
GUUR IYO FURIIN
MAHADNAQ
Intii aan buuggaan howshiisa waday waxaa gacaan igu siiyey dad badan, sidaas darteed waa inaan uga mahadceliya geesinnimo gelintaas, walaaltinnimo oo ii oggoladay inaan qoro.
Ma illaawi karayo mana illaawi doono gacaantii uu iga siiyey saxiiddiisii iyo habeeyntiisii buuggaan iyo talaadii Jaalle Cabdullaahi Shiikh Maxamuud «Insaniya» sidoo kale waxaa isagana mahad u celinayaa Jaalle Muxiyaddiin Cawale Sobriye, oo qayb ka qaatay taloo bixiinta buuggaan qoristiisa.
Waxaa iyaguna mahadcelin aad iyo aad ah iga mudan Jaallaayasha kala ah: Cali Cabdi Nageeye, qaybta Kombositore bogagga iyo Muuse Maxamad Cosoble, Qeybta Liinoteyb, Garacida Xurufta, Cumar Maxamed Elsadiiq, Sawirka Jaldiga, Cabdi Siyaad, Shariif, Aban-Nuur, iyo Xuseen Siidow Cabdi «Shiikh Shiikh» oo lahaa fikrada naqshaddeynta Jaldiga Buugga.
TUSMO
| Hordhac | 1 |
| Madaxa 1aad. Taariikhda guurka | 3 |
| Dhismaha guurka | 4 |
| Maahmaah | 5 |
| Hawo raac | 6 |
| Waxtarka guurka | 7 |
| Saldhigga dhismaha qoyska | 8 |
| Guurku waa saldhiggii jirista bani'aadamka | 9 |
| Tusaalooyinkii Nabigeenna Suuban | 12 |
| Nikaaxa wanaagiisa | 14 |
| Talo bixin | 16 |
| Madaxa 2aad. Furitaanka | 17 |
| Ujeeddada furitaanka | 18 |
| Guddiga dhexdhexaadiska | 19 |
| Fasiraadda furidda | 20 |
| Shuruudaha furitaanka | 20 |
| Habka wax loo furo | 21 |
| Furriinka ku yimaada cayaarta | 22 |
| Ninka careysan furitaankiisa | 23 |
| Furitaanka Sunniga iyo midka Bidciga ah | 25 |
| Axkaanta ka dhalata furitaanka bidciga ah | 28 |
| Furitaanka cad | 30 |
| Furitaanka lagu xiro waqti iyo meel | 32 |
| Tiirarka la soo noqoshada iyo shuruudooda | 35 |
| Tirada dalqadaha | 36 |
| Isgarabdhigga xeerka qoyska iyo sharciga Islaamka | 37 |
| Asbaabaha keena furitaanka | 39 |
| Furidda ninka sakhraanka ah | 40 |
HORDHAC
Buuggaan oo ku saabsan geesinnimo gelinta guurka waxaa isu duwiddiisa loo xulay erayo caan ah oo ay fahmi karaan dadweynaha intiisa badan heer kasta oo ay aqoonta ka joogaanba, taana waxaa loo yeelay in akhristayaasha dhib yari ku dhuuxaan macnaha ku jira iyo ujeeddada laga leeyahay guurka.
Taas oo muddo badan barbaarta lagu baraarujinayey guurka, lamana soo koobi karo barnaamijyada guurka ku lug lahaa oo loo soo jeediyey barbaarta mar raadiyuhu ka soo tabiyo hawada iyo mar wargeysyadu ay soo qoraan maqaalooyin. qalabka warbaahintu kama quusto inuu qeexo qiimaha iyo qaayaha guurku u leeyahay ummad kasta oo adduunyada ku nool, meel kastaba ha joogtee; hase yeeshee dhallinyarada gaarkeed ayaad mooddaa ineeyan weli ka dhaadhicin dhitaatada doobnimada iyo faa'iidada guurku u leeyahay qofka, qoyska, bulshada iyo ummadda intaba.
Buuggaani wuxuu kaloo xusayaa furriinka, wuxuuna kuu caddeynayaa siyaabaha uu ku iman karo furriinku iyo hababka ay soomaalidu wax u furto. taas oo salka ku haysa caadooyinka, Diinta Islaamka iyo xeerarka uu dadweynuhu ku dhaqmo, wuxuuna ku salaysan yahay xeerka qoyska ee tirsigiisu yahay 33 ee soo baxay 11kii Janaayo 1975kii, kuna soo baxay Buugga Faafinta Rasmiga ah isla taariikhda kor ku xusan sababta taas loo yeelayna waa:-
1. Isaga oo u dalku ballaaran yahay bulshada Soomaaliyeedna ay u baahan tahay inay la socoto dhaqankeeda wanaagsan. Iyadoo dadweynaha Soomaaliyeed sharcigaas si qoran aan u wada helin.
2. Haween-weynaha Soomaaliyeed oo u baahan faahfaahin dheeraad ah oo garwaaqsiin karta xuquuqdooda qofnimo, ayaa qorahani ula muuqatay inuu ka taageero dhinaca fahansiinta sharcigaas oo kacaankeenna barakaysani u soo saaray bulshada Soomaaliyeed. Isaga oo had iyo jeer ka feejigaan, kana hortagaya wixii bulsha-weynta dhibaya.
Sidaa darteed ayaa buuggaani uu kaaliye ugu noqon karaa U.D.H.S. Guddiyada Xisbiga Gobollada iyo Degmooyinka ee raacsan ururka, macallimiinta dugsiyada wuxuu ka caawini karaa wixii la xiriira arrimaha dhaqanka bulshada.
Waxaanna halkaan ku tusaaleynaynaa habaabka ugu toolmoon ha ahaadeen kuwo furriinku uu ku ansixi karo, amase ha ahaadeen kuwo uusan ku ansixi karin ee aan ka soo qaadanay diinta Islaamka iyo xeerka qoyska intaba
Waxaannu rajeynaynaa in akhristayaasha qaayaha lihi ka faa'iideysan doonaan buuggaan, ugana faa'iideyn doonaan kuwa kale oo ay suurto geli kari weyday ha ahaato xagga dhaqaalaha ama xagga aqoon darrida awgeed.
Qore: Maxamed Axmed Cali.
GUUR IYO FURRIIN.
MADAXA 1AAD.
TAARIIKHDA GUURKA.
Nolosha bani'aadamka waxay soo martay halgan dheer ee horumariyay heerarka bulshada. Halgankaasi wuxuu lahaa qaybo fara badan ee saameynaya dadka. Way kala fog yihiin habkii guur bulsho ee hore iyo kaan maanta. Waxaa dhacday inuu beddelmay nidaamkii uu ka unkami jiray qoysku, wuxuuse yimid xilli cusub ee wata waayahiisa iyo nidaamkiisa. Dunidii hore waxay laheyd hab dhaqan dhaqaale ee hoggaansha dhismaha reerka, waxayna lahayd dabci kala duwan ee beel waliba keeda u gaar yahay, waxaa jira in guurku soo maray caadooyinkaas faraha badan sida nolosha bulshu u saameysay isbeddel, hase yeeshee bulsho waliba waxay lahayd dabci u gaar ah ee ku xiran deegaanka bulshada Soomaaliyeed, waayo waxay lahayd xeerar ka geddisan guurarka dunida inteeda kale.
Inkastoo guurka dhallinyarada Soomaaliyeed soo maray waayo kala geddisan, haddana wuxuu ahaa mid ka durugsan, nadiifna ka ah dhaqan dal kale leeyahay.
Haddaannu ka soo qaadanno markii isticmaarkii soo galay qaaradda Afrika ee uu ku dadaalay inuu dhallan rogo hiddaha ummadaha Afrika iyo Aasiyaba u gaar ah, Soomaaliya way ka weecin kari waayeen dhaqankeeda, diinteeda, iyo Afkeeda hooyo toona, waxayna ahayd koox ka duwan ummadaha kale ee la midabka ah, isticmaarkiina ku noqotay laf dheri geli weydey (Micnaha oo ah wax la loodin waayay), waxayna dadka ku nooli leeyihiin quwaaniin iyo xeer bulsho oo tiirar adag leh.
DHISMAHA GUURKA.
Guurku wuxuu ahaa mid ku dhisan sharci adag ee cid kasta ay dhowrto waajibaadkiisa, hooyada iyo odayga Soomaaliyeed markay kala guursanayaan waxa ka dhexeyn jiray caadooyin: Xigmo, Xaajo Jango'an ee ku xiran xididnimo.
Haddaba intaasoo dhan waxaa lagu dhammeyn jiray gogol yar iyo geed harkiis, gabadha ama wiilka ku dhashana kama liidan kuwa haatan dhasha inay ka roonaayeen mooyee.
Sida inooga muuqata ama dhabta ah waxay tahay dhallinyarada Soomaaliyeed badankoodu u hanqal taagaan ama ay jecel yihiin inay ku habeeyaan hiddahooda iyo dhaqankooda waxyaalo ay ku arkeen dal shiisheeye ee laga yaabo inaan diin iyo dabeeco ayan isaga mid ahayn, aragtidu ha noqoto midey dhowr sano aqoon kororsi u tageen ama ha noqoto mid ay ku arkeen aflaan shisheeye: Filimada dhalanteedka ah iyo Wargeeysyada la akhristaba.
Sidaa awgeed ayey ku seegeen guurkii dhallinyaradu maanta. Haddaba waxaa habboon inaan kala saarnaa waxyaabaha lagu faano iyo kuwa laga faano ee iyagu isbarbar ordaya, inkastoo qofku wuxuu niyadda ka jecel yahay isku dayo inuu gaaro; haddana waxaa la yiri adduun waa awr saddexan, afarna ma gaarin waligeed.
Marka waxay taladu tahay dhallinyaroy in duruufta dalkayaga lagu dabbaqo guurka. Nabigeenna suubani korkiisa nabadgelyo ha ahaatee wuxuu yiri: guri aan Ilmo lahayn barako ma leh. mar kale wuxuu yiri Ilmuhu riixaanta jinnada weeye. Wuxuu yiri haddana geed kasta simaar ayuu leeyahay ama Ubax, qalbigana simaartiisu waa Ilmaha.
MAAHMAAH
Haddaba ma habboon tahay ilbaxnimadii iyo hiddihii toosnaa ee dhallinta Soomaaliyeed ay ka dhaxleen awoowayaashood ineey beddelaan ee ay dhexda ka jabiyaan iyagoo uu halqan taagaya hiddo dhul kale leeyahay. Nasiib wanaag Kacaanka barakaysani markuu waddanka ka curtay wuxuu ku dadaalay hiddihii iyo dhaqankii, aqoontii xigmada miiran lahayd ee Soomaali kaab kaab kala dhaxashay in la nuuriyo inteeda wanaagsan.
Waa lama huraan guurku, waxaannu aragnay in dhallinyaradu guur la'aanta maanta waxyaaba badan ay sabab uga dhigeen. Ugu horreynta wax la yiraahdo: Tuhun ee gabadhu leedahay; Wiilasha waqtigan dhaqan ma leh, Wiilasshuna ay leeyihiin gabdhaha waqtigaan jooga lama guursan karo oo dhaqan ma leh.
Haddaba is eedeynta tuhunka ku dhisan natiijadeedu waxay tahay dhaqan xumada taalla labada dhinac. Qofina ma leh ee dulucda ama meesheynu dayeyno waxaa weeye in dulqaadka la kordhiyo, shardiguna wuxuu yahay labada isguursatay midkood haddii dib uu ka yeesho iin. kan kale waa inuu buuxiyo kaalintiisa iyo wixii golduleelooyin ah ee keeni kara kala tag iyo furid, sidaa ayaana lagu gaari karaa dhaqan hufan.
HAWO RAAC
Dhallinyaradu waxay yiraahdeen: naftu waxay u baahnayd iyo waxay haysato ayaa kala fog. taasi waa been ayaan leenahay; waxaana daliil u ah qofka bani'aadmiga ah marka dhibicda dhigga laga uumayo ayaa Ilaah ugu talagalay qorshahiisa, Ilaah ayaana caalim ku ah arrintaas nasiib wanaag waxaa ah in maanta la helay dawooyin ama nafaqo badan oo uu u baahnaa bani'aadmigu waana marag ma doonto.
Tan gabdhaha u gaarka ah in yaroo kooban haddaan ka taabto, waxay tahay ineey ku yiraahdaan wiilasha ama ay ku xiraan curaar dhiib, ama ay shardi ka dhigteen ugu horreynta ineey weydiiyaan dahab badan ee kala duwan oo la geliyo gacmaha, dhegaha, Ilkaha ama lagu xirto qoorta, teeda kale waxay yiraahdaan: Gurigaagu formiig ma leeyahay? haddaba ma habboon tahay in intaasoo arrimood ay ku dhawaaqdo gabar Soomaaliyeed ee ka warqabta guurka dhallinta Soomaaliyeed abtirsigiisa sida lagu habeeyn jirey. Walaal waxaa ila habboon oo aan kugula talinayaa inaad mid uun benigaaga ku biirsatid. Xagga Wiilashana waxaan leeyahay ha iska daayaan hanqal taagga ay leeyihiin haddii aanan yeelan xoolo badan guur igama suurtoobo. Waxaan wada ogsoonnahay in guurku fadli leeyahay! Ubad oo la kala helo! Ubad kaasoo ah haydkii berri hoggaamin lahaa bulshada ama ummadda oo badata.
Warshaduhu waxay doonayaan dad ka shaqeeya, qalabka ceeriin ee ay ku socdaanna u beddela badeeco!! intaasoo arrimood ee aan kor ku sheegnay guur la'aan lama gaari karo.
WAXTARKA GUURKA.
Sidee ummadi dadnimadeeda, dhaqankeeda, dhaqaalaheeda ay u muujin kartaa haddii guurka layska daayo ama cuduud iyo tarmid midna ay u jiri karin? Sidee qaranku u daafici karaa danahiisa u gaarka ah una ilaashan karaa; dhulkuba hadduusan dhir lahayn biyo ma qabsadeen, haddii uunaan biyo qabsanna geedo kama soo baxeen, waana nabaad guuri lahaa, dad iyo duunyo midna kuma noolaan kareen dal abaar ah. Ma ogtahay qaranku dadkuu ku faanaa, dhulkuna dhirta.
Sida la ogyahay lafdhabarka dhaqaalaha dalkasta waa xoolaha nool, Warshadaha iyo beeraha. haddii aan dad ku filan la helinna laguma manaafacaadsadeen; waayo xooluhu waxay doonayaan in laga ilaaliyo dugaagta, meesha doogga lehna lagu duwo, biyo lala daaliyo.
Beeruhu waxay doonayaan dad fala, ku sii daaya biyaha, badarkana ka gura. Warshadahu waxay doonayaan dad ka shaqeeya, qalabka ceeriin ee ay ku socdaanna u beddela badeeco!!. Intaasoo arrimood ee aan kor ku sheegnay guur la'aan lama gaari karo.
Hadal iyo dhammaantii dhallinyarooy waa in la beddelaa fikradda kali tashiga ah lagana soo daadegaa hawada badan.
TIXGABAY:
Waxaan ognahay tan iyo intii Kacaanka barakeysani ka curtay dalkeenna waxyaaba badan baa iska beddelay xagga dhaqanka, si loo tirtiro dhaqan xumadii jahawareerisay dhallinta Soomaaliyeed sagaalkii sano ee kacaanka ka horreysay, loona dhiso bulsho ku dhisan horukac aayatiin dambe higsaneysa. taasoo laga soo billaaba guriga. Haddaba waxaannu leenahay mar haddii la yiri bulshadu guriga ayay ka dhisantaa, gabdhaha soomaaliyeed ee maanta waa ineey garwaaqsadaan, aaminna ay ku dhaqaan qoyskooda iyo qofkey iska doorteen bulsha weynta Soomaaliyeed dhexdeeda.
SALDHIGGA DHISMAHA QOYSKA.
Saldhigga dhismaha qoyska waa in la helo dooq ka yimaada labada ruux oo isguursanaya, nolol cusubna haminaya, kifaaxa ay ugu jiraan dhismaha aqalkooda cusub ee aayatiinkooda dambe. Bulshada sharafta ugu jirta waxay tahay haddii dhallintu wixii xun ka yax-yaxdo, wixii fiicanna raacdo waa ineey qiraan wanaaggooda, kan ummaddoodana sharfeen, Waayo adduunka qola walba anshaxeeda iyo asluubteeda goonni ayaa loo qaderiyaa. Astaamaha u gaarka ah siiba ummadaha Islaamka ah. Waxaa jirta ummad waliba dhallinyaradu in ay u tahay muraayad; wixii hiddo iyo dhaqan ku saabsan ayaana ajnabiga u yimaadaa ummaddaas mitaal u qaataa. Waxay tahay sida runta ah tan iyo maalintii uu ka curtay dalkeenna Kacaanka barakeysan 21kii Oktoobar 1969kii, wuxuu la dagaalayey inuu tirtiro kalsooni la'aantii ummadda dhextiil, samahana uu faro dhallinta soomaaliyeed, waxaanna u tilmaameynaa ineey raadraacaan hoggaankooda toosan wixii Ummadda Soomaaliyeed caado iyo dhaqan u leedahay oo ahaa in leeysfaro wixii san xumahana leyska duwaa; maamuus iyo ismaqal wanaagsan ummaddii leh Ilaah waa aqbalaa muraadkeeda.
Waa inaynu ku dadaalno hiddihii ummadda in dib loo soo nuuriyo, mashaakilka guur la'aanta ah ee maanta joogana xallinteeda dhallinyarada ayaa laga dhowrayaa.
Ma ogtihiin soo nooleynta hiddaha iyo dhaqanka inuu yahay gundhigga qarannimadeenna? waxay dhammaanteen oo idil inoo tahay sharaf weyn ineynu soo rogaal celinno hiddaheennii, waxaan hubaa in himilada dhallinyarada Soomaaliyeed ay tahay ineey ka gaaraan meesha ugu sarreysa ummadaha adduunka ku nool oo idil, laakiin waa inaan la illaawin dhaqankii awoowayaasheen, guurkii xalaasha ahaa, anshaxa iyo asluubta ee la garwaaqsado Ubadkaaga.
GUURKU WAA SALDHIGGII JIRISTA BANI'AADAMKA.
Guurku waa saldhigga jirista beni'aadmiga, kaas oo caddeynaya in san ku neeflaha oo idil leysu raaciyey lab iyo dheddig si ay u tarmaan awgeed, Ilaah wuu ka fadli yeelay beni'aadamka xawayaanka kale isagoo hibo u siiyey caqli uu ku kala garto xumaha iyo samaha. Haddiise dadku tarmin maxaa dhici lahaa duunida maanta?. Jawaabtu waa dad ma jireen; waayo dunida la sheegayo waa taariiikh isdabajoog ah, dad ayaana sameeya. Haddaba dhallinyarada, Wiilal iyo Gabdhaba leh, garanayana xeerka guurka ayaa waxaan leenahay kalsooni allaha siiyo dantana hala socdeen.
Si aan ula ficiltanno asaagayaga maanta iyo saadambaba, waxaan jeclaan lahaa in ay dhallintu guurka ahmiyad siiyaan, waayo waxaan u jeednaa in dhallinyaradu meel fog ka eegayaan guurka, laakiin aan loo baahnayn ra'yiga ceynkaas ah, waayo dunida maanta waxaa lagu kala hormaray waa bulshada cadadkeeda iyo garaadkeeda; bulshaduna waa midda kaliya oo lagu hiran karo berri. Ujeeddada ugu weyn oo laga leeyahay guurka waa sidaa. Yaan qirsaneyn in guurku faa'iido badan leeyahay? Dhallinta maanta dhib ayaa ka haysta, sababtuna ay tahay dhaqan xumida sagaalkii sano ee Kacaanka barakeysan ka horreysay ayaa jaha wareerisay oo hal hayskeedu ahaa yaad taqaan, Mar haddii qofka kartidiisa iyo aqoontiisa aan lagu qaddarin ee lagu xiro yaad taqaan, dhallinta jahawareer ayaa ku dhacaya.. Nasiib wanaag waxaa ka dambeeyey maxaad taqaan walaal iyo caluuntii oo laysku qasbo. Haddaba haddii sida Ilaahayn inoogu dhaliyey hoggaanka toosan oo aan ognahay dadka 55% in ka badan ineey yihiin dhallinyaro ayaa waxaan garowsaday in Buuggaan, yar aan uga faa'iideyo dhallinta, waayo waxaa la yiri maalin ku dhaaftay waxaa ka faa'iido badan maalinta soo socoto maxaa yeelay tan dambe waxay keeni kartaa wanaag inuu ka yimaado ee dhallinyarooy intey kula gudboon tahay guurso.
Waxaan ognahay inaan guurku mas'uuliyad laga cararo uusan ahayn laakiin dhallinta Soomaaliyeed waa-yahaan dambe ay fududeysteen oo ma ayan fahmin ujeeddada ama weysan garwaaqsanin weli; waayo qofku intuu geed ka boodo ayuu tala ka boodaa. Haddaba waxaa jirta in dhallinyarada markaad u fiirisid dhanka wada socodka reer magaalnimada: meelaha shineemooyinka ama waddooyinka waaweyn in ay u tahay waqti isku dhaafis keliya ee aysan u ahayn garasho la'aan.
Sow inaan ka faa'iideysanno maaha waddada Ilaah inoo sameeyey mar haddii dhallinta Soomaaliyeed saddexdii cadow ee ay ka walaacsanaayeen la jebiyey kartida kacaanka barakeysan ee 21ka Oktoobar 1969kii, iyo Ilaah maqaadiirtii; waxaa dhacday in dhallintu guurkoodii uu noqday wiilku dhaqaale ma leeyahay ama gabadhu dhaqaale ma leedahay oo laga tegey jeceyl iyo ubad maad kala heshaan kaas oo haddii Ilaah siiyo anfacayaa labada waalid iyo bulshada Soomaaliyeed oo idil.
Dad badan baa waxay rumeysan yihiin inaan guurku suuragal ahayn haddii aan la helin dhowr shay oo nafta u roon; mitaal mushaar dhawr kun oo shilin ah; guri daar ah oo wax waliba u dhan yihiin. Ma dhab baa haddii aan intaa la helin in guurku dhalanteed yahay?. Waxaan oran karnaa qofkii sidaa ku haya qalbiga waa qalad waxaanna ku boorrinaynaa inuu ka soo noqdo, sida laga rabana raaco oo ah waddadii awoowayaasheen u guursan jireen markey gaaraan 15 sano ama ka badan. wey wanaagsan tahay in la helaa wax yaabaha naftu jeceshahay, laakiin nasiib kaaga sug, iskuna darta adiga iyo jaallahaaga waxaad heli kartiin; waxaadna markhaati ka tihiin in waqtiga laga faa'iideysan lahaa aan joogno waayo, ujeeddada saldhigga kacaanka barakeysani waa kordhinta dhaqaalaha, kordhinta shaqada iyo kordhinta shaqaalaha. Waxaa jirta ummad kasta oo ku nool adduunka ineey soo martay marxalooyin kala duwan ma waxaa la dhihi karaa adduunka inuu hadba heer marayey oo hadba ay kooxi ka talinaysay ama hoggaanka u haysay; waxaana jiray xeer iyo dhaqan la socda da'diisa. shaki kuma jiro heerba heerkii ka horreeyey inuu wax ka beddelay dhaqankiisii, isla markasna ay jiraan wax yaala heerba heerka uu ka dambeeyo uu ka shidaal qaatay wax kastaba ha ahaadaane ummad kasta ama da'a kasta waxaa lagama maarmaan u ah inay aqoon u leedahay wixii dadkoodii hore ay ku dhaqmi jireen, fikradahoodii iyo kifaaxoodii si ay wixii wanaag ahaana u qaataan wixii xumaana iskaga ilaaliyaan.
TUSAALOOYINKII NABIGENNA SUUBAN.
Waxaa jirta ummadkasta inay qaddariso guurka, Islaam iyo gaalaba, sababtuna ay tahay si loo helo awlaad, bulshaduna u badato, soomaalidu waligeedba waxay ahaayeen dad ku xeeldheer guurka xalaasha ah ee diinta Maxamaddiyada lagu nikaaxo. Waxaa dhici jiray in wiil iyo Gabar isjecel in badanna wada socday markay ku tashadaan ineey qoys askumaan ay u masaafo tegi jireen qaaddi jooga meel aan ka gaabneyn afar awr-furaal: micnaha (120Km.) Aannagoo qiran inaan ka mid nahay ummadaha Islaamka kuwii ugu horreeyey ayaa waxaan Buuggaan isugu soo dubbariday bal wax raad ah inaan u sameyno dhallinyarada waqtigaan joogta si ayaan uga lumin ixtiraamka iyo asluubta guurku leeyahay.
Haddii aannu runta abbaarno dhallinyarada Soomaaliyeed ee maanta jirta wax mas'uuliyad ah ma ay iska saarin qoyska dhismihiisa, kumana dheel-madaan; sababtoo ah, marka hore ragga qaarkii markuu guursado muddo ka dib ama markii ay Ilmo u dhashaan ayuu geeso la soo baxaa, dabeecadiisuna beddelantaa oo la yimaadaa mid aan dhab ka ahayn, ujeeddadiisuna waxay tahay inuu mas'uuliyadda saaran iska tuuro, dibna u dayaco awlaaddiisi iyo afadiisi ay guurka xalaasha ah isku qabeen, horayna ay iskaga doorteen bulsha weynta dhaxdeeda.
Haddaba waxaan leenahay waa nacasnimo, mana loo baahna arrinta caynkaas oo kale ah, waxaan ka soo xigannay Kitaabka taxdiruakhyar min rakuubilcaar waa naar uu caddeeyey inaan naftiinna naago idiin kaga umay, inaad isu xasi shaan oo aan dhexdiina dhigo jeclaan iyo naxariis, Ilaahay wuxuu yiri naagaha wanaag kula mucaamilooda, waxay idiin ku leeyihiin intaad idiin ku leedihiin oo kale?.
Nimankuna naagaha derejey korkooda ku leeyihiin.
Nebigeenna suubanaa, naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee wuxuu yiri naagta xaqa ay ninka ku leedahay: waa inuu quud siiyo, waa inuu marasheeyo, waa inuusan wajiga ka tumin, waa inuusan war xun dhihin, waa inuusan ka haajirin jiifkeeda sabab la'aan haddii uu gafaf badan ku arko mooyee.
Nabigu naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee wuxuu yiri: Ninkii u sabra naagtiisa dabeeca xumadeeda Ilaahay wuxuu siiyaa ajirkii Nabi ayuub oo kale, naagtii u sabarta Ninkeeda, dabeeco xumadiisa waxaa la siiyaa sawaabtii Aasiya oo ahayd naagtii (FIRCOON).
Wuxuu yiri haddana naagahu ammaan bay agtiinna ku yihiin, Ninkii naagtiisa aan salaadda farin ama aan barin, Ilaahay iyo rasuulkiisa waa khiyaamay. Nabigu naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee wuxuu yiri: naagtii Ninkeeda oo raalli ka ah dhimata jannada ayay gashaa, waxayna ka mid noqotaa kuwa Ilaahay ka raalli ahaaday, albaabkey doonto ayaana jannada looga furaa. Waxaa laga sheegay Nabigu inuu yiri naagta muddiicada ah oo inkeeda adeecda dambigaa laga fududeeyaa sida shimbirta hawada ku haadda ama mallayga biyaha ku jira iyo malaa'igta samada joogta oo kale. Naagtii ninkeeda saaci ku noqotase Ilaahay ayaa nacalada, malaa'igta ayaa nacdasha, dadka dhammaantiisna way nacaladaan.
Nabigu naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee, wuxuu yiri: naagta ninkeedda shumisa nafteeda oo raalliya waxay la mid tahay ayadoo quraanka toban iyo laba kol akhrisay, aayad walbana ay la mid tahay 50 xasano ayaa laga siiyaa, wuxuuna aayad walba ugu beddelaa magaalo.
Naagtii dhunkata ninkeeda madaxiisa ama garkiisa, Ilaahay wuxuu ugu abaalgudaa toddobaatan Nebi sawaabtooda, wuxuuna ugu tallaalaa beddelkiisa geed Timir jannada dhexdeeda ku yaalla.
Naagtii ka ahoo ninkeeda madaxiisa subagta, shaariibkiisa gaagiibisa Ilaahay wuxuu ka waraabiyaa jannada webiyaalkeeda, wuxuuna u fududeeyaa sakaraatul mawdka, wuxuuna siiyaa toddobaatan caalimiin ah sawaabkooda.
Nabigu naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee, wuxuu yiri: Naag tii ka ahoo ninkeeda ciddiyihiisa jarta waxay ka heshaa qabrigeeda jannada beeraheeda beer ka mid ah, waxaana laga dhigaa halkii ciddi 100 xasano, waxaana la koryeelaa boqol darajo jannada dhexdeeda.
Intaan ayaan kasoo qaadanay samafalka loo sameeyo naagta ninkeeda adeecda ama ninka naagtiisa wanaag u fala.
NIKAAXA WANAAGIISA.
Ilaahay wuxuu yirii guursada, kuwii idiin la wanaagsanaada oo naago ah: Hal, labo, saddex iyo afar. Rusuulku wuxuu yiri naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee dhallinyaroy ninkii nafaqa heli kara ha guursada, maxaa yeelay wuxuu ka reebmaa deymada dembiga uu ka dhasho.
Nabigu naxariis iyo nabadgelyo koorkiisa ha ahaatee, wuxuu yiri, adduunyada waxaa la iga jeclaysiyey saddex: naagaha, waxaa udgoon, salaadana waxaa la iiga yeelay indhahayga qabowgooda.
Rasuulku wuxuu yiri: ninkii guursada waxaa kaamil u noqda iimaanka nuski, nuska kalena Ilaahay ha uga cabsado. Rasuulku wuxuu yiri oo kale: Ninkii sunnadeyda jeclaada ha raaco Nikaaxa.
Nabigu naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee, wuxuu yiri: ninkii dhallinyaranimadiisa ku guursada shaydaankiisa ayaa shallaaya oo yiraahda diinkiisuu iga dhowray. Nabigu wuxuu yiri: guursada naagaha ayaga maalka la yimaadaane.
Nin cuukaaf la yiraahdo ayaa Nabigu u yimid markaas baa Nabigu ku yiri cuukaafow naag ma qabtaa markaas wuxuu ugu jawaabay ma qabo, markaas baa Nabigu wuxuu ku yiri: Jaariyad miyaad qabtaa?. Maya markaasuu yiri ma fayowdahay mise waad jirran tahay, xoolase ma qabtaa?. markaas ayuu yiri haa Ilaah ayaa mahad leh.
Su'aashaas iyo jawaabtaas waxay u dhacayeen guurka wanaagga uu leeyahay haddii Ilaahay caafimaad ku siiyey.
Nabigu wuxuu yiri weykax (halaag) yaa cuukaaf guurso, cukaaf ayaa yiri guursan maayo inaad ii guurisid mooyee yaa rasuululaahi, markaasaa Nabigu naag ku daray magaceeda la yiraahdo Binti Kalsuuma Alxumeyriyi, Nabigu naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee, wuxuu yiri oo kale guursada hana furina maxaa yeelay, Ilaahay ma jecla kuwaa dhadhamiya iyo kuwa la dhadhamiyo.
TALO BIXIN
Aanigu waxaan tala ahaan u soo jeedin lahaa guurka mar haddii aannu horay u soo aragnay Diinta Islaamku waxay ka qabto oo aan ognahay nasabnimada la sheegto iyo nusqaanka farqiga u dhexeeyo, in nasabku uu yahay nikaaxa.
Waxaan dhihi lahaa dhallinta Soomaaliyeed labada dhinacba mas'uuliyadda guurka labada gacmood ha ku qabteen, waayo guurku waa nasab ee ma aha wax uun la iska sameeyo haddii la doono, haddii la doonana la iska daayo ee waa inaan raacnaa waddadii awoowayaasheen inoo dhaafeen ee aan ka dhaxalnay ka ab ka ab ee ahayd guurkii xalaasha ahaa ee gabadha iyo wiilka u dhexeyn jiray weligoodba.
Waxaan ognahay marka hore guurku inuu yahay heshiis dhexmara laba qof oo kala cayn ah, lab iyo dheddig, waxaana saldhig u ah qawaaniin diineed oo ay bulshadu ku ogaato labada qof oo kala caynka ah, doonayana inay dhisaan ama unkaan tiir ka mid ah tiirarka ay bulshadu ku qotonto. Haddaba si heshiis kaasu u meel maro waxaa lagama maarmaan ah inay labada qof maraan waxyaalaha soo socda:
1. Barasho ruuxba ruuxa kale uu barto dabeecaddiisa iyo dadnimadiisa gaar ahaaneed iyo guud ahaan siduu ku yahay qoyska uu la nool yahay iyo bulsha weynta kale intaba.
2. Waa in jeceyl jiraa ama dooq ka yimaada labada qof ee kala caynka ah oo midba midka kale u jeelo ama u hiloobo, isla markaasna waa inay alkumasho kama dambeys ahi ka dhalato meeshaas.
MADAXA 2AAD.
FURITAANKA.
Furitaanku waa jiri jiray ilaa iyo muddo aan dhoweyn, wuxuuna ahaan jiray markiisa hore wax aan nidaam lahayn. Ninku naagtiisa markuu naco waa eryi jiray isagoo aan qofna wax u raacanayn.
Waxaa muuqata in furitaanku jiri jirey, wuxuuna ahaan jiray mid aan micna lahayn shardina ku xirnayn ummaddii roomaanka ahayd isfuriddu way ka xaaraansanayd, siduu qoray aqoon yahan Faransiis ah, hase yeeshee taa waxaa ku beeniyey aqoon yahan Talyaani ah oo qoray! buugga (Engiclopedia del Dirito) oo yiri roomaanku waa isfuri jireen, laakiin waxaa shaki uusan ku jirin in Diinta kiristaanka xaaraan timeysay furitaanka, sida uu qoray kitaab lagu magacaabo Injilmurqaas. Ninka iyo Naagta markey isguursadaan waxay noqdaan qof qur ah oo marna aan kala go'eyn, wixii Ilaahay kulmiyey aadami ma goyn karo ee waxaa lagu goyn karaa haddii labada isqaba midkood dembi galo (Sino), ama ay caddaato in labada midkood uu yahay madhale; labada sababood oo kaliya ayaa keeni karta in la kala tago (isfurid).
Diinta Islaamku markey timid, inkasta oo ay bannaysay furitaanka, ujeeddadeeda weyni waxay ahayd inay ilaaliso xuquuqda Naagaha, maxaa yeelay waa mid aan oggolayn in saddexda dalqadood hal mar la sii daayo, Diintu waxay oggoshahay oo kaliya saddex bilood gudahooda in laga fiirsado haddii furidda caro u geeysay, markuu degana wuxuu awood u heli karaa inuu soo noqsado xaaskiisa dhibaato la'aan; taas waxaa tillaabo cad ka qaaday qodobka 36aad ee Xeerka qoyska oo uu keenay kacaankeenna barakaysan, xubinta 4aad oo oranaysa maxkamaddu ma oggolaanayso hal dalqo ka badan markiiba Diinta Islaamku ilaalinteedu waxay gaartay inaan la furin naag dhiigga qabta, ama ayadoo daahir ah ka dibna loo tegay, mana oggola naagta haddii la furo in gurigeeda laga saaro ilaa ay cuddadeedu ka dhammaato. Taasna waxaa daliil u ah aayadda oranaysa: Nabiyow markaad naagaha fureysaan waxaad ku furtaan cuddadooda, ayadoo dhiig aan qabin amase aan dahirnimo loogu tegin cuddadeedana ka dib, guryahana ha ka saarina inay dembi la yimaadaan mooyee, iyaguna yeeyan ka bixin.
Waxaa dhacday in Cabdullaahi Ibno Cumar Bin Khidhab uu furay naagtiisa ayadoo caado qabta, Nabiga Nabadgelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee, markuu ogaaday wuxuu aabbihii ku yiri Cumarow Wiilkaagu naagtiisa ha noqsado, ka dibna ha hayo ilaa ay daahir ka noqoto oo caadada ay ka meyrato, haddana caado labaad ka hesho misna ka meyrato: markaas kaddib hadduu doono waa furi karaa asagoo aan u tegin.
UJEEDDADA FURITAANKA
Waxaa dhici kara in labada isqabta dagaallamaan iyagoo markii hore isjeclaa markaa kaddib qoyskii degganaa uu isu beddelo qoys dood iyo khilaafkiisu batay. Aalaaba dooddu waxay ka billaabataa waxaan micna lahayn sida dab yar uu u dhaliyo dab badan; dagaalka iyo dooddu haddii ay joogsan waayaan oo is-afgara waagu bato, qoyska dhexdiisana dhibaatada looga joojin kari waayo, ineey isqabaana dhib noqoto markaas in la isfuraa waa lagama maarmaan. Taasi waa marka keliya oo ay Diinta Islaamku baneysay in lays furo, xeerkeenna qoyskuna uu qabo, maxaa yeelay laba aan israbin wadajirkooda waa shar, furiddooduna waa shar, haddaba laba shar haddii leeys garab dhigo waxaa fudud furidda. Halkaa waxaa ka muuqan karta ujeeddada loo banneeyey in lays furo.
Xaddiis Nabiga laga weriyey oo muujinaya waji xumida furiddu way tiro badan yihiin; waxaana ka mid ah: inta la banneeyey Ilaahay wuxuu necebyahay furidda, hadduusan jirin dembi, Ilaah ma jecla kuwaa naaga furidda badan.
GUDDIGA DHEXDHEXAADISKA.
Waxaa dhici karta inay kacdo dabeyl isnicid iyo cadowtinnimo oo qoyskii deggenaa kicisa, labkiisuna bato; kitaabta quraanka ah waxaa laga helayaa aayado arrimaha caynkaas oo kale ah lagu daaweeyoo.
Sidaas darteed wuxuu Ilaahay sheegay in loo doortay guddi dhexdhexaadiya dadkaas aayadda waxay tiri haddii aad ka yaabtaan khilaafka ka dhexdhashay Ninka iyo Naagta isqaba waxaad u dirtaan guddi ka kooban qof Ninka ka socda iyo qof kale oo Naagta ka socda, haddii ay doonaan ama ay niyeystaan inay ka gaaraan wanaag, Ilaahay baa waafajin kara maslaxaddooda.
Taas micnaheedu wuxuu yahay Islaamku inuu aad iyo aad uga murgo furitaanka oo wuxuu isku deyey in guddi loo magacaabo, guddigaasuna inta kartidiisu tahay ama inta tabtiisu ay tahay uu ku dadaalo siduu ku dhalin lahaa heshiis, waayo-aragnimadu waxay na tustay in badan oo guddi ceynkaas ah uu libin ka soo hooyey markii uu heshiis ka gaaray arrintii uu dhexdhexaadinayey.
Xeerka qoyska halkaas ayuu ka helay guddiga dhexdhexaadinta, wuxuuna xeerku oranayaa haddii dagaal dhexmaro labada isqabta waxaa loo diraa guddi dhexdhexaadiya, haddii intii kartidiisa ahi uu dadaalo guddigu ayna u suurtoobi weydo in laga gaaro guul. markaas waxaa lagama maarmaan ah labada qof in la kala furo, waayo daawo kale ma leh; fiiri xeerka qoyska Qodobka 36aad xubinta 2aad.
FASIRAADDA FURIDDA.
Haddii loo eego luqo ahaan waa xarig la furayo, sharci ahaan haddii loo eego, waxaa loogu isticmaalaa guntin (Nikaax) la furay. Furitaanka waa in la helo afar: 1. Nin, 2. Naag, 3. Hab, 4. Niyo ama rabid. kuwaas oo loola jeedo:
1. Ma suurowdo Nin aan Naag qabin inuu wax furo.
2. Ma suurowdo Naag aan la qabin in la furo.
3. Habku waa hadalka ama erayada laysku furo mid cad ama mid qarsoonba ha ahaadee.
4. Ninku erayada furitaanka markuu ku dhawaaqo waa inuu la yimaadaa niyadda ama rabidda furitaanka.
SHURUUDAHA FURITAANKA.
Qaar waxay ku saabsan yihiin ninka wax furaya, qaarna waxay ku saabsan yihiin naagta la furayo, qaar kalana waxay ku saabsan yihiin habka wax loo furayo.
1. Qofka wax furaya waxaa shardi ah inuu yahay Nin caqligiisu dhan yahay ee nin waalan wax kama furmaan.
2. Ninka wax furaya inuu yahay nin qaan gaar ah ee nin yar wax kama furmaan.
3. Ninka wax furaya waa inuu yahay nin istikhyaarkiisa wax ku furaya ee nin la khasbay wax kama furmaan.
4. Naagta la furayo waxaa laga doonayaa laba shardi:
b) Inay tahay naagtii uu qabay kan wax furaya.
t) Inay tahay mid Nikaax ansax ah lagu qabay.
HABKA WAX LOO FURO.
Ninkii raba inuu naag furo waxaa laga doonayaa laba shardi.
1. Waa ineey yihiin erayo ku tusaaya furidda; ha ahaato mid cad, sida: waa ku furay, ama ha ahaato mid qarsoon sida: ciddiina aad.
2. Ninka wax furaya markuu wax ku dhawaaqayo waa inuu niyeystaa furid, hadduu yahay mid aan hadli karin ama wax qori karin sida: dhegoolka wuxuu naagta ku furi karaa ishaaro ama astaamo cad, haddiise uu wax qori karo waa inuu qoraal ku furaa naagta, maxaa yeelay wuxuu geli karaa meeshii hadalka.
Nabiga caleyhi alsalaam wuxuu yiri: ummadeyda loo qaban maayo wixii gefa, halmaan iyo wixii lagu khasbaba.
FURRIINKA KU YIMAADA CAYAARTA.
Waa ninku markuu cayaar cayaar u dhaho isagoo aan u qasdin: waan ku furay, ra'yiga jahmuurka wuxuu leeyahay: waa jiraa furriinkaas, maxaa yeelay Nabigu caleyhi alsalaam wuxuu yiri: saddex dalqadoodu waa run dheelkooduna waa run: guurka iyo furriinka dheelkoodu waa run.
FURITAANKA NINKA AFKU KA XADAY.
Diin ahaan furriinka caynkaas ah ma dhacayo maxaa yeelay, afkaa ka xaday, sida uu leeyahay, isaga iyo Ilaahay bay ka dhexeeysaa. Laakiin xukuumi ahaan maxkamad way xukumeysaa haddii la weydiisto.
Xeerka qoysku wuxuu qabaa: inaan waxba ka jirin furidda noocaas ah maxaa yeelay waxaa shardi ah; sida soo socota: inuu yahay Ninka wax furay:
b) Qaan gaar.
t) Maskaxdiisuna ay fayowdahay.
j) Raalli inuu ka yahay furidda.
x) Waa inuusan careysnayn, caro heer sare gaarsiisan, laakiin ninka sakhraanka ah furriinkiisu waa dhacayaa, hadduu kas u yeelay sakhraannimada.
NINKA CAREYSAN FURITAANKIISA.
Abuu Hureyra raalli Ilaah ha ka noqdee, wuxuu Nabiga ka weriyey xaddiis ku saabsan carada: idiin kuma xoog badana kiinna legdinta badan, hase yeeshee waxaan shaki ku jirin inuu aad iyo aad idiinku xoog badan yahay midkiinna hanta naagtiisa markuu caroodo. Xadiiska saxiixeeynka ah ayuu ku qoran yahay ama waa mid laysku waafaqay taas waxay macnaheedu tahay anigoo iri oo kale labadii shiikh ayaa weriyey (Al-Imaan Albukhaari iyo Al-Imaan Muslim).
Xoogga iyo itaalka xadiisku tilmaamayo waa midka macnaawiga ah oo qarsoon, waana midka ah nafta la jihaadda wixii xunna ka reeba, lixaadkana ka reeba inuu kii careysiiyey ka aar guto. wuxuuna uga aar gudan karaa: dil, dhaawac, cay iyo furid, hadday naagtiisa tahay. Waxaana hoos aan uga xarriiqay inuu xaddiiskaa yahay oo arrin kasta ay soo geli karto.
Majtamac ama bulsho meel ku wada nool, dhibaatooyinka ka dhexdhasha intooda badan waxay ka yimaadaan cadara ama dharaska.
Ilaahay wuxuu quraankiisa kariimka ah ku yiri: kaafiriinta iyo munaafiqiinta la jihaad kuna ad-adkow. Aayadda waxaa ka muuqda caradu inay bannaan tahay kaliya kuma sinna, laakiin waa waajib, haddii loo caroonayo xaq Ilaahay iyo wixii kheyr ah.
Xaddiiska hoos ku qoran wuxuu ku tusayaa. Nabigeenna suuban inuu u carooday xaq Ilaah. Maxamed Bin Labiid, Ilaaheey raalli ha ka ahaadee wuxuu yiri: Nin baa naagtiisi saddex dalqadood mar kaliya ku furay, Nabigu waa is taagay asagoo careysan. wuxuuna yiri: ma kitaabka Ilaahay buu ku cayaarayaa anigoo idin dhexjooga? Markaas ninbaa istaagay oo yiri: Ninka ma dilaa oo koow makaga siiyaa rasuulkii Ilaahayow? Xaddiiska waxaa weriyey, Arrisoon iyo Raggiison, waa rag lagu kalsoon yahay.
Xaddiiska micnahiisa horay baan u sheegnay markan ka hadleynay saddexda dalqadood inay mid tahay, culimada banneeyey inay saddex u dhacdo, waxay ku tiriyeen furitaanka bidcida ah haddii Shiikh Shaaficiga laga reebo. Haddaba Nabigu caleyhi aslato wasalaam ma caroodeen haddaan halkaas xaq Ilaahay ku jirin.
Culimadu carada waxay u kala qaybiyeen saddex qaybood. Haddaba halkaan waxaan ku kala caddeynaynaa dhowr qaybood siiba laba xaaladood, Ninkii ku sugnaada inaan furriinka waxba ka jirin.
QAYBTA 1AAD
Caradu inay tahay mid markaa bilaabatay oo aan doorinayn caqliga ninka carooday taas waxaa ka dhalanaya in ninku wax allaale wixii uu ku dhawaaqo uu garanayo, kasna u oranayo. Midkaasoo kale maskaxdiisu waa fayowdahay, garaadkiisana waxba uma dhinna oo naagtiisa hadduu furo way ka furantaa, maxaa yeelay waa nin caradiisu ayaan heer sare gaarin, ninkii caynkaas ah waa nin hadalkiisa sharcigu qabanaayo.
QAYBTA 2AAD
Waa carada ama dharaska heer sare gaaray, wuxuuna noqonayaa ninka waalan oo kale, wajigiisuna waa doorsoomayaa, Indhihiisuna waa guduudanayaan. Ninkaas oo kale wuxuu yiri ma garanaayo, kasna uma oranaayo; maxaa yeelay wuxuu gaaray xad waali oo kale ah. Shaki kuma jiro in Ninkaas naagtiisa ayaan ka furmeyn, hadal ku yirina sharci kuma fadhiyo. Sida dilka, dhaawaca iyo cayda kulul, sida runta ah dooni maayo inaan ka hadlo saddexda mawduuc ama saddexda shey oo hoosta ka xarriiqan, waxaan ku ekeynayaa oo keliya inaan ishaaro inay culimadu kutub fara badan ka qoreen.
Arrintaan doonayo inaan ka hadlo waa furitaanka ka dhasha ama ka abuurma carada, Culimada Islaamku waxay ka qabaan iyo inta qaybood oo ay u qaybiyeen. Hase yeeshee waxaa habboonaatay inaan xusno xaddiisyo Nabiga laga weriyey. nabad iyo naxariis korkiisa ha ahaatee. Run ahaan xaddiisyada carada ku saabsan way fara badan yihiin, waxaanse ka xusayaa inta hoos ku qoran, Nabiga, caleyhi asalaatu wasalaam, waxaa laga weriyey xaddiis oranaya: carada dharaska waxay ka yimaadaan sheydaanka ee midkiina sheydaanku helo asagoo taagan ha fadhiisto; hadduuse fadhiyo dhinaca dhulka ha dhigo ama ha jiifsado.
Haddana waxaan doonayaa inaan kala saaro carada bannaan iyo midda aan bannaaneyn, Aayadda Quraanku waxay leedahay: waxaa la arkaa waxaad karahiyeysato oo Ilaahay kheyr badan kaa siiyo, wuxuu furitaanku sunne noqon karaa, haddii naagta la furay asluubteedu xumeyd, sidaa ayadoo macsi ku kacday ama salaad iyo saankaba goysay, markaas oo kale waa sunno haddii Naagtaas la furo.
FURITAANKA SUNNIGA IYO MIDKA BIDCIGA AH.
Furitaanku wuxuu u kala baxaa sunni iyo bidci; sunniga waa midka dhaca waqti tilmaaman iyo tiro tilmaaman, bidciguse waa midka sidaa khilaafsan. Hadduu ku furo Naagta ayadoo dhiig qabta, ama Umul ku jirta, ama markaas uu u tegay kaddib iyadoo daahir ah, ama hadduu ku furo saddex dalqadood mar kaliya; intaas dambe oo dhan waa furitaanka bidciga ah.
SHIIKH SHAAFICI WUXUU YIRI.
Tirada furitaanku sunnanimo iyo bidcinimo shaqo kuma leh oo Ninku wuxuu awood u leeyahay inuu naagtiisa saddex dalqadood ku furo, hase yeeshee waxaa lagu magacaabi karaa furitaankaas mid aan habboonayn khilaaf al-awlaa.
SHIIKH XANAFINA WUXUU YIRI.
Furitaanku wuxuu u kala baxaa sunne iyo bidci. Midka sunniga ah, wuxuu u qaybsamaa mid wanaagsan iyo mid aad u wanaagsan. Midka wanaagsan waa in naagta hal dalqad lagu furaa ayadoo daahir ah oo aan loo tegin; hadduu doono inuu mar labaad furo waa inuu sugaa oo u kortaa ilaa ay dhiigga ka hesho misna ay ka dhaqato, markaas waa furi karaa furitaan labaad. Hadduu doono inuu mar saddexaad furo waa inuu kortaa ilaa ay dhiigga ka hesho misna ka dhaqato.
SHIIKH MAALIKI WUXUU YIRI.
Furitaanku wuxuu u qaybsamaa sunni iyo bidci. Dibcigu wuxuu u kala baxaa: xaaraan iyo makruuh, midka xaaraanta ah waa.
1. Haddii la furo naagta ayadoo dhiig qabta ama umul ku jirta (waa xaaraan).
2. In saddexda dalqadood mar la wada sii daayo (waa xaaraan).
3. In la yiraahdo Nusdalqad baad ku furan tahay, amase gacantaada baad ku furan tahay (waa xaaraan).
Midka bidciga makhruuh ah waa:
b) Waa inuu furo naagta iyadoo daahir ah markaas uu u tegay kaddib.
t) Inuu laba dalqadood dhowr jeer ku furo isla markiiba.
SHIIKH SHAAFICI WUXUU YIRI.
Furitaanku wuxuu u qaybsamaa: Sunni, bidci iyo mid aan labadoodaba ahayn; waana sida soo socota:
1. Furitaanka sunniga ah wuxuu sugnaadaa markii naagta la guri geeysto, naagaan la guri geeysan furitaankeeda laguma tilmaami karo sunni iyo bidci midna.
2. Inay tahay mid dhiig hesha, haddii ayaan dhiig helin ama ay yar tahay ama Uur leedahay furitaankeeda laguma tilmaami karo sunni iyo bidci midna maxaa yeelay intaas oo dhan khilaaf kama imaan karo.
3. Inuu furo naagta iyadoo daahir ah waa sunni.
4. In markey daahir noqoto oo ay ka meyrato dhiigga aan loo tegin waa sunni.
Furitaanka sunniga ah, waxaa ka soo horjeeda furitaanka bidciga ah waana intaa horay loo soo sheegay.
SHIIKH XANBALI WUXUU YIRI.
Furitaanku waa saddex qaybood: b) furitaan Sunni ah, t) furitaanka bidciga ah, j) iyo mid labada midna aan ahayn; saddexdaba wuxuu ku raacsan yahay sidii Shiikh Shaafici u kala dhigay ama u kala sheegay, waxna kuma siyaadin waxna kama dhimin.
AXKAANTA KA DHALATA FURITAANKA BIDCIGA AH.
Haddii ninku naagtiisa ku furo furitaan bidci ah, inuu la soo noqdo ama uu soo ceshado baa sunne ah, haddiise soo noqosho u bannaanayd oo ayaan baabi'in ka noqon ka bacdi waa haysanayaa naagta ilaa ay daahir ka noqoto, wuxuuna u koranayaa intay dhiig ka hesho, misna ka meyrato kaddib waa furi karaa hadduu doono asagoo aan u tegin.
Furitaanka bidciga ah waa loo tirinayaa, hadduu hal ahaa ama ka badnaa Taasina afarta madhabood way isku raacsan yihiin. Laakiin Culimada qaarkeed oo maalikiyada ka mid ah, ayaa diidan oo waxay leeyihiin: waa waajib inuu soo ceshado Naagtiisa, maxaa yeelay dembi buu ku kacay oo waa inuu ka noqdaa dembiga uu galay.
Hadduu diido inuu soo noqsado garsooruhu waa inuu u caga jugleeyaa, hadduu diido waa in la xiraa, waa in tumid ama dil loogu caga jugleeyaa, hadduu diido intaa kaddib, maxkamadda ayaa tallaabo cad ka qaadeysa; sidaa bay qabaan Culimadaasu.
FURITAANKA BIDCIGA AH WAA XAARAAN
Cabdullaahi Ibno Cumar Bino Khidhaab, waxaa laga weriyey inuu furay naagtiisa iyadoo dhiig qabta intuu Nabigu noolaa, Nabad iyo naxariis korkiisa ha ahaatee. Cumar Ibno Khidhaab ayaa Nabigu u sheegay, Nabigu wuxuu ku yiri Cumar Wiilkaaga ha soo ceshado Naagtiisa ilaa ay ka dhaqato dhiigga, misna dhiig labaad ay hesho, misna ka dhaqato dhiigga kaddib hadduu doono ha haysto, amase ha iska furo, isagoo aan u tegin. Taasina waa ciddadii Ilaahay inagu amray in naagaha lagu furo; Xadiiskaan oo horay aan ugu soo aragnay madaxa koowaad baalka 5aad, sharaxiisa waxaan ku soo gebagebeynayaa: Afarta mas'aladood ee soo socota:
1. Xaddiiska Micnihiisa
2. Naagta dhiigga qabta iyo wixii la hal maala ama la mid ah in la furo ma xaaraan baa?.
3. Ninka naagtiisa sabab la'aan ma ku furi karaa?.
4. Culimadu maxay ka qabaan?. Nabigu nabad iyo naxariis korkiisa ha ahaatee, markuu ku yiri Cumar Wiilkaaga amar sii hala soo noqdo naagtiisa, xadiiskaan waxaa laga qaadanayaa inuu Nabigu diiday ama reebay in naagta laba xaaladood lagu furo. b) Mar waa iyadoo dhiig qabta. t) Marka labaadna waa iyadoo daahir ah kaddibna loo tegay, lama furi karo. Waxaa xaadiis kale ku soo korortay inuu Nabigu nabad iyo naxariis korkiisa ha ahaatee, carooday markuu maqlay in naag dhiig qabta la furay. Sababta uu u caroodayna waa iska caddahay, maxaa yeelay Ilaahay wuxuu ku yiri Aayaddiisa: Nabiyow naagaha haddaad furtaan ku fura ciddadooda, micnaheedu waxay tahay waqtiga ay cuddada tirsan karaan, maxaa yeelay waxaa laga doonayaa naagta markii la furo kaddib inay cuddadeeda tirsato wax is-hortaagayana ayaan soo dhexgelin.
Naag haddii la furo iyadoo dhiig qabta, dhiiggaas looma tirinayo, taasina waxa isku raacsan culimmada qabta naagta cuddadeedu waa saddex dhiig, ama waa saddex meyrasho. Ninku naagtiisa sabab la'aan uma furi; karo afarta mad-habood waxay isku raaceen inay xaaraan tahay ama karaahiyo xaaraan u dhow tahay haddii naagta sabab la'aan la furo.
FURITAANKA CAD.
Furitaanku wuxuu u kala baxaa: mid cad iyo mid qorsoon. Midka cad wuxuu u qaybsamaa mid naagta la soo ceshan karo iyo mid aan la soo ceshan karin. Furitaanka naagta la soo ceshan karo waa midka ay ku kulanto afar shardi:
1. Naagtu waa inay tahay mid la guri geeystay.
2. Ninku waa inuu ku dhawaaqaa erayga furidda.
3. Waa inuusan saddex dalqadood ku furin.
4. Waa inuusan furitaanka ku tilmaamin wax ku tusi kara inay tahay saddex dalqadood, sida furid xoog badan oo go'aan lagu gaaray.
SHIIKH MAALIKI WUXUU YIRI.
Furitaanka cad waa intan ku qoran midkood: b) Ninku waa inuu ku dhawaaqo (waa ku furay). t) waad iga furan tahay, j) waad furan tahay, x) Inaan ku furo baa igu waajib ah.
Afarta eray mid walba waxaa ka dhalanaaya inay hal dalqo dhacdo, hadduusan wax kale niyeysan, hadduuse wax ka badan niyeysto way dhacdaa laba saddex dalqadood.
SHIIKH SHAAFICI WUXUU YIRI.
Furitaanka wuxuu u qaybsamaa laba: mid iskiisa u cad iyo mid-mid kale ku cad. Midka iskiisa u cad waa sida: dalaaq siraax iyo firaaq. Hadal iyo dhammaantiisa Shaaficigu wuxuu leeyahay furitaanka iskiisa u cad waxaa shardi ah kan Quraanka lagu xusay isagoo la soo celcelisay. Erayga dalaaqa asaga muran kama taagna, maxaa yeelay suurad idil baa lagu magacaabay sida: Nabiyow haddaad naaga furtaan ku fura cuddadooda. Erayga siraax oo micnihiisu yahay sii deyn waa sida Naagaha si wanaagsan u qaba ama si wanaasan u sii daaya.
Erayga firaaq oo micnahiisu yahay kala tag, waa sida aayaddu ay sheegeyso: sama ku wada jooga ama sama ku kala taga. Intaa waxaa dheer erayadii ku caan baxay in loogu dhaqmo furitaan, waxaana la raaciyey midka iskiisa u cad. Furitaanka midka kale ku cad waa sidaan: Isfurashada iyo khuluca, oo waxay ku cad yihiin maal, maxaa yeelay isfuro kaliya ma anfacdo, laakiin maal isku furo waa warcad. Sidaa oo kale haddii maal laysku furo naagtu way furmeeysaa muranna kama taagna.
FURITAANKA QARSOON.
Shiikh Xanafi wuxuu yiri, furitaanka qarsooni waa mid laba micne yeelan kara, sida: baa'in baad iga tahay, micnaheeduna yahay waan kala tagnay ama ciddiina aad wuxuuna u baahan yahay niyo ama wax ku tusi kara inuu yahay furitaan; sidaa hadday naagtu ku tiraahdo i fur oo aad ku tiraahdid ciddiina aad ama baa'in baad iga tahay oo kale weeye.
SHIIKH SHAAFICI WUXUU YIRI.
Furitaanka qarsoon laba micne ayuu yeelan karaa. Furid iyo micna kale, sidaa darteed wuxuu u baahan yahay niyo, maxaa yeelay Ninku wuxuu oran karaa anigu wax kalaan ula danlahaa ee furid ulama jeedin.
Xanbaliga iyo Maalikiba waxay raaceen ray'yiga labadii hore oo kala ahaa (Xanafi iyo Shaafici).
FURITAANKA LAGU XIRO WAQTI IYO MEEL.
Haddii furitaanka lagu xiro waqti sida waxaad furan tahay maalinta axadda ama bisha hebla, ama uu ku xiro furitaanka meel, sida waad iga furan tahay Marka ama Balcad markaad tagtid, markaasna way ka furmeysaa.
Shiikh Xanafi, wuxuu qabaa waqtiga furitaanka lagu xirayoo wuxuu noqon karaa waqti soo socda (mustaqbal) ama waqti lagu jiro (xaadir marna wuxuu noqon karaa waqti tegay (maadi), furidda saddexda waqti midkood ayaa lagu xiri karaa mararka qaarkood waxaa dhici karta in laba waqti oo isla jira lagu xiro. Waqti kaliya marka lagu xiro waa sida soo socota: waxaad iga furan tahay berri markaana waxay ka furmeysaa naagtu maalintuu tilmaamay bilowgeeda, subaxa hore.
Furitaanka waqti tegay waa sidaan: waxaad iga furnayd shalay, hadduu shaley Nin wax furi karay ahaa, waxayna furantaa isla markii hadalka uu ku dhawaaqay, hadduu yiraahdo waxaad furan tahay maalin walba, waxay ku furantaa hal dalaaqo hadduusan ka badan niyeysan. Saddex dalqadood hadduu niyeysto waxay ku furantaa saddex maalmood gudahood.
Shiikh Maaliki wuxuu yiri: Furitaan haddii waqti lagu xiro, wuxuu yeelan karaa wajiyaal badan sida; hadduu ku xiro waqti tegay waxaad iga furnayd shalay, niyeysteyna inuu markaa furo, isla mar ahaantiiba way ka furantaa, hadduu yiraahdo waa cayaarayey laga aqbali maayo.
Shiikh Shaafici wuxuu yiri: Haddii furitaanka lagu xiro waqti soo socda, waxay furmeysaa naagtu waqtigu markuu bilowdo, haddiise waqti la dhaafay lagu xiro furidda isla markii bay furmeysaa ama ay furan tahay.
Shiikh Xanbali wuxuu yiri: Haddii furidda lagu xiro waqti tegey sida: waxaad furnayd intaanan ku guri geysan ama shalay, markaas waxaa loo baahan yahay niyo haddii kalase ma furmeeyso.
Afarta mad-habood. waxba sidaa uma kala foga. ninku hadduu furidda naagta waqti ku xiro, waqtigaa markii la gudagalo way ka furmeysaa, marka muranku wuxu dhalan karaa haddii lagu xiro waqti mustaqbal ah, iyo waqti tegey, sida: waxaad furan tahay shalay iyo berri, waxay ka furmeysaa berri markii la gudagalo oo shalay meesha waa laga saarayaa, laakiin haddii lagu xiro waqti tegay iyo waqti joogo sida. waxaad furan tahay shalay iyo maanta, isla mar ahaantii way furmeysaa oo taas muran kama taagna; sharci ahaanna way iska caddahay.
Waxaan hore u ogaanay qofka wax furi kara inuu yahay Ninka ee naagtu wax ma furi karto, sidaa waxaa loo yeelay laba sababood:
b) Sharcigu wuxuu saaray ninka inuu masruufo naagta iyo carruurteedaba, wuxuu saaray oo kale inuu naagta meher siiyo caadadu waxay markaa keentay ninka xilka la saaray darti in furitaanka gacantiisa loo geliyo. sidaa darteed dhel-dhel kuma furayo naagtiisa, laakiin naagta wax ha furto, haddii la oran lahaa maalintii dhowr jeer ama ka badan bey wax furi lahayd mar allaale markii ay carooto way furi lahayd ninkeeda.
t) Midda labaad naagtu dulqaad badan ma laha oo dabeecadda haweenka ayaa ka duwan tan ragga.
Shiikh Xanafi wuxuu yiri: Ninku naagtiisa waa wakiilan karaa inay isfurto, ama qof kale waa wakiilan karaa inuu naagta ka furo. Wakaaladda furitaanka saddex siyood bay ku timaadaa:
1. Warqad qoraal ah ama wuxuu ninku u soo diri karaa naagtiisa adeeg qof u sheega naagta inuu ninkeedu yiri isdooro haddii ay isdoorato shuruudi loo baahnaa la helo way furantaa.
2. Waa inuu qof kale wakiishaa oo uu furaa naagta, wayna ka furmeeysaa haddii shuruudi la helo.
3. Amarka furitaanka ayuu qof kale siinayaa qofkaasna waa uu furi karaa naagta.
Haddii shuruudii dhammaato. Wakaaladda iyo amar bixinta (Tafwiid) waxay ku kala duwan yihiin, midna wakiilka wuxuu sheegayaa wixii loo wakiishay; qofkii amar la siiyayse isagaa wax furi kara oo ra'yigiisa buu isticmaalayaa.
La soo noqoshada naagta waa mid aan suulin xiriirka guurka ilaa cuddada ay ka dhammeysato, taas micnaheedu wuxuu yahay xiriirka guurka waa go'i karaa haddii cuddada dhexdeeda aan la soo ceshan naagta.
Shiikh Maaliki wuxuu yiri: La soo noqoshadu waa in naagta la furay uu soo ceshadaa ninkeeda ayadoo guur cusub aan loo baahan, maxaa yeelay Naag la furay haddii furid aan dhammeyn lagu furo, in la soo ceshado riladeeda uma baahna, haddii ay diidana maxkamadda ayaa amreysa, sharcigaana amraaya. Wuxuuna soo noqsan karaa hadduu la yimaado fal, sidaa: Shumin ama u tegid Niyana la yimaado, markaas waxay u noqonaysaa naagtiis oo caadi ah.
Shiikh Shaafici wuxuu yiri: furitaanka aan dhammayn wuxuu hor istaagayaa ama diidayaa in lagu raaxeysto naagta ayadoo aan la soo ceshan . La soo noqoshada naagta waxay u baahan tahay qawl iyo niyo ee fal uma baahna.
TIIRARKA LA SOO NOQOSHADA IYO SHURUUDOODA.
La soo noqoshada naagta waxay leedahay saddex tiir: tiir walba wuxuu leeyahay shuruud u gaar ah. Shiikh Xanafi wuxuu yiri: tiirka la soo noqoshada naagta waa hal kaliya, waana hab qur ah. Labada kale way ka baxsan yihiin oo habkii bay ka dhigeen laba qaybood: qawl iyo fal, qawlku waa mid cad ama qarsoon, midka cad waa sidaan: waan ku soo ceshaday ee ogow, midka qarsooni wuxuu u baahan yahay niyo kaliya sida: gurigaaga ku soo noqo ama u noqo.
Falkuna waa in ninkeedu shumiyaa ama u tagaa naagta. Laakiin waxaa habboon in naagta lagu soo ceshado qawl oo weliba laba marag ah loo yeelo, la soo nooqoshadu waxay leedahay hal shardi waana naagta in lagu furo furitaanka aan dhammeyn. Ninka wax soo ceshanayaa waxaa laga doonayaa laba shardi: inuu yahay qaan gaar ama inuu yahay Nin caqligiisu dhan yahay, naagta la soo ceshanayo waxaa looga baahan yahay saddex shardi:
1. In lagu furay furitaan aan dhammeyn.
2. Inay cuddadeedi ku jirto oo ayaan dhammeysan.
3. Inay tahay mid lala gurigalay oo la naageystay.
TIRADA DALQADAHA.
Ninku hadduu naagtiisa saddex dalqadood isku mar ku furo way ka furantaa, taasna afarta mad-habood way isku raacsan yihiin, waana ra'yiga jamhuurka ah. Laakiin taas waxaa ku diiday culimada qaarkood: dhaawuus, Cakrama, Ibnoo Isxaaq iyo Ibno Cabbaas Ilaah raalli ha ka noqdee.
Aayadda Ilaahay waxay inagu amreysaa haddii naagaha aan fureyno inaan ku furno cuddadooda inaan ku furno hal dalqad ayadoo daahir ah oon loo tegin ka dib haddii aayadda aan sii dhammeystirno waxay caddeyneysaa qofkii ku xad gudba xadka Ilaahayn waa qof isdulmay.
Taas waxay ku tuseysaa in naagta aan la furi karin ayadoo dhiig qabta ama daahirnimo loogu tegey, micnuhu wuxuu yahay qofna isdulmimaayo hadduusan ku xadgudbin Ilaaheyn.
Xadgudubku wuxuu ka imaan karaa ruux caasi ah, caasinnimo laguma tilmaameen hadduu naagta si wacan u furo. Xeerka Qoyska qodobka 36aad xubinta afaraad wuxuu qorayaa: maxkamaddu uma oggolaan karto hal dalqad ka badan markiiba.
ISGARABDHIGGA XEERKA QOYSKA IYO SHARCIGA ISLAAMKA.
Xagga furitaanka markii loo eego xeerka qoyska kama foga kamana soo horjeedo sharciga Islaamka. Weliba waxaa la oran karaa, xeerka qoysku wuxuu dhaqan geliyey sharciga Islaamka. Culimmada ugu aragtida fiican waxay ogaadeen inuu sidaa yahay, waana oggolaadeen haddii aan fiirinno ujeeddada qaayaha weyn ee qodobka labaad ee xeerka qoyska ku qoran qodobkaasu wuxuu leeyahay guurku waa heshiis dhexmaray Nin iyo naag oo ka siman xagga xuquuqda iyo waajibaadka, waxaana ujeeddadiisuna tahay dhisid qoys ishaysta iyadoo la tixgelinayo aayatiinka dambe ee qoyska cusub.
Arrintaas dhinaca saldhigga u ah haddii laga eegay muran iyo dood halkay ka soo geli karaanba waa in laga oodo oo albaabada loo xiro. Hase yeeshee waxa jira xaddiisyo fara badan oo suubanaha Nabegeenna laga weriyey oo na tusaaleynaya in caradu ama dharasku uu sababeeyo sheydaanku Nacalad baa ku taalla.
Haddaba hadal ama go'aan sheydaan lug ku leeyahay sharcigu qiime u yeeli maayo waxaana la oran karaa sharciga Islaamku wuxuu Ninka siiyey muddo ku filan oo saddex bilood gaarsiisan inta ay naagtu cuddada ku jirto oo marka hore hadduu sheydaan ku sandulleeyey, Ninku wuu ka noqon karaa markuu ka fiirsado kaddib.
Qaybinta Furitaanka: Culimmadu furitaanka waxay u qaybiyeen afar qaybood:
b) Waajib, t) Xaaraan, j) Makruuh, x) Manduub ama sunne.
b) Furitaanka waa waajib, haddii Ninku naagta uusan naageysan karin.
t) Furiddu waxay xaaraan tahay markii laga cabsado in Ninku xaaraan ku dhaco (Sino).
j-x) Wuxuu makruuh amase sunne yahay haddii ay timaaddo sida hoos ku qoran:
Waajib iyo xaaraan asalkoodu wuxuu yahay in lagu tilmaamay karaahiyo furidda laftigeeda oo furitaanba meeshuu ka yimaado waa makruuh, mana bannaana Nin inuu naagtiisa furo sabab la'aan.
Sidaa darteed Nabigu wuxuu yiri: Inta Ilaahay xalaaleeyey, wuxuu ugu neceb yahay furitaanka. Haddaba Islaamku furitaan sabab la'aan ah ma oggola, xeerkuna waa la mid, asbaabta keenta ama dhalisa in naagaha la furo ayaa marna noqota waajib, marna xaaraan. Mar kalena noqoto karaahiyo, amase sunne.
Wuxuu waajib noqonayaa furitaanku oo weliba lagu khasbi karaa ninku inuu naagta furo hadduu naagta naageysan kari waayo amase uu masruufan kari waayo, markaas naagtu waxay xaq u leedahay inay maxkamadda weydiisato in Ninka laga furo, waana laga yeelayaa. Sidaas waxaa loo yeelayaa in naagta niyaddeedu ayan xumaan oo ay wax xun ku dhaqaaqin. Furitaanku wuxuu makruuh noqonayaa haddii naagta la furo sabab la'aan.
ASBAABAHA KEENA FURITAANKA WAXAA KA MID AH:
1. Kuwa xagga dhaqaalaha ka yimaada.
2. Kuwa xag jirro ka socda oo ay ka mid yihiin, ciinninimo oo muddo dheer socotay iwm.
3. Kuwa ka socda khilaaf dhexmara labada isqabta, ama ka dhexdhaca ee ayaan suuroobi karin inay wada noolaadaan. Haddaba waxaa dhici kara inuu dhasho khilaaf kaasoo badanaaba ka bilowda waxyaalaha la xiriira xagga arrimaha guurka, waxayna ku biyo shubtaan inay kala tagaan labadii ruux. Arrinta kor lagu xusay waxaa qaba xeerka qoyska qodobka 43aad.
SHARCIGA ISLAAMKUNA WUXUU QABAA:
Haddii ninku uu diido masruufka naagta, hadduu waayo masruufka naagta ama uusan heli karin waxay naagtu xaq u leedahay inay ninka iska furto. Asbaabta labaad waxaa weeye haddii midkood uu qabo cudur aan la daweyn karin oo aan u oggolaan karin inay wada noolaadaan ama sababeyn kara wada dhaqankooda in dhibaato ka dhalato ama ka timaado, jirrooyinkaas oo ay ka mid yihiin: baraska, Juudaanka, waallida aan la daaweyn karin, lafgurida, geeska, hawa la'aan ama cinninimo dhal la'aanta iyo wixii la mid ah. Asbaabaha oo dhan waxay keenaan kala tagga ama furitaanka labada qof oo isu dhexey sharciga Islaamka iyo xeerka qoyskaba ra'yiga ama asbaabtaa waa qabaan.
Asbaabta saddexaad waxaa weeye: khilaafka dhexmara labada isqabta, oo heshiis dhexdooda laga gaari kari waayo oo ayaan suuroobi karin inay wada dhaqmaan labada isqabta, sababtuna tahay dabcigooda oo iskeeni waayey; markey isguursadeen kaddib, ama khilaafyo kala dhexmaray oo aasaaskooda hore uu xumaa.
Tusaale ahaan: waxaa dhacda in waalidku ay isu guuriyaan dhallinyaro aan is-aqoon isla markaana aan u bisleyn xilka guurka, mas'uuliyaddiisana aan qaadi karin; kolkaas muddo kaddib waxaa dhacda inay iskeeni waayaan oo uu qofba qofka kale u adkeysan waayo dabcigiisa; markaas haddii daawo kale loo waayo waxaa lagama maarmaan ah in la kala furo, sababtoo ah khilaafka ka dhextaagan labadaa qof: iyadoo loola jeedo in la daryeelo danaha mujtamaca ballaaran iyo in laga hor tago wax yaalaha dhibaatada u keeni doona oo ay ka mid yihiin: Dilka iyo iwm xeerka qoysku wuxuu qabaa haddii labada qof hore ay raalli isugu guursadeen oo cilladahaas ayagoo isku ogna isu xisheen mid koodna fasaq ma keensan karo (ma fasaqa karo).
FURIDDA NINKA SAKHRAANKA AH:
Furitaankaasu wuxuu u kala baxaa: laba qaybood, tan hore waxay ka dhalataa sakhraannimo ka timid wax xalaal ah oo si sideedaba aan lagu sakhraami jirin sida: caanaha, malabka, subagga iyo iwm. Haddii wax sidaas oo kale ah la badsado kaddibna lagu sakhraamo oo ninkii isagoo sakhraansan naagta furo iyadu kama furmeyso.
Tan labaadna waa sakhraannimo ka timid wax xaaraan ah, sida khamriga, jaadka ama xashiishka iwm. oo sideedaba lagu sakhraamo, isagoo aan dani ku khasbin haddii wax sidaas oo kale ah lagu sakhraamo, markaana naagta la furo iyado way ka furmeysaa.
Culimmadu waa isku khilaafeen arrintaa, qaarkood waxay qabaan in ay furmeyso marba hadduu ninku iskiisa uu u cabbay isagoo aan dani ku khasbin, sababna ay u noqotay waxaa caqligiisa beddelay. Ninka furriinkiisu waa dhacayaa ayadoo loola jeedo dambiga uu galay ciqaabkiisa.
Culimmadaas waxaa ka mid ah: Shiikh Shaafici, doodda labaad waxaa weeye inaan furriinka waxba ka jirin, maxaa yeelay ikhtiyaar ma leh Nin sakhraansan, umana cabin inuu naagta furo; Ra'yigaa bay qaateen masaaridu (Doodda saddexaad waxaa weeye inaan la khasbin maxaa yeelay nin la khasbay ikhtiyaar ma leh).
Xeerka qoyska waxaa loogu dhaqmayaa waxyaalaha uu kulmiyo oo dhan. Haddii uusan jirin qodob gaar ahaaneed oo ka mid ah, waxaa la raacayaa ra'yigaa ama habka ugu rajaxan, mad-habta Al Imaan Shaafici kaddibna waxaa la raacayaa mabaadi'da guud ee shareecada Islaamka iyo caddaaladda ijtimaaciga ah halkaa waxaa ku dhan ilaa xeerka qoyska; haddaan eegno qodobka 35aad ee ku saabsan furitaanka, wuxuu u qaybinayaa furiddii labo: furid aan dhammeyn iyo mid dhammaatay, waa sida Shaaficigu u qaybiyey dalaaq rejci iyo dalaaq baa'in. Furitaanka aan dhammeyn ma joojin karo xiriirka guurka ilaa intii ay cuddada ka dhemmeysato.
GEBAGEBADII
Arrintu si kastaba ha ahaatee waxaa habboon in la iska daayo eedeynta dhinac waliba kan kale uu dusha uga tuurayo oo ay dhici karto in labada dhinac mid walba uu qayb ku leeyahay sababaha badiyey furriinka hakinayana guurka.
Waxaa wadajir iyo iskaashi dhab ah lagu heli karaa haddii qofba qofka kale xaq dhowro, arrintooduna had iyo gooraale ku socotaa: adaa mudan iyo adaa mudan. Is-aaminka iyo is-afgaradku waxay ku dhalan karaan in qof waliba qofka kale is-hibo siiyaa kan kalena si daacad ah u qaabilo isagoo ku kalsoon inaan labadooda waxba u kala qaybsanaan karin waxna ay u kala qarsoonaan karin. Waxay soomaalidu tiraahdaa «Sir ma qabe saab baa biyo u celiyo» Nabigeenna caleyhi asalaatu wasalaam wuxuu yiri: maanqashanaa feleysa minna (Nin na khayaanay naga mid maaha).
Tan kaleeto waxaa la yiri tuke wuxuu leeyahay cawo uu caano ku helo, laakiin ma laha cawo uu ku calfado. Waxaa dhacda in tuke markuu arko caano weel ku jira isku dayo inuu dhammo caanahaas, hase yeeshee intuu gees iskaga taago buu iska daadiyaa, waxaana kaa la mid ah Wiilkii ama gabadhii qof daacad u ah hela ee markaas dhibaato ku sameeya kasmo xumidiisa fura ama ay fasaqato taas oo mar dambe uu dib uga qoomameeyo.
Nabigeennu wuxuu yiri naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee kheyruul umuri awsadhuha (Arrimaha waxaa u kheyr badan kuwaa dhexdhexaadka).
Haddaba intaasoo arrimood oo hore aan u sheegnay haddii ay kulmaan waxaan ku han weynahay in buuggani noqdo mid dantii laga keena dhallinyarada Soomaaliyeedna faa'iida u yeesha.