley karsan ama duban, ukun karsan, laws duban, rooti. Laws duban, laws shiidan la dhex galiyey, muufo digir, canjeero khudaar lagu duubay sabaayad.
— Cunto isku qasan sida: digir iyo kalluun, khudaar iyo digir sanuunadaysan. Laws sanuunadaysan.
— Cuntada sideeda loo cuno sida: caano, moos, babaay, cambe, saytuun, caad iwm.
Cuntada carruurta dugsiga loo siinayo waa in ay dheellitirnaataa waxa looa jeedaa in ay cuntada nafaqayaalka ku jiraan ay dhan yihiin oo nafaqayaasha ay yihiin kuwii jirku u baahanaa iyo intii uu jirku u baahna.
Hooyadu haddii ayan u heli karin carruurteeda cunto dheellitiran oo noocyo balan ka kooban waa in ay garataa inmuufo qalanba ha ahaatee ay dhaanto la'aan ama nacnac.
Cunto dugsiga waa in si fiican loo xiraa si ayan u xumaan ama u daadan inta dugsiga loo sido.
Cunto dugsiga waxa lagu ridi karaa baaldi yar oo nadiif ah oo dabool leh, qasac nadiif ah ama waxaa lagu xiri karaa caleen moos, kolay caag ah ama warqad nadiif ah haddii ayan cunnadu jilicanayn.
Habka weeleynta cuntadadu dugsiga ee ugu wanaagsan waa cuntada lagu rido baaldi yar oo macdan ah (aluminyam) oo dabool leh Baaldigan waxa lagu dhigi.
Macallimiinta waa in ay ku dhiirri geliyaan waalidka gaar ahaan hooyooyinka in ay cunto dugsi soo siiyaan carruurta. Meesha ugu habboon ee macallimiinta kula sheekeysan kara dhaadhicin karaa fikraddan waalidka carruurta ay wax baraan waa shirka, ururka waalidka iyo macallimiinta.
BAAHIDA CARRURTA QAAN GAARRKA AH
Waxaa jira waqti kale oo loo baahan yahay in ay waaridka gaar ahaan hooyadu ogsoonaato in cuno dheeraad ah gaar ahaan ta jirka dhisto loo baahan yahay.
Waqtiga waa kan ay carruurtu qaan gaarka tahay. Korriimada aad bey u dheereysaa waqtiga qaan gaarka (isbeddel) weyn baa kudhaca qofka markuu ku jiro da'da qaan gaarka sidaas darteed waxa ay u baahan yihiin cuntada jirka dhista sida digirta, lawska, qumbaha, sisinta, hilibka, caanaha, ukunta, kalluunka iwm.
Gabadha marka ay da'dan gaaraan waxa u yimaada caado (dhiig). Si loo helo beddelkii dhiiggaa baxay gabdhuhu waxay u baahan yihiin cuntada birtu ku badan tahay oo dheeraad ah sida ukunta, digirta guduudan hiiibka iyo khudaarta.
NAFAQAYNTA UURLEYDA & NUUJISADA
Uurleyda iyo nuujisada waxay u baahan yihiin cunto dheeraad ah gaar ahaan cuntada jirka siisa nafaqada jirka dhista.
Uurleyda waa in ay ogsoonaataa keligeed in ayan ahayn ee ay laba tahay. In nolosha ilmaha ay siddo, korriimadiisa iyo caafimaadkiisa ay ku xiran tahay cuntada nafaqda leh ee ay cunto haddii ay caafimaasan tahay
Nuujisadu si ay caano ku filan ilmaha siiba afarta bilood ee hore u yeelato waa in ay cunto, cunto dheeraad ah oo nafaqo fiican leh.
Nuujisadu marnaba caano ilmaha ku filan yeelan mayso caafimaadkeeduna ma wanaagsanaanayo haddii ayan cunin cunno dheeraad ah waqtiga ay nuujinayso.
Cuntada loo baahan yahay iney uurleyda iyo nuujisada badsadaan waa digir, lawska, sisinta, qumbaha, hilibka, caanaha, kalluunka, iyo miraha.
NAFAQAYNTA AABBAHA IYO HOOYADA
Casharrada kor ku xusan waxa aanu ku sharraxnay nafaqeynta ilmaha, carruurta, qaangaarka (dhallin-yarada) uurleyda iyo nuujisada.
Laakiinse waa in aan la halmaamin nafaqaynta ninka (aabaha)) iyo hooyada lafteeda.
Hooyada iyo aabbaha sida carruurta kale ma caafimaad qabayaan haddii ayan cunin cunno nafaqadeedu dheellitiran tahay. Mana shaqayn karayaan haddii ayan cunin cunno siisa awood iyo kul. Haddaba hooyadu waa in ay ogsoonaataa in ayan awood wax soo saarta yeelan karin ninkeeda iyo iyadaba haddii ayan cunto nafaqo leh kuna filan helin.
Xilka nafaqaynta xaaska wuxuu saaran yahay waaridka gaar ahaan hooyada. Haddaba waxa la rajeynayaa in hooyooyinka ay aqoon u yeeshaan baahida dadka xaaska ku wada nool oo da'da kala duwan ah, cuntada nafaqada leh ee markaas la heli karo sida digirta, sisinta, lawska, qumbaha, khudaarta, miraha iyo cuntada xoolaha markii la heli karo.
LAYLIS
CUTUBKA KOOWAAD
BAABKA LABAAD
CUTUBKA KOOWAAD
BAABKA LABAAD
CUNTADA
CUNTADA XOOLAHA
Waddankeenna xoolaha ku nool oo aan hilibkooda cunno waxa ay yihiin lo'da, ariga, geela, digaagga, kalluunka, iyo xayawaan kale oo badda ku nool. Xayawaankan hilibkooda waa cunto jirka dhista oo nafaqo weyn leh, cuntada jirku u baahan yahay kaalin weyn kaga jirta.
B. HILIBKA LO'DA GEELA & ARIGA
Kala gooysyada hilibka oo aynu suuqa ka gadano waxa ay isugu jiraan cad, seedo lafo, iyo baruur. Hilibka intaas isugu jiraa wuxuu ku xiran yahay qaybta neefka laga gooyo, intuu jirey iyo xaaladduu ku nool yahay. Borotiinka jirka dhista oo hilibka wuxuu ku xiran yahay.
T. WUXUU KARISKU U TARO HILIBKA
Kariska hilibka, dhadhan buu u yeelaa. Si weyn waa in loo tixgeliyo maraqa ka samaysmay hilibka la kariyey maxaa yeelay fitamiinadii milmay markii hilibka la kariyey waxa ay ku baxeen maraqa. Haddaba hilibka waa inaan la dhaafsiin intuu ku bislaan lahaa si loo dhowro mahalowga fitimiinada.
Karisku ili-ma-aragto badan buu ka dilaa hilibka.
WAXTARKUU HILIBKU LEEYAHAY (CUNNO AHAAN)
Hilibku waa ilweyn oo laga helo borotiinka, iyo fiitamiin Bda. Macdantu waa ku badan tahay siiba birta (iron) kalshiyom, fosfors, iyo salfarba waa laga helaa hilibka. Hilibka inta jirta ah ma ahee inta kale aad Hilibka inta uurka jirta ah ma ahee inta kale aad bey ugu yar tahay fitimiintu. FitimiinCdu kumaba jirto.
UURKU JIRTA (OFFAL)
Uuurku-jirta waxay ka kooban tahay Wadnaha, Beerka, Keliyaha, Beer-yarada, Caloosha iyo Mindhicirada. Kuwan badan koodu waa cunto nafaqo leh si dhib yarna jirku u qaadan karo. Fitimiinada ku jira Uurku-jirta dhaqsey u koriyaan jirka, habdhiska dham baal wadidana wey nafaqeeyaan.
1. WADNAHA
Wadnaha waxa ku badan nafaqada borotiinka ah, waxa kale oo ay leedahay Fitimiin Bda Kakan. Hore uma dheefshiidmo sida hilibka kale.
2. BEERKA
Beerka malaha seedo sidaa darteed wuxuu wataa noocyo badan oo borotiinis ah. Hilibka oo dhan marka la fiirsho waxtarkiisa beerkaa ugu fitimiins badan. Waxa aad ugu sii badan laba fiitamiin oo ah A & B. Dadka jirada dhiig-yaradaanta hayso waxa u wanaagsan beerka isagoo leh bir badan, waa in cuntada joogtada ah loogu daro dadkaas. Dadka kalena la siiyo markii la heli karo.
3. KEYLYAHA
Kelyaha sida beerka ayey wax u taraan inkasta oy ka fitimiin A yar yihiin beerka.
4. BEER-YARTA
Uma qaadanno beeryarta cunto ahaan, laakiinse si hawl yar buu jirku u dheefshiidi karaa waana u wanaagsan yahay kuwa jiran. Brootiinka ayaa ku badan beer-yarta.
5. MINDHICIRRADA & CALOOSHA
Cuntadani si weyn bay jirka wax u tartaa maxaa yeelay borotiin iyo kalshiyom badan baa laga helaa. Markiiba jirka wey galaan sababtoo ah seedaha ayaa jelatiin noqda marka la kariyo.
1. HILIBKA DIGAAGGA (SHIMBIRAHA)
Hilibkani wuxuu ka kooban yahay kan digaagga (ceel-joogta) booloboolada shimbir biyoodda digiirinka, iwm. shimbiraha biyaha ku jiraa waa ka shilis yihiin kuwa dhulka. Hilibkoodu boqolkiiba shan iyo toban ilaa soddon meelood baa baruur ah markaa wey ku adgtahay jirku inuu dheefshiido.
WAX-TARKOODA
Nafaqada laga helo hilibka digaagga iyo shimbiraha wuxuu u dhigmaa waxtarka hilibka kale.
J. KALLUUNKA
Kalluunka waxa aad looga cunaa magaalooyinka iyo Tuulooyinka xeebaha ku yaallo kuwa u dhow webiyada Kalluunka borootiin badan baa laga helaa markaa waa fiican in cuntada joogtada ah lagu daro.
WAXTARKA HILIBKIISA
Borotiin badan baa ku jira hilibka kalluunka, waxaa muuqata markaa inuu jirka xagga koriinka ka kaalmeeyo. Kalluunka hilibkiisu baruur buu leeyahay wuxuuna jirka siiyaa fitamiin A iyo fitamiin D. fitimiinadan waxa badanaaba laga helaa kalluunka taraaqadda, iyo tebedinta.
Kalluunka la cuno isgoo dhan sida ceydiga waxa laga helaa macdanta kalshiyum iyo fosfors Kuwa kan sida kalluumo kale oo badan waxa laga helaa, ayodiin (iodine).
KALLUNKA QOLOFTA LEH (SHELIFISH
Kalluunkani wuxuu isugu jiraa (Lobsters, prawns, iyo crabs) hilibka kalluunkan cunta ahaan uma isticmaalno. waase in la barto oo la cuno.
WAXTARKA HILIBKOODA
Hilibkooda wuxuu la nafaqo yahay kalluunka sababtoo ah boqolkiiba sideed iyo toban baa borootiin ah. Jirku dhaqso uma dheefshiidi karo waxase uu ka dheefayaa macdanta iyo nafaqooyinka kale oo kalluunka laga heloo dhan.
X. CAANAHA IYO WAXA CAANAHA LAGA SAMEEYO :-
Caanaha iyo waxa caanaha laga sameeyo waxa ay isugu jiraan caana, ciirta, garoorka, labeenta iyo caanaha budada ah. Lo'da aad baa loo isticmaalaa caanaheeda, Xoolaha kale oo aynu caanahoodu isticmaalo waxa ka mid ah geela, idaha, iyo riyaha.
WAXTARKA CAANAHA
Caanaha horta waa cunto kulminaysa qaybaha cuntada nafaqada lihi u kala baxdo, waxaa aad ugu badan borootiin oo ah cuntada dhismaha jirka iyo kabbeediisa. Caanaha waxa laga helaa dufan jirka si hawl yar u dheefshiidi karo, iyo macdanta ay ka mid tahay kaalshiyam fiitamiinooyinka A, iyo B da kakan waa laga helaa.
Dhinaca karbohaydareytiska, boqolkiiba 4 ilaa 5 laaktows ah bey leeyihiin, waxase ka maqan birta iyo fiitamiin C da caanah waxa si gaar ah ugu baahan carruurta waana in la siiyaa haddii la rabo iney xoog yeeshaanlafahooduna qumaati u koraan.
UKUNTA
Ukunta waa cunto ma huraan ah.
Ukunta digaaga oo keli ah ma aha ee tan ceel joogta ahna (boolaboolada shimbir biyoodda) waa la cunaa.
Dalkeennase lagama cuno ukuntaa, waxa loo baahan yahay in la dadaalo sidii loo kordhin lahaa ukunta soo saariddeeda iyo sidii iyo sidii loo dersi lahaa qaayaha ay cunta loo dersi lahaa qaayaha ay cunto ahaan uleedahay markaana maalin walba u baahan yahay.
Haddey korodho ukunta cunitaankeedu waxa kordhaaya borootiinka qof walba ka dheefo xoolaha.
NUXURKA UKUNTA
Sidii aanu horeyba u soo sheegnay ukunta waxa laga helaa borotiin badan. Ukunta intaa hurdiga ah waxa ku badan birta iyo borotiin, waana cunto fiitamiin A iyo fiitamiin D fiican laga dheefo. Sidaa darteed ayaa ukunta qaybta hurdiga ah ay u noqotay cuntada u horeysa oo canugga la siiyo. Ukunta waxa kale oo laga helaa kaalshiyom, fosforas, fitamiin Bda kakan, fitimiin E & D. Macdan aan la koobi karayna waa ay ku firfirsan tahay ukunta.
Caruur iyo cirrooleba waa u baahan yihiin ukunta, carruurta ah u sii darnaatee. Waxa u sabab ah ukunta waxa ay leedahay fitimiinada jirka koriya isla markaana jirka wey ka jiraan waxyeelada. Si fudud ayaa jirka u qaadan karaa kariskana ma doorinaayo nuxurka ukunta.
SIDA UKUNTA LOO KARIYO
Marka la rabo in la kariyo ukunta waa in heer kulayl ka hooseeya kan karkariya lagu bisleeyo ukunta.
D. BURCADKA & GAROORTA ADAG (CHEESE)
Burcadka wuxuu u badan yahay dufan, wuxuuna wataa fitimiinada A iyo B marka aan la dhalaalin ama aan aad loo kululeyn. Burcadka waxa laga helaa marka la ruxo labeenta caanuhu sameeyaan. Garoorka adag waa ka dufan yar yahay burcadka waase ka fiitamiiin badan yahay. Garoorka adag waa cunto nuxur leh iyadoo ay ugu wacan tahay ribonimadiisa (concentration) 1/3 borotiin ah hal saddexaad dufun ah iyo hal saddexaad biyo ah. Kaalshiyomka waa ku badan yihiin garoorka adag.
Sidoo kale waxaa jirta fitimiin A & fitimiin Bdakakan, dalkeenna garoorka adag (cheese) aad loogama isticmaalo ama cunadeena kumabadna. Waxaase fiican inay hooyadu sameeysato haddii caano ku filan ay haysato.

B. XUBUUBKA (FIRILAY) (CEREALS)
Xubuubka aad looga yaqaan waddankeenna waxa ay yihiin masaggo (haruur), galley, bariis iyo sarreen. Kuwaasoo jirka geliya kul oo ah nafaqo jirku u baahan yahay.
T. NUXURKA XUBUUBKA
Xubuubka waa cuntada tamarta ama quwadda inteeda badan keenta. Waxaa kaloo ku jira nafaqada jirka dhista. Fiitamiinno iyo macdanta wey ku jiraan. Waxaa ku sii badan fiitamiin B. Buusha bixinta badan waxa ay yareysaa nuxurka xubuubka. Marka xubuubka la radiyo ama la khamiiriyo nafaqo keeniddiisa wey korodhaa, waxaa ku sii korodhaana waa fiitaamiin B iyo fiitaamiin C.
J. KHUDAARTA XIDIDKA AH
Waxa la heli karaa khudaar fara badan oo xididda ah oo loo qaato cunto ahaan. Kuwa badanaaba la isticmaalo ama la cuno waxa ay yihiin bataatada, bataati guduudka iyo moxogga (yams, casaava).
NUXURKOODA
Khudaarta xiddidka ahi waxa ay wataan karbohaydaraytis mase laha dufun. Borootiinka lafteeda waa ku yar tahay. Talo ahaan waa in khudaarta diirka in yar laga dhilo ama lagu kariyo si aanay nafaqayaasha uga lumin.
X. DIGIRTA
Digirta waa dhir badan oo magaca wada wadaaga nafac weynna u leh dadka. Waxa ay isugu jirtaa digirta cagaaran, digirta guduudan, digir baariista (rice beens) iyo digirta cad (faasuuliyadda). Guud ahaan, digirta dhaqso uma dheefshiidi karo jirka sida xubuubka.
Jirku waxa uu dheefshiidi ogyahay marka biyo jilicsan lagu bisleeyo (soft water).
NUXURKA DIGIRTA :
Digirta waa il laga helo borootiinka. Noocyada qaarkood borootiin aad u badan ayaan ku jira sidaas darteed waxa lagu dhiirrinayaa dadka meelaha aan cunto borootiin lahayn ku nooli iney isticmaalaan inta nooc oo ay ka helayaan digirta. Wey habboon tahay in la helo cunto isugu jirta digir (cuntada) geedaha) oo borootiin leh iyo cuntada xoolaha oo iyana borootiin badan leh, sida digirta iyo hilib ama digirta iyo ukun.
B. Digirta waxa ku jira kalshiyom, fosforas, bir iyo fiitaamiin. Digirta haddii la cuno inta ay curdanka tahay waxa laga dheefaya fitamiin C badan. Mar haddaaney digirta (beans) lahayn dufun waxa hagaagsan in lagu cuno dufan, ama laga diyaariyo saxan dufan lagu darayo.
X. CALEENTA CAGAARAN
Caleemo cagaaran oo badan (kala duduwan) ayaa loo isticmaalaa cunto ahaan. Waxaana ka mid ah (Spinach) Raasow, caleenta bataati-ga, caleenta bocorka, iyo saladka caleemahiisa.
NUXURKA CALEENTA CAGAARAN
Caleenta cagaaran aad bey muhiin u tahay iyadoo ay ku badan tahay fiitamiin C. Kaarootiin iyo foolik acid iyo macdanta ay ka mid yihiin kalshiyom, iyo birta. Kaarootiinka caleenta ku jiraa markuu jirka galo wuxuu isu baddelaa fiitamiin A.
SIDA CALEENTA CAGAARAN LOOGA TAXADARO MARKA LA KARIYO
Caleenta cagaarani waa in laga helo fiitaamiin C. iyo foolik asid (acid) laakiin waa in laga digtoonaada mrka la karinayo in aan aad loo jarin (gooyn) waana in la isticmaalo biyo yar inta ay ku karsami lahaayeen aan laga badin.
CUNTADA LAGA HELO NAFAQO JIRKA KORISA CUDURRADANA KA DHOWRTA JIRKA

KH. MIRAHA
Waxa dalkeenna laga helaa miro aad u fara badan oo ay ka mid yihiin Babayga, Moska, Saytuunka, Canbaha, Yaanyada, Rumaanka iwm
NUXURKA MIRAHA
Miraha dhismo ahaan waxa ay u badan- yihiin biyo inta hartayna waa Karbohaydaraytis iyo in yar oo borootiin ah. Macdanta ay ka mid tahay bataashiyam, magnishiyam. Soodiyam iyo Fosforas wey ku badan yihiin Miraha waxa ku jira Kaarootiin oo isu roga fiitamiina A jirka markuu qaato iyo fiitamiin Bda kakan, Macdan kala duduwan oo badan ayaa laga helaa ha ku kala badnaadeene.
D. LAWSKA, QUMBAHA, SISINTA, & GABALDAYAH
Cuntadan (geed saliideedka) waxaa ay isugu jiraan Qumbaha, Lowska, sisinta iyo gabaldeyaha. Lowska, qumbaha, iyo sisinta waxa loo cuni karaa macmacaan, iyagoo duban, iyagoo cunto kale lagu daray, iyo iyagoo saliid lagu dhigaa.
WAXTARKOODA
Lowska, qumbaha iyo sisinta waxa ay leeyihiin borootiin waxtar weyn u leh jirka ugana fiican marka loo eego borotiinka khudaarta laga dheefo. Lowska, sisinta, qumbaha waxa laga helaa fiitamiin B oo noocyo badan ah sida tayymiin (thiamine), ribofalayfiin, (ribflavin) iyo naysiin (niacin). Macdanta ku jirta waxa ka mid ah kalshiyom, bir iyo fosforas, inkastoo fosforasta, inteeda badani ay ku jirto faytik (phytics), kaasoo aan u suurta gelin fosforaska in uu jirka helo. Lowska sisinta qumbaha waxa kale oo lagu dheefaa tamar (quwad) lixaad leh iyadoo u sabab tahay dufan ka badan oy leeyihiin.
3. SHARAABKA
Waxa la cabbo labaan u kala saari karaa :-
Casharka waxaa aynu ka sheegtynaa waxa la cabbo oo aan ku jirin khamriga. Sharaabka khamriga la' waxa ay ku kala soocan yihiin:-
B. BIYO WARSHADOOD
Biyahaan waa biyo lagu daray maatar midabaynaya biyaha lana cuno. Sharaabkini waa Biyo Sonkor iyo midab lagu daray markaa waa nafaqo yar yihiin. Waxaa ka mid ah Kookada, Faantada, Isbaraayd iyo tamariindo.
T. SHARAABKA NAFAQADA LEH
Sharaabka nafaqada lihi waa ukunta iyo caano la isku walaaqay, muud miraha sida muud cambeedka, waxa laga helayaa fiitamiinno, macdan cusbo, borootiin, kaarboohaydarayt, iyo dufan. Sharaabka waxa inta badan cabba dadka jirran oo ay adag tahay in ay qaataan cuntada kakan.
J. SHARAABKA KU DIIRIYA (STIMULATING)
Sharaabka ku diiriya markaad cabtid waa shaaha iyo koofiga waxa ku jira iyaga diiriyayaal la yiraahdo koofiin (coofeine) diiriya yaashan waxa ay la shaqeeyaan maskaxda qaybteeda koortagiska (cortex) iyagoo ka bi'inaya daalka kuna diirinayaa. Haddii aad loo cabbo waxa imaneysa hurdo la'aan Taaniin (tannin) oo ku jirta shaaha iyo koofigaba waxa ay dhibtaa habdhiska dheefmareenka. Haddii aad la isago badiyo.
LAYLIS :
CUTUBKA KOOWAAD
BAABKA SADDEXAAD
BAABKA 3AAD
TUSAALE :-
CUNTOOYINKA LOO QAADAN KARO QURAAC, QADO IYO CASHO
QURAAC :-
SAMEYNTA CANJEERADA (LAXOOXDA)
SAMEYNTA CANJEERO (LAXOOX) KHUDAAR LAGU DUBAY (CABAY
SAMEYNTA MUUFADA :
SAMEYNTA MUUFO DIGSI :
SAMEYNTA MUUFO DIGIR:
SAMEYNTA MUUFO BIRTAAWO :
SAMEYNTA ROOTI :
SAMEYNTA ROOTIGA CAADIGA AH :
IN SALIID AH :
SAMEYNTA ROOTI DIGIR:
Xusuus:
Haddaan caano jirin waxaa lagu isticmaali karaa biyo.
SAMEYNTA ROOTI GALLEY:
SAMEYNTA MISHAARIDA
SAMEYNTA MISHAARI JILICSAN (MISHAALI):
SAMEYNTA UKUNTA :
UKUN IYO YAANYO :
Waxa la cunaa iyadoo oo kulul. Waxaa lagu cuni karaa rooti, canjeero; muufo iwm.
SAMEYNTA UKUN BAR SHIILAN (HALF FRIED)
Waxaa la cunaa inta ay kulushahay. Waxaa lagu cunaa rooti, muufo; canjeero iwm.
XUSUUS:
Shiilidda ukunta waa hab fiican oo lagu sameeyo ukunta dadka waaweyn. Marna yaanse carruurta loo sameyn maxaa yeelay calooshoodu ma shiidi karto.
SAMEYNTA KHUDAARTA
Raasowga iyo Baraajiska waxa ay leeyihiin biyo badan. Marka in yar oo biyo ah ayaa lagu karin karaa. Marnaba biyo badan inta lagu kariyo yaan la daadinin. biyaha.
SAMEEYNTA RAASOW IYO UKUN :
SAMEYNTA RAASOW IYO BOCOR:
SAMEYNTA MARAQA:
SAMEYNTA MARAQ DIGIR IYO UKUN :
SAMEYNTA BEERKA :
BEER SHIILAN :
SAMEYNTA KELYAHA :
KELYO SANUUNADEYSAN :
SAMEYNTA KALLUUNKA :
KALLUUN IYO YAANYO :
SAMEYNTA KALLUUN KHUDAAR :
QADO
SAMEYNTA SOORTA :-
SAMEYNTA SOOR CAADI AH:
SOOR FUF FUR AH:-
SOOR ISKU KARIS AH:
SOOR DIGIR:
SAMEYNTA BARIISKA:
Bariid khudradeysan:
Bariid isku karis ah:
SIDA LOO BADDELI KARO:
BARIID IYO DIGIR:
XUSUUS:
Ku daridda caano qumbeedka waxa ay kordhisaa nafaqada jirka dhista iyo tan quwadda jirka siisa.
SAMEYNTA BAASTADA:-
SAMEYITA BAASTADA AQALKR LAGU SAMEEYO:-
BAASTO DUBAN (FOORNAYSAN):-
SAMEYITA BUR SAABAAYAD:-
SAMEYNTA BUR SABAAYAD CAADI AH :- (PLAIN)
Xusuus:
Sinafaqada jirka dhista loo kordhiyo waxa habboon in digir ah lagu daro, burka kale.
BUR SABAAYAD BATAATI KU JIRO:
SAMEYNTA MARAQA:-
SAMEYNTA MARAQ HILIB OO KHUDRADEYSAN :-
SIDA LOO BEDDELI KARO:
Halkii bataatiga guduudan waxaa lagu isticmaali kraa bataatiga cad, moos ceeriin, babaay ceerin, ama khudaar kasta oo la doono.
MARAQ KULLUUMEED:-
MARAQ DIGAAG IYO KHUDAAR :-
CASHO:-
XUSUUS:-
Sameynta muufada, canjeerada, rootiga iyo noocyada maraqa waxaad ka heleysaa tusaalooyinka quraacda iyo qadada.
SAMEYNTA CAMBUULO
CAMBUULO DIGIR IYO BARIIS :-
CAMBUULO DIGIR :-
CUTUBKA LABAAD
BAABKA KOOWAAD
BAABKA 1AAD
CUNTADA IYO NAFAQADEEDA
Waxa nool oo dhan cuntay u baahan yihiin, la'aanteedna ma noolaan karayaan, sababto ah hawl fulinta shaqooyinka jirka waxaa suuro gelisa cuntada. Shaqooyinka cuntadu qabto waxa ka mid ah:-
1. Dhismaha jirka - tusaale cuntada waa dhismaha jirka sida ay dhagxantu u yihiin dhismaha daarta.
2. Sameysanka tamarta, jirku wuxuu u baahan yahay inuu koro inuu helo diiranaan taasna waxa suuro gelisa tamar.
3. Isku dubarididda shaqooyinka jirka sida:- Iskudubaridka dhaqdhaqaaqa wadnaha, iskudubaridka heerkulka ,jirka, ka qashin saaridda jirka sida dhididka, kaadida IWM. Nafaqooyinka lagama maarmaanka ah waxa ay u kala baxan:- Biyo, Nfaqada jirka dhista (Boorotiin) na faqada siisa xoogga iyo awooda (Kaarbohaydaraytis iyo dufanka) iyo nafaqooyinka jirka cudurada ka dhawra koriyana fiitamiinada iyo macdanta.
4. Ka ilaalinta cudurada jirka.
I. Biyaha
b) Waxtarka biyaha
t) Waxa laga helaa :
Biyaha sidooda loo cabbo sharaabka kale caanaha miraha iwm.
II. Nafaqada jirka dhista (Borotiin)
b) Waxtarka uu leeyahay jirka
Wuxuu kordhiyaa unugga dhiigga, nudka iyo muruqyada jirka oo dhan. Wuxuu kaloo koriyaa maqaarka, timaha iyo wada jirka xubnaha oo dhan.
Waxaa laga helaa :
Cuntada xoolaha sida :- hilibka, kalluunka, ukunta iyo caanaha.
Cuntada dhirta sida :- Sisinta, lawska, qumbaha, digirta iwm.
Borootiinka laga helo cuntada xoolaha waa mid ebyoon oo buuxa (dhan) oo jirka siin kara waxa uu u baahan yahay oo dhan.
Borootiinka laga helo cuntada dhirta waa mid aan ebyooneyn oo aan buuxin sidaas darteed ma uu siin karo jirka waxa uu u baahan yahay oo dhan sida midka cuntada xoolaha. Galleyda, meseggada (badarka), bariidka, sareenka, iyo waxa ku jira borotiin aad uga yar kan ku jira digirta, lawska,sisinta iyo qumbaha.
Borootiinka dhirta si looga dhigo mid ebyan (buuxa) waxa loo sameyn karaa dhawr dariiqo oo ah :
1.) In la isku daro cuntada xoolaha iyo tan dhirta sida:- Soor gashiisho) iyo caano, canjeero (laxoox) ama muufo iyo hilib, bariid iyo kalluun, rooti iyo ukun.
II) In la isku daro labo cunto oo cuntada dhirta ah sida : digir iyo masaggo, digir iyo galley. digir iyo bariid, bariid iyo qumbe, bur iyo laws, sisin digir i….
Borootoonka waa nafaqo uu jirku u baahan yahay maalin walba siiba waxa aad ugu sii baahan carruurta koraysa, xaamilada iyo nuujisada. Si baahidaas looga hor tago waxa cuntada lagu dari karaa laws, qumbe, digir, sisin, hilib, kalluun.
Marka cuntada xubuubka ah sida canjeerada, muufada, soorta, rootiga ,iwm laga qaato mid ka mid ah cuntada kor lagu soo sheegay waxa laga helayaa borootiin dhan oo ah kii uu jirku u baahanaa.
III) Nafaqada jirka siisa kul iyo xoog
(Karbohaydarayt)
b) Waxtarka nafaqadan
Karbohaydaraytka wuxuu jirka siiyaa tamar iyo kulayl uu ku shaqeeyo oo hawlaha la qabto oo dhan lagu fuliyo sida neefsashada, socodka korrriimada kabidda qaybaha gaboobay.
t) Waxa laga helaa :-
Masaggada (badarka) , galleyda, bariidka, burka, sameeyo oo dhan, waxa kale oo laga helaa macmacaanka sida :- malabka, timirta, nacnaca, doolshaha, buskudka, jaanka, sabiibka, iyo sonkorta. Sonkorta waxa laga helaa oo kali ah kul ama quwad. Sonkorta lagama helo waxaan kul ahayn, sidaas daraaddeed ayey carruurta ugu wanaagsan tahay in la siiyo sonkor badan
4.) DUFANKA (duxda)
b) Waxtarka dufanka
dufanka wuxuu jirka siiyaa tamar iyo kul badan dufanka wuxuu bixiyaa (jirka siiyaa) kul ah laban-laab inta uu karbohaydaratisku bixiyo.
t) Waxa laga helaa :-
Subagga, saliidda, burcadka, labeenta, xayrta, lawska, sisinta, qumbaha, iyo gabaldeyaha.
5. Macdanta iyo fitamiinada
Macdantu waxay jirka ka taageeraan dhinaca horiimada, dhismaha, iyo kabidda qaybaha gaboobay. Waxay isku dubbaridaan wada jirka xubnaha jirka. Macdan badan oo kale jaad-jaad ah ayuu jirku u baahan yahay inkastoo qaarkood in aad u yar aanu uga baahan nahay. Kuwa aad muhiimka u ah waxa ka mid ah :-
Kalshiyam
b) Waxtarkeeda
Unugyada jirka oo dhmmi ma la'aan karaan kalshiyonka. Waxay dhistaa lafaha iyo ilkahaba ma kale baxayaan oo si toosan umakorayaan, taasuna waxay dhibaataynaysaa jirka intiisa kale. Kalshiyomka waxa aad ugu baahan hooyada uurka leh si cunugga ay calosha ku sida lafahiisu u koraan.
Waxa kaloo aad ugu baahan carruurta soo koraysa iyo hooyada nuujisa.
t) Waxa laga helaa :-
Caanaha iyo waxa caanaha laga sameeyo, xubuubka, kalluun qallalan iyo khudaarta cagaaran.
Birta :
b) Birta waxay dhistaa unugyada gaduudan ee dhiigga, la'aanteedna waxa dadka ku dhacaaya cudurka loo yaqaan dhiig yari (anemia).
t) Waxaa laga helaa :-
Hilibka siiba beerka, ukunta, khudaarta caleenta cagaaran, digirta guduudan miraha iyo timirta.
Iodiin :
b) Waxtarkeeda
Iodin waxay joojisaa cudurka cunoo barbarka (goiter)
t) Waxa laga helaa
Kalluunka biyaha ku nool iyo cuntada ka baxda xeebaha iyo meelaha xeebaha u dhow.
Fitamiinada :
Fitamiinnada waxay dhawraan caafimaadka jirka waxay kalkaaliyan Koriimada jirka.
Fitamiin A da :
b) Waxtarkeeda
Fiitamiin Ada waxay kalkaaliyaan korriimada jirka. Fitamiin waa kabe, caafimaadka maqaarka, sanka, afka, iyo hunguriguba waxay ku xiran yihiin helitaanka fitamiin A da. Fitimiinta waxay kala dagaallantaa waxyeelada jirka dibadda kaga imaanaya, waxay aad u kaalisaa fayowga aragga.
t) Waxa laga helaa :
Beerka, caanaha, garoorka adag, burcad ka, ukunta, inta hurdiga ah, kalluunka saliidda leh, khudaarta hurdiga ah iyo khudaarta cagaaran iyo miraha. Jirku wuu keydsadaa fitamiin A da waxase loo baahan yahay in la qaato cunto cusub oo fitamiin A da ay ku jirto maalin walba haddii la heli karo.
Fitamiin B
Fitaamiin Bdu waa badan yihiin waxaana la isku yiraahdaa fiitamii Bda adag. Kuwa aad loo yaqaan waa Tayamin ama Fitaamiin B 1
b) Waxtarkeeda
Waxay ku lug leedahay is wadidda jirka, siiba habdhiska dhambaalqaadka, xiisaha cuntada iyo isku dubbaridka dheefshiidka, waxay horjoogsataa jirrada la yiraahdo Beriberi taasoo keenta itaaldarro iyo waxyaabo kale oo jirka dhiba.
t) Waxaa laga helaa : -
Hilibka, beerka, ukunta, uurku jirta oo dhan, digirta, sisinta, lawska iyo khudaarta aan la karin.
Fitamiintan jirka ma kaydsan karo sidaas darteed ayaa loo baahan yahay in la qaato maalin walba.
Riboofalafiin ama fiitaamiin B 2
b) Waxtarkeeda
Fitamiintan jirkey wada kaalmeysaa waxaysa goonni ahaan taageertaa fayadhowrka indhaha maqaarka iyo carrabka.
b) Waxa laga helaa :-
Caanaha, waxa caanaha laga sameeyo, beerka, hilibka jilicsan, ukunta iyo khudaarta cagaaran. Jirku ma kaydsan karo. Markaa waa in la qaato maalin walba.
Niasin (Niacin)
b) Waxtarkeeda
Guud ahaan waxay caawisaa shaqada unugyada jirka iyo fayawida maqaarka, carrabka iyo habdhiska dheef mareenka. Fiitamiintan iyo kuwa kale oo isla Bda ah waxay horjoogsadaan jirrada la yiraahdo Bellaagra (Pellagra) taasoo lagu garto calaamada oogada ka muuqda iyo camalxuma (caro badan).
Fitamiin C (Askorbik asidh)
b) Waxtarkeeda :-
Waxtarka fitamiin C da waa isku dubbarididda xubnaha jirkoo idil. Waxay dowr weyn ka cayaaraan nugitaanka kalshumka, Cir ridkey adkeysaa kana ilalisaa dhiig baxa.
Fiitamiintan waxay horjoogsataa dhibka jirka ku imaanaya, daalkana ama noogana waa kaa dhowrtaa. Waxay ka hortagtaa jirrada. la yiraahdo skarfey (scurvey) oo waxyeesha muruqyada iyo dhiig mareenka. Fiitamiinkan adkeysi uma laha hawada. Sidaas darteed waxa wanaagsan in lagu kaydiyo meel aan hawo laheen.
t) Waxaa laga helaa :-
Geed-dhanaanka oo idil sida liinta yar-yar ama liin dhanaanta, liinta waaweyn, murcoodka, yaanyada, cambaha dhanaan,iyo caleenta sideeda lagu cuna. Jirka ma keydsan karo fitamiintan sidaas darteed waa in maalin walba la qaato.
Fiitamiin D
b) Waxtarkeeda :-
Fiitamiin Dda waxay dowr ka cayaartaa nuugista kalshamka iyo fosforaha. Fiitaamiintan waxay horjoogsataa jirrada la yiraahdo Riket (lafa jileeca) kuna dhaca carruurta. Badnaashada fiitaamiin D da waxay waxyeeleysaa jirka; calaamooyinka ay keento waxaa ka mid ah :-
t) Waxaa laga helaa : -
LEYLIS :
CUTUBKA LABAAD
BAABKA LABAAD
CUTUBKA LABAAD
BAABKA 2AAD
DHOWRIDDA IYO KEYDINTA CUNTADA
Cuntada mar hadday xumaato ama qurunto kuma fiicna cunidda. Qurunka iyo hallowga cuntadada waxa keeni kara firfircoonaanta ENSAYMISKA cuntada ku jira qaarkood iyagoo muuq ahaan iyo dhisma ahaanba beddelaya cuntada. Cuntada waxa kale oo xumayn kara firfircoonida ili-ma-aragteyda ku dhaceysa ay ka mid yihin yiiska (geed yar oo khamiirka keena), molshiska iyo bakteeriyada ama wax xumeyn kara cuntada cayayaanka (xasharaad) sida duqsiga. Waxa cuntada xumeyn kara marka ay taabtaan jiirka, barambarada, ama qorratada, mulaca iyo wixii la mid ah. Haddey agagaarka cuntada joogaan.
Waxa iyana cuntada xumeyn kara meteliska oy ka mid yihiin naxaaska, iyo maarta hadday taabtaan ama ku darsoomaan. Cuntada si aanay u xumaan marka la rabo inay sii taalo muddo waxa la isticmaalaa siyaabo ama hab lagaga hortagayo waxyaabaha cuntada doorinaayo (xumaynayana)
ENSAYMISKA
Ensaymiska cuntada ku jira ayga wanaajiya ama xumeeya. Isbeddelka wanaagsan oy cuntada ku sameeyaan waxa ka mid ah bislaashsa miraha, garooka oo adkaada (cheese), iyo hilibka oo jilca. Cuntada xumeeyaan ensaymisku waxa ka mid ah miraha, ukunta, iyo khudaarta oo qurunta iwm.
Firfircoonaanta ensaymiska laba wax baa keena : cuntada oo hawada loo dhigo iyo heerkulaylka ku habboon jiritaanta ensaym-ska oo u suurta gelisa inay qoonsikac cuntada la samayaan waxa lagu baabi' in lahaa iyadoo cuntada laga qariyo hawada, iyo heer kulaylka oo hoos loo dhigo ama la gaarsiiyo heeraanay ku shaqayn kareyn ensaymisku.
Ensaymiska badankooda
(waa cuntada oo aad loo bisleeyo).
Cuntada hawadu xumaynayso waxa lagu joojin karaa iyadoo miraha iyo khudaarta la qasacadeeyo (canning), iyadoo cuntada ay ka mid tahay dufanka lagu xiro weel leh dabool aanay hawadu ka duseyn. Waxa dhaqdhaqaaqa ensaymiska lagu joojin karaa iyadoo qaboojisyada lagu isticmaalo oo cuntada la baariyo
QABOOJISOOYINKA IYO HABKA QABOOJINTA
Cuntada waqti dheer baa hyn karaa haddii markeedii hore loo sameeyey si nadiif ah heer qabowga lagu qaboojinayo cuntadana yahay mid aanay hore ugu xumaaneyn.
Heer qaboojinta markuu hooseeyo wuxuu yareynayaa suyuca (humidity), wuxuu dhaqdhaqaaq tirayaa ensaymiska cuntada beddelaya, wuxuuna joojinayaa ili-ma-aragteyda cudurka sidda oo geleysa cuntada kaddibna ku abuurmaysa.
Qaboojinta: Qaboojintu sida ay ku shaqeysaa waa heer qabowga oo la gaabiyo si uu ensaymisku iyo bakteeryadaba u joojiyaan firfircoonaanta.
Habka qaboojiska waxa loo isticmaalaa si loo dheereeyo nolosha cunto xumaan lahayd sida caanaha, khuraarta, iyo mirahaba. Waxa fiican in aan aqoon u leenahay sida loo isticmaalo qaboojiyaha. Haddii qaboojiyaha furnaado in badan oo dhaafsan intii caadiga ahayd hawsheedii waa sii kordheysaa, koronto badanna waa soo saareysaa. Sida darteed cuntada waa in laga saaraa qaboojisada ama lagu ridaa si dhaqsa ah aan lana furin inta badan sida armaajo oo kale. Qoyaanka cuntada leedahay wuu ururayaa oo wuxuu sameynayaa lakab baraf ah, maxaa yeelay heer qabowga aad u hooseeya. Taasi waxay ina tusaysaa inaynu daboollo cuntada si aanay cuntada qa boojiyaha ku jirta oo dhami si u wad dhadhamin. Matalan babayga kala jeexan, xabxabka iyo basashu haddii lagu rido qaboojiyaha iyagoon daboolayn caanaha iyo biyahaba qaboojiyaha ku jira waa ka soo urayaan. Markaa si aan taasi u dhicin waa in lagu ridaa weel daboolan ama bac ka celisa hawada. Caadi ahaan basasha laguma rido qaboojiyaha Miraha aan la jarjarin sida babayga iwm. Sidaa oo kale ayaa loogu ridi karaa qaboojiyaha.Cuntadu hadday kulushahay waa in la qaboojiyaa (qabow caadi ah) inta aan la galin qaboojiyaha waxa kale oo jira in khaanadaha sare ee qaboojiyuhu ka qabow yihiin kuwa hoose markaa waa in cuntadu sida ugu kala haboon tahay loo dhigaa. Cuntada markiiba xumaan kartaa sida caanaha iyo cuntada karsan iyaga meesha dhexe baa la dhigaayaa.
Hilibka waxaa la dhigayaa meesha ugu sarreysa. Miraha hadday ceeriin yihiin laguma rido qaboojiyaha ee waa inay bisayl yihiin marka lagu ridayo qaboojiyaha, ee sidaas oo kale waa in la khamiiriyaa cuntada dhammaan inta aan lagu kaydin qaboojiyaha waayo mar haddii qaboojiyaha la geliyo khamiirka ma kacayo.
Heer Qabawga Hoose
Moosku waa ku madoobaadaa kuna jilcaa heer qabowga hoose markaa waxaa fiican in aan lagu ridimba qaboojiyaha laakiinse waa la googooyn karaa mooska oo caanaha iyo sonkorta lagu khaldaa ama lebeniyada ayaa lagu dhigaa haddii la rabo in qaboojiyaha la geliyo.
SIDA CUNTADA QAARKEED LOO KAYDIYO
1. BADARKA, BARIISKA ,DIGIRTA (IWM)
Cuntada badarka ah (xubuubka ah) ee waddankeenna in weyn baa lunta taasooy ugu wacan tahay iyagoo xumaada (halaaba). khasaarahana waxa sii badsada khudaarta iyo miraha.
Badarka ma halaabayo cayayaan ukuntiisugelimeyso haddii si habsami ah loo diyaariyaa oo meel lagu keydiyo.
Weelkaasi waa inuu ka dheeraadaa waxa xumeynaaya hawadana aan sii deyn. Waxa haboon weelka birta ah in la isticmaalo.
Kuwan waa la mayrayaa, qallalinayaa, laguna diirinayaa cadceedda ka hor intaan lagu shubin badarka. Badarka la keydinayaa waa inuu nadiifsan yahay waxaana lagu qallajinayaa kuleylka cadceedda intaan lagu ridin weelka. Hawada waxa celinaya xaashi la dhexdhigo daboolka iyo weelka badarka ku jiro. Cuntada sidan loo dhigay waa in la kormeereeyaa iyadoo laga fiirinaayo inay xumaadeen iyo inkale.
Qurun ama dirxi marka laga dareemo deg-deg baa loo joojinayaa intaanay cuntadu wada xumaan (kharibmin, hallaabin).
2. HILIBKA
Hilibka wuxuu ka mid yahay cuntooyinka dhaqso u xumaada. Habka lagu dhowri karaa waa shiilidda sida oodkaca (muqmad) iyo kumbiska, qalajiska iyo isagoo lagu rido qaboojiye.
3. KALLUUNKA
Cusbeynta kalluunka ku dar.
SIDA KALLUUNKA LOO QALO

NADIIFINTA IYO CUSBEYNTA KALLUNKA
QALABKA LOO BAAHAN YAHAY


CUSBEYNTA KEYDINTA KALLUUNKA
Cusbo badan baa loo baahan yahay haddii la rabo in uu waqti badan oollaado (yaallo) cusbada lagu isticmaalayaa waa in ay nadiif ahaato.

SIDA LOO CUSBEEYO KALLUUNKA YAR YAR
Waa in la dhaqaa lana nadiifiyaa kalluunka ka hor inta aan la cusbeyn kalluunka.
KAYDINTA HAMBADA
Nolosha ama raagista cuntada hambada ah ay ka mid yihiin khudaarta, bariiska, mufada, iyo maraqaba waxa lagu keydin karaa siyaabaha fudud ee aanu hoos ku sheegeyno. Tabahan oo lagu socdaa wey yareynayaan khasaaraha had iyo jeer ku dhaca cuntada guryaha lagu karsado (sameysta) oo karta.

D. DAREERAHA SIDA MARAQA NOOCYADIISA KALA GEDISAN IYO CAANA HARA
Cuntada dareeraha ah waa la keydin karaa afar iyo labaatan saacadood haddii lagu socdo hannaankan kor ku dhigan. Caanaha sidoo kale haddii lagu maamulo meel qabowna la dhigo ayuumbaa la haysan karaa waqti dheer.
KHUDAARTA IYO DIGIRTA KARSAN
Inta khudaarta iyo digirta ka harta waa la cuni karaa maalinta labaad haddii lagu daro dheecaanka raqayga (xamarta) ama kan liimada,iyo cusba. Iskudhisanaha waa la bayliyaa dabkana waxa loo deynayaa soddon daqiiqo. Kaddib waxaa loo kaydinayaa sidaan horey ku soo sheegnay.
BARIISKA
Bariiska waa la jilcinayaa. Isagoo halkiisa ku jira baa biyo karsan lagu shubayaa si miraha bariiskuu u quusaan biyahana uga sarreeyaan ama farta xubinteeda. Sida wuu ku kaydsami karaa bariirku muddo u dhaxaysa afar iyo labaatan saacadood ilaa sideed iyo afartan saacadood meel qabow haddii la dhigo waqtiga dabadii biyaha waa laga miiraa bariiskiina waxa lagu cuni karaa maraq, labeen ama caano.
BUR SABAAYAD, ROOTI, MUUFO
Kuwan haddii la hambeeyo waxa lagu uuminayaa dab aan olol lahayn ilaa ay adkaadaan- Kaddib waxa lagu ridayaa weel adkeysan oo nadiif ah. Marka loo baahdo biyaha la marmariyaa oo la kululeeyaa markaana la cunayo waxa lagu iidaaman karaa burcad ama subag amase waa la burburiyaa (la tuntumaa) oo waxa lagu daraa caano iyo sonkor si ay u noqdaan quraac ama maraqaa lagu adkeystaa.
GAROOR & CIIR
Caanaha, garoorka ah, ama ciirta ku dar biyo liin leh si aanay markiiba u dhanaanin. Markaad sameysid mara qoyan huwi (ku af xir) weelka caanahu ku jiraan, meel qabowna dhig markaa.
MIRAHA IYO KHUDAARTA AAN KIRISKA U BAAHNAYN
Muuska iyo miraha jilicsan oo kaleba waxa lagu ridayaa dambiil u sameysan sida taarka (wire) waxaana laga soo lulayaa safiitada guri qabow oo hawadu si roon u soo geleyso uguna baxayso. Waxa hagaagsan inaanay istaaban miriuhu ee kale yaaliin waa in khudaarta caleemaha cagaaran leh lagu xiraa ama lagu qariyaa maro qoyan oo nadiif ah meel qabowna la dhigaa. Kaabajka, bagalka iyo khudaarta kaloo la mid ah waxaad ku kaydinaysaa iyagoo lagu dubo laba ama saddex laab xaashi aanad rabin markaa ka dibna la dhigo meel qabow.
SIDA WAQTI DHEER LOO KEYDIYO MIRAHA IYO KHUDAARTA
Miraha iyo khudaarta la dhigaya waqti dheer waa inay soocnaadaan, ayna yihiin qaar qaayo fiican leh, Miraha waxa aad ugu wanaagsan in la keydiyo (la dhigo) markay bisla-adaan, khudaartuna markay curdanka yihin. Marka qaayo ahaan loo kaydsanayo miraha waa in la eego xabadooda, midabkooda iyobisaylkoodaba. Miraha bukaba waa in la tuuraa. Waa in marka hore la masaxaa, kadibna lagu dhaqaa biyaha baambadda ee soconaya ama biyo badan. Hadday lagama maarmaan noqoto waa in la dhilaa (diiraa).
ISTICMAALKA SALIIDDA IYO GEED KULAYLKA
Geed kulaylka ay ka mid yihiin basbaaska guduudan, basabaaska cagaaran iyo filfisha waxa lagu istimaalaa marka la diyaarinaayo khudaarta lagu keeydinayo biyaha cusbaysan. Habkani dhadhanka cuntada oo keli ah ma wanaajinayo ee wuxuu kaloo abuurayaa saabo (xayaabo) aan u fiicnayn kortaanka bakteeriyada.
Sidaas oo kale marka cuntada la kaydinayo haddii lagu isticmaalo sonkor, cusbo ama saliid, waxa abuurmaya lakab sare kaasoo u diidaya ili-ma-aragtada hawada ka imanaysa inay taabato cuntada. Haddii lakab saliid khafiif ah lagu daboolo miraha ay ka mid tahay liimadu miruhu iyagoo cusub bay ooli karaan.
KAYDINTA SONKORTA LA XIRIIRTA
Keydiska miraha jilicsan sida canbaha:
DIYAARIITA DUGSUUDDA IYO DABOOLADA(WEELASHA) WAX LAGU
Kaydinaayo
Ka hubi si deggan meelaha ka dadaloolan dugsuudda iyo dabooladoodu. Marnaba wax ha ku qaban weel goldaloola leh.
Weelka ku dhaq biyo saabuun leh oo kulul. Biyaha kaloo diiran geli oo haku jireen shan iyo toban daqiiqo. U daa biyaha karaya ilaa aad kaga isticmaaleysid. Mid mid u buuxi marba. Ka tir tir oogadooda iyo dusha sareba adoo ka reebaya, iniinta ama cunta yar yar oo soo raacdaba.
Marka la doono in la qaado weelka waa inaan furka ama daboolka la qaban, waxa suurtowda in weelka ka haro daboolka maxaa yeelay hoosta way ka culus tahay. Si loo qaado haddaba waa in dhinacyada ama gunta la qabtaa. Weelka iyo waxa ku jira inay isu jiraan laba ilaa saddex hiish si hawadu u degto. Weelka qabooji intaanad wax ku kaydin. Ha ku giijinin daboolada hadday dhalada kulushahay
Si aad u ogaatid in weelku lingaxan yahay qaado ku gargaraac daboolka ka dib markay uu qaboobo weelka. Dhawaaqa ka baxaa hadduu saani yahay uuna dikaamo lingaxa waa fiican yahay. hadduuse si xun oo codkeedu hooseeyo u dhawaaqo, weelku si haboon uma lingaxna. Waa qorsho wanaagsan haddii aad dhugatid lingaxa mar dambe afar ama shan casho dabadeed.
Weelka aad cuntada ku riday waxaad dhigtaa meel qabow qallalan, oo mugdi ah. Waa inaad ka fogeysaa kushiinka am meesha kulayl kaga dhow yahay.
MUUD (SOUASH)
MUUD LAGA SAMEEYA LIIN MACAAN (LIINWAAWEYN & TAN YAR YAR
Waxaa loo baahan yahay inaad dooratid liin bislaatay aan nabro laheyn. Biyo qabow ku dhaq ka dib markaad soocatid liinta wanaagsan. Biyo kulul uga danbeysii dabadeedna mindi aan maar lahayn ku jar jar. Ka tuuji muudka adoo ka reebaya iniinaha iyo ganka (gufarka). Sonkor iyo biyo ku khalad adoo isugu daraya sida hoos ku muujisan.
ALAABTA
| Muud (Dheecaan) | 1 koob | 1 koob |
| Sonkor | 1 koob | 2 koob |
| Biyo (kulayl) | 3 koob | 3 koob |
Muudka maro kaga miir liinta, dabadeedna ku shub dhalooyin nadiif ah oo lagu daboolay qori (corks) ama caag waxaad qotomisaa meel qabow oo qallalan, Sidaa loo sameeyo: kari sonkorta iyo biyaha oo isku darsan, ku dar muudka oo isku kari. Markay baylaan ku walaaq fandhaal la diiriyey oo laga maayey wasakhdii.
JAAMKA
Jaamku wuxuu ka sameysmaa sonkor lagu daray miro (fruits) la ridqay. Haddaba waa inaad xulataa miro feyow oo dhdhan macaan leh. Markaad xulato mayr, ka saar imiinaha, jar-jar oo yaryaree. In le'eg ma in ka badan oo sonkor ah ku dar. Ku dar muudka (juus) liinta, ku kari digsi dufan leh. Dabka u daa adoo inta badan walaaqaya siina burburinaya ilaa uu soo baxo cajiin (paste) culus) oo aan qaadada ku dhegeyn. Qabooji oo ku shub dhalo nadiif ah lingaxa markiiba. Haddan hubin lingaxa waxaad ku shubtaa lakab shamac ahoo khafiif ah madaxa dhalooyinka ka hor intaad xirin (bar ilaa hal qaaddo dhaladiiba) si aanayn u xumaan mar dambe. Sidaa hadaad yeeshid in dooray fiicnaanaysaa cuntadaasi.
Habka aynu soo dhignay waa lagu sameyn karaa jaamka haddii la hayo miraha ay ka mid yihiin: babayga, iyo canbaha hilibka badan leh (fleshy mangoes) seytuunka, iwm.
JAAMKA LAGA DIYAARIYO MUUDKA MIRAHA (FRUITS)
Habka soo socla baa lagu diyaarin karaaj aamka marka kai laga sameynayaa canbaha yahay:
XUJIRAYAAL
isku dar intaba oo biyli ilaa ay jaam noqdaan.
JAAMKA LAGA SAMEEYO YAANYADA BISIL
Soo qaado yaanyo adag oo bisayl ah, dhaq diir oo burburi rodolkii yaanyo ahba ku dar afar dalool saddex meelood ama rodol dhan oo sonkor ah ku dar xoogaa muudka liinta ah, xoogaa hayl ah xoogaa qorfaha iyo in yar oo sinjibiil ah (ginger) haddii loo baahdo, waxaad u sameysaa hannaankii lagu sameeyeyjaam canbaha.
KEYDISKA CANBAHA CEERIIN
QABOOJIYAHA GURIGA LAGU SAMEEYO
Xilliga xagaaga canbuhu dhashay dhallaan rogaan, garoorku dhanaan buu noqdaa khudaartuna wey qallashaa. Si looga baxsado khasaaraha qaboojiyaa la isticmaali karaa iyadoo la raaciyo mid ama labadan siyoodba.
1\. Waxaad isticmaasha ashuun (jalxad) af weyn. Dhul dhig ciid qoyan ama ku rid ashuun kale oo biyo ku jiraan. Huwi maro qoyan oo geftinada ku haysa saxanka ama suyici marba markay ka dambeeyso. Sameeyso laba ashuun, oo mid khudaarta iyo miraha u daa kan kalena caanaha iyo cuntada kale. Cuntada sida loo keydiyo waqti dheer bay ku jireysaa cusaybkeedii hore.
2\. Talo ahaan, waxaad hilibka ku keydisaan keydiye (fiiri sawirka) marka kuleydaha ay tahay dhinac waxaad keydiyaha kaga xirtaa maro qoyan oo geftinadeeda darsan yihiin baaquli biyo ka xuubaan. Biyaha kordhi oo ruxrux markaad istiraahdid wey qalashay maradu korkana kaga rushee si ay biyuhu maradu u wada gaaraan.
CUNTO KEYDIYE

KEYDISKA MUUDKA MIRAHA CUSUB
Miraha ku galaya kaydiska waa : yaanyada iyo cambaha muudka leh. Miraha markaad ndiifisid ka tuuji, tuuji muudka maro milmil ah oo dhowr jeer isku laaban. Diiri muudka oo gaarsii 45°C", ku shub markiiba dhalo (yar)kulul oo aan wasakh lahayn, dabool, ku kulayli weelka biyo soddon daqiiqo, ka qaad biyaha oo aad u xir weelka markiiba.
WAXA LA ENGEJIN KARO
Waxaa la engijin karayaa cinabka, mooska iyo cambaha ceeriinba. Soo qaado cambe cusub oo ceeriin cagaaran ah, mayr diir in cusbo ah ku dar si ay u qariso googo'a ama gabalada oo dhig qoraxxa, ha qalalee.
Sidaasoo kalena waa lagu callaalin karaa cinabka iyo mooskaba biseylka ah
BATAATIGA (BARADHADA QALALAN)
Baradhada dhaq. diirka ka qaad, una daa 2 ilaa 5 daqiiqo ha bislaatee. Ka qaad dabka oo ku rid saxan subageysan una daa qorraxda ha qalashee. Ka dib waxaad ku kordhisaa dheecaan lineed iyo cusbo. Baradhada qalalan waxa kaloo laga samayn karaa baradhada macaan iyadoo la raacayo hannaanka saroo kale.
SIDA LOO ISTICMAALO DHERYAHA :
Dheryuhu waa ka jaban yihiin weelka muraayadda ah waana lagu keydin karaa jaamka. Mayr dheriga kuna engeji dab ololkii dusha iyo hoostaba. Ku shub alaabtaad la rabto dushana kaga malaas shamac shiilan oo ka sameysan baarafiin (parafin). Luqunta iyo dhinacyadaba kaga shub shamac shiilan oo ka kooban lakab kali ah oo khafiif ah si ay daldolooladu u qarsoomaan.
LAYLIS :
Tusmo
CUTUBKA 1aad
| Bogga | |
| Quudinta Xaaska | 1 |
| Caanaha Hooyadda | 3 |
| Quudinta ilmaha | 6 |
| Sida naaska looga gooyo ilmaha | 12 |
| Quudinta Carruurta Dugsiga aada | 17 |
| Baahida Carruurta Qaangaarka ah | 19 |
| Nafaqeynta uurleyda & Nuujisada | 19 |
| Nafaqeynta Aabaha iyo hooyada | 21 |
| Nuxurka waxtarka cuntada | 24 |
| Cuntooyinka loo qaadan karo kurac, Qado; Casho | 34 |
CUTUBKA 2aad
| Cuntada nafaqadeeda | 49 |
| Dhowridda iyo keydinta cuntada | 55 |
| Sida kalluunka loo qalo iyo loo cusbeeyo | 59 |
| Keydinta Hambada | 62 |
| Garoor iyo Ciir | 64 |
| Keydinta sokorta la xiriirta | 65 |