
MAHADNAQ
Buuggan waxaa iga soo gaaray dhibo badan oo aan la soo koobi karin. Aruurintiisuna waxay igu qaadatay sanooyin badan oo aan ula kaashaday wixii buugag ahaa oo ay Af Soomaaliga ka qoreen qorayaal shisheeye. Inkastoo aan isku dayey inaan wax ka qabto arrimaha u waaweyn dhismaha Afkeenna hooyo, haddana hawsha Naxwaha Af Soomaalig weli fari kama qodna oo way dihin tahay.
Si kastaba ha ahaatee, waxaan filayaa in wax weyn laga faa'iideysto buuggan. Waxaan mahad u naqayaa intii igu kaalisay buuggan, siiba madaxda Wasaaradda Hiddaha iyo Tacliinta Sare.
TUSMADA
| 1. | Hadal | Bogga | 1 |
| 2. | Af Soomaaliga | » | 1 |
| 3. | Xuruufta | » | 2 |
| 4. | Dhawaaq iyo Astaamaha Afka | » | 3 |
| 5. | Erayada, Xubnaha iyo Xuruufa | » | 3 |
| 6. | Kala qaybiska xubnaha | » | 4 |
| 7. | Shaqallada | » | 4 |
| 8. | Magac | » | 4-6 |
| 9. | Magac Dheddig, Magac Lab | » | 6-8 |
| 10. | Kooxaha Af Soomaaliga | » | 8-14 |
| 11. | Ku Celis | » | 14-15 |
| 12. | Magacyada Afafka Shisheeyaha | » | 15-16 |
| 13. | Magac Kadin ah (kadinley) | ||
| 14. | Qaybaha Magacyada | » | 17-18 |
| 15. | Jaangooyo Xaaladley | » | 19-20 |
| 16. | Caynta Magacyada iyo Jaangooyo Xaaladleyda Habayntooda | » | 21-22 |
| 17. | Tilmaamayaasha Af Soomaaliga | » | 22-24 |
| 18. | Magacuyaallada | » | 24-25 |
| 19. | Managaadeyaalka | » | 26 |
| 20. | Nagaadeyaalka | » | 26-27 |
| 21. | Salka iyo Laanta Falidda | » | 28 |
| 22. | Falidda iyo Qaybahooda | » | 28 |
| 23. | Gooraynta Falidaha | » | 29 |
| 24. | Joogto Dareerto | » | 29 |
| 25. | Astaanta Joogto Dareerto | » | 30-32 |
| 26. | Astaanta Diiddooleyda oo Joogto Dareerto | » | 32 |
| 27. | Astaanta Weyddiinleyda iyo Sugidleyda | » | 32-33 |
| 28. | Astaanta Diiddo Weyddiinleyda oo Joogto Dareerto | » | 33 |
| 29. | Ku Celis | » | 33-35 |
| 30. | Lihiga Af Soomaaliga | » | 36-37 |
| 31. | Gadaalraaceyaalka Lihiga ee Magacuyaallada oo tixo ku jira | » | 37-38 |
| 32. | Joogto taagan | » | 39-43 |
| 33. | Joogto taagan iyo Falidaha Qaabmaqabeyaalka | » | 44-45 |
| 34. | Joogto taagan iyo Habka Falidaheeda | » | 45-47 |
| 35. | Joogto taagan iyo hawsheeda | » | 47-49 |
| 36. | Sifaynta | » | 50-53 |
| 37. | Labanlaabidda Erayada Sifaynta | » | 53-56 |
| 38. | Erayada Weyddiinleyda | » | 56-60 |
| 39. | Ku Celis | » | 60-65 |
| 40. | Tagto | » | 66 |
| 41. | Astaamaha Tagtada | » | 66 |
| 42. | Tagto iyo Qaybaheeda | » | 66-69 |
| 43. | Tagto iyo Hawlaheeda | » | 69-71 |
| 44. | Tagto Dareerto | » | 71 |
| 45. | Tagto Dareerto iyo Hawlaheeda | » | 72-73 |
| 46. | Jimaynta | » | 74-75 |
| 47. | Xiriiriyeyaalka | » | 75-79 |
| 48. | Timaaddo Dhowey (Timaaddo Dhowidley) | » | 79-80 |
| 49. | Timaaddo Fogey (Timaaddo Fogidley) | » | 80-83 |
| 50. | Timaaddo Fogey iyo Hawlaheeda | » | 83-85 |
| 51. | Fale | » | 86-87 |
| 52. | La-Fale | » | 87 |
| 53. | Falaha Qofmaqabaha (La, Loo) | » | 88 |
| 54. | Qaab Ereyeedka Af Soomaaliga | » | 88 |
| 55. | Dhismaha Tixaha | » | 89-91 |
| 56. | La Falaha Qofqabeyaalka | » | 92-94 |
| 57. | Jago Horjoogeyaasha Af Soomaaliga | » | 95-97 |
| 58. | Qofmaqabaha Qudhaalaha (is) | » | 98 |
| 59. | Ku dhufashada Erayada | » | 98-99 |
| 60. | Qofmaqabaha (La, Loo) iyo Hawlahooda | » | 99-101 |
| 61. | Ku Celis | » | 102-104 |
| 62. | Shardiley iyo Xiriiriyeyaalkeeda | » | 107-112 |
| 63. | Falkaab | » | 113-117 |
| 64. | Abuuridda Magacyada Cuscusub | » | 117-118 |
| 65. | Ku dhufashada Falidda | » | 119-120 |
| 66. | Labanlaabka Falidda | » | 120-121 |
| 67. | Tirada aan qaabka lahayn | » | 122-123 |
| 68. | Magacuyaallada Af Soomaaliga | » | 124-127 |
| 69. | Gadaalraacyada Magacyada Af Soomaaliga | » | 128-130 |
| 70. | Shaqallada (,O A) oo orda | » | 131-132 |
| 71. | Sugeyaalka (waa, baa, ayaa, yaa) | » | 132 |
| 72. | Farriinley | » | 132-136 |
| 73. | Xisleyda | » | 137-141 |
| 74. | Hadal toos ah iyo hadal maldahan | » | 141-142 |
| 75. | Joogto Dareerto iyo tagto goyso | » | 142-143 |
| 76. | Ku Celis | » | 144-146 |
| 77. | Kala dhigidda | » | 147 |
| 78. | Labaynta iyo dheddigaynta magacyada magaalooyinka, tuulooyinka, xaafadaha, degmooyinka, iyo gobollada | » | 147-149 |
| 79. | Salaynta magacyada | » | 149-152 |
| 80. | Magacyada Falidaysan | » | 152-154 |
| 81. | Murtida iyo Bibliyograafiga Af Soomaaliga alaabtiisa buugageed | » | 155-156 |
QAYBTA I.
HADAL
Hadal waxaa la yiraahdaa, wixii aad markii dhegtaadu maqasho, ay garato; amaba ay dareento. Hadal, afka ayuu ka soo baxaa, dhegtuna way maqashaa. Hadalku xubno ayuu leeyahay. Waa sida dadka oo kale, ama sida makiinadda. Xubnuhu sida ay isugu xirxirran yihiin, amaba sida ay hawsha u wada qabanayaan waa inaan fiirinnaa, ee ma aha sida macnuhu yahay oo keliya. Haddaan iraahdo; «Anigu, waan dhallin yarahay». Hadalkaas waxaa xira ama fura, erayga la yiraahdo «aniga». Maxaa yeelay, haddaan meesha ka bixinno (aniga) erayga la yiraahdo, hadalkii oo dhammi wuu baddelmayaa. Sidaas daraaddeed, waxaan ogaannay, eraygaasi, inuu yahay furihii ama xirihii hadalka. Haddaad isaga meesha ka bixisid, hadalkii oo dhammi kuu furfuranayaa macno laga kororsanayaana ma jiraan. Sidaas daraaddeed, maantada aannu joogno, dhisayaalka Naxwuhu ma fiiriyaan hadalku sida uu isu wada haysto, ama sida uu isugu rakiban yahay hadal kasta. Middaas iyada ah, waxaa lagu magacaabaa, «Makaanikada hadalka».
AF SOOMAALIGA
Inta lagu qiyaaso, Af Soomaaliga, waxaa ku hadla 4-5 malyuun oo qof. Dadka Soomaalida ahi, dhammaantood, waxay ku hadlaan Af Soomaali. Af Soomaaligu wuxuu leeyahay murti weyn oo qiimo dunida oo dhan ku leh, inkastoo uunan hadda ka hor dhignayn. Gumeysigu, wuxuu ku dadaalay, inaan sina Af Soomaaligu marna ku dhigmin. Dhibaatooyin badan ayuu Gumeysigu hor dhigay sidii uunan dadka Soomaalidu marna kaga gaarin horukac iyo xornimo, dhinaca aqoonta iyo dhaqanka. Dadka Soomaalida ah waxaa laga qabsaday dhinaca fekarka iyo hindisaha. Taasina, waa gumeysiga maskaxda iyo aqoonta. Gobonnimo ma jirteen haddaan aqooni jirin, aqoonina ma jirteen haddaan af la lahayn, dadnimana ma jirteen haddii aan dhaqan jirin. Afka Soomaaligu Bahnimo wuxuu ku raacaa afafka kale oon weli dhignayn. Afafkaasi, waa afafka Qoromaha (Galla), Denkeliga iyo Siidaamaha iyo kuwo kale. Intaas oo afaf ah, waxaa lagu magacaabaa «Bahda Kuushiitigga». Murtidu way ku weyn tahay Bahda Kuushiitigga: Qoromaha, Denkeliga iyo Siidaamaha iwm.
Dhibaatada ina hor taagan, waxaan keliya oo aynnu kaga bixi karnaa waxa weeye inaynu Afkeenna xoojinnaa, sidii Reer-Guraaga, Beeraleyda, Shaqaalaha iyo dadkoo idili wax lagu bari lahaa. Aqoonxumada iyo jaahilnimada, afka Soomaaliga oo keliya ayaa wax looga qaban karaa. Taas keliya ma ahee, isaga ayaan dawladnimo run ah ku dhisan karnaa; aqoon kacaan lehna, ku abuuran karnaa, Farta iyo furaheeda in la barto, waa lagama maarmaan.
XURUUFTA
Wax waliba waxay leeyihiin fure. Furaha fartu, waa hikaadda farta. Sidii dadku si degdeg ah, wax ugu baran lahaa waxay u baahan tahay, in dadku wax akhriska iyo qoridda si wanaagsan u barto.
| Xarafka | Erayga |
| A | Waa ariga, waa aniga, waa askar |
| AA | Waa aalo, waa aabbe, waa aas |
| B-baa | Waa bir, waa bal, waa bad |
| D-daa | Waa duub, waa dab, waa dad |
| DH-dhaa | Waa dhir, waa dhul, waa dhal |
| E-ee | Waa edeb, waa ebyan, waa ehel |
| EE- | Waa eel, waa eedid, waa eebo |
| F-faa | Waa faras, waa fal, waa fallaar |
| G-gaa | Waa guddi, waa gal, waa guri |
| H-haa | Waa hooyo, waa hal, waa hadal |
| X-aa | Waa xas, waa xil, waa xishood |
| J-i | Waa il, waa ibo, waa idil |
| II-ii | Waa ciin, waa ciir, waa siin |
| J-jaa | Waa jiis, waa jid, waa jaad |
| KH-khaa | Waa khamro, waa khad, waa khayr |
| K-kaa | Waa kab, waa kulayl, waa koob |
| L-laa | Waa laan, waa luqun, waa labo |
| M-maa | Waa maro, waa miis, waa maal |
| N-naa | Waa nabar, waa nal, waa naag |
| O-oo | Waa olol, waa omos, waa orod |
| OO-oo | Waa oon, waa ood, waa xoolo |
| Q-qaa | Waa qab, waa quud, waa qool |
| R-raa | Waa run, waa rabi, waa raxan |
| S-saa | Waa san, waa sun, waa sin |
| SH-shaa | Waa shan, waa shar, waa shib |
| T-taa | tin, waa tog, waa takar |
| U-uu | Waa ul, waa ur, waa udug |
| UU-uu | Waa uun, waa uus, waa suun |
| W-waa | Waa wan, waa war, waa waxar |
| Y-yaa | Waa yar, waa yaxaas, waa yey |
| C-caa | Waa caro, waa culay, waa can. |
Ogeysiin:
Shaqallada, waa in dadku dhawaaqooda si wanaagsan u bartaa. Macallinku waa inuu u kala saaraa ardada dhawaaqay ku kala geddisan yihiin shaqallada gaagaaban iyo kuwa dhaadheeri!
DHAWAAAQ IYO ASTAAMO AFKA
Barashada Af Soomaaliga iyo xeerkiisu, waxay leeyhiin dhawaaqyo iyo astaamo ku saabsan isaga. Dhawaaqa, waxaa lagu aqoonsadaa summado. Barashada Afkana waxaa la yiraahdaa amaba lagu magacaabaa fonooloojiya; barashada summaddana waxaa lagu magacaaba qoraalka (ortografiyada).
ERAYADA, XUBNAHA IYO XURUUFTA
Haddii aan hadlaynno, ama aan wax qoraynno, innagu, waxaannu ku isticmaalnaa tixo. Tixdu waxay ka abuurantaa erayo laysu wada geeyey. Erayuhu waxay ka abuurmaan xubnaha, xubnuhuna waxay ka koobmaan xarfo. Bal aan soo qaadanno tix sahlan oo faallaynno, «halkaan seexo». Tixdaani, waxay ka abuurantaa laba eray. Eray walbana, wuxuu leeyahay macno. Sidaas oo kale, ayaa waxaa loo heli karaa, amaba loo abuuri karaa tixoyaal kale.
«Seexo halkaan», haddaan qaybinno, waxaannu ogaanaynaa inay u qaybsamayso xubno. See-xo hal-kaan. Erayga la yiraahdo seexo, wuxuu u qaybsamaa laba xubin. Sidoo kale erayga la yiraahdo hal-kaan isna, wuxuu u qaybsamaa laba xubin. «Sheekooyinka akhri». Tixdaasna, waxaan u kala qaybin karnaa xubno. Shee-koo-yin-ka, waa afar xubnood. Akh-ri, waa laba xubnood. Kala barashada xubnaha erayadu waxay kuu sahashaa intuu eraygu xubin yahay, hikaadduna ka bilaabataa.
KALA QAYBISKA XUBNAHA
Waxaan aragnay sidii erayga, loogu qaybin karo xubno. Taasina waa hal xubinle, laba xubinle, saddex xubinle afar xubinle, shan xubinle iyo intii tiradu kaga dhammaato, hadba, sidii uu eraygu yahay xubnuhu waxay ka abuurmaan shibbaneyaal iyo shaqallo laysku daray.
Shibbanayaasha Af Soomaaliga:
b, t, j, x, kh, d, r, sh, s, dh, c, g, q, k, l, m, n, w, h, y, dhammaantood waa 21 Shibbane.
SHAQALLADA
| Dhawaaq gaaban | Dhawaaq dheer. |
| a, i, e, o, u, | aa, ii, ee, oo, uu, |
Markii laysku daro hal xubin iyo labo shaqaallo waxaa ka soo baxa hal xubinle, sida shan - nin - gub - mas - miis - wan - yar - wiil - geed - laan - cun. Laba xubinleyaalkuna waa: gabar, walaal, asxaan, geelal, guri, arday, hiiyo. Saddex xubinleyaalkuna waa: askari, geeljire, beeraley, makiinad, xafiiska.
MAGAC
Magac, waxaa la yiraahdaa wixii wax lagu magacaabo, amaba wax loo yaqaan.
Magacu wuxuu u kala baxaa labo waxyaalood:
Magaca, wax u gooni ahi waa magac aan laysla wadaagin, ee wax u gooni ah. Waxaa ka mid ah:
Magaca la wada wadaago, waa magac aan waxna u gaar ahayn:
Magacu haddana wuxuu u kala baxaa laba waxyaalood:
Magac keli, waa magac qur ah. Wixii ka badan laba waxyaalood, waxaa la yiraahdaa magac koox.
| Magac (keli) | Magac koox. |
| Ey baa ciyay. | Eyo baa ciday. |
| Faras ayaa orday. | Fardo ayaa orday. |
| Wiil ayaan leeyahay. | Wiilal ayaan leeyahay. |
| Magac (keli). | Magac koox. |
| Naag dheer, ayaan shalay arkay. | Naago dhaadheer, ayaan shalay arkay. |
| Geedku wuxuu leeyahay laan. | Geeduhu, waxay leeyihiin laamo. |
| Anigu, waxaan leeyahay dameer. | Annaku, waxaannu leeyahay dameerro. |
| Kab, ayuu wiilkii soo toshay. | Kabo, ayay wiilashii soo tosheen. |
| Ardaygii, dugsigii soo toshay. | Ardaydii, waxay aadday dugsiyadii. |
MAGAC DHEDDIG, MAGAC LAB
Af Soomaaliga magacu haddana wuxuu u kala baxaa labo jaad: magac dheddig iyo magac lab.
Magac Dheddig:
Magaca dheddigga ahi, wuxuu leeyahay astaan u gaar ah oo loo yaqaan.
1. Gadaal Raacaha (-o) Magaca dheddig ee wax u gaar ah.
Gadaal Raacaha (-o) magaca dheddig ee wax u gaar ah, wuxuu gadaal dhammaadka ka raacaa magaca dheddigga ah.
Waxaa ka mid ah: Caash-o. Geel-o. Nuur-o, Ashkir-o, Xaliim-o, Faadum-o. Hase yeeshee, markii Af Soomaaligu uu magacyo badan ka amaahday afka Carabiga, xeerkii dhismaha Af Soomaaligu wuu jabay. Magacyada dheddig ee wax u gaar ah, ee laga soo amaahday afka Carabiga qaar way oggolaan waayeen xeerkii u degganaa dhismaha Af Soomaaliga. Magacyada dheddig ee wax u gooni ah way badan yihiin, waxaana ka mid ah:
Luul, Jawaahir, Qamar, Shamsa, Khadar iyo kuwo kale oo badan.
War-san, Hod-an, Eby-an, Bax-san, Cabb-an, Shaql-an iyo kuwa Gadaal Raacaha magaca dheddig (-an) (-san) magacyada dheddig, wuxuu ka galaa gadaal. Waxaa ka mid ah:
War-san, Hod-an, Eby-an, Bax-san, Cabb-an, Shaql-an iyo kuwa kale oo badan.
Gadaal Raacaha magaca dheddig (-to) ee wax u gaar ah.
Magacani aad iyo aad ayuu ugu yar yahay Af Soomaaliga, waana magacyada cusub ee hadda ku abuurmaya Af Soomaaliga, inkastoo uu oggol yahay xeerkii dhismaha Af Soomaaliga.
Waxaa ka mid ah: Nuur-to Khayr-to, Shoob-to iyo kuwa kale oo aad ugu yar Af Soomaaliga. Waxaa iyana jira, magacyo kale oo dheddig ee wax u gaar ah, oo aan qaab loo raaco lahayn.
Waxaa ka mid ah: Cadar, Asli, Ubax, Weris, Cosob iyo kuwo kale oo badan.
Gadaal Raacaha magaca dheddig (-la) ee wax u gaar ah.
Gadaal Raacaha: magaca dheddig (-la) ee wax u gaar ah. Waxaa ka mid ah: Ceeb-la, Cawra-la, Hagar-la, Calaw-la, iyo kuwa kale oo ku yar Af Soomaaliga.
Magac Lab.
Sida magaca dheddig oo kale, magaca labi oo gaarka ahi oo keliga ah wuxuu leeyahay astaamo loo yaqaan. Hase yeeshee, magacyada gaarka ah oo keliga ah dhammaantood ma wada laha astaamo la wada yaqaan, siiba kuwa amaahda nooga yimid Afka Carabiga, sida, Maxamed, Axmed, Cabdi Iwm.
2. Gadaal Raacyada Magaca lab ee wax u gaar ah.
Afka Soomaaligu wuxuu leeyahay gadaal raacyo lab ee magaca wax u gaar ah ku jira. Magacyada lab oo wax u gaar ahi ee salka ku haya xeerkii dhismaha Af Soomaaliga, way ku yar yihiin Af Soomaaliga. Taasina, waxay ku dhacday, in magacyada lab ee wax u gaar ahi, la soo amaahday, ee laga soo amaahday Af Carabiga. Middaas waxaa ugu wacan diinta Islaamka iyo aqoonta Muslinimada.
Gadaal Raacaha magaca lab (-ye -e) ee wax u gaar ah.
Gadaal Raacahaasi wuu ku badan yahay Af Soomaaliga. Waxaa ka mid ah: Warsam-e, Khayrr-e, Raag-e, Caynaansh-e, Sharmaark-e, Guullan-e, Barr-e, Dhawr-e, Quman-e, Shir-e, Kullan-e, Faahihi-ye, iyo kuwa kale oo badan.
Gadaal Raacaha magaca lab (-le) ee wax u gaar ah:
Gadaal Raacaha (-le) wuu ku badan yahay magacyada lab ee wax u gaar ah Af Soomaaliga. Waxaa ka mid ah: Geel-le, Shoob-le, Guutaa-le, Diin-le, Deeb-le, Huur-le, iyo kuwa kale oo badan.
Waxaa ku jira Af Soomaaliga, magacyo badan oo laga soo amaahday Af Carabiga, ee aan oggolayn xeerkii dhismaha Af Soomaaliga. Waxaa ka mid ah: Cabdi, Nuur, Cabdullaahi, Cabdiraxmaan, Cabdulqaadir, Cabdirisaaq, Cabdulkariim, Cabdulfataax, Xasan, Xuseen, Daahir, Khaliif, Jaamac, Axmed, Maxamuud, Maxamad, Xaamud iyo kuwa kale oo aad iyo aad ugu badan Af Soomaaliga. Magacyada amaahda ahi, waxay u badan yihiin ragga. Haweenka uma badna, magacyada amaahda ahi sida ragga. Afka Soomaaliga, haddana, waxaa ku jira magacyo lab oo aan lahayn qaab dhismood oo loo raaco. Kuwaas waxaa ka mid ah: Qawdhan, Liibaan, Qamaan, Bulxan, Guhaad, Cabayr, Gooni iyo kuwa kale oo badan.
KOOXAHA AF SOOMAALIGA
Sida Afafka qaarkood, Af Soomaaligu wuxuu leeyahay kooxo badan. Kooxaha tiradoodu: waa toddoba. Magac kasta oo ku dhammaada gadaal raacyada halkaan ka imanaya wuxuu noqonayaa kooxaysan. Magaca Af Soomaaliga waxay ku tahay lab iyo dheddig labadaba. Kooxda dheddigga ama labka u go'ani kuma jirto Af Soomaaliga murtida leh.
Waayahan danbe, waxaa dhacday inay Af Soomaaliga soo gashay kooxo jajaban. Taasi waxay ka soo gashay Af Carabiga. Kooxahaas waxaa ka mid ah: Macallin (keli) Macallimiin (koox) Muslin (keli) Muslimiin (koox) Buug (keli) Bawaag (koox) Shiikh (keli) Mashaa'ikh (koox)) Shariif (keli) Ashraaf (koox) Munaafaq (keli) Munaafiqiin (koox) Namiim (keli) Namiimiin (koox) Wakiil (keli) Wakiillo (koox) Naaib (keli) Naaibiin (koox) tawri (keli) tawriyiin (koox) Mushtar (keli) Mushtariin (koox) Khaddiib (keli) Khaddiibiin (koox) Mufti (keli) Muftiyiin (koox) Xaaji (keli) xujey (koox) Weli (keli) Awliyiin (koox). Intaas iyo boqollaal eray, ayaa Af Carabiga ka soo gashay Af Soomaaliga. Erayadaasi waxay oggolaan waayeen xeerka dhismaha Af Soomaaliga, sidaas daraaddeed, waxay ku hareen Af Carabiga. Qof walba oo Soomaali ahi, wuu yaqaanna iyaga, hase yeeshee muu yaqaan inay Af Carabi inooga yimaadeen. Gadaal Raacaha (-iin) oo koox ahi, waa mid ku siyaado ah xeerka dhismaha Af Soomaaliga.
Sidaas darraaddeed, qofka Soomaaliga ahi, wuxuu kala kulmaa dhib weyn, markii uu iyaga kooxaynayo.
2. Gadaal Raacaha ee Kooxaha Magacyada (-yo-) .
| Keli | Koox |
| Qori i sii. | Qoryo i sii. |
| Kursi qaado. | Kursiyo qaado. |
| Guri dhiso. | Guryo dhiso. |
| Ubax u gad gabadha. | Ubaxyo u gad gabadha. |
| Dibi qalo. | Dibiyo qalo. |
| Yaxaas weligaa ma aragtay? | Yaxaasyo weligaa ma aragtay? |
| Gabay baro. | Gabayo baro. |
| Meeris dhigo. | Meerisyo dhigo. |
| Wuxuu i siiyay toorrey. | Wuxuu i siiyay toorreeyo. |
| Digsi baan wax ku karsaday. | Digsiyo baan wax ku karsaday. |
Gadaal Raacaha kooxeed (-yo) wuxuu magaca ka galaa dhexda iyo gadaal, wuxuuna qaataa qodobka (-da, -ha).
2. Gadaal Raacaha ee Kooxaha Magacyada (-yaal-).
| Keli | Koox |
| Oday baan maanta arkay. | Odayaal baan maanta arkay. |
| Ardaygu waa geesi. | Ardaydu waa geesiyaal. |
| Isagu wuxuu ku dabaashay balli. | Iyagu waxay ku dabaasheen balliyaal. |
| Asli, waxay iibsatay girgire. | Asli, waxay iibsatay girgireyaal. |
| Anigu waxaan qaaday dhabbe. | Anigu, waxaan qaaday dhabbeyaal. |
| Isagu wuxuu iibsaday shaati. | Isagu wuxuu iibsaday shaatiyaal. |
| Ugaartuhu wuxuu dilay waraabe. | Ugaartuhu, wuxuu dilay waraabeyaal. |
| Iyadu waxay heshay buste. | Iyadu, waxay heshay busteyaal. |
| Gabadhu waxay ka hadashay gole. | Gabadhu waxay ka hadashay goleyaal. |
Ogeysiis:
Magacyada qaata gadaal raacaha kooxda (-yaal), way ku badan yihiin Af Soomaaliga, waxayna badnida ku raacaan magacyada qaata gadaal raacaha kooxda kooxdeeda (-yow).
Gadaal raacaha kooxda kooxdeeda: waxaa aalaaba, raaca erayga yool gaaridda, muunaynta (badan). Waxaa ka mid ah: gabadhu waxay ka hadashay goleyow. Tixdaas waxaa loo geyn karaa erayga yool gaaridda «badan» «gabadhu waxay ka hadashay goleyow badan».
Qodobka kooxdani qaadato waa (-ga), qodobkase kooxda gadaal raacaha (-yaal-) waa (-ka) labka, dheddiggana (-sha).
3. Gadaal Raacaha ee Magacyada Kooxaha ah (-oyin-).
Magacyada qaata gadaal raacaha magacyada kooxda (-oyin), waxay ku badan yihiin Af Soomaaliga. Gadaal raacaha magacyada kooxda (-oyin) waxaa raaca qodobka ah (-ka). Waxaa ka mid ah: «Dadku wuxuu ku dhaqmaa magaalooyinka».
| Keli | Koox |
| Waxaan deggannahay tuulo. | Waxaan deggannahay tuulooyin. |
| Dadku wuxuu ku dhaqmaa magaalo. | Dadku wuxuu ku dhaqmaa magaalooyin. |
| Hodan waxay jeceshahay heello. | Hodan waxay jeceshahay heellooyin. |
| Qaanso fiican iga gado. | Qaansooyin fiicfiican iga gado. |
| Ayeeyaday waxay ii sheegtay Shseko. | Ayeeyaday waxay ii sheegtay sheekooyin. |
| Wuxuu cayriyay dawoco. | Wuxuu cariyay dawocooyin. |
| Yaanyuurtu, waa quruxsan tahay. | Yaanyuurooyinku way qurqurxan yihiin. |
| Baqalyo ayaa geed ka duushay. | Baqalyooyin ayaa geed ka duulay. |
| Shanlada wiilka sii. | Shalooyinka wiilasha sii. |
| Waaxaan soo maray qabiil meel deggan. | Waxaan soo maray qabiilooyin meel deggan. |
4. Gadaal Raacaha ee Magacyada Kooxaha (-an)-).
Gadaal Raacaha magacayada kooxda (-an-) Afka Soomaaliga aad iyo aad ayuu ugu yar yahay. Gadaal raacahani wuxuu u dhow yahay, inuu ka dhintay af Soomaaliga. Afka Soomaaliga waxaa laga helaa erayo tirsan, ee qaata gadaal raacaha magacyada kooxda (-an-). Maantada la joogo dadku aalaaba kuma dhaqmo gadaal raacaha kooxda (-an-), inkastoo dadka ku hadla afka murtida leh, uu weli ku hadlo.
| Keli | Koox |
| Guriga dhagax ku dhis. | Guriga dhagxan ku dhis. |
| Ugax iga iibi. | Ugxan iga iibi. |
Haddana waxaa suurtowda, in la yiraahdo «guriga dhagaxyo ku dhis». Qodobka raaca gadaal raacaha magacyada kooxda waa (-ta), sida (dhagxan-ta) (Ugxan-ta).
5. Gadaal Raacaha ee Magacyada Kooxaha (-o-).
Gadaal raacaha magacyada kooxda (-o-) way ku badan yihiin Af Soomaaliga. Gadaal raacahaas waxaa raaca labo qodbood (-da) ama (-ha). Qodobka (-da) waa atsaan dheddigeed, astaanta (-ha)na waa midda kooxda magacyada lab. Afka Soomaaliga, waxaa lagu yaqaannaa inay kooxdu noqoto dheddig iyo lab labadaba, magacii keli ku ah dheddig, kooxda wuxuu ku noqdaa lab. Sida fallaarta (keli dheddig) fallaaraha (kooxda) lab. Waxaase jira, magac keli ku ah lab, inuu ku haro labnimadiisa kooxda. Sida Laabka (keli) (lab) Laababka (kooxda) (lab).
| Keli | Koox |
| Caasha waxay aragtay xiddig. | Caasha waxay aragtay xiddigo. |
| Shalay Cumar wuxuu gatay aqal. | Shalay Cumar wuxuu gatay aqallo. |
| Anigu fallaaar ganay. | Anigu fallaaro ayaan ganay. |
| Qalin wanaagsan soo gado. | Qalimmo wanwanaagsan soo gado. |
| Daruur baa ku da'day Beled Weyne | Daruuro baa ku da'ay Beled Weyne |
| Waxaan soo maray dameer biyo sida. | Waxaan soo maray dameero biyo sida. |
| Shalay Shabeel ayaa ri cunay. | Shalay Shabeello ayaa cunay ri. |
| Arigii il-biya ah ayuu ka cabbay. | Arigii wuxuu ka cabbay ilo-biya ah. |
| Ul toosan buu wataa inanku. | Ulo toostoosan buu wataa inanku. |
6. Gadaal Raacyada Magacyada ee Kooxaha Labanlaabma.
(-ab. -ad. -al. -ar, -as, -ag, -aq, -af Gadaal raacyada magcyada ee kooxda labanlaabanta waxay ka abuurmaan xarfaha magaca u danbeeya. Magacyada ku dhammaada shibbaneyaasha halkaan ka iman doona, (-b. -d. -l. -r. -g. -s. -q. -f) ayaa loo geeyaa gadaal raacyadaas sida dab−ab, jid−ad, nal+al, war--ar, buug−ag, af+fa, miis+as, diiq+aq.
Qodobka gadaal ka raaca magacyadaas, laba magac mooyee waa (-ka), sida dababka, jidka, nalalka, wararka afafka miisaska. Labada magac oo kale waxay qaataan qodbaha (-a, iyo -ga) sida buugagga, suuqaqa.
| Keli | Koox |
| Dab i sii. | Dabab i sii. |
| Isagu wuu qab weyn yahay. | Iyagu way qabab waaweyn yihiin. |
| Raad libaax baan arkay. | Raadad libaax baan arkay. |
| Jid dheer baan qaaday. | Jidad dhaadheer baan qaaday. |
| Wiil yar ayaan leeyahay. | Wiilal yaryar ayaan leeyahay. |
| Nal ayaa la shiday (daaray). | Nalal ayaa la shiday. |
| Baabuurku boor ayuu igu kiciyay. | Baabuurradu boorar ayay igu kiciyeen. |
| Gabadhu beerar ayay cuntay. | Gabadhu beer ayay cuntay. |
| Muus ayaan ku xiirtay. | Muusas ayaan ku xirannay. |
| Moos ayuu cunay. | Moosas ayuu cunay. |
| Buug ayaad akhrisatay. | Buugag ayaad akhrisateen. |
| Naag dhuug qabta ayaa timid. | Naago dhuugag qaba ayaa yimid. |
| Diiq ayaa aroortii ciyay. | Diiqaq ayaa aroortii ciyay. |
| Hooyaday suuqa ayay ka timid. | Hooyooyinkeen suuqaq ayey ka ymaadeen. |
| Isagu wuxuu bartaa Af shisheeye. | Iyagu waxay bartaan afaf shisheeye. |
| Ninku wuxuu leeyahay shaf weyn. | Nimanku waxay leeyihiin shafaf waaweyn. |
7. Gadaal Raacaha Magacyada Kooxda Kooxdeeda (-ow-yow).
Kooxda la sii kooxiyey waxay ka abuurantaa magac kadin ah. Sidaas daraaddeed, kooxda kooxdeedu ka mid tahay kooxaha Af Soomaaliga. Gadaal raacaha kooxda kooxdeeda, waxaa raaca qodobka (-ga); sida geelalyowga, geedoyowga, dhulalyowga.
| Kooxda | Kooxda Kooxdeeda |
| Geelal badan baan leennahay. | Geelalyow baan leennahay. |
| Naago ayaa yimid. | Naagayow ayaa yimid. |
| Roobkii wuxuu dumiyey guryo. | Roobkii wuxuu dumiyey guryoyow. |
| Roobab baa da'ay. | Roobabbow ayaa da'ay. |
| Cido badan ayaa guuray. | Cidoyow badan (badbadan) ayaa guuray. |
| Dhulal badan ayuu soo maray. | Dhulalyow badan ayuu soo maray. |
| Wiilku wuxuu raacay ari. | Wiilku wuxuu raacay ariyow. |
| Wax degmo ah ma aragtay? | Wax dagmayow ah ma aragtay? |
| Geedo badan baan dhex jiiray. | Geedayow badan baan dhex jiiray. |
| Ido badan baan ku siiyay. | Idayow badan baan ku siiyay. |
Af Soomaaligu wuxuu leeyahay magacyo aan qaab lahayn. Sida keliya oo lagu barta waxa weeye, inaad sidooda isaga qaybtaa. Inkastaba haddana waxaa jira magacyo sabab dhawaaqeed ku baddelmaya. Magacyadaasi waa: nin (keli) niman (koox) wan (keli) wanan (koox) san (keli) sanan (koox) haan keli) haamo (koox) laan (keli) laamo (koox) inan (keli dh.) inamo (koox dh.) inan (keli l.) inamada (koox l.) Waxaa iyana jira magacyo kale oo iyana aan qaab loo raaco lahayn, in sidooda laysaga barto mooyee. Kuwaas waxa ka mid ah: faras (keli l.) fardo (koox l.) haweeney (keli dh.) haween (koox dh.). Qayb kale oo iyana aan qaab lahayn ayaa jirta. Waa qaybta: hablo (koox dh.) rag (koox l.) qaybtaasi waxay ka mid tahay qaybta kadinleyda ah.
KU CELIS
Ka jawaab weydiimahaan:
BARO TIXAHAN KUNA CELCELI INTII AAD KA BARATID.
MAGACYADA AFAFKA SHISHEEYAHA
Afafka Shisheeyuhu, siiba afka Talyaaniga iyo kan Ingiriiska iyo Carabiga waxay soo geliyeen afka Soomaaliga erayo badan oo hodan ka dhigay. Erayadaas waxay la yimaadeen gadaal raacyo ku cusub Af Soomaaliga. Waxaa dhacday in lagu qaatay sidoodii ay ku yimaadeen. Taasi markii ay dhacday kaddib, ayaa erayadii isku qaateen gadaal raacihii Soomaaliga iyo kii shisheeyaha. Sida Elektrijistaha, makaanistaha, sooshaalistaha, marooristaha, bioloojistaha, kiimistaha, matamaatigga, datoorka, istaatistaha, agronoomistaha, telegraafistaha, ministarka, biblioteekarka, makiinistaha, jeloojistaha, filosofka, falkolooristaha, fisikistaha, sayntistaha, geografistaha, jeofiikaha, fannaanka, (carabiga), muusikistaha, aktoorka, shiinimatografistaha, ekonoomistaha iyo kuwo kale oo badan, gadaal raacaha magacyada keli (-ist-) wuxuu ka mid noqday sidaas daraaddeed gadaal raacyada Af Soomaaliga, sidoo kale gadaal raacaha (tor-tar) iyo (-ar-) aktoorka, bibliyoteekaarka.
Afka Soomaaliga haddana waxaa soo galay magacyada ku tusa xiddigiska ee nooga yimid Af Carabiga iyo Talyaaniga iyo Ingiriiska, kuwa Af Carabiga ka yimid waa: Axad, Isniin, Talaada, Arbaca, Khamiis, jamce, Sabti. Kuwa Talyaaniga iyo Ingiriiska nooga yimid waa: Jannaayo, Febraayo, Maarso, Abriil, Maajo, Juunyo, Luulyo, Agoosto, Sebtembar, Oktoobar, Nofembar, Disembar.
Gadaal raacaha keli oo shisheeyaha (dh. l.).
Gadaal raacaha keli oo shisheeyaha oo dheddig, wuxuu inooga yimid Af Carabiga. Si weynna wuu u saameeyey Afka Soomaaliga.
| Keli Dheddig | Keli Lab |
| Makaanik-ad-da | Makaanigga |
| Macallimadda | Macallinka |
| Dhaktaradda | Dhaktarka |
| Injiyeeradda | Injiyeerka |
| Fannaanadda | Fannaanka |
Gadaal raacahaasi markiisii hore, wuxuu nooga yimid Af Carabiga, kaddibna waxaa Soomaalidu ugu isticmaashay erayada Afafka shisheeye nooga yimid ee aan maanta qofka Soomaaliga ah, shisheeye ka ahayn, inkastoo ay erayadaasi salkoodu ahaa shisheeye. Afkii dadku maanta ku hadlo, erayada ku jira oo shisheeyaha ahi shisheeye nagama aha.
MAGAC KADIN AH (Kadinley ah)
Magaca kadinka ahi, waa magac isku guntan oo kooxaysan. Kooxdii isku guntani amaba isu geysani waa koox kadin ah. Kooxda kadinka ahi, tiradeeda lama yaqaan, waase koox. Sidaas daraadded, waxaa lagu magacaabay Koox kadinley ah.
| Koox | Koox kadinley |
| Maroodi ayaan arkay. | Raxan-maroodi ah ayaan arkay. |
| Ninku libaax ayuu dilay. | Raxan-libaax ah ayay nimankii dileen. |
| Ceelka waxaa ka cabbaya geel. | Ceelka waxaa ka cabbaya kadin geel ah. |
| Warsame wuxuu soo gatay ari. | Warsame wuxuu soo gatay tiro-ari ah. |
| Geelle walaalkiis wuxuu siiyay lo'. | Geelle walaalkiis wuxuu siiyay fadhi lo' ah. |
| Rag ayaa maanta shir u fariistay. | Rag guuto ah ayaa maanta shir u fariistay. |
| Wiilku (lo', ari, geel) ayuu raacay. | Wiilku (lo', ari, geel) horin ah ayuu raacay. |
| Ari ayaan maanta suuqa ka iibsaday. | Ari-xayn ah ayaan maanta suuqa ka iibsaday. |
| Aqallo ayaa maanta gubtay. | Tuulo ayaa maanta gubatay. |
| Rag baa maanta duulay. | Col (ciidan), ayaa maanta duulay. |
| Rag baa shalay yimid. | Guuto-camarrey, ayaa shalay timid. |
| Cid ayaa shalay meel degtay. | Duddo-cid ah ayaa shalay meel degtay. |
Erayda koox kadinleyda ku tustaa way ku badan yihiin Af Soomaaliga. Waxaa ka mid ah: raxan, kadin, illin, tiro, fadhi, guuto, horin xayn, ciidan, madax, tuulo, duddo, dhawr, qaar. Erayada koox kadinleyda waxaa gadaal ka raaca taageeraha falidda (ah) ee isagu muujinayo guntinta koox kadinleyda, waxaa ka mid ah: «ari xayn ah», «ciidan lug ah», «madax col ah».
QODBAHA MAGACYADA
Qodbuhu magacyada waxay ka raacaan gadaal, hawsha ay iyagu magacyada ka qabtaanna waxa weeye, in ay caddeeyaan cayntiisa. Qodbaha keliya ayaa muujin kara magaca cayntiisu in ay tahay dheddig iyo lab.
Qodbuhu markay magaca wataan:
Qodbuhu waxay magaca ka raacaan gadaal, sida: laanta, ninka, illowse, nimanka, raha, daaha, laamaha, qodbaha: (-ka) iyo (-ha) oo ku jira magacyada kooxda ah, keli iyo koox midna kuma tusaane, waxa wax naga tusayaa magaca waa macnihiisa siimaantiga ah, ee ah waxa wax naga tusayaa magaca waa macnihiisa siimaantiga ah, ee ah caynta macnaheeda. Qodobka keli ku jira, isana waa wax doodi ka furan tahay in qodobku uu muujinayo magaca cayntiisa iyo macnaha siimaantikadu uu muujinayo magaca cayntiisa.
Inkastaba maantada la joogo, waxaa dunida caan ku ah uu yahay dhismaha Naxwaha oo caadada ku dureersaday xeerka Naxwaha reer yurub. Aniga oon taas ka tegayn, ayaan waxaan u qaybinayaa qodbaha laba qaybood. Qaybta dheddigga ah iyo qayba labka ah.
I. Dheddig:
(-t-, -sh-, -d-), laanta, hasha, goroyada.
II. Lab:
(-k-, -g-, -h-, iyo qodob eber ah) ninka, curraha, guriga, qodobka eberka ahi, waa (suuqa, shiikha, looxa, kuraca).
Xusuus:
QAYBTA II.
JAANGOOYO XAALADLEY
Jaangooyada xaaladdu waa maxay? Waa xaalad jaangooya leh. Waa magacu hadba xaaladdii uu noqonayo. Magac kasta oo tix ku jira, wuxuu qaataa xaalad. Afka Soomaaligu wuxuu leeyahay saddex jaangooyo xaaladley:
1. Jaangooyo xaaladleyda falaha (-ii, ninkii, ninku). Jaangooyo xaaladleyda falaha oo ku jira tixo: «Ninkii wuu tegay, ama Ninku wuu tegay».
Labada xubnoodba ninku, wuu jaango'an yahay. Waa nin aan isla ogeyn. Ninkii, ninku, waa mid aan wada naqaanno amaba aan isla ogeyn. Sidaas daraaddeed, xaaladda ninku way jaango'an tahay. Erayga (ninkii) waa looga aqoon badan yahay (ninku).
Jaangooyo xaaladleyda falaha, waxay na tustaa qofkii wax falay. Yaa tegay? Waxaa tegay ninkii aan isla ogeyn. Jaangooyo xaaladleyda falaha, waxaa raaca faliddii uu falay faluhu.1
2. Jaangooyo xaaladleyda la falaha (-ii, gurigii -a, guriga). Jaangooyo xaaladleyda la faluhu, waxay ku tustaa qofkii amaba wixii faliddu ku dhacday. Falidda faluhu waxay ku dhacaysaa la falaha. Wixii wax falay, waa inay wax ku faleen. Sidaas daraaddeed, faluhu wuxuu ku xiran yahay falidda, la faluhuna wuxuu ku xiran yahay falidda falaha. Af Soomaaliga falaha iyo la faluhuba waxay ka galaan tixda horey ama gadaal amaba dhexda. Sida Ninkii wuu yimid. Faluhu tixda wuxuu ka galay horay. Illowse, wuu yimid ninkii. Faluhu wuxuu tixda ka galay gadaal. «Aniga, ninku, wuxuu igu yiri iska tag». Tixdaan faluhu wuxuu kaga jiraa dhexda.
Jaangooyo xaaladley waa xaaladda magaca jaangoyneysa. Magac kasta oo aan jaangooyo lahayn waxa weeye magac jaangooyo ma qabto ah. Waxaa ka mid ah: «Nin ayaa yimid». «Buug ayuu soo gatay».
«Wiil ayaa dhashay». «Dad ayaa shalay diriray». Markii aan leennahay (nin ayaa yimid). Ma naqaanno (ninkii) yimid. (Buug ayuu soo gatay). Ma naqaanno (buuggee) buu soo gatay.
3. Jaangooyo xaaladley.
1 Ninkii wuu tegay. Waa nin aan isla ognahay amaba aan wada niqiin mar hore, ee lagama maarmaan ma aha inaan wada ogeyn amaba aan mar hore wada niqiin, inkastoo xaaladdiisu jaan go'an tahay.
CAYNTA MAGACYADA IYO JAANGOOYO XAALADLEYDA HABAYNTOODA
| Magaca | Caynta Qodbaha magaca | Jaangooyo Xaaladleyda magaca | Tixda |
| ul - | - sh - | - ii | way qalloocatay. |
| mindi - | - d - | - u | way afbeeshay. |
| cir - | - k - | - ii | wuu da'ay maanta. |
| kursi - | - g - | - u | wuu jabay. |
| xareed - | - d - | - ii | way gurtay. |
| nin - | - k - | - a | waan arkay. |
| macallin - | - k - | - ii | dersi ayuu dhigay. |
| aqal - | - k - | - a | waan soo maray. |
| goroya - | - d - | - u | ilmo ayay leedahay. |
| libaax - | —— | - ii | waan dilay. |
| suuq - | —— | - ii | waan ka imid. |
| buug - | - g - | - a | waan akhristay. |
| lacag - | - t - | - a | wuu lumiyaa. |
| dad - | - k - | - a | wuu caayaa isagu. |
| curri - | - h - | - ii | wuu iga dhintay. |
| arday - | - d - | - u | waxay ku cayaartaa kubbad. |
Magacyada aan jaangooyo xaaladley u baahnayn way ku jiraan Af Soomaaliga. Magacyadaas waxaa ka mid ah: Sonkor, hilib, cusbo, biyo, caano, abti, hooyo, aabbe, awoowe, adeer, ayeeyo, walaal, roob, daruur, subag, xalay, shalay, berri, iyo kuwa kale.
Magacyadaasi inkastoo ay qaadan karaan jaangooyo xaaladley, haddana uma baahna in la jaangooyo. Magacyada ku dhammaadaa shibbaneyaasha: (q, c, x, dh, kh, h) ma ay qaataan qodobbo ee waxay qaataan jaangooyo xaaladley (-ii, -u, -a).
Ogeysiis:
Jaangaayo eeaaladley, (u, ii,) waxay gashaa falaha iyo la falaha labadoodaba. Waxaa ka mid ah: Nink(ii, u,) wuu dhoofay. Shalay waxaan arkay macallink(-ii, -a). Marna ma suurtowdo, inaad tirraahdid: «Shalay, waxaan arkay macallinku». Taasi, waxay ku tahay Af Soomaaliga qalad iyo gaf aan la qaadan karin.
Tixahaan akhri, oo jaangooyo xaaladlayda falaha, lagu falaha, ka soo saar. Qodobbada dheddigta ah iyo kuwa labkana ka soo saar.
Laanta ii soo goo. Laan ii soo goo. Laamaha ii soo goo. Ceebla, xalay ayay ka timid Hargeysa. Naago badan, ayaa Ceebla la socday.
Shiikhii, wuxuu ka addimay masaajidka Xamar weyne. Ardadu, waxay akhrisatay joornaallo. Buugaggii cuscusbaa dadkii wuu akhristay. Isagu wuxuu u sheegay iyada hadalkii. Iyadu waxay fuushay Fatuuraddii. Isagu wuxuu u sheegay hadalkii. Iyagu way neceb yihiin agaasimaha. Gabdhihii waxay ku cayaareen Pingpong. Shinbirtu waxay ka duushay geed dhamas ah.
TILMAAMAYAASHA AF SOOMAALIGA
Tilmaanu waa maxay? Waa wixii wax lagu tilmaamo. Qofka hadlayaa markii uu wax tilmaamayo, farta ayuu raaciyaa tilmaantiisa. Markaasuu haddana erayga tilmaanta ku hadlaa. Tilmaamayaashu waa dhowr. Iyaga wax ayaa lagu tilmaansadaa. Sidaas daraadded, waxaa lagu magacaabay tilmaamaamayaal. Tilmaamayaashu waxay u kala baxaan dheddig iyo lab, keli iyo koox.
| Keli lab | Keli dheddig |
| Kan | Tan |
| Kaas | Taas |
| Keer | Teer |
| Koo | Too |
| Koox lab | Koox dheddig |
| Kuwaan | Kuwaan |
| Kuwaas | Kuwaas |
| Kuweer | Kuweer |
| Kuwoo | Kuwoo |
Tilmaamayaashaan waxaa kaloo soo raaca tilmaan kale. «Kuwakan» Kuwakan = Kuwaan + kan = Kuwakan.
Tilmaamayaashu hadba, waxay gadaal ka raacaan qodobbada magacyada iyo jaangooyo xaaladleyda. Sidaan oo kale ayay tilmaamayaashu u hawl galaan.
| Keli lab | Keli dheddig |
| Guriga + aan = Gurigaan | Ulsha + aan = ushaan |
| Guriga + aas = Gurigaas | Ulsha + aas = ushaas |
| Guriga + eer = Gurigeer | Ulsha + eer = usheer |
Magacyadoo idil sidaas oo kale ayay tilmaamayaashu uga hawl galaan. Sida sanduuqan, sanduuqaas, sanduuqeer, gabadhan, gabadhaas, gabadheer, currahan, currahaas, curraheer, currahoo, yaanbadan, yaanbadaas, yaanbadeer, looxan, looxaas, looxeer, looxoo, jeertan, jeertaas, jeerteer.
Tilmaamayaasha runta ahi waa: -aan, -aas, -eer, -oo.
Tilmaamaaayaasha runta ahi, waxay galaan magac keli ah iyo magac koox ah. Weligood, tilmaamayaashu, qodbaha magacyada iyo jaangooyo xaaladleyda waxay ka raacaan gadaal, sida:
| Keli | Koox |
| Gurigaan | Guryahaan |
| Gurigaas | Guryahaas |
| Gurigeer | Guryaheer |
Ogeysiis:
Kan, tan, kuwaan, guryahaan, dugsiyadan. Waa tilmaan dhow. Kaas, taas, kuwaas, guryahaas, dugsiyadaas. Waa tilmaan fog. Keer, teer, kuweer, guryaheer, dugsiyadeer. Waa tilmaan aan fogeyn oo dhoweyn. Tilmaanta too, koo, kuwoo, aalaaba, gobolladoo dhan loogama wada hadlo ee aad waxaa looga hadlaa Gobolka Banaadir iyo Shabeellada Hoose iyo tan kore.
Tilmaamayaashu keligoodna way istoogi karaan, waxna way la xiriiri karaan:
| Keli ahaantood | La xiriirkood |
| Kanu waa wiil wanaagsan. | Wiilkaanu, wuu wanaagsan yahay. |
| Tani waa gabar qurxan. | Gabadhaani way qurxan tahay. |
| Kaasi waa wiil xun. | Wiilkaasi wuu xun yahay. |
| Kuwaani waa wiilal wanwanaansan. | Wiilashaasi way wanwanaagsan yihiin. |
| Kuweeru waa buugag xunxun. | Buugaggeeru way xunxun yihiin. |
| Kuwaasu waa jidad dhaadheer. | Jidadkaasu way dhaadheer yihiin. |
Tilmaamayaasha oo ku jiro tixo weydiinley, sugidly iyo diiddaley ah:
| Weydiinley | Sugidley |
| Ninku, waa kee? | ninku waa kan! |
| Ninku waa kee? | ninku waa kaas! |
| Ninku waa kee? | ninku waa keer! |
| Naagtu waa tee? | naagtu waa tan! |
| Naagtu waa tee? | naagtu waa taas! |
| Naagtu waa tee? | naagtu waa teer! |
| Nimanku waa kuwee? | nimanku waa kuwaan! |
| Nimanku waa kuwee? | nimanku waa kuwaas! |
| Nimanku waa kuwee? | nimanku waa kuwakan! |
Diiddaley
MAGACUYAALLADA
Magacuyaalladu waa magac kasta oo wax ka jooga. Magacuyaalladu waxay ka joogaan magacyada dadka iyo nafleyda iyo nafmaqabtoleyda dunida ku nool. Af Soomaaligu ma leh cayn labeebshe ah (neuter gender) sida afafka kale oo reer Yurub. Magacuyaalladu waxay ka joogi karaan qof, ama neef amaba dhagax. Sidaas daraaddeed, magacuyaalladu uma go'na dadka keliya sida ay ugu go'an yihiin dadka, markii laga hadlayo dhismaha naxwaha afafka reer Yurub.
Taasina waxay ku tusaysaa, in xeerka u degsan afafka reer Yurub iyo loojikada afafkooda inayan Af Soomaaligu qaadan karin. Hase yeeshee, haddana afafkoo idili meelo badan ayay isaga imaanayaan. Qofna ma inkiri karo loojikada xeerka afafka reer Yurub u degsani inay wax weyn ka qabatay afafka horumarintooda. Xeerse af u degsani, af waliba ma qaadan karo. Magacuyaalladu waxay u qaybsamaan labo qaybood:
Nagaadeyaalka magacuyaalaadu waa toddoba (waan, waad, wuu, way). Waan waxaa loogu isticmaalaa dheddigga iyo labka, keli iyo kooxba. Waad waxaa loogu isticmaalaa dheddigga iyo labka, keli iyo kooxda. Wuu waxaa loogu isticmaalaa keli lab keliya. Way waxaa loogu isticmaalaa keli dheddig keliya.
Magacuyaallada iyana waa toddoba (aniga, adiga, isaga, iyada, annaga ama (innaka), idinka, iyaga). Aniga waxaa loogu isticmaalaa dheddigga iyo labka iyo keli keliya qofka hadlaya. Adiga waxaa loogu isticmaalaa dheddigga iyo lab keli keliya qofka lala hadlayo. Isaga waxaa loogu isticmaalaa lab keli oo keliya qofka laga hadlayo. Iyada waxaa loogu isticmaalaa dheddig keli oo keliya qofka laga hadlayo. Innaga, iyo Innaka, waxaa loogu isticmaalaa dheddig iyo lab koox oo ah kuwa iyagu iska hadlaya. Idinku waxaa loogu isticmaalaa dheddig iyo lab koox oo ah kuwa lala hadlayo. Iyagu waxaa loogu isticmaalaa dheddig iyo lab koox oo ah kuwa lala hadlayo.
Managaadeyaalku — sida nagaadeyaalka — ma aha magacuyaallada neg. Iyagu hadba rugtooda way baddelaan. Sidaas daraaddeed, ayaa waxaa loogu magacaabay Managaadeyaal. Managaadeyaalku tixda waxay ka galaan gadaal ama horay amaba dhexda. Iyagu goobna kuma negaadaan sida nagaadeyaalka. Waxaa ka mid ah: «Isagu» wuxuu la kulmay «isaga». Tixdaan managaadaha «isaga», wuxuu kaga jiraa horay iyo gadaal. Tixdaan kale wuxuu la kulmay isagu isaga, managaadaha «isaga», wuxuu kaga jiraa dhexda iyo gadaasha. Managaadaha hore waa fale, managaadaha danbana waa la falaha.
MANAGAADEYAALKA
| Keli | Koox |
| aniga | innaga (annaga) |
| adiga | idinka |
| isaga | iyaga |
| iyada |
NAGAADEYAALKA
| waan | waan: waannu (wadajir), waynnu (kelijir) |
| waad | waad (waydin) |
| wuu | way |
| way |
Managaadeyaalka iyo nagaadeyaalka magacuyaallada oo tixo ku jira
| Anigu waan tegayaa maanta. | Innagu waan tegaynnaa maanta. |
| Adigu waad tegaysaa maanta. | Idinku waad tegaysaan maanta. |
| Isagu wuu tegayaa maanta. | Iyagu way tegayaan maanta. |
Nagaadeyaalku waxay abuurmaan laba eray oo laysu geeyay
| Waa + aan = waan (ke. dh. l.). | Waa + aan = waan (ko.dh. l.) |
| Waa + aad = waad (ke. dh. l.). | Waa + aad = waad (ko. dh. l.). |
| Waa + ay = (ke. dh.). | Waa + ay = way (ko. dh. l.). |
| Waa + uu = wuu (ke. l.). |
Sida aad halkaan ku aragto, nagaadeyaalka marna waa la ballaarin karaa, marna waa laysu geyn karaa iyadoon macnuhu waxba ka beddelmin. «Anigu, waa + aan = waan tegayaa maanta». Halkaan managaadaha (aniga) iyo nagaadaha (waan) way isla jiraan. Markii ay isla jiraanna hawsha ayay adkeeyaan.
MANAGAADEYAALKA
| Keli | Koox |
| 1d (qofka koowaad = dh). (qofka dheddig = dh. l.). | 1d innaga (annaga) qofka koowaad oo kooxda ah oo dh. l.). |
| 2d adiga (qofka lab = l.). | 2d idinka (qofka kooxda ah dh. l). |
| 3d isaga (qofka ke. l.). | 3d qofka labaad = ko. dh. l. sidaas, ayaa lagu aqoonsadaa magacuyaallada oo dhan. |
QAYBTA III.
SALKA IYO LAANTA FALIDAHA
Xaggee bay faliduhu ka abuurmaan? Faliduhu waxay ka soo dhashaan salka erayga, kaddibna waxay sii maraan laanta. Inkastaba Af Soomaaligu wuxuu leeyahay qaab u go'an. Afka Soomaaligu ma laha waxa la yiraahdo xadlaawe (infinitives) sida afafka kale oo Yurub.
Wuxuuse leeyahay laan. Laantaas ayaa faliduhu ka abuurmaan. Salkii ku dhammaada shaqalladan, shaqal ka mid ah, ayaa waxaa lagu daraa shibbanaha « - n».
Shaqalladu waa (e, o, i) sida:
| Salka | Laanta |
| Samee, kaxee, gee, soco, noqo, eri, ilaali, jebi. | Samayn, kaxayn, geyn, socon, noqon, goyn, erin, ilaalin, jebin. |
FALIDAHA IYO QAYBAHOODA
Faliduhu Af Soomaaliga, waxay u qaybsamaan lix falidood. Hawsha ay ka qabtaan Af Soomaaliga waa isku mid. Falidda waxaa lagu yaqaannaa hawl iyo goor iyo dhaqdhaqaaq. Hawl kasta oo la qabto, waxay leedahay goor iyo dhaqdhaqaaq. Sidaas daraaddeed, ayaa hawsha goorta iyo dhaqdhaqaaqu ay caan ugu yihiin falidaha. Gooraynta iyo hawsha iyo dhaqdhaqaaqa, faliduhu kuma kala duwana, ee waxay ku kala duwan yihiin summadaha. Summad kastaa, waxay ku tustaa gooraynta falidda. Goor waliba sidaas daraaddeed waxay leedahay summad.
Qaybaha Faliduhu waa:
I. Falidaha ku dhammaada shibbaneyaasha (c, sooc, q, liq, x, tax, d, wad, w. bilow, h, taah, y, (ee laba xubnood ah), kaalay, kh, tookh).
II. Falidaha ku dhammaada shibbaneyaasha (-e, samee, -a, daa, -i, sii, -y, hay (ee hal xubinlaha ah ama labaalaha ah)).
III. Falidaha ku dhammaada shaqalka (-o, soco, sheego iyo fallar falideedka-so, dhegayso, shaqayso, kaxayso).
IV. Falidaha ku dhammaada shibbanaha (-l ee labada xubin leh sida hadal, maqal, iyo kuwa hal xubin laha ah sida fal, tol).
V. Falidaha ku dhammaada shibbaneyaasha (-g, sheeg, -sh, shiish, -s, miis, -n, cun, -r, qor, sar, -b, nab, sasab, kab, (isku-kab), -f, gef (f.) dhoof, faf.
VI. Falidaha qaab maqabeyaalka ah (oollow, aqood, imow, ahow, dheh).
GOORAYNTA FALIDAHA
Gooraynta faliduhu waxay u kala baxaan siddeed goorood.
JOOGTO DAREERTO
Joogto dareerto, waa falid joogta, ee hawsheedu dareersan tahay. Hawshii hadda faraha lagu hayo waa hawl dareersan oo aan weli dhammaan. Sidaas daraaddeed, ayaa waxaa lagu magacaabay joogtadaan joogto dareerto. Falidda joogto dareerto, waa falid aan weli dhammaan ee lagu guda jiro.
Joogto dareerto oo ku jirta tixo:
Tixahaan bal akhri oo ka soo saar falidaha joogto dareerto.
ASTAANTA JOOGTO DAREERTO
FALIDDA CUN
| Keli | Koox |
| Anigu waan cun-ayaa hilibka. | Innagu waan cun-aynnaa hilibka. |
| Adigu waad cun-aysaa hilibka. | Idinku waad cun-aysaan hilibka. |
| Isagu wuu cun-ayaa hilibka. | Iyagu way cun-ayaan hilibka. |
FALIDDA KEEN
| Anigu waan keen-ayaa joornaal. | Innagu waan keen-aynnaa joornaal. |
| Adigu waad kee-aysaa joornaal. | Idinku waad keen-aysaan joornaal. |
| Isagu wuu keen-ayaa joornaal. | Iyagu way keen-ayaan joornaal. |
| Iyadu way keen-aysaa joornaal. |
FALIDDA CAB
| Anigu waan cabb-ayaa shaah. | Innagu waan cabb-aynnaa shaah. |
| Idigu waad cabb-aysaa shaah. | Idinku waad cabb-aysaan shaah. |
| Isagu wuu cabb-ayaa shaah. | Iyagu way cabb-ayaan shaan. |
| Iyadu way cabb-aysaa shaah. |
FALIDDA HADAL
| Anigu waan hadl-ayaa. | Innagu waan hadl-aynnaa. |
| Idinku waad hadl-aysaa. | Idinku waad hadl-aysaan. |
| Isagu wuu hadl-ayaa. | Iyagu way hadl-ayaan. |
| Iyadu way hal-aysaa. |
FALIDDA SOCO
| Anigu waan socon-ayaa saaka. | Innagu waan socon-aynnaa saaka. |
| Adigu wuu socon-ayaa saaka. | Idinku waad socon-aysaan saaka. |
| Isagu wuu socon-ayaa saaka. | Iyagu way socon-ayaan saaka. |
| Iyadu way socon-aysaa saaka. |
FALIDDA SAMEE
| Anigu waan samayn-ayaa hawsha. | Innagu waan samayn-aynnaa hawsha. |
| Adigu waad samayn-aysaa hawsha. | Idinku waad samayn-aysaan hawsha. |
| Isagu wuu samayn-ayaa hawsha. | Iyagu way samayn-ayaan hawsha. |
| Iyadu way samayn-aysaa hawsha. |
FALIDDA AKHRI
| Anigu waan akhrin-ayaa buugga. | Innagu waan akhrin-aynnaa buugga. |
| Adigu waa akhrin-aysaa buugga. | Idinku waad akhrin-aysaan buugga. |
| Isagu wuu akhrin-ayaa buugga. | Iyagu way akhrin-ayaan buugga. |
| Iyadu way akhrin-aysaa buugga. |
Markii la abuurayo joogto dareerto salka waxaa lagu daraa astaamaha joogto dareerto:
| Keli | Koox |
| -ayaa (ke. dh. l.). | -aynnaa (ko. dh. l.). |
| -aysaa (ke. dh. l.). | -aysaan (ko. dh. l.). |
| -ayaa (ke. l.). | -ayaan ko. dh. l.). |
| -ayaa (ke. dh.). |
| 1. Weyddiinley | 2. Sugidley |
| Ma waxaan keen-ayaa lacag? | Waxaan keen-ayaa lacag |
| Ma waxaad keen-aysaa lacag? | Waxaad keen-ayaa lacag |
| Ma wuxuu keen-ayaa lacag? | Wuxuu keen-ayaa lacag |
| Ma waxay keen-aysaa lacag? | Waxay keen-aysaa lacag |
| Ma waxaan keen-aynnaa lacag? | Waxaan keen-aynnaa lacag |
| Ma waxaad keen-aysaan lacag? | Waxaad keen-aysaan lacag |
| Ma waxay keen-ayaan lacag? | Waxay keen-ayaan lacag |
| Ma waxaan cabb-ayaa biyo? | Waxaan cabb-ayaa biyo |
| Ma waxaad cabb-aysaa biyo? | Waxaad cabb-aysaa biyo |
| Ma wuxuu cabb-ayaa biyo? | Wuxuu cabb-ayaa biyo |
| Ma waxay cabb-aysaa biyo? | Waxay cabb-aysaa biyo |
| Ma waxaan cabb-aynnaa biyo? | Waxaan cabb-aynnaa biyo |
| Ma waxaad cabb-aysaan biyo? | Waxaad cabb-aysaan biyo |
| Ma waxay cabb-ayaan biyo? | Waxay cabb-ayaan biyo |
| 3. Diiddoley | 4. Diiddo weydiinley |
| Ma aan keen-ayo lacag | Miyaan-an keen-ayn lacag? |
| Ma aad keen-aysid lacag | Miyaad-an keen-ayn lacag? |
| Ma uu keen-ayo lacag | Miyuu-nan keen-ayn lacag? |
| Ma ay keen-ayso lacag | Miyay-nan keen-ayn lacag? |
| Ma aan keen-aynno lacag | Miyaan-naan keen-ayn lacag? |
| Ma aad keen-aysaan lacag | Miyaad-naan keen-ayn lacag? |
| Ma ay keen-ayaan lacag | Miyay-nan keen-ayn lacag? |
| Ma aan cabb-ayo biyo | Miyaan-an cabb-ayn biyo? |
| Ma aad cabb-aysid biyo | Miyaad-an cabb-ayn biyo? |
| Ma uu cabb-ayo biyo | Miyuu-nan cabb-ayn biyo? |
| Ma ay cabb-ayso biyo | Miyay-nan cabb-ayn biyo? |
| Ma aan cabb-aynno biyo | Miyaan-naan cabb-ayn biyo? |
| Ma aad cabb-aysaan biyo | Miyaad-naan cabb-ayn biyo? |
| Ma ay cabb-ayaan biyo | Miyay-nan cabb-ayn biyo? |
ASTAANTA DIIDDOLEYDA OO JOOGTO DAREERTO
Sida aad sharaxaan ku aragtay astaanta weydiinleyda iyo sugidleyda joogto dareero, waa isku mid, waana:
| -ayaa | -aynnaa |
| -aysaa | -aysaan |
| -ayaa | -ayaan |
| -aysaa |
ASTAANTA WEYDDIINLEYDA IYO SUGIDLEYDA
| 1d ma + aan keen-ayo | 1d ma + aan keen-aynno |
| 2d ma + aad keen-ayso (sid) | 2d ma + aad keen-aysaan |
| 3d ma + uu keen-ayo | 3d ma + ay keen-ayaan |
| 3d ma + ay keen-ayso |
| -ayo | -aynno |
| -aysid (ayso) | -aysaan |
| -ayo | -ayaan |
| -ayso |
ASTAANTA DIIDDO WEYDDIINLEYDA OO JOOGTO DAREERTO
| 1d miy + aan + an = miyaanan keen-ayn. | 1d miy + aan + naan = keen-ayn. |
| 2d miy + aad + an = miyaadan keen-ayn. | 2d miy + aad + naan = miyaadnaan keen-ayn. |
| 3d miy + uu + nan = miyuunan keen-ayn. | 3d miy + ay + nan = miyaynan keen-ayn. |
| 3d miy + ay + nan = miyaynan keen-ayn. |
Ogeysiin:
Ogow, in erayga weydiinluhu (ma) uu raaco nagaadeyaalka (-aan, -aad, -uu, -ay, (ke.). Sidoo kale, erayga diiddo weydiinluru (miy-) inuu raaco nagaadeyaalka kaddibna, markaas, waxaa gadaal ka raaca nagaadeyaalka fallar diiddoweydiinleyda (-an, -nan, -naan). Markaas kaddib, ayaa falidaha waxaa raaca fallar falideedka (-ayn) sida keen-ayn), ee isagu aan marna beddelmayn.
Weydiinleyda iyo sugidleyda iyo diiddoleydu, dhammaantoodu waxay isaga mid yihiin qofka labaad (2d.) iyo qofka saddexaad (3d.) oo kooxaysan (k) astaamahooda (-aysaan, -ayaan).
KU-CELISKA
I. Ka jawaab weydiinleydaan.
Tilmaanta dheddigu maxay kaga duwan tahay tilmaanta labka ah? Maxaa laga abuuraa tilmaanta? Ma sheegi kartaa tilmaanta runta ah? Ma ii sheegi karta tilmaamaha keligood meel istaagi kara iyo kuwa aan meel istaagi karin, inay wax la xiriiraan mooyee?
II. Tilmaamaha ku qoro buuggaaga, kaddibna waxaad ka dhigtaa tilmaamo weydiinley.
III. Tilmaamahaan, waxaad u beddashaa diiddoley.
IV. Magacuyaalladu intee u kala baxaan? Magacuyaal maxaa la yiraahdaa? Magacuyaalldu maxay ka joogaan?
V. Faliddu maxay ka abuurantaa? Sheeg intay faliduhu u qaybsamaan? Tixahaan dhammaystir, adiga oo ku daraya summadaha joogto dareerto.
VI. Tixahaan waxaad u beddashaa sugidley, oo markaas kaddib dhammaystir.
VII. Tixahaan waxaad u baddashaa diiddoley.
QAYBTA IV.
LIHIGA AF SOOMAALIGA
Lihigu Af Soomaaliga wuxuu u qaybsamaa saddex lihi. Lihigu wuxuu ku tusaa wax hanasho iyo wax lahaan. Qofku markii uu leeyahay, waxaan anaa iska leh, wuxuu ku isticmaalayaa erayo uu ku muujinayo lihiga. Saddexda qaybood oo lihigu waa:
I. Lihiga magacyo laysu geeyay, wuxuu ka abuurmaa laba magac oo laysu keenay sida wiilkii Geelle, dukaankii Abshir, dugsiga Macallin Jaamac, Jaamacadda Muqdisho. Lihigu haddana, wuxuu ka abuurmaa saddex magac oo laysu keenay. Sida, reer Cali wiilkiisa, roobkii degmada woqooyi, xarunta degmada Hiiraan.
A. Lihigu markii uu ka abuurmo laba magac.
B. Lihigu markii uu ka abuurmo saddex magac.
II. Magacuyaallada lihiga.
Magacuyaalka lihigu, iyaguna waxay caddeeyaan lihi. Gadaalraacayaalka lihiga, ee magacuyaallada qaarkood waxay erayga kala xiriiraan gadaal iyo hore, keligoodna meel ma istaagi karaan. Iyagu waxay ku tusaan lihi, gadaalraacyada gadaal iyo horay magaca kala xiriiraa, waa gadaalraacayaalka keli qofka koowaad iyo kan labaad, inta soo hartayna waxay ka raacaan horay keliya. Waxaa ka mid ah.
| Keli | Koox |
| 1d - ay - | - eenna (wadajir) ama -aya (kelijir). |
| 2d - aa - | - iinna (kelijir). |
| 3d - iisa | - ooda (kelijir). |
| 3d - ooda |
GADAALRAACEYAALKA LIHIGA EE MAGACUYAALLADA OO TIXO KU JIRA
| Keli | Koox |
| aqalk-ay-ga ma gashay? | aqalk-eenna ama aqalk-aya-ga ma gashay? |
| wiilk-ay-ga ma aragtay? | wiilk-eenna ama wiilk-aya-ga ma aragtay? |
| buug-ay-ga ma akhisatay? | buugg-eenna ama buugg-aya-ga ma akhrisatay? |
| beert-ay-da ma gashay? | beert-aya-da ma gashay? |
| sanduuq-ay-gii baa jabay. | sanduuq-aya-ga baa jabay. |
| carruurt-ay-dii ayaa timid. | carruurt-ayadii ayaa timid. |
| lacagt-aa-da hayso. | lacagt-iinna haysta. |
| beert-aa-da falo. | beert-iinna fasha. |
| xoolah-aa-ga dhaqaalayso. | xoolih-iinna dhaqaalaysta. |
| mirah-aa-ga guro. | mirih-iinna gurta. |
| dugsig-aa-ga baro. | dugsig-iinna barta. |
| qalink-iisa wax ku qoro. | qalimad-ooda wax ku qoro. |
| farask-iisa fuul. | fardah-ooda fuula. |
| gurig-iisa gal. | guryah-ooda gala. |
| hilibk-eeda cun. | hilibah-ooda cuna. |
| kafeed-eeda cab. | kafeeyad-ooda cabba. |
| marad-eeda qaado. | maryah-ooda qaata. |
Ogeysiin:
Gadaalraaceyaalka lihiga ee Magacuyaalladu hor iyo gadaal ayay wax kala xiriiraan.
1. kuwa hore iyo gadaal wax kala xiriiraa, waxa weeye: - ay -, - aa -, - aya -.
2. kuwa horay keliya wax kala xiriiraana waxa weeye: -iis, -eeda, -eenna, -iinna, -ooda.
3. Lihiga magacyada laysu keenay, magaca hore ayaa la leeyahay kan danbana wax ayuu leeyahay. Sida «Ciidankii Soomaalidu wuxuu ka adkaaday ciidankii cadawga».
III. Magacyada lihiga oo wata gadaalraacaha lihiga (-ood, eed), iyaguna waxay ku tusaan lihii. Lihigu wuxuu ka abuurmaa laba magac oo laysu keenay iyo gadaalraacaha lihiga oo horay ka raaca. Sida Caqli-naag-ood ama Caqli-naag-eed.
Magacyada lihiga oo wata gadaalraacaha lihiga (-ood, -yeed, -eed) oo tixo ku jira.
QAYBTA V.
JOOGTO TAAGAN
Joogto taagan, waa falid maalin walba la falayo oo hawsheedu taagan tahay. Qofku maalin walba hawl ayuu qabtaa. Qofku wuu kallahaa oroor walba, wuu qubeystaa, wuu quraacdaa, hawl ayuu aadaa, wuu hawshoodaa, wuu qadeeyaa, wuu seexdaa, maadeysyada ayuu tegaa. Falidahaas oo idilu, waxay ku tusaan joogto taagan. Joogto taagan waa falid taagan had iyo goor.
JOOGTO TAAGAN OO TIXO KU JIRTA
| Keli | Koox |
| Anigu waan dhis-aa aqalka. | Annagu waan dhis-naa aqalka. |
| Adigu waad dhis-taa aqalka. | Idinku waad dhis-taan aqalka. |
| Isagu wuu dhis-aa aqalka. | Iyagu way dhis-aan aqalka. |
| Iyadu way dhis-taa aqalka. |
FUR
| Anigu waan fur-aa iridda. | Annagu waan fur-naa iridda. |
| Adigu waad fur-taa iridda. | Idinku waad fur-taan iridda. |
| Isagu wuu fur-aa iridda. | Iyagu way fur-aan aqalka. |
| Iyadu way dhis-taa aqalka. |
Ogeysiin:
Qaybta faliddaha joogto taagan ee ku dhammaada shibbaneyaasha (-g, -sh, -s, -n, -r, -b, -f) waxay qaataan summad falideedda keli (-aa, -taa, -aa, -taa) iyo koox (-naa, -taan, -aan).
SAMEE
| Keli | Kooda |
| Anigu waan samee-yaa qado. | Innagu waan samay-naa qado. |
| Adigu waad samey-saa qado. | Idinku waad samay-saan qado. |
| Isagu wuu samee-yaa qado. | Iyagu way samee-yaan qado. |
| Iyadu way samey-saa qado. |
KEXEE
| Anigu waxaan kexee-yaa lò. | Innagu waxaan kaxay-naa lò. |
| Adigu waxaad kaxay-saa lò. | Idinku waxaad kaxay-saan lò. |
| Isagu wuxuu kexee-yaa lò. | Iyagu waxay kexee-yaan lò. |
| Iyadu waxay kaxay-saa lò. |
U DAA
ILAALI
| Anigu waxaan ilaali-yaa hawsha. | Innagu waxaan ilaali-inaa hawsha. |
| Adigu waxaad ilaali-saa hawsha. | Idinku waxaad ilaali-saan hawsha. |
| Isagu wuxuu ilaali-yaa hawsha. | Iyagu waxay ilaali-yaan hawsha. |
| Iyadu waxay ilaali-saa hawsha. |
SII
| Anigu, isaga lacag ayaan sii-yaa. | Innagu, isaga lacag ayaan sii-nnaa. |
| Adigu, isaga lacag ayaad sii-saa. | Idinku isaga lacag ayaad sii-saan. |
| Isagu, isaga lacag ayuud sii-yaa. | Iyagu, isaga lacag ayay sii-yaan. |
HAY
| Anigu waxaan hay-aa buug wanaagsan. | Innagu waxaan hay-naa buug wanaagsan. |
| Adigu waxaad hay-saa buug wanaagsan. | Idinku waxaad hay-saan buugag wanwanaagsan. |
| Isagu wuxuu hay-aa buug wanaagsan. | Iyagu waxay hay-aan buugag wanwanaagsan. |
| Iyadu waxay hay-saa buug wanaagsan. |
Ogeysiis:
Joogto taagan oo qaybta falidaha ku dhammaada(ee) samee kexee, iyo kuwa ku dhammaada(-a, -aa, -laa), iyo kuwa ku dhammaada-(i) sii, ilaali, jebi iyo kuwa ku dhammaada(-y) ee hal xubinle ah, joogtada taagan, waxay qaataan summad falideedka keli, (-yaa, -saa, -yaa, -saa) iyo koox(-naa, -saan, -yaan, (-aan)).
SOCO
LIQ
| Anigu daawo ayaan liq-aa. | Innagu daawo ayaan liq-naa. |
| Adigu daawo ayaad liq-daa. | Idinku daawo ayaad liq-daan. |
| Isagu daawo ayuu liq-aa. | Iyagu daawo ayay liq-aan. |
| Iyadu daawo ayay liq-daa. |
U BAX
WAD
| Anigu waxaan wad-aa baabuur. | Innagu waxaan wad-naa baabuurro |
| Adigu waxaad wad-daa baabuur. | Idinku waxaad wad-daan baabuurro. |
| Isagu wuxuu wad-daa baabur. | Iyagu waxay wad-aan baabuurro. |
| Iyadu waxay wad-daa baabuur. |
ILLOW
| Anigu waan illow-aa magaciisa. | Innagu waan illow-naa magacyadooda. |
| Adigu waad illoow-daa magaciisa. | Idinku waad illow-daan magacyaooda. |
| Isagu wuu illow-aa magaciisa. | Iyagu way illoow-aan magacyadiinna. |
| Iyadu way illoow-daa magaciisa. |
TAAH
| Anigu waan taah-aa habaynkii. | Innagu waan taah-naa habaynkii. |
| Adigu waad taah-daa habaynkii. | Idinku waad taah-daan habaynkii. |
| Isagu wuu taah-aa habaynkii. | Iyagu way taah-aan habaynkii. |
| Iyadu waxy taah-daa habaynkii. |
LA KAALAY
| Anigu waan la kaalay-aa shaah. | Innagu waan la kaalay-naa shaah. |
| Adigu waad la kaalay-daa shaah. | Idinku waad la kaalay-daan shaah. |
| Isagu wuu la kaalay-aa shaah. | Iyagu way la kaalay-aan shaah. |
| Iyadu wax lakaalay-daa shaah. |
TOOKH
| Anigu waan tookh-aa had iyo jeer. | Innagu waan tooh-naa had iyo jeer. |
| Adigu waad tookh-daa had iyo jeer. | Idinku waad tookh-daan had iyo jeer. |
| Isagu wuu tookh-aa had iyo jeer. | Iyagu way tookh-aan had iyo jeer. |
| Iyadu wax tookh-daa had iyo jeer. |
Ogeysiis:
Qaybta falidaha joogto taagan oo ku dhammaada shibbaneyaasha (-c, sooc, dhac, -q, liq, baq, -x, tax, bax, -d, wad, sid, -h, taah, daah, -y, la kaalay -kh, tookh waxay qaataan summad falideedda keli (-aa, -daa, -aa, -daa) iyo koox (-naa, -daan, -aan).
DHEGEYSO
| Anigu waan dhegeys-taa hadalka. | Innagu waan dhegeys-anaa hadalka. |
| Adigu waad dhegeys-taa hadalka. | Idinku waad dhegeys-ataan hadalka. |
| Isagu wuu dhegeys-taa hadalka. | Iyagu way dhegeys-taan hadalka. |
| Iyadu way dhegeys-ataa hadalka. |
U SOCO
| Anigu waan u soc-daa Xafiiska. | Innagu waan u socon-naa Xafiiska. |
| Adigu waad u soco-taa Xafiiska. | Idinku waad u soco-taan Xafiiska. |
| Isagu wuu u soc-daa Xafiiska. | Iyagu way u soc-daan Xafiiska. |
| Iyadu wax u soco-taa Xafiiska. |
Ogeysiis:
Qaybta falidaha joogto taagan oo ku dhammaada shaqalka: (-o, soco, sheego, qabo) waxay qaataan summad falideedka joogto taagan keli (-daa, -taa, -daa, -taa) iyo koox (-naa, taan, -daan).
Qaybta falidaha ku dhammaada fallar falideedka (-so,) waxay qaataan summad falideedka keli (-taa, -ataa, -taa, -ataa) i yo kooxda (-naa, -taan, -daan).
HADAL
| Anigu waan hadl-aa mar walba. | Innagu waan hadal-naa mar walba. |
| Adigu waad hada-shaa mar walba. | Idinku waad hada-shaan mar walba. |
| Isagu wuu hadl-aa mar walba. | Iyagu way hadl-aan walba. |
| Iyadu way hada-shaa mar walba. |
FAL
| Anigu waan fal-aa beerta. | Innagu waan fal-naa beerta. |
| Adigu waad fa-shaa beerta. | Idinku waad fa-shaan beerta. |
| Isagu wuu fal-aa beerta. | Iyagu way fal-aan beerta. |
| Iyadu way fa-shaa beerta. |
Ogelsiin:
Qaybta falidaha joogto taagan oo ku dhammaada shibbanaha (-l, hadal, maqal, fal) waxay qaataan summad falideedda joogto taagan, keli (-aa, -shaa), iyo kooxda (-naa, -shaan, -aan).
JOOGTO TAAGAN IYO FALIDAHA QAABMAQABEYAALKA
OOLLOW
| Anigu waan aa-llaa | Innagu waan n-aallaa |
| Adigu waad t-aallaa | Idinku waad- t-aalla-an |
| Isagu wuu y-aallaa | Iyagu way y-aalla-an |
| Iyadu way t-aallaa |
AQOOD
| Anigu waan a-qaannaa | Innagu waan n-aqaannaa |
| Adigu waad t-aqaannaa | Idinku waad t-aqqaanna-an |
| Isagu wuu y-aqaannaa | Iyagu way y-aqaanna-an |
| Iyadu way t-aqaannaa |
IMOW
| Anigu waan i-maadaa | Innagu waan n-imaad-naa |
| Adigu waad t-imaaddaa | Idinku waad t-imaad-daan |
| Isagu waa y-imaadaa | Iyagu way y-imaad-aan |
| Iyadu way t-imaaddaa |
AHOW
| Anigu waan a-hay | Innagu waan n-ahay |
| Adigu waad t-ahay | Idinku waad t-ihi-in |
| Isagu wuu y-ahay | Iyagu way y-ihi-in |
| Iyadu way t-ahay |
Ogeysiin:
Qaybta falidaha qaabmaqabeyaalku waxay leeyihiin qaab dhib badan oo raacistiisu adag tahay. Qofku waa inuu sidooda falidahaas isaga bartaa. Falidaha kale waxay leeyihiin qaab sal leh, shantaan mooyee. Hase yeeshee, astaamaha lagu tilmaami karaa qaabmaqabeyaalku waxay yihiin:
Keli (a-, (aa-), t-, y-,) iyo koox (n-, t- + taan (-aan, -in) y- + -aan (-an, -in)). Waxaa laysku wada raacsan yahay, in falidahaasi ay ka soo jeedaan asal af Saamiitig ah, sida Afka Carabiga oo falidihiisu leeyihiin qaabkan oo kale, (aquumu, taquumu, yaquumu, naquumu, taquumuuna, yaquumuuna iwm).
DHEH 1.
| Anigu waan iraahdaa saas. | Innagu waan niraahnaa saas. |
| Adigu waad tiraahdaa saas. | Idinku waad tiraahdaan saas |
| Isagu wuu yiraahdaa saas. | Iyagu yiraahdaan saas. |
| Iyadu way tiraahdaa saas. |
DHEH 2.
| Anigu waan dhahaa saas. | Innagu waan dhahnaa saas. |
| Adigu waad dhahdaa saas. | Idinku waad dhahdaan saas. |
| Isagu wuu dhahaa saas. | Iyagu way dhahaan saas. |
JOOGTO TAAGAN IYO HABKA FALIDAHEEDA
| 1. Qaybta falidaha ku dhammaada shibbanaha: (-c, -q, -x, -d, -h, -y). | 2. Qaybta falidaha ku dhammaada shibbaneyaasha: (-a, -e, -i). |
| waan liq-aa | waan sii-yaa |
| waad liq-daa | waad sii-saa |
| wuu liq-aa | wuu sii-yaa |
| way liq-daa | way sii-saa |
| waan liq-naa | waan sii-naa |
| waad liq-daan | waad sii-saan |
| way liq-aan | way sii-saa |
| waan wad-aa | waan daa-yaa |
| waad wad-daa | waad day-saa |
| wuu wad-aa | wuu daa-yaa |
| way wad-daa | way day-saa |
| waan wad-naa | waan dayn-naa |
| waad wad-daan | waad day-saan |
| way wad-aan | way daa-yaan |
| 3. Qaybta falidaha ku dhammaada shaqalka: (-o). | 4. Qaybta falidaha ku dhammaada fallar fali deedka: (-so). |
| waan soc-daa | waan hays-taa |
| waad soc-taa | waad hays-ataa |
| waad soc-daa | wuu hays-taa |
| way soc-daan | way hays-ataa |
| waan socon-naa | waan haysan-naa |
| waad soco-taan | waad hays-ataan |
| way soc-daan | way rays-taan |
| waan noq-daa | waan rays-taa |
| waad noqo-taa | waad rays-ataa |
| wuu noq-daa | wuu rays-taa |
| way noqo-taa | way hays-taan |
| waan noqo-naa | waan raysan-naa |
| waad noqo-taan | waad rays-ataan |
| way noqo-daan | way rays-ataa |
| 5. Qaybta falidaha ku dhammaada shibbanaha: (-l). | 6. Qaybta falidaha ku dhammaadaa shibbaneyaasha: (-g, -s, -n, -r, -b, -f). |
| waan fal-aa | waan dhis-aa |
| waad fa-shaa | waad dhis-taa |
| wuu fal-aa | wuu dhis-aa |
| way fa-shaa | way dhis-taa |
| waan fal-naa | waan dhis-naa |
| waad fa-shaan | waad dhis-taan |
| way fal-aan | wuu dhis-aan |
| waan hel-naa | waan keen-aa |
| waad he-shaa | waad keen-taa |
| way hel-aan | wuu keen-aa |
| wuu hel-aa | way keen-taa |
| waan hel-naa | waan keen-naa |
| waad he-shaan | waad keen-taan |
| way hel-aan | way keen-aan |
7. Qaybta falidaha qaab ma qabeyaalka (imow, oollow, aqood, ahow, dheh).
JOOGTO TAAGAN IYO HAWSHEEDA
SOCO
| Weydiinley | Sugidley |
| Anigu ma soc-daa? | Anigu waan soc-daa |
| Adigu ma soco-taa? | Adigu waad soco-taa |
| Isagu ma soc-daa? | Isagu wuu soc-daa |
| Iyadu ma soco-taa? | Iyadu way soco-taa |
| Innagu ma socon-naa? | Innagu waan socon-naa |
| Idinku ma soco-taan? | Idinku waad soco-taan |
| Iyagu ma soc-daan? | Iyagu way soc-daan |
SII
| Anigu ma sii-yaa? | Anigu waan sii-yaa |
| Adigu ma sii-saa? | Adigu waad sii-saa |
| Isagu ma sii-yaa? | Isagu wuu sii-yaa |
| Iyadu ma sii-saa? | Iyadu way sii-saa |
| Innagu ma siin-naa? | Innagu waan siin-naa |
| Adinku ma sii-saan? | Idinku waad sii-saan |
| Iyagu ma sii-yaan? | Iyagu way sii-yaan |
FAL
| Anigu ma fal-aa? | Anigu waan fal-aa |
| Adigu ma fa-shaa? | Adigu waad fa-shaa |
| Isagu ma fal-aa? | Isagu wuu fal-aa |
| Iyadu ma fa-shaa? | Iyadu way fa-shaa |
| Innagu ma fal-naa? | Innagu waan fal-naa |
| Adinku ma fa-shaan? | Idinku waad fa-shaan |
| Iyagu ma fal-aan? | Iyagu way fal-aan |
SOCO
| Diiddoley | Diiddo weydiinley |
| Anigu ma soc-do | Anigu miy-aan-an socon? |
| Adigu ma soco-tid | Adigu miy-aad-an socon? |
| Isagu ma soc-do | Isagu miy-uu-nan socon? |
| Iyadu ma soco-to | Iyadu miy-ay-nan socon? |
| Innagu ma socon-no | Innagu miy-aan-naan socon? |
| Idinku ma soco-taan | Idinku miy-aad-naan socon? |
| Iyagu ma soc-daan | Iyagu miy-ay-nan socon? |
SII
| Anigu ma sii-yo | Anigu miy-aan-an siin? |
| Adigu ma sii-sid | Adigu miy-aad-an siin? |
| Isagu ma sii-yo | Isagu miy-uu-nan siin? |
| Iyadu ma sii-so | Iyadu miy-ay-nan siin? |
| Annagu ma siin-no | Innagu miy-aan-naan siin? |
| Idinku ma sii-saan | Idinku miy-aad-nan siin? |
| Iyagu ma sii-yaan | Iyagu miy-ay-nan siin? |
FAL
| Anigu ma fal-o | Anigu miy-aan-an falin? |
| Adigu ma fa-sho | Adigu miy-aad-an falin? |
| Isagu ma fal-o | Isagu miy-uu-nan falin? |
| Iyadu ma fa-sho | Iyadu miy-ay-nan falin? |
| Innagu ma fal-no | Innagu miy-aan-naan talin? |
| Idinku ma fa-shaan | Idinku miy-aad-naan falin? |
| Iyagu ma fal-aan | Innagu miy-aanaan falin? |
Ogeysiin:
1. Qaybta falidaha ku dhammaada shibbaneyaasha: (-c, -q, -x, -d, -h, -y) summadda diiddoleyda joogtada taagan, waxay noqotaa keli (-o, -do, -o, -do) iyo koox (-no, -daan, -aan).
2. Qaybta falidaha ku dhammaada shaqallada: (-e, -i, -a) summadaha diiddoleyda joogtada taagan, waxay nodaan koox (-yo, -so, -yo, -so, -sid) iyo koox (-no, -saan, -yaan).
3. Qaybta falidaha ku dhammaada shaqalka (-o) summaadaha diiddoleyda joogtada taagan, waxay noqdaan keli (-do, -to, -do, -to) iyo koox (-no, -taan, -daan).
4. Qaybta falidaha ku dhammaada fallar falideedka: (-so), summadaha diiddaleyda joogtada taagan waxay noqdaan keli (-to, -atid (ato) -to, -ato) iyo koox (-no, -taan, -aan).
5. Qaybta falidaha ku dhammaada shibbanaha: (-l) summadaha diiddoleyda joogtada taagan, waxay noqdaan keli (-o, -sho, -o -sho, iyo koox (-no, -shaan, -aan).
6. Qaybta falidaha ku dhammaada shibbaneyaasha: (-g, -s, -n, -r, -b, -f) summadaha joogtada taagan keli, waxay noqdaan (-aa, -taa, -aa, -taa) iyo kooxaynta (-no, -taan, -aan).
7. Qaybta falidaha qaab ma-qabeyaalka ah iyaguna, sida kuwa kale ayay noqdaan, keligood waxaa weeye (-do, -ddo, -do, -ddo) iyo koox (-no, -daan, -aan).
QAYBTA VI.
SIFAYNTA
Sifayn maxaa la yiraahdaa? Sifayn ama tusmo waxaa la yiraahdaa magac sifaysan oo midabaysan. Tusmadu waxay ka mid tahay waxyaalaha aan la taaban karin Af Soomaaliga, tusamadu waxay ka gadaal martaa magaca. Afafka kale, siiba afafka Yurubka, tusmadu waxay ka horreysaa magaca, sida «good man», af Soomaaligase, mar kasta tusmadu waxay ka danbaysaa magaca. Sida «nin wanaagsan». Haddaan iraahdo «ninku wuu foolxun yahay» amaba «ninku wuu gaaban yahay» taasi waxay ku tustaa tusmo ninka loo yeelayo oo ah foolxumo iyo gaabnaan. Astaamaha tusmadu waa gadaalraacayaalka.
Falidda «ah» iyo sifaynta gadaalraacaha (-san) oo tixo leh
| Keli | Koox |
| Anigu waan degdeg-san ahay. | Innagu waan degdeg-san nahay. |
| Adigu waad degdeg-san tahay. | Idinku waad degdeg-san tihiin. |
| Isagu wuu degdeg-san yahay. | Iyagu way degdeg-san yihiin. |
| Iyadu way degdeg-san tahay. |
Falidda «ah» iyo gadaalraacaha sifaynta (-an) oo tixo ku jira
| Anigu waan gaab-an ahay. | Innagu waan gaagaab-an nahay. |
| Adigu waad gaab-an tahay. | Idinku waad gaagaab-an tihiin. |
| Isagu wuu gaab-an yahay. | Iyagu way gaagaab-an yihiin. |
| Iyadu way gaab-an tahay. |
Falidda «ah» iyo gadaalraacaha sifaynta «ah» oo tixo la jira
| Anigu waxaan ahay nin miskiin ah. | Innagu waan tabar dardaran nahay. saakiin ah. |
| Adigu waxaad tahay nin miskiin ah. | Idinku waxaad tihiin niman masaakiin ah. |
| Isagu wuxuu yahay nin xoolakiin ah. | Iyagu waxay yihiin niman masaakiin ah. |
| Iyadu waxay tahay naag miskiin ah. |
Falidda «ah» iyo gadaalraacaha sifaynta «leh» (-le) oo tixo la jira
| Anigu waxaan ahay nin xoola leh. | Innagu waxan nahay niman xoola leh. |
| Adigu waxaad tahay nin xoola leh. | Idinku waxaad tihiin niman xoola leh. |
| Isagu wuxuu yahay nin xoola leh. | Iyagu waxay yihiin niman xoola leh. |
| Iyadu waxay tahay naag xoola leh. |
Falidda «ah» iyo gadaalraacaha sifaynta «daran» oo tixo ku jira
| Anigu waan tabar daran ahay. | Innagu waan abar dardaran nahay. |
| Adigu waad tabar daran tahay. | Idinku waad tabar dardaran tihiin. |
| Isagu wuu tabar daran yahay. | Iyagu way tabar dardaran yihiin. |
| Iyadu way tabar daran tahay. |
Falidda «ah» iyo erayga sifaynta «badan» oo ku jira tixo
| Anigu waan lugo là ahay. | Innagu waan lugo là nahay. |
| Adigu waad lugo là dahay. | Idinku waad lugo là dihiin. |
| Isagu wuu lugo là yahay. | Iyagu way lugo là yihiin |
| Iyagu way lugo là dahay. |
Falidda «ah» iyo erayga sifaynta «badan» oo ku jira tixo
| Anigu waan orod badan ahay | Innagu waad ororod badan nahay |
| Adigu waad orod badan tahay | Idinku waad ororod badan tihiin |
| Isagu wuu orod badan yahay | Iyagu way ororod badan yihiin |
| Iyadu way orod badan tahay |
Falidda «ah» iyo erayga sifaynta «yar» oo la jira tixo
| Anigu waxaan ahay nin dhallin yar ama | Innagu waxaan nahay niman dhallin yaryar ama |
| Anigu waan dhallin yar ahay | Innagu waan dhallin yaryar nahay |
| Adigu waad dhallin yar tahay | Idinku waad dhallin yaryar tihiin |
| Isagu wuu dhallin yar yahay | Iyagu way dhallin yaryar yihiin |
| Iyadu way dhallin yar tahay |
Falidda «ah» iyo erayga sifaynta (-aad -aad-u) oo ku jira tixo
| Anigu waan ahay nin aad u jirran | Annagu waan nahay niman aad u jirran |
| Adigu waad tahay nin aad u jirran | Idinku waad tihiin niman aad u jirran |
| Isagu wuxuu yahay nin aad u jirran | Iyagu way yihiin niman aad u jirran |
| Iyadu way tahay naag aad u jirran |
Falidda «ah» iyo erayga «aad-u» oo tixo ku jira
| Anigu aad baan u ladan ahay | Innagu aad baan u ladladan nahay |
| Adigu aad baad u ladan tahay | Idinku aad baad u ladladan tihiin |
| Isagu aad buu u ladan yahay | Iyagu aad bay u ladladan yihiin |
| Iyadu aad bay u ladan tahay |
Falidda «ah» iyo gadaalraacaha «qab + ah = qaba» oo tixo ku jira
| Waxaan ahay nin ciil qaba | Waxaan nahay niman ciil qaba |
| Wuxuu yahay nin ciil qaba | Waxaad tihiin niman ciil qaba |
| Waxaad tahay naag ciil qabta | Waxay yihiin niman ciil qaba. |
| Waxay tahay naag ciil qabta |
Ogeysiin:
Erayada sifaynta (badan, yar, daran) haddii lagu daro erayga yoolgaaraha ah (aad-u) sifayntu waxay noqotaa yoolgaarid. Waxaa ka mid ah «ninku aad uma caqli dheera», ama «ninku aad buu u caqli dheer yahay».
LABANLAABIDDA ERAYADA SIFAYNTA
Erayada sifaynta (daran - badan - yar), markii ay raacaan magacyada kooxda ah, way labanlaabmaan.
Erayada sifaynta oo kale iyana sidoo kale ayay noqdaan.
| Keli | Koox |
| nin yar | niman yaryar |
| nin ladan | niman ladladan |
| nin dheer | niman dheerdheer (dhaadheer) |
| Keli | Koox |
| nin gaaban | niman gaagaaban |
| nin buuran | niman buurbuuran |
| nin madow | niman madmadow |
| nin xun | niman xunxun |
| naag xun | naago xunxun |
| naag cad | naago cadcad |
| wiil jirran | wiilal jirjirran |
| qalin jaban | qalimo jajaban (jabjaban) |
Erayada sifaynta (cad, madow, dheer, fog, dhow, cas, iyo kuwa kale) lagama maarmaan ma aha, inay raacaan gadaalraacayaasha sifaynta (-san, -an, -leh, -là) maxaa yeelay iyaga ayaa sifaysan.
Ogeysiis:
Ogow in erayga sifaynta (aad-u) uu isla wada jiro tixaha qaarkood, iyo in ereyga sifaynta (-aad-u) uunan isla wada jirin. Erayga (aad-u) markii uu tixaha ku jiro, wuu kala go'aa. Sida «waxaan ahay nin aadu caqli badan» iyo Anigu, aad baan u caqli badan ahay.
Waayahaan danbe waxaad mooddaa, in dadku uu ka tegayo labanlaabka erayda sifaynta oo si ka hawl yaraysanayo celceliska erayada sifaynta. Taas waxaa ka mid ah «ninku wuu yar yahay» keli iyo «nimanku way yaryar yihiin» ama intii la dhihi lahaa «nimanku way ladladan yihiin» in la oranayo «nimankii way ladan yihiin». Dadka maanta joogaa, wuxuu yiraahdaa «nimankii way ladan yihiin». Sidaas daraaddeed, dadkii wuxuu ka tegayaa labanlaabka erayada sifaynta.
Ogow, in erayada sifayntu, ay noqon karaan falido. Faliduhu, waxay ka abuurmi karaan sifaynta. Taas, waxaa ka mid ah haddaan iraahdo, «ninkii, wuu yaraan-ayaa». Waa joogto dareerto. «Ninku wuu yar-aa». Waa tagto labanlaabka erayada sifayntuna waxaa ka abuurma sidoo kale falido, waxaa ka mid ah, haddaan iraahdo, «Nimaanku way waaweyn-aan-ayaan». «Iyagu way yaryaraan-ayaan».
YAR
| Weydiinleyda | Sugidleyda |
| Anigu ma yar ahay? | Anigu waan yar ahay |
| Adigu ma yar tahay? | Adigu waad yar tahay |
| Isagu ma yar yahay? | Isagu wuu yar yahay |
| Iyadu ma yar tahay? | Iyadu way yar tahay |
DHEER
| Anigu ma dheer ahay? | Anigu waan dheer ahay |
| Adigu ma dheer tahay? | Adigu waad dheer tahay |
| Isagu ma dheer yahay? | Isagu wuu dheer yahay |
| Iyadu ma dheer tahay? | Iyadu way dheer tahay |
YAR
| Innagu ma yaryar nahay? | Innagu waan yaryar nahay |
| Idinku ma yaryar tihiin? | Idinku waad yaryar tihiin |
| Iyagu ma yaryar yihiin? | Iyagu way yaryar yihiin |
DHEER
| Innagu ma dhaadheer nahay? | Innagu waan dhaadheer nahay |
| Idinku ma dhaadheer tihiin? | Idinku waad dhaadheer tihiin |
| Iyagu ma dhaadheer yihiin? | Iyagu way dhaadheer yihiin |
CAS
| Anigu ma cas ahay? | Anigu waan cas ahay |
| Adigu ma cas tahay? | Adigu waad cas tahay |
| Isagu ma cas yahay? | Isagu wuu cas yahay |
| Iyadu ma cas tahay? | Iyadu way cas tahay |
| Innagu ma cascas nahay? | Innagu waan cascas nahay |
| Idinku ma cascas tihiin? | Idinku waad cascas tihiin |
| Iyagu ma cascas yihiin? | Iyagu way cascas yihiin |
YAR
| Diiddoleyda | Diiddo weydiinleyda |
| Anigu ma yar-i | Anigu miy-aan-an yarayn? |
| Adigu ma yar-id | Adigu miy-aad-an yarayn? |
| Isagu ma yar-a | Isagu miy-uu-nan yarayn? |
| Iyadu ma yar-a | Iyadu miy-yay-nan yarayn? |
| Innagu ma yaryar-in | Innagu miy-aan-naan yaryarayn? |
| Idinku ma yaryar-idin | Idinku miy-aad-naan yaryararayn? |
| Iyagu ma yaryar-a | Iyagu miy-yay-nan yaryarayn? |
DHEER
| Anigu ma dheer-i | Anigu miy-aan-an dheerayn? |
| Adigu ma dheer-id | Adigu miy-aad-an dheerayn? |
| Isagu ma dheer-a | Isagu miy-uu-nan dheerayn? |
| Iyadu ma dheer-a | Iyadu miy-ay-nan dheerayn? |
| Innagu ma dhaadheer-in | Innagu miy-aan-naan dhaadheerayn? |
| Idinku ma dhaadheer-idin | Idinku miy-aad-naan dhaadheerayn |
| Iyagu ma dhaadheer-a | Iyagu miy-ay-nan dhaadheerayn? |
CAS
| Anigu ma cas-i | Anigu miy-aan-aan casayn? |
| Adigu ma cas-id | Adigu miy-aad-an casayn? |
| Isagu ma cas-a | Isagu miy-uu-nan casayn? |
| Iyadu ma casa | Iyadu miy-ay-nan casayn? |
| Innagu ma cascas-in | Innagu miy-aan-naan cascasayn? |
| Idinku ma cascas-idin | Idinku miy-aad-naan cascasayn? |
| Iyagu ma cascas-a | Iyagu miy-ay-nan cascasayn? |
ERAYADA WEYDDIINLEYDA
Erayada wediinleyda oo tixo kula jira laba falideed «jir iyo ah»
Erayada weydiinleydu waa shan qaybood:
I. Weydiinleyda magacuyaalka: max, yaa, kee, tee, kuwee, kuma, tuma, kuwama.
II. Weydiinleyda goobeed: xaggee, meeshee, dhinacee, barbarkee, geestee.
III. Weydiinleyda siyeed: see, sidee.
IV. Weydiinleyda ineed: intee, immisaa, meeqa.
V. Weydiinleyda gooreed: goortee, (goorma), markee (marma), waqtigee (waqti ma), saacaddee (saacad ma) sannaddee (sananma), toddobaadkee (toddobaad ma), gu'gee (gu'ma) dayrtee (dayr-ma) jiilaalkee (jiilaal-ma) xagaagee (xagaa-ma) bishee (bilma) maalintee (maalin-ma).
I. Weydiinleyda Magacuyaalka.
| Anigu maxaan ahay? | Anigu waxaan ahay wiil |
| Adigu maxaad tahay? | Adigu waxaad tahay wiil |
| Isagu muxuu yahay? | Isagu wuxuu yahay will |
| Iyadu maxay tahay? | Iyadu waxay tahay naag |
| 1. Innagu maxaan nahay? | 2. Innagu waxaan nahay wiilal |
| Idinku maxaad tihiin? | Idinku waxaad tihiin wiilal |
| Iyagu maxay yihiin? | Iyagu waxay yihiin wiilal |
Weydiinleyda magacuyaallada (yaa, + aad, + uu, + ay iwm).
| 1. Anigu yaan ahay? | 2. Anigu waxaan ahay wiil |
| Adigu yaad tahay? | Adigu waxaad tahay wiil |
| Isagu yuu yahay? | Isagu wuxuu yahay wiil |
Weydiinleyda magacuyaallada, kee, tee kuwee:
| 1. Anigu kee ahay? | 2. Anigu waxaan ahay wiil |
| Adigu (kee) (tee) tahay? | Adigu waxaad tahay wiil |
| Isagu kee yahay? | Isagu wuxuu yahay wiil |
| Iyadu tee tahay? | Innagu waxaan nahay wiilal |
| Innagu kuwee nahay? | Idinku waxaan tihiin wiilal |
| Idinku kuwee tihiin? | Iyagu waxay yihiin wiilal |
| Iyagu kuwee yihiin? |
Weydiinleyda magacuyaallada: kuma tuma kuwama (kuma, tuma, kuwama + aan.
| 1. Anigu kum + aan ahay? | 2. Anigu waxaan ahay wiil |
| Adigu kum—aad tahay? | Adigu waxaad tahay wiil |
| Isagu kum + uu yahay? | Isagu wuxuu yahay wiil |
| Iyadu tum + ay tahay? | Iyadu waxay tahay gabar. |
| Innagu kuwam + aan nahay? | Innagu waxaan nahay wiilal |
| Idinku kuwam + aad tihiin? | Idinku waxaad tihiin wiilal |
| Iyagu kuwam + ay yihiin? | Iyagu waxay yihiin wiilal |
II. Weydiinleyda goobeed: xaggee, meeshee, dhinacee, barbarkee, eestee, halkee, iwm).
| Xaggee jiraa Nuur? | Nuur wuxuu jiraa dugsiga |
| Xaggee jirtaa Xaliim? | Xaliima waxay jirtaa dugsiga |
| Xaggee jirtaa iyadu? | Iyadu waxay jirtaa suuqa |
| Meeshee jiraa wiilku? | Wiilku wuxuu jiraa baarka |
| Meeshee jiraan iyagu? | Iyagu waxay jiraan ristoorantiga |
| Barbarkee buu ku yaallaa dukaanku? | Dukaanku wuxuu ku yaallaa midigta |
| Barbarkee buu ku yaallaa bankigu? | Bankigu wuxuu ku yaallaa bidixda |
| Dhinacee bay ku taallaa shineemadu? | Shineemadu waxay ku taallaa xaafadda koofur woqooyi |
| Halkee bay ku taallaa makhaayaddu? | Makhaayaddu waxay ku taallaa Xamarweyne |
| Geestee buu ku yaallaa Barlamaanku? | Barlamaanku wuxuu ku yaallaa midigta |
III. Weydiinleyda siyeed: sidee (see).
| Anigu sidee ahay? | Anigu waan nabdoon ahay |
| Adigu sidee tahay? | Adigu waad habboon tahay |
| Isagu sidee yahay? | Isagu wuu nabdoon yahay |
| Iyadu sidee tahay? | Iyadu way nabdoon tahay |
| Innagu sidee nahay? | Innagu waan nabdoon nahay |
| Iyagu sidee yihiin | Iyagu way nabdoon yihiin |
IV. Weydiinleyda ineed: immisaa, intee, meeqa.
| Intee sano ayaan jiraa? | Anigu waxaa jiraa 20 sano |
| Intee sano ayaad jirtaa? | Adigu waxaad jirtaa 20 sano |
| Immisaa sano ayuu jiraa? | Isagu wuxuu jirranaa 2 sano |
| Immisaa sano ayay jirtaa? | Iyadu waxay jirtaa 20 sano |
| Meeqa sano yaan jirnaa? | Innagu waxaad jirjirnaa 20 sano |
| Meeqa sano ayaad jirtaan? | Idinku waxaad jirjirnaa 20 sano |
| Meeqa sano ayay jiraan? ama (jirjiraan) | Iyagu waxay jirjiraan 20 sano |
| Meeqa sano ayuu jirranaa wiilku? | Wiilku wuxuu jirranaa 20 sano |
V. Weydiinleyda gooreed: goortee (goorma), markee (marma), waqtigee (waqtima), saacaddee (saacadma), jiilaalkee, sannadee (sanama), toddobaadkee (todoobaadma), gu'gee (gu'ma), dayrtee (dayrma), jiilaalkee (jiilaalma), xagaagee (xagaama), bishee (bilma), maalintee (maalinma), galabtee (galabma), subaxdee (subaxma).
| Adigu goorm + aad ii imanaysaa? | Anigu waxaan kuu imanayaa galabta |
| Isagu goormuu imanayaa? | Isagu wuxuu imanayaa aroortii |
| Iyadu markee (bay) imanaysaa? | Iyadu waxay imanaysaa Juunyo |
| Innagu kolkee imanaynnaa? | Innagu waxaan imanaynnaa Axadda |
| Idinku goormaad imanaysaan? | Idinku waxaad imanaysaan 5:00 galabeed |
| Iyagu markee bay imanayaan? | Iyagu waxay imanayaan Caawa |
| Ardadu goormay imanayaan? | Ardadu waxay imanaysaa Gu'gaan |
| Nimankii goormay imanayaan? | Nimankii waxay imanayaan Dayrta |
Ogeysiin:
Ogow, in erayga weydiinleyda runta ahi, uu yahay (-ee). Erayga weydiinluhu (ee), wuxuu raacaa erayada, weydiinleyda (inta, sida, kuwa, kii, tii) markaasay waxay noqdaan sidaan oo kale (inta + ee = intee? kuwa + ee = kuwee? kii + ee + kee, tii + ee = tee iyo kuwo kale).
Ogow in falidda (ah), diiddadeeda keli tahay (-i, -id, -a) iyo koox inay tahay (-in, -idin, -a). Erayga diiddoleyda ahi, (ma) wuu ka hormaraa falidaha diiddoleyda ah.
KU CELISKA
1. Magacyadaan ka abuur lihiga labada magac oo laysu keenay oo tix ka samee?
2. Magacyadaan ka abuur lihiga saddex magac ka koobma?
3. Erayada lihiga ah oo magacuyaalka ah sheeg? Tiradoodu waa immisaa? ..........
A. Tixahaan waxaad gelisaa eray lihi ah oo ku habboon, kaddibna tifaftir:
B. Erayada lihiga ah oo magacuyaalka ah ee gadaal iyo horayba wax kala xiriira ma ii sheegi kartaa?
1. Ma ii sheegi kartaa magacuyaalka lihiga ah ee erayada horay keliya wax kala xiriira?
2. Tirada magacuyaalka lihigu waa immisa?
4. Tixahaan waxaad ku dartaa summadaha joogto taagan.
5. Summadaha joogto taagani, intay u kala baxdo sheeg?
Ma ii sheegi kartaa meeshii ay ku kala duwan yihiin?
6. U beddel weydiinleydaan diiddooley.
7. U beddel weydiinleydaan sugidley kaddibna diiddo weydiinley.
8. Halkaan waxaad ku dhigtaa astaamaha lagu yaqaanno diiddooleyda joogto taagan?
A. Ku dar gadaalraacayaalka sifaynta tixahaan, aadoo gelinaya meesha bannaan, kaddibna labanlaabaya magacyada sifaynta.
B. Dhammaystir tixahaan adigoo ku daraya gadaalraacaha sifaynta ama erayada sifaynta.
D. Geli meelahaan bannaan gadaalraacayaalka sifaynta la', yar, badan ama leh.
Dh. Erayada weydiinleyda intee, immisaa, halkee, xaggee, intee, geli tixahaan.
Tixahaan, waxaad u beddashaa, tixo weydiinley ah:
Tixahaan waxaad ka dhigtaa tixo diiddoley ah.
F. Meelahaan bannaan waxaad gelisaa weydiinleyda magacuyaallaada, kee, tee, kuwee, kuma tuma amaba kuwama, oo markaas kaddib dhammaystir.
G. U baddel weydiinley, kaddibna waxaad ka dhigtaa sugidley:
H. Meelahaan bannaan, waxaad gelisaa erayada weydiinleyda ineed (intee, meeqa iyo immisaa).
QAYBTA VII.
TAGTO
Tagto waa waxa la falay oo tegey mar hore, amaba mar dambe, waxay ku tustaa, wax dhammaaday oo la sameeyey, hal daqiiq oo tagtay, ama hal sano oo tagtay, waa wax tegay. Tagto waa falid dhammaatay.
Tagto oo tixo la jirta
| Keli | Koox |
| waan teg-ay shalay | waan tag-nay shalay |
| waad tag-tay shalay | waad tag-teen shalay |
| wuu teg-ay shalay | way tag-een shalay |
| way tag-tay shalay |
Tagto oo misana tixo la wehelisa
ASTAAMAHA TAGTADA
| Keli | Koox |
| 1d (l. dh. ke.) -ay | 1d (ko. dh. l.) -nay |
| 2d (l. dh. ke.) -tay | 2d (ko. dh. l.) -teen |
| 3d (l. ke.) -ay | 3d (ko. dh. l.) -een |
| 3d (dh. ke.) -tay |
TAGTO IYO QAYBAHEEDA
| 1. Qaybta falidaha ku dhammaada shibbaneyaasha (-c, -q, -x, -d, -h, -y, -w) | 2. Qaybta falidaha ku dhammaada shaqallada (-o, -i) |
| Liq | Sii |
| Waan liq-ay | Waan sii-yay |
| Waad liq-day | Waad sii-say |
| Wuu liq-ay | Wuu sii-yay |
| Way liq-day | Way sii-say |
| Waan liq-nay | Waan siin-nay |
| Waad liq-deen | Waad sii-seen |
| Way liq-een | Way sii-yeen |
| Wad | Daa |
| Waan wad-ay | Waan daay-ay |
| Waad wad-day | Waad day-say |
| Wuu wad-ay | Wuu daa-yey |
| Way wad-day | Way day-say |
| Waan wad-nay | Waan dayn-nay |
| Waad wad deen | Waad day-seen |
| Way wad-een | Way daa-yeen |
| 3. Qaybta falidaha ku dhammaada shaqalladda (-o) | 4. Qaybta falidaha ku dhammaada fallar falideedka (-so) |
| Soco | Hayso |
| Waan soc-day | Waan hays-tay |
| Waad soco-tay | Waad hays-atay |
| Wuu soc-day | Wuu hays-tay |
| Way soco-tay | Way hays-atay |
| Waan socon-nay | Waan haysan-nay |
| Waad soco-teen | Waad hays-ateen |
| Way soc-deen | Way hays-teen |
| Noqo | Rayso |
| Waan noq-day | Waan rays-tay |
| Waad noqo-tay | Waad rays-atay |
| Wuu noq-day | Wuu rays-tay |
| Way noqo-tay | Way rays-atay |
| Waan noqon-nay | Waan raysan-nay |
| Waad noqo-teen | Waad rays-ateen |
| Way noq-deen | Way rays-teen |
| 5. Qaybta falidaha ku dhammaada Shibbanaha (-l) | 6. Qaybta falidaha ku dhammaada Shaibbanaha (-g, -s, -n, -r, -b, f) |
| Fal | Dhis |
| Waan fal-ay | Waan dhis-ay |
| Waad fa-shay | Waad dhis-tay |
| Wuu fal-ay | Wuu dhis-ay |
| Way fa-shay | Way dhis-tay |
| Waan fal-any | Waan dhis-nay |
| Waad fa-sheen | Waad dhis-teen |
| Way fal-een | Way dhis-een |
| Hel | Keen |
| Waan hel-ay | Waan keen-ay |
| Waad he-shay | Waad keen-tay |
| Wuu hel-ay | Wuu keen-ay |
| Way he-shay | Way keen-tay |
| Waan hel-nay | Waan keen-nay |
| Waad he-sheen | Waad keen-teen |
| Way hel-een | Way keen-een |
7. Qaybta falidaha Qaab-ma qabeyaalka (imow, oollow, aqood, ahow, dheh).
| Imow | Dheh |
| Waan imid | Waan iri |
| Waad timid | Waad tiri |
| Wuu yimid | Wuu yiri |
| Way timid | Way tiri |
| Waan nimid | Waan niri |
| Waad timaadeen | Waad tiraahdeen |
| Way yimaadeen | Way yiraahdeen |
Ogeysiin:
Qaybta falidaha tagto iyo joogto taagan, yaynan isaga kaa darmin. Iyagu summadahoodu way isku dhow yihiin, illowse dhammaadka falidaha tagtada, waxaa u danbeeya astaamahan: Sida (-ay, -tay, -nay, -teen, -een). Haddaad aad u fiirsatid kala soocoodu dhib ma laha.
TAGTO IYO HAWLAHEEDA
SOCO
| Weydiinley | Sugidley |
| Anigu ma soc-day? | Anigu waan soc-day |
| Adigu ma soco-tay? | Adigu waad soco-tay |
| Isagu ma soc-day? | Isagu wuu soc-day |
| Iyadu ma soco-tay? | Iyadu way soco-tay |
| Innagu ma soco-nay? | Innagu waan socon-nay |
| Idinku ma soco-teen? | Idinku waad soco-teen |
| Iyagu ama soc-deen? | Iyagu way soc-deen |
SII
| Anigu ma sii-yay? | Anigu waan sii-yay |
| Adigu ma sii-say? | Adigu waad siisay |
| Isagu ma sii-yay? | Isagu wuu sii-yay |
| Iyadu ma siisay? | Iyadu way sii-say |
| Innagu ma siin-nay? | Innagu waan siin-nay |
| Idinku ma sii-seen? | Idinku waad sii-seen |
| Iyagu ma sii-yeen? | Iyagu way sii-yeen |
FAL
| Anigu ma fal-ay? | Anigu waan fal-ay |
| Adigu ma fa-shay? | Adigu waad fa-shay |
| Isagu ma fal-ay? | Iyadu way fa-shay |
| Iyadu ma fa-shay? | Isagu wuu fal-ay |
| Innagu ma fal-nay? | Innagu waan fal-nay |
| Idinku ma fa-sheen? | Idinku waad fa-sheen |
| Iyagu ma fal-een? | Iyagu way fal-een |
| Diiddoley | Diiddo weldiinley |
| Anigu ma socon (nin) | Anigu miy-aan-an socon-nin? |
| Adigu ma socon (nin) | Adigu miy-aad-an socon-nin? |
| Isagu ma socon (nin) | Isagu miy-uu-nan socon-nin? |
| Iyadu ma socon (nin) | Iyadu miy-ay-nan socon-nin? |
| Innagu ma socon (nin) | Innagu miy-aan-aan socon-nin? |
| Idinku ma socon (nin) | Idinku miy-aad-naan socon-nin? |
| Iyagu ma socon (nin) | Iyagu miy-ay-nan socon-nin? |
| Anigu ma siin (nin) | Anigu miy-aan-an siin-nin? |
| Adigu ma siin (nin) | Adigu miy-aad-an siin-nin? |
| Isagu ma siin (nin) | Isagu miy-uu-nan siin-nin? |
| Iyadu ma siin (nin) | Iyagu miy-ay-nan siin-nin? |
| Innagu ma siin (nin) | Innagu miy-aan-naan-siin-nin? |
| Idinku ma siin (nin) | Idinku miy-aad-naan siin-nin? |
| Iyagu ma siin (nin) | Iyagu miy-ay-nan siin-nin? |
| Anigu ma fal-in | Anigu miy-aan-an fal-in? |
| Adigu ma fal-in | Adigu miy-aan-an fal-in? |
| Isagu ma fal-in | Isagu miy-uu-nan fal-in? |
| Iyadu ma fal-in | Iyadu miy-ay-nan fal-in? |
| Innagu ma fal-in | Innagu miy-aan-naan fal-in? |
| Idinku ma fal-in | Idinku miy-aad-naan fal-in? |
| Iyagu ma fal-in | Iyagu miy-ay-nan fal-in? |
Ogeysiin:
a) Astaanta tagto diiddoleyda ku dhammaata shibbaneyaasha oo dhan, waxay noqotaa (-in) sida ma liq-in, ma sheeg-in, ma hadl-in, ma teg-in.
b) Astaanta tagto diiddoleyda ku dhammaata shaqallada oo dhan, waxay noqotaa (-n, -an (nin)) sida ma socon(nin) ma dhegeysan(-nin) ma dayn(-nin) ma siin(-nin) ma haysan(-nin). Sidoo kale ayay noqotaa astaanta tagtada diiddo weydiinleyda. Sida (miyaanan teg-in, miyaadan hadl-in miyuunan sheeg-in miyaynan keen-in).
Fallarka diiddo weydiinleyda nagaadeyaalkana raacaa waa:
| Keli | Koox |
| 1d (l. dh. ke.) miy-aan-an | 1d (dh. l. ko.) miy-aan-naan |
| 2d (l. dh. ke.) miy-aad-an | 2d (dh. l. ko.) miy-aad-naan |
| 3d (l. ke.) miy-uu-naan | 3d (dh. l. ko.) miy-ay-nan |
| 3d (dh. ke.) miy-ay-nan |
TAGTO DAREERTO
VI. Tagto dareerto waxay ku tustaa falid tagtay oo had iyo jeer dhici jirtay, amaba ahayd caado in falo. Haddaan iraahdo: «Waxaan qaadan jiray daawo» taasi waxay ku tustaa, inaan «waa tegay» aan mar walba qaadan jiray daawo. Tagto dareerto waa falid tagtay, een ku dhammaannin tegiddaas. Tagto dareerto waxay ka abuurantaa Falid + falid taageeraha (jir), summadaha tagtadaasina (-ay, -tay, -ay, -tay, -nay, -teen, -een). Sida «waan keeni jiray» «waad keeni jirtay...».
TAGTO DAREERTO OO KU JIRTA TIXO
| Keli | Koox |
| Anigu waxaan aadi jir-ay dugsiga | Innagu waxaan aadi jir-nay dugsiga |
| Adigu waxaad aadi jir-tay dugsiga | Idinku waxaad aadi jir-teen dugsiga |
| Isagu wuxuu aadi jir-ay dugsiga | Iyagu waxay aadi jir-een dugsiga |
| Iyadu waxay aadi jir-tay dugsiga |
TAGTO DAREERTO OO HADDANA KU JIRTA TIXO
TAGTO DAREERTO IYO HAWLAHEEDA
SOCO
| Weydiinley | Sugidley |
| Anigu ma socon jir-ay? | Anigu waan socon jir-ay |
| Adigu ma socon jir-tay? | Adigu waad socon jir-tay |
| Isagu ma socon jir-ay? | Isagu wuu socon jir-ay |
| Iyadu ma socon jir-tay? | Iyadu way socon jir-tay |
| Innagu ma socon jir-nay? | Innagu waan socon jir-nay |
| Idinku ma socon jir-teen? | Idinku waad socon jir-teen |
| Iyagu ma socon jir-een? | Iyagu way socon jir-een |
SII
| Anigu ma siin jir-ay? | Anigu waan siin jir-ay |
| Adigu ma siin jir-tay? | Adigu waad siin jir-tay |
| Isagu ma siin jir-ay? | Isagu wuu siin jir-ay |
| Iyadu ma siin jir-tay? | Iyadu way siin jir-tay |
| Innagu ma siin jir-nay? | Innagu waan siin jir-nay |
| Idinku ma siin jir-teen? | Idinku waad siin jir-teen |
| Iyagu ma siin jir-een? | Iyagu way siin jir-een |
FAL
| Anigu ma fali jir-ay? | Anigu waan fali jir-ay |
| Adigu ma fali jir-tay? | Adigu waad fali jir-tay |
| Isagu ma fali jir-ay? | Isagu wuu fali jir-ay |
| Iyadu ma fali jir-tay? | Iyadu way fali jir-tay |
| Innagu ma fali jir-nay? | Innagu waan fali jir-nay |
| Idinku ma fali jir-teen? | Idinku waan fali jir-teen |
| Iyagu ma fali jir-een? | Iyagu way fali jir-een |
SOCO
| Diiddoley | Diiddo weydiinley |
| Anigu ma socon jir-in | Anigu miy-aan-an socon jir-in? |
| Adigu ma socon jir-in | Adigu miy-aad-an socon jir-in? |
| Isagu ma socon jir-in | Isagu miy-uu-nan socon jir-in? |
| Iyadu ma socon jir-in | Iyagu miy-ay-nan-socon jir-in? |
| Innagu ma socon jir-in | Innagu miy-aan-naan socon jir-in? |
| Idinku ma socon jir-in | Idinku miy-aad-naan socon jir-in? |
| Iyagu ma socon jir-in | Iyagu miy-ay-nan socon jir-in |
SII
| Anigu ma siin jir-in | Anigu miy-aan-an siin jir-in? |
| Adigu ma siin jir-in | Adigu miy-aad-an siin jir-in? |
| Isagu ma siin jir-in | Isagu miy-uu-nan siin jir-in? |
| Iyadu ma siin jir-in | Iyadu miy-ay-nan siin jir-in? |
| Innagu ma siin jir-in | Innagu miy-aan-naan siin jir-in? |
| Idinku ma siin jir-in | Idinku miy-aad-naan sii jir-in? |
| Iyagu ma siin jir-in | Iyagu miy-ay-nan siin jir-in? |
FAL
| Anigu ma fali jir -in | Anigu miy-aan-aan fali jir-in? |
| Adigu ma fali jir-in | Adigu miy-aad-an fali jir-in? |
| Isagu ma fali jir-in | Isagu miy-uu-nan fali jir-in? |
| Iyadu ma fali jir-in | Iyadu miy-ay-nan fali jir-in? |
| Innagu ma fali jir-in | Innagu miy-aan-naan fali jir-in? |
| Idinku ma fali jir-in | Idinku miy-aad-naan fali jir-in? |
| Iyagu ma fali jir-in | Iyagu miy-ay-nan fali jir-in? |
QAYBTA VIII.
JIMAYNTA
Jimayntu waa wax, wax lala jimaynayo, qof, qof la ag dhigayo oo laysla siamaayo. Jimayntu waxay ka dhalataa laba magac oo lays ag dhigayo, amaba laysla simayo. Afka Soomaaliga waxaa ku jira Jimayn sida afafka kale. Jimayntu waxay u qaybsantaa saddex jimood:
1. Heer jimaynta oo tixo la jirta.
2. Heer weheliyaha Jimaynta (ka wanaagsan yahay).
3. Jimaynta Yool-gaaridda (u, ugu, ugu, sii).
Ogow:
XIRIIRIYEYAALKA
Xiriir waxaa la yiraahdaa wixii wax lagu xiriirinayo amaba wax lagu kabayo. Af Soomaaligu wuxuu leeyahay erayo magacyada iyo tixaha isku xiriiriya. Xiriiriskaasi waa hoggaankii u dhexeeyey erayada amaba tixaha. Xiriiriyeyaalku waxay u qaybsamaan laba qaybood:
1. Xiriiriyeyaalka magacyada (iyo, mise, ama, (amaba) iwm).
Xiriiriyeyaalka magacyada oo ku jira tixo.
Xiriiriyaha magaca (-ba).
Xiriiriyaha magaca (mise).
Xiriiriyaha (ma ah+ee, ma ahee) oo magaca.
Xiriiriyaha magaca (ama, amase).
II. Xiriiriyeyaalka Tixaha.
Xiriiriyeyaalka tixaha (intii, goortii, markii, (kolkii), ama (amaba) haddii, meeshii, markaas, kaddib, sidaas daraaddeed, illowse, (laakiinse), oo ee, maxaa yeelay, hase yeeshee, inkastoo, sidaas awgeed, sidaas daraaddeed, iwm).
1. Xiriiriyaha tixaha (intii).
2. Xiriiriyaha tixaha (goortii, markii, kolkii).
3. Xiriiriyaha tixaha ama (amase)...... ama (amase).
4. Xiriiriyaha tixaha (haddii).
5. Xiriiriyaha (meeshii) meel.
6. Xiriiriyaha tixaha (markaas kaddib).
7. Xiriiriyaha tixaha (sidaas daraaddeed).
8. Xiriiriyaha tixaha, illowse laakiinse, hase yeeshee, hase ahaatee).
9. Xiriiriyaha tixaha, (oo, ee) (-na, ba).
10. Xiriiriyaha tixaha maxaa yeelay, waayo, maxaa wacay iwm.
Ogeysiin:
Xiriiriyayaalkaas waxaa weheliya kuwo kale. Kuwaasi waa: (ilaa, teer iyo inta, inkasta, si kasta, in ayaa, waa baa, xataa, yaa, iwm).
TIMAADDO DHOWEY (TIMAADDO DHOWIDLEY)
Timaaddo dhowey, waa falid dhow oo gadaal mar dhow ka imaanaysa, daqiiqad, saacad, maalin, bil ama laba bilood, amase sannad. Af Soomaaligu wuxuu leeyahay timaaddo dhowey sida afaf kale. Timaaddo dhowey waxay la mid tahay joogto dareerto. Joogto dareerto waa falid hadda hawsheeda faraha lagu hayo amaba mar dhow la qaban doono.
TIMAADDO DHOWEY OO LA JIRTA TIXO
CAB
| Keli | Koox |
| Anigu waxaan cabbayaa biyo | Innagu waxaannu cabbayna biyo |
| Adigu waxaad cabbaysaa biyo | Idinku waxaad cabbaysaan biyo |
| Isagu wuxuu cabbayaa biyo | Iyagu waxay cabbayaan biyo. |
| Iyadu waxay cabbaysaa biyo |
Ogeysiis:
Timaaddo dhowey iyo joogto dareerto falidahoodu waqtiga kuma kala soocna, illowse waxay ku kala soocan yihiin astaamaha. Haddaan irahdo, «waan shaqaynayaa», waxay noqon kartaa shaqo hadda amaba hadhow aan qabanayno. «Samatar wuu imaanayaa hadda», «Samatar wuu imaanayaa berrito». waa la oran karaa! Labada eray, «hadda», hadhow», waxay kala saaraan waqtiga muddayntiisa. Labadaas eray qofku tusaale badan ayuu ka bixin karaa isagoo garanaya ujeeddada erayadaas. Mar dhow, hadhow, goor dhow, kol dhow, saaddanbe, toddoobaadkaan, bishaan, gùgaan, dayrtaan, sanada dhow.
Erayadaas oo dhammi waxay ku tusayaan timaaddo dhowey.
TIMAADDO FOGEY (Timaaddo Fogidley)
Timaaddo fogey ama timaaddo fogidley, waa timaaddo gadaal ka imanaysa, illowse, lama yaqaanno goortay bilaabanayso. Waa timaaddo mar danbe bilowgeeda, asaan xad lahayn lagu yaqaanno bilowgeeda. Timaaddo dhowey iyo timaaddo fogey, xad u kala go'an lama arko. Qofku wuu dhihi karaa: «Anigu waan tegi doonaa berri», amaba «Anigu waan tegayaa berri. «Labadaas tee fog, teese dhow? Jawaabtu hadba waxay ku xiran tahay qofka hadlaya siduu dhowaan iyo fogaan ka dhigto, amaba ulajeeddo, berriyu qofna way la dhowaan kartaa, qofna way la fogaan kartaa.
Timaaddo fogey (timaaddo fogidley) oo tixa ku jirta
TAG
| Keli | Koox |
| Anigu waan tegi doonaa Marka | Innagu waan tegi doonnaa Marka |
| Adigu waad tegi doontaa Marka | Idinku waad tegi doontaan Marka |
| Isagu wuu tegi doonaa Marka | Iyagu way tegi doonaan Marka |
| Iyadu way tegi doontaa Marka |
GEE
| Keli | Koox |
| Anigu waan geyn doonaa alaabta | Innagu waan geyn doonnaa alaabta |
| Adigu waad geyn doontaa alaabta | Idinku waad geyn doontaan alaabta |
| Isagu wuu geyn doonaa alaabta | Iyagu way geyn doonaan alaabta |
| Iyadu way geyn doontaa alaabta |
KEEN
| Anigu waan keeni doonaa Buugagga | Innagu waan keeni doonnaa Buugagga. |
| Adigu waad keeni doontaa Buugagga | Idinku waad keeni doontaan Buugagga |
| Isagu wuu keeni doonaa Buugagga | Iyagu way keeni doonaan Buugagga |
| Iyadu way keeni doontaa Buugagga |
SII
| Anigu waan ku siin doonaa beer | Innagu waan ku siin doonnaa beer |
| Adigu waad i siin doontaa beer | Idinku waad na siin doontaan beer |
| Isagu wuu i siin doonaa beer | Iyagu way idin siin doonaan beer |
| Iyadu way ku siin doontaa beer |
QABO
| Keli | Koox |
| Anigu waan qaban doonaa hawsa | Innagu waan qaban doonnaa hawsha |
| Adigu waad qaban doonaa hawsha | Idinku waad qaban doontaan hawsha |
| Isagu wuu qaban doonaa hawsha | Iyagu way qaban doonaan hawsha |
| Iyadu way qaban doontaa hawsha |
Ogeysiis:
Haddii aad damacdid inaad abuurto timaaddo fogey, falidda salka ah, (sii, keen, qabo, tag, gee) waxaad ku daraysaa summadda dhammaadka timaaddo fogey; sidaan oo kale (tegi+doonaa, -+doonnaa, +doonnaa, +doontaan, +doonaan = tegi doonaa, -doontaa, -doonaan). Haddii uu ku dhammaado shibbanaha, falidda iyo summadda dhammaadka, waxaa kala dhexgala shaqallada (i) oo xiriir fooneetig ah, sida (keen-i- doonaa-keen-i-doontaan). Hddiise eraygu ku dhammaado shaqallada (-i, -sii, -a, daa, -e, samee) falidda iyo summadda dhammaadka, waxaa kala dhexgala shibbanaha (-n) oo xiriirka dhawaaqa ah, sida samay-n-doonaa, day-n-doontaa soco-n-doonaa, sii-n doonnaa, jebi-n-doontaan).
Timaaddo fogey (Timaaddo fogidley)
| Falidda sii, keen | Xiriirka dhawaaqa (-n-, -i-) | Summad dhammaadka (-doontaa, -doonaa) |
| ilaali- | -n- | -doonaa |
| ilaali- | -n- | doontaa |
| ilaali- | -n- | -doonaa |
| ilaali- | -n- | doontaa |
| ilaali- | -n- | -doonnaa |
| ilaali- | -n- | -doontaan |
| keen- | -i- | -doonaa |
| keen- | -i- | -doontaa |
| keen- | -i- | -doonaa |
| keen- | -i- | -doontaa |
| keen- | -i- | -doonnaa |
| keen- | -i- | -doontaan |
| keen- | -i- | -doonnaan |
| samee- | (-y-n-) | -doonaa |
| samee- | (-y-n-) | -doontaa |
| samee- | (-y-n-) | -doonaa |
| samee- | (-y-n-) | -doontaa |
| samee- | (-y-n-) | -doonnaa |
| samee- | (-y-n-) | -doontaan |
| samee- | (-y-n-) | -doonaan |
TIXDA
TIMAADDO FOGEY IYO HAWLAHEEDA
SOCO
| Weydiinley | Sugidley |
| Anigu ma socon doonaa? | Anigu waan socon doonaa |
| Adigu ma socon doontaa? | Adigu waad socon doontaa |
| Isagu ma socon doonaa? | Isagu wuu socon doonaa |
| Iyadu ma socon doontaa? | Iyadu way socon doontaa |
| Innagu ma socon doonnaa? | Innagu waan socon doonnaa |
| Idinku ma socon doontaan? | Idinku waad socon doonaan |
| Iyagu ma socon doonaan? | Iyagu way socon doonaan |
SII
| Anigu ma siin doonaa? | Anigu waan siin doonaa |
| Adigu ma siin doontaa? | Adigu waad siin doontaa |
| Isagu ma siin doonaa? | Isagu wuu siin doonaa |
| Iyadu ma siin doontaa? | Iyadu way siin doontaa |
| Innagu ma siin doonnaa? | Innagu waan siin doonnaa |
| Idinku ma siin doontaan? | Idinku waad siin doontaan |
| Iyagu ma siin doonaan? | Iyadu way siin doontaa |
SOCO
| Diiddoley | Diiddo weydiinley |
| Anigu ma socon doono | Anigu miy-aan-an socon doonin? |
| Adigu ma socon doontid | Adigu miy-aad-an socon doonin? |
| Isagu ma socon doono | Isagu miy-uu-nan socon doonin? |
| Iyadu ma socon doonto | Iyadu miy-ay-nan socon doonin? |
| Innagu ma socon-doonno | Innagu miy-aan-naan socon-doonin? |
| Idinku ma socon-doontiin (doontaan) | Idinku miy-aad-naan socon-doonin? |
| Iyagu ma socon-doonaan | Iyagu miy-ay-nan socon-doonin? |
SII
| Anigu ma siin-doono | Anigu miy-aan-an siin-doonin? |
| Adigu ma siin-doontid | Adigu miy-aad-an siin-doonin? |
| Isagu ma siin-doono | Isagu miy-uu-nan siin-doonin? |
| Iyadu ma siin-doonto | Iyadu miy-ay-nan siin-doonin? |
| Innagu ma siin-doonno | Innagu miy-aan-naan siin-doonin? |
| Idinku ma siin-doontaan (doontiin) | Idinku miy-aad-naan siin-doonin? |
| Iyagu ma siin-doonaan | Iyagu miy-ay-nan siin-doonin? |
Ogeysiin:
a) Astaanta dhammaadka timaaddo fogey diiddoleyda, waxay noqotaa keli (-doono, -doontid, -doonto, -doono), iyo koox (-doonno, -doontaan (doontiin), -doonaan) sida ma tegi-doo- -doontid, doonno, -doontaan.
b) Astaanta dhammaadka timaaddo fogey diiddoleyda, waxay noqotaa (-doonin), (miy-aan-an, socon-doonin, may-aad-an socon-doonin, -miy-uu-nan socon-doonin, -miy-ay-nan socon-doonin, miy-ayn-nan socon-doonin). Astaantani waa mid joogto ah oo aan beddelmin.
QAYBTA IX.
FALE
Fale waxaa la yiraahdaa, wixii wax falay. Sida aan ognahay wax kastoo dhacaa, wax bay ka dheceen. Wax la falana wax baa fala. Haddaan iraahdo «qalinkii ayaa jabay». Taasi waxay ku tusaysaa in wixii jabay uu yahay qalin. Jabiddu ma jirteen haddaan qalinku jirin. Sidoo kale haddaan iraahdo, «Daruur baa curatay». Taasi waxay ku tusaysaa wixii curtay, inay yihiin daruur, maxaa yeelay haddaan daruurtu jirin curashadu ma jirteen. Sidaas daraaddeed, daruurtii iyo qalinkii waxay noqdeen (fale). Curashada waxaa falay daruurta; jabidduna waxay ka timid qalinka. Marka sidaas daraaddeed, daruurtii iyo qalinkii, waxay noqdeen fale.
FALAHA OO KU JIRA TIXO
Tixahaan haddaad aad u dhuuxdid, waxaad ku arkaysaa in faluhu yahay, anigu, waan, adigu, waad, geelle, wuu, Magool; way, baabuurkii, wuu, Fay, way, shinbirti, way, geelii, wuu, inammadii, way, askerigii, wuu iyo saaxiibkay Yuusuf wuu.
MANAGAADEYAALKA IYO NAGAADEYAALKA
Managaadeyaalku iyo nagaadeyaalku waxay yihiin fale tixahaan. Sidoo kale magacyada wax u go,an (Fay, Geelle, Magool) dhammaantood, waxa weeye fale. Af Soomaaliga waxuu kaga duwan yahay afafka kale, waxa weeye, in magaca wax-u-go'an, -sida Mgaool- iyo nagaadeyaalku ay is-wada raacaan. Waxaa ka mid ah, haddaan iraado: «Magool way timid». Tixdaan «Magool» iyo «way» labaduba, waa fale. Nagaadeyaalku waxay ka joogi karaan magac kasta ama ha ahaadee, mid wax u go'an, amase, ha ahaadee midaan wax u go'nayn.
LA - FALE
La fale waxaa la yiraahdaa wixii wax lagu falay. Haddaan iraahdo «Baabuur ayaan soo waday» waxay ku tusaysaa wixii aan soo waday inuu yahay baabuur, kii wadayna inuu yahay aniga. Ama haddaan iraahdo, «waxaan dilay libaax» wixii wax dilay waa aniga, wixii la dilayna waa libaax. Haddaanan wax falin, libaaxa lama dileen, haddaan libaax jirinna; wax dilidu ma jirteen, haddaanan jirinna falidu ma jirteen. Anigu iyo libaaxa waxaa noo dhexeeya (falid). Marka sidaas daraaddeed, anigu waxaan ahay fale, libaaxuna wuxuu yahay la-fale.
LA-FALE OO TIXO KU JIRA
Erayada mas, hilib, jiir, dersiga, hooyaday, muus, dugsiga, dukaan, geed, waxay ku tusaan in ay yihiin la-fale. Iyaga ayaa faliddii la faluhu ku dhacaday.
Ogeysiis:
La-falaha iyo falaha, waxaa u dhexeeya falid. Taasina waxay ka timaaddaa falidaha qaarkood. Falidahaas, waxaa lagu magacaabaa falidaha-gudbinta. Falidaha gudbinta, waxa weeye: cun, dil, baro, arag, samee, aad, gad, iibi, dhig, cab, sii, iyo ku-wa kale.
FALAHA QOFMAQABAHA (LA, LOO)
Falaha qof ma qabaha ahi, waa falihii wax falay oo aan la aqoon, amaba noqon kara falihii qof kasta. Falaha qofmaqabuhu (La, Loo) fale kasta ayuu ka joogaa oo aan la aqoon. Sidaas daraaddeed, waxaa lagu magacaabay qofmaqabaha. Qof-ma-qabaha (la, iyo loo) waxay ka joogi karaan keli iyo kooxba.
«Raggii loo yeer». Tixdaan waxaan ku aragnaa, in raggii loo yeeray. Qofkiise u yeeray, ma naqaan. Wixii u yeeray waa noqon karaan koox iyo keli. Raggii rag, waa u yeeri karaan, qofna waa u yeeri karaa, sidaas daraaddeed qof-ma-qabuhu wuxuu ka joogi karaa keli ama koox.
FALAHA QOFMAQABAHA OO TIXO KU JIRA
QAAB ERAYEEDKA AF SOOMAALIGA
Af Soomaaligu sida afafka qaarkood ma leh qaab erayeed. Taas waa mid uu kaga duwan yahay afafka qaarkood. Sidaas daraaddeed, tixaha Af Soomaaliga saddex siyaalood ayaa loo dhisi karaa.
I. Waxaa suurtowda in tixaha falidda lagu horumariyo, lafalahana lagu xijiyo, faldduna u danbayso sida tixahaan.
DHISMADA TIXAHA
| Fale | La-fale | Nagaadeyaalka | Falidda |
| Guleed | Libaax | ayuu | dilay |
| Warsame | Ukun | ayuu | cunay |
| Ilaaladii | ayax | ayay | sumaysay |
| Wiilku | Baabuur | ayuu | wadaa |
| Anigu | Warqad | ayaan | qoray |
| Ardadu | Dugsigii | ayay | aadaysaa |
| Hillaacu | dhulka | ayuu | iftiiminayaa |
| Beentu | dadka | ayay | ka nixisaa |
| Runtu | dadka | ayay | ka farxisaa |
| Kaahiye | raadiyaha | ayuu | dhegeystaa |
| Gabadhu | soor | ayay | karinaysaa |
| Idinku | wax | ayaad | barateen |
II. Waxaa suurtowda oo kale tixaha Af Soomaaliga, in la-falaha la horumariyo, nagaadeyaalkana lagu xijiyo, falidduna ku xigsato, magacuna ku xigo.
DHISMAHA TIXAHA
| La-falaha | Nagaadeyaalka (falaha) | Falid | Magaca (falaha) |
| libaax | ayuu | dilay | Warsame |
| Ukun | ayuu | cunay | Guleed |
| Ayax | ayay | sumeysay | ilaaladii |
| Baabuur | ayuu | waday | wiilkii |
| Warqaddii | ayaan | qoray | anigu |
| Dugsigii | ayay | aadaysaa | ardadu |
| Dhulka | ayuu | iftiimiyaa | hillaacu |
| Dadka | ayay | ceebaysaa | beentu |
| Raadiyaha | ayuu | dhegeystaa | Kaahiye |
| Soor | ayay | karinaysaa | gabadhu |
| Wax | ayaad | barateen | idinku |
| Dadka | ayay | ka nixisaa | runtu |
DHISMAHA TIXAHA
III. Waxaa kaloo haddana suurtowda in la-falahana la hormariyo, magacyadana lagu xijiyo, nagaadeyaalkuna ku xigsadaan, falidduna u danbayso.
| La-falaha | Magaca (fale) | Nagaadeyaalka (fale) | Falidda |
| Libaax | Warsame | ayuu | dilay |
| Ayax | Guuleed | Ayuu | sumeeyey |
| Warqad | anigu | ayaan | qoray |
| Baabuur | wiilku | ayuu | wadaa |
| Dugsiga | ardadu | ayay | aadaysaa |
| Dhulka | hillaacu | ayuu | iftiimiyaa |
| Dadka | runtu | way | ka nixisaa |
| Dadka | beentu | way | ceebaysaa |
| Raadiyaha | Kaahiye | wuu | dhegaystaa |
| Falaha magacuyaalka nagaadiyaha, ama managaadiyaha | Qodb. magacuyaalka nagaadiyaha, ama managaadiyaha | Jaangooyo xaaladleyda falaha | Nagaadiyaha | Falidda | La-falaha ama amagaca wa-u-go'an | Qodbaha | Jaangooyo xaaladleyda la-falaha |
| Guuleed | wuu | dilay | libaax | — | -ii | ||
| Ani- | -g- | -u | waxaan | aaday | Marka | — | — |
| Ciise | wuxuu | shubay | ceel- | -k- | -ii | ||
| Cabdi | — | — | wuxuu | keenay | alaab- | -t- | -ii |
| Iya- | -d- | -u | waxay | qortay | warqad- | -d- | -a |
| Hillaac- | — | u | wuxuu | iftiimiyaa | dhul- | -k- | -a |
| Iya- | -g- | -u | waxay | aadeen | Dugsi- | -ga- | -a |
| Warsame | — | — | wuxuu | akhriyay | buug- | -g- | -a |
| Xaali | — | — | waxay | cabbtay | shaah | — | — |
| Waraabi- | -h- | -ii | wuxuu | dilay | ha- | -sh | -ii |
| Macallin- | -k- | -u | wuxuu | dhigay | dersi- | -g- | -ii |
| Injiyeer- | -k- | -u | wuxuu | dhisay | guri- | -g- | -ii |
| Adi- | -g- | -u | waxaad | tagtay | baar- | -k- | -ii |
| Nin- | -k- | -u | wuxuu | waday | baabuur- | -k- | -ii |
| Hawcenay- | -d- | -u | waxay | xaaqday | aqal- | -k- | -ii |
| Raadiyu- | -h- | -u | wuxuu | sheegay | war- | -k- | -ii |
| Beeraley- | -d- | -u | waxay | fashay | beeri- | -h- | -ii |
| Wiil- | -k- | -u | wuu | keenay | lacag- | -t- | -ii |
| Xaliimo | — | — | waxay | karisay | soor | — | — |
| Inan- | -k- | -u | wuxuu | jebiyay | koomow- | -g- | -ii |
| Askeri- | -g- | -u | wuxuu | ilaalinayaa | banki- | -g- | -a |
| Gabadh- | — | -u | waxay | u socotaa | suuq- | — | -a |
| Wiil- | -k- | -u | wuxuu | ka shaqeeyaa | warshad- | -d- | -a |
| Ari- | -g- | -u | wuxuu | ka cabbayaa | balli- | -g- | -a |
| Ciidan- | -k- | -u | wuxuu | daafacayaa | dhul- | -k- | -a |
| Walaalkay | — | wuxuu | seexday | laba- | -d- | -a saac | |
| Xaas- | -k- | -u | wuxuu | ka qadeeyay | Huteel- | -k- | -a Jubba |
| Niman- | -k- | -u | waxay | galeen | shineema- | -d- | -a Shabeelle |
| Makaaning- | -g- | -u | wuxuu | fuulay | Fatuurad- | -d- | -ii |
LA-FALAHA QOF QABAYAALKA
Magacuyaallada managaadeyaalka ahi (aniga, adiga, isaga, iyada, idinka, iyaga) waxay fariistaan jagada lafalaha, inkastoo marmarka qaarkood laga digtoonaan karo iyaga. Hase yeeshee qofku markuu ku isticmaalo nagaadeyaal (waan, waad, wuu, way) iyo managaadeyaalka, tixda way adkeeyaan, sida «Anigu waan tegayaa maanta». Tixdaan waxaan ku isticmaalay managaadaha (anigu) iyo nagaadaha (waan) oo isla jira. Isla jiriddoodu waxay ku tustaa adkaynta tixda. Managaadeyaalku, waxay fariistaaan jagada falaha, sida (Anigu waan tegayaa», iyo jagada la-falaha; sida (Caasha waxay igu tiri aniga iska tag!) Tixdaan waxaad ku aragtaa, in erayga «aniga», uu fadhiyo jagada la-falaha. La-falaha qof qabeyaalka managaadeyaalku waxay qaataan xaaladda jaangooyada (-ii, -a) sida, «Isagu, wuxuu i yiri aniga iska tag»! ama «Isagu wuu i yiri anigii iska tag»! Sidaas daraaddeed managaadeyaalku aniga, adiga, isaga, iyada, idinka, innaga, iyaga); waxay noqdaan lafalaha qof qabeyaalka.
La-falaha qof qabeyaalku waxay u qaybsamaan saddex qaybood:
I. Qalbta lafalaha qof qabeyaalka managaadeyaalka (aniga, adiga, isaga, iyada, innaga, idinka, iyaga).
II. Qaybta lafalaha qof qabeyaalka:
III. Qaybta lafalaha qof qabeyaalka (i, ku, isaga, iyada, na, idin).
I. Lafalaha qof qabeyaalka managaadeyaalka (aniga, adiga, isaga, iyada, innaga, idinka, iyaga) oo tixo ku jira:
Ogeysiin:
Ogow, in lafalaha qof qabeyaalka managaadeyaalka laga deeqtoonaan karo oo tixahaas kor ku yaalla iyaga laga bixin karo. Markii iyaga laga bixiyo tixaha, macnahoodu doorsoomi maayo. Haddiise aan laga bixin iyaga tixaha, waxay ku tusayaan adkaynta tixaha.
III. Lafalaha qof qabeyaalka (i, ku, isaga, iyada, na, idin, iyaga) oo tixo ku jira:
(I) LAFALAHA QOFQABEYAALKA
| Keli | Koox |
| 1d (l. dh. ke.) ii | 1d (l. dh. ko.) noo (wadajir) |
| 2d (l. dh. ke.) kuu | 2d (l. dh. ko.) idiin (kala-jir) |
| 3d (l. ke) u(isaga) | 3d (l. dh. ko.) u(iyaga) (kala-jir) |
| 3d (dh. ke.) u-(iyada) |
(II) LAFALAHA QOFQABEYAALKA
| Keli | Koox |
| 1d (l. dh. ke.) i | 1d (l. dh. ko) na(wadajir) |
| 2d (l. dh. ke.) ku | 2d (l. dh. ko.) idin (kala jir) |
| 3d (l. ke.) Isaga | 3d (l. dh. ko.) iyaga (kala-jir) |
| 3d (dh. ke.) Iyada |
Ogeysiin:
La-falaha qof qabeyaalka qaybta labaad, falidaha ay raacaan waxaa weeye: keen, jebi, gad, iibi, dir, dhis, kari, shiil, amaahi, jeex, gorgori, naadi, dab, heensee, sheeg, kexee, kaydi, dhaq, fur, xir, aqool, loog, samee, iyo kuwa kale oo badan.
Lafalaha qof qabeyaalka qaybta saddexaad, falidaha ay raacaan waxa weeye: dheh, sii, gee, tus, jeclow, necbow, maqal, dhegayso, ximi, basaas, sheeg, fal, sixir, waal, dhib, lur, kexee, fuul, fariisi, dil, qaxar, wanaaji, bar, cayri, xishood, caraysii, farxi, calwi, nab, qayli, geesinimo-geli, ka nixi, ka baq, daa, ammaan-geli, ceebee, abaaldar, sir, wareeri, iyo kuwa kale oo badan.
Ogow in falidaha qaybta labaad oo qof qabeyaalka qaarkood iyo kuwa qaybta saddexaad qaarkood, inay geli karaan qayb walba. Falidaha qayb walba galaa, way badan yihiin. Falidahaasi waxa weeye: sheeg, amaahi, gee, samee, kexee, weyddii, fur, jebi, iibi, gad iyo kuwa kale oo badan.
Haddaan iraahdo: «Guriga i tus», iyo haddaan iraahdo; «Guriga wiilka ii tus». Labadaas tixood, macnaha way kala duwan yihiin, in kastoo tixuhu isu eg yihiin. Labadaas tixood, waxay ku kala duwan yihiin, waxa weeye, qof qabaha lafalaha (ii, iyo i,). Guriga wiilka ii tus, waxa weeye, asxaan ii samee, oo anigu ma tagi karee, adigu wiilka guriga ii tus. Qaybta labaad oo qofqabeyaalku waxay ku tusaan hawl qof-qof u qabanayo, amaba qof-qof asxaan u falaya. Waxaa kaloo haddana ka mid ah tixda «I gee guriga» iyo «Ii gee wiilka guriga» iyo «I amaahi lacag» iyo «Ii amaaho lacag» iyo «I sii shaah, iyo «Ii sii wiilka shaah».
QAYBTA X.
JAGO HORJOOGAYAASHA AF SOOMAALIGA
Jago horjoogayaasha Af Soomaaligu waxay ka horreeyaan falidaha, magacyadana, way ka danbeeyaan, amaba, way la xiriiraan. Sidaas daraaddeed, ayaa waxaa lagu magacaabay Jago horjoogayaalka. Jago horjoogayaalku markii ay keligood yihiin wax macna ah oo ay leeyihiin lama arko, markii ay tixda ku jiraanse, macno ayay leeyihiin, amaba ku tusaan. Haddaan iraahdo:
«Kaahiye wuxuu ku jiraa dugsiga». Erayga jago horjoogaha ahi (ku), wuxuu na tusayaa jagada Kaahiye joogo. Hawsha jago horjoogayaalku, waxa weeye, inay muujiyaan jagada wax keliya, tixdana, ay dhammaystiraan. Jago horjoogayaalku waxay u qaybsamaan saddex qaybood:
I. Kuwo magaca ka danbeeya amaba ka horreya.
II. Kuwo falidda ka horreeya amaba ka mid noqday xubinta falidda.
III. Kuwo falidda ku darsamay ee ka mid noqday falidaha.
I. Kuwo magaca ka danbeeya (guriga agtiisa, guriga gadaashiisa, guriga dhinaciisa, guriga korkiisa, guriga wareeggiisa, guriga kaadkiisa, guriga barbarkiisa, guriga geestiisa, guriga gasadiisa, iyo kuwa kale oo badan). Jago horjoogayaalka, waxaa gadaal ka raaca magacuyaallada lihiga (-ay, -aa -iisa, -eeda, -eenna, -ooda, -iinna).
JAGO HORJOOGAYAALKA MAGACA KA DANBEEYA
II. Jago horjoogayaalka falidda ka horreeya, amaba ka mid noqday xubnaha falidda oo ku jira tixo.
III. Jago horjoogayaalka falidda ka horreeya oo tixo ku jira (ka, ku soo, sii, la, u, ag).
Ogeysiin:
Jago horjoogayaalka falidda ka horreeya, waa laysku dari kaaraa. Markii laysku daro iyaga, si gooni ah ayaa loo dhigaa amaba loo akhriyaa. Taas, waxaa ka mid ah (ka+soo=kasoo, la+soo=lasoo, ku+sii=kusii, u+sii=usii, ka+ga=kaga, la+gu=lagu, u+ga=uga, u+gu=ugu, ku+soo=kusoo iyo kuwo kale).
JOGO HORJOOGAYAALKA FALIDDA KA HORREEYA OO LAYSKU DARAY
| Jago horjoogayaalka oo aan wax la xiriirin | Jago hogjoogayaalka ee aan welilaysku darin | Jago horjoogayaalka oo laysku daray | Tixda |
| ka | soo | kasoo | waan kasoo .......... |
| u | la | ula | waan ula .......... |
| ku | sii | kusii | wuu kusii .......... |
| ku | la | kula | way kula .......... |
| ku | soo | kusoo | waad kusoo .......... |
| ka | ka | kaga | waan kaga .......... |
| ku | ku | kugu | way kugu .......... |
| u | ka | ugu | wuu ugu .......... |
| u | ka | uga | way uga .......... |
| u | sii | usii | wuu usii .......... |
| u | soo | usoo | waan usoo .......... |
| Jago horjoogayaalka oo lasoo koobay | Jago horjoogayaalka oo ka abuurmay hal eray | Tixda iyaga oo ku jira |
| u, ku, soo | ugu soo | waxaan ugu soo qoray warqad |
| ku, la, soo | kula soo | waxay kula soo baxday caqli |
| u, la, sii | ula sii | wuxuu ula sii tegay Nuur |
| ka, ga, soo | kaga soo | waxaad kaga soo tagtay Marka. |
| Jago horjoogayaalkaan wax ula xiriirin | Jago horjoogayaalka ka abuurmay falido | Magacuyaallada nagaadiyeyaalka ah | laba jago horjooge oo is-raacsan | Summadda falidda |
| ka | hor | waan | ka horr- | eeyaa |
| ka | danb (e) | waad | ka danb- | -aysaa |
| ka | hoos | wuu | ka hoos- | -eeyaa |
| u | dhex | way | u dhex- | -aysaa |
| soo | dhexmar | waad | soo dhexmar- | -aynnaa |
| ka | wareeg | waad | ka wareeg- | -aysaan |
| la | dhinac | wuu | la dhinac- | -yahay |
| ku | dhexjir | way | ku dhexjir- | -taa |
QOFMAQABAHA QUDHAALAHA «IS»
Qof ma qabaha qudhaalaha (is), waa fale iyo lafalaha qof ma qabe ah, oo ka jooga qof aan la aqoon. Qof ma qabaha qudhaallaha (is), wuxuu ka joogaa muuqaasha qofka saddexaad keli iyo kooxda. Muuqaasha qofka saddexaad, waxay oggoshahay falidda uu ka horreeyo qof maqabaha qudhaaluhu. Sida, «iska tag adigu!) iyo (iska warrama idinku?)
Falaha qof ma qabaha qudhaalaha (is) oo tixo ku jira.
Lafalaha qof ma qabaha qudhaalaha (is) oo tixo ku jira
KU DHUFASAHDA ERAYGA
Af Soomaaliga sida Afafka qaarkood ku dhufashadu waa lagama maarmaan. Ku dhufasha la'aanteed, erayadu way isu ekaan lahaayeen. Markii laba eray isaga ekaadaan qoridda, waxaa lagu kala saaraa ku dhufashada (—). Ku dhufashadu magaca iyo falidda labadaba way gashaa, macnahana, way kala saartaa. Ku dhufadu (—) waa kala sooc dhawaaqeed, oo lagu muujiyo macnaha magaca. Ku dhufashadu waxay ku saabsan tahay erayga siimaantikadiisa Af Soomaaliga. Iyadu waxay kala bixisaa macnaha dheddignimada iyo labnimada erayga Af Soomaaliga.
Ku dhufashada oo erayo ku jirta
| Inan (l. ke.) | dameér (dh. ke). | daanyeer (l. ke.) |
| Inàn (dh. ke.) | dameer (l. ke. | daanyeér (dh. ke.) |
| Géed (l. ke.) | baqal (l. ke.) | faras (l. ke.) |
| Geéd (dh. ke.) | baqàl (dh. ke.) | fàras (dh. ke.) |
| Timir (l. ke.) | libaax (l. ke.) | wiyil (l. ke.) |
| Timìr (dh. ke.) | libàax (dh. ke.) | wiyìl (dh. ke.) |
| nayl (l. ke.) | waxar (l. ke.) | niring (l. ke.) |
| nàyl (dh. ke.) | waxàr (dh .ke.) | nirìng (dh. ke). |
| bahal (l. ke.) | qurun (l. ke.) | shinbir (l. ke.) |
| bahàl (dh. ke.) | qurùn (dh. ke.) | shinbìr (dh. ke.) |
Ogeysiin:
Ogow in afku uu isagu is dhiso maxaa yeelay, haddii ku dhufashada laga tego, haddana waxa jira si kale oo lagu kala saari karo erayada. Taasi, waxaa weeye: in lagu kala saari karo astaanta magaca (dheddigga amaba labka). Waxaa ka mid ah (inanka, inanta, geedka, geedda, wiyilka, wiyisha, waxarka, waxarta, baqalka, baqasha, timirka, timirta, nirigga, nirigta).
QOFMAQABAHA (LA, LOO) iyo HAWLAHOODA
Qofmaqabeyaalka (la, loo) waxay fariistaan jagada falaha, waxayna ka joogaan fale aan la aqoon. Qofma-qabeyaalka(la, loo) waxay ka joogi karaan keli amaba kadin. Iyagu qof kasta way ka joogi karaan, sidaas daraaddeed, waxaa lagu magacaabay qofmaqabeyaal. Erayga (wada) kadin muujiyaha, wuxuu raacaa qofmaqabaha (loo) sida badan, in kastoo qofmaqabaha (la), uu isna raaco erayga kadinlaha ah (wada).
Qof ma qabyaalka (la, loo) waxay oggol yihiin falidaha la xiriira. Falidaha gudbinta (sheeg, aqool, loog, keen, gee, samee) waxay raacaan qofmaqabaha (loo). Qofmaqabayaalka (la, loo) waxay raacaan falaha iyo lagu falaha qofmaqabaha qudhaalaha (is) iyo jogo horjoogayaalka (ka, ku, u, sii, soo).
QOFMAQABAHA (la) oo tixo ku jira
QOFMAQABAHA (loo)
Ogeysiin:
Qofmaqabaha (la), wuxuu ku tusaa qof kasta oo innaga naga mid ah. Qofmaqabaha (loo), wuxuu ku tusaa kadinnimo, amaba halnimo dad ah. Qof-maqabaha (loo), wuxuu ka abuurmay laba eray (la+u=loo).
QOFMAQABAHA (la, loo) QOFMAQABAHA QUDHAALAHA (is) IYO JAGO HORJOOGAYAALKA IYO KADINLAHA (wada)
Af Soomaaliga qofmaqabaha (la, loo) iyo qof maqabaha qudhaalaha (is) iyo jago-horjoogayaalka (ka, ku, la, sii, soo) way isku raaci karaan jiridda.
| Magacuy, qofqabey. lafalaha | Erayga qudhaalaha (is) iyo Q.M.q. (la, loo) | Qofqab. lafalaha | Jago horjoogayaalka | Erayga kadinlaha | Xiriiriye ah iyo diidaha (ma) | Dhammaantood oo laysku wada daray | Tixaha |
| — | -la- | -i- | -ka- | -wada | — | layga wada | layga wada dhac maalkii |
| na- | -la-is- | — | -ku- | -wada | — | nalaysku wada | nalaysku wada dir |
| — | -la-is- | -u- | — | -wada | — | laysu wada | laysu wada keen raggii |
| — | -la- | -ii- | — | -wada | — | lay wada | lay wada sheeg iyaga |
| — | -la-is- | — | -la- | -wada | — | laysla wada | laysla wada arag |
| na- | -la- | — | -ka- | -wada | — | nalaka wada | nalaka wada dareer |
| — | -la-is- | -u- | — | -wada | — | laysu wada | laysu wada diid xafiiskii |
| — | — | -ii- | -ku- | -wada | — | iigu wada | iigu wada sheeg iyaga hadalka |
| — | -la- | -ii- | — | ma | — | layma | layma dilin aniga |
| — | -loo- | — | -ka- | — | — | looga | looga teg meeshii |
| — | -la-is- | — | -ku- | -wada | — | laysku wada | laysku wada goo colkii |
| — | — | -i- | -ku- | — | ma | iguma | iguma diidin hadalkii |
| na- | -la- | — | -ku- | -wada | — | nalaku wada | nalaku wada yiri hadalkii |
| — | -la-is- | — | — | -wada | — | lays wada | lays wada bar xeeshii |
| na- | -la- | — | -ka- | -wada | — | nala ka wada | nala wada kexee nimankii |
| na- | -la- | — | -ka- | -la | — | nala kala | nala kala sooc. |
| — | -loo- | — | -ka- | -la | — | loo kala | loo kala bax nimankii |
KU CELISKA
II. Falidahaan ku dar summadihii timaaddo dhowidleyda.
III. Tixahaan waxaad u beddeshaa tixo diiddoley ah.
IV. Erayadaan ku dar erayga weydiinlaha ah (ma).
V. Ka jawaab weydiimahaan.
KU DAR TIXAHAAN FALE
VI. Ku dar Tixahaan Falid iyo la-Fale.
Toddoba tixood oo fale iyo lafale ku jiraan soo qor. Arday walba ha ku soo qoro guriga, hadal ay ku jiraan qofmaqabeyaalka (la, lo) iyo shan tixood oo uu ku jiro falaha iyo lafalaha qudhaalaha (is).
VII. Tixahaan ku dar Jago Horjoogayaalka ku habboon.
VIII. Ka jawaab Tixahaan.
Ka jawaab Hadalladaan
IX. Magacuyaalka Lafalaha saddexaad oo koox ah, tixuu ku jiro keen?
X. Ku dar Taxahaan Astaanta-dhammaadka Tagto Dareerto.
XI. Ku dar Tixahaan Gadaalraacyada sifaynta iyo Erayada Sifaynta:
XII. Ku dar Falidahaan Astaan ku dhammaadka Timaaddo fogey.
QAYBTA XI.
SHARIDLEY IYO XIRIIRIYAYAALKEEDA
Shardiley waa falid shardi leh oo ka abuuranta laba tixood oo laysu geeyey. Tixda hore waxay ku xiran tahay tan danbe, waxaana isku xira labada tixood erayada shardiga (haddii, kolkii). Haddii aad timaaddo, anna waan imanayaa». «Haddii lowgu ku wiiqo anna waan wakiyaa» (wiilwaal). Tixda hore, imaatinkaygu wuxuu ku xiran yahay imaatinkaaga. Tan danbana, low-wiiqmadaadu waxay ii soo jiidaysaa wakintayda. Wakintaydu waxay ku xiran tahay low-wiiqmadaada. Tixda hore, waa tixmadaxeed, tan danbana, waa tixshardiyeed, erayga shardiguna, waa «haddii».
XIRIIRIYEYAALKA SHARDILEYDA
Xiriiriyeyaalka shardileydu waa saddex.
1. Xiriiriyaha gooreynta oo shardileyda oo tixo ku jira.
2. Xiriiriyaha tixood (e) oo ku jira tixo.
3. Xiriiriyeyaalka Shardiga tixaha oo tixo ku jira.
Ogeysiin:
Ogow, in laba xiriiriye laysku dari karo. Sida (ayaa+waxaa)......
Gooraynta Shardileyda
Shardileydu waxay u qaybsantaa saddex goorood.
1. Timaaddo Shardiley oo ku jirta tixo.
2. Joogto shardiley oo tixo ku jira.
3. Tagto shardiley oo tixo ku jirta.
Ogeysiin:
1. Summad ku dhammaadka shardileydu, waxa weeye: (-o, -tid, -o, -to, -taan, -aan). Summad ku dhammadka joogto shardileyda iyo timaaddo shardileyda, waa summad ku dhammaadka halkaan kore, aan ka soo sheegay. Illowse, summad ku dhammaadka tagto shardileydu, waxa weeye (-lahaa, -lahayd, -lahaa, -lahayd, -lahayn, lahaydeen, -lahaayeen).
2. Xiriiriye tixoodka shardileyda (-e) oo la xiriira tixmadaxeedda, wuxuu ka abuurmaa falidda+e. Waxaa ka mid ah (aan tago+e=tagee idaa).
3. Erayada shardileyda (haddii, markii, kolkii, goorti, waaggii), waxay jiriddoodu u tahay tixaha lagama maarmaan. Erayadaasi, haddii aynan jiri lahayn, shardiley ma jirteen.
4. Xiriiriye tixoodka shardileyda (-e) wuxuu raacaa falidda tixmadaxeedka ku jirta (ha tago+e=ha tagee). Xiraariye tixoodka -ee), waxaa la weheliya nagaadeyaalka magaacuyaalka (-aa, -aad, -uu, -ay, -aan, -aad, -ay). Nagaadeyaalkaasi, way qaawan yihiin, oo wax horay kala xiriira ma jiraan. Nagaadiyeyaalkaas, waxaa ka soo horjeeda lafalaha qofqabeyaalka magacuyaalka (i, ii, ku, kuu, u, isaga, iyada, iyaga, idin, na, idiin, noo).
| Shardiley furan | Tuxmadaxeed | Tixshardiley |
| Joogto shardiley | Wuu shaqaysanayaa, | hadduu shaqo helo |
| Timaaddo shardiley | Wuu shaqaysan lahaa, | hadduu shaqo helo |
| Tagto shardiley | Wuu shaqaysan doonaa, | hadduu shaqo helo |
Diiddo shardiley.
| Shardiley furan | Tixmadaxee | Tixshardiley |
| Joogto sharidiley | Ma shaqaysanayo, | hadduu shaqo helo |
| Timaaddo shardiley | Ma shaqaysan doono, | hadduu shaqo helo |
| Tagto sharidiley | Ma shaqaysteen, | hadduu shaqo heli lahaa |
1. Joogto diiddo shardiley.
| Anigu ma shaqaysan-ayo, | markaan shaqo hel-o |
| Adigu ma shaqaysan-aysid, | markaad shaqo he-shid |
| Isagu ma shaqaysan-ayo, | markuu shaqo hel-o |
| Iyadu ma shaqaysan-ayso, | markay shaqo he-sho |
| Innagu ma shaqaysan-aynno, | markaan shaqo hel-no |
| Idinku ma shaqaysan-aysaan, | markaad shaqo he-shaan |
| Iyagu ma shaqaysan-ayaan | markay shaqo hel-aan |
2. Timaaddo diiddo shardiley.
| Anigu ma shaqaysan doon-o | haddii aan shuqul hel-o |
| Adigu ma shaqaysan doon-tid, | haddii aad shuqul he-shid |
| Isagu ma shaqaysan doon-o | haddii uu shuqul hel-o |
| Iyadu ma shaqaysan doon-to, | haddii ay shuqul he-sho |
| Innagu ma shaqaysan doon-no, | haddii aan shuqul hel-no |
| Idinku ma shaqaysan doon-taan, | haddii aad shuqul he-shaan |
| Iyagu ma shaqaysan doon-aan, | haddii ay shuqul hel-aan |
3. Tagto diiddo shardiley.
| Anigu ma shaqays-teen, | haddii aan shaqo heli-lahaa |
| Adigu ma shaqays-ateen, | haddii aad shaqo heli-lahayd |
| Isagu ma shaqays-teen, | haddii uu shaqo heli-lahaa |
| Iyadu ma shaqays-ateen, | haddii ay shaqo heli-lahayd |
| Innagu ma shaqays-anneen, | haddii aan shaqo heli-lahayn |
| Idinku ma shaqays-ateen, | haddii aad shaqo heli-lahaydeen |
| Iyagu ma shaqays-teen, | haddii ay shaqo heli-lahaayeen |
Ogeysiin:
Ogow, in summad ku dhammaadka joogto diiddo shardileydu tahay, keli (-ayo, -aysid, -ayo, -ayso,), iyo koox (-aynno, -aysaan, -ayaan) in summad ku dhammaadka timaaddo diiddo shardileydu tahay, keli (-o, -to, -tid, o,) iyo koox (-no, -taan, -aan), in summad ku dhammaadka tagto diiddo shardileydu tahay, keli haddii ay faliduhu ku dhammaadaan shaqal (-teen, ateen, -teen, -ateen), iyo koox (-anneen, -ateen, -een). Haddiise faliduhu ku dhammaadaan shibbane, summad ku dhammadka tagto diiddo shardileydu tahay, keli (-een, -teen, -een, -teen) iyo koox (-neen, -teen, -een). Summadahaas oo idilu waa summad ku dhammaadka tixmadaxeedka shardileyda, summad ku dhammaadka tixshardileydu, iyana waa sidaas oo kale, mid keliya ma ahee. Taasina waa summad ku dhammaadka tixshardileyda (keli) waxa weeye (-lahaa, lahayd, -lahaa, -lahayd), kooxduna waxa weeye (-lahayn, -lahaydeen, -lahaayeen).
QAYBTA XII.
FALKAAB
Falkaabku waa erayo wax muujiya. Erayada falkaabku waxyaalo kala geddisan, ayay muujiyaan. Erayadaas qaarkood, waxay muujiyaan meel, qaarkoodna wuxuu muujiyaa goor, qaarka kalena wuxuu muujiyaa si, amaba qaab. Sidaas daraaddeed, ayaa waxaa lagu macaabay tusayaal falkaab. Intaas keliya ma ahee, haddana, waxaa falkaab jira muujiya jimayn, iyo dan iyo sabab. Sidaas daraaddeed, tusmada falkaabku waxay u qaybsantaa siddeed.
I. Falkaab Gooreed.
Goortii, kolkii, markii, waagii, maalintii, sannaddii, qarnigii, gelinkii, toddobaadkii, saacaddii, fiidkii, cashadii, aroortii, galabtii, duhurkii, harkii, maqribkii, casarkii, galab-gaabkii, barqadii, daqiiqadii, gugii, xagaagii, dayrtii, jiilaalkii, saqdiidhexe, waaberigii, qorrax-dhicii, diraacdii, abaartii iyo kuwa kale.
II. Falkaab meeleed.
Halkaan, halkaas (halkaa), halkeer, meesha (meel), hortii, gadaashii, hoostii, korkii, meel walba, meeluun, meel kasta, dhexda, dhinaca, barbarka, geesta, meel fog, meel dhow, meel ku dhow, meel ka fog, xaggii, xag kasta, xag walba, gasada, kaadka, gundhigga, saldhigga, meel ka meel, dhinac ka dhinac, gees ka gees, goobtii, iyo kuwa kale oo badan.
III. Falkaab siyeed, ama qaabeed.
Si, sidii, aad iyo aad, degdeg, aad, aayar, durbaba, waa yahay, waa hagaag, waa run, waa been, waa la arkaa, way suurtowdaa, way noqotaa iyo kuwo kale.
IV. Falkaab qiyaaseed.
In yar, in badan, wax yar, wax badan, in weyn, in fudud, in culus, wax culus, wax fudud, xig, (kistoo), goror, iyo kuwa kale oo badan.
V. Falkaab weydiimeed.
Erayada falkaabka weydiimeed waxay ka dhasheen wax weydiis (weydiïnléy), meeqa, intee, intee-jeer (imisaa-jeer, meeqa-jeer) xigtẹe (kistee), iyo kuwa kale.
VI. Falkaab daneed.
Falkaabka daneed, waxaa ka dhashay weydiinley: Maxaa dhacay? Ma kas iyo kama baa? Maxaad ula dan leedahay? Maxaad ka waddaa? Maxaad u dan leedahay? Falkaabka daneed eray iyo tixba waxay muujiyaan danta qofka hadlaaya uu ka leeyahay hadalkiisa. Waxaa ka mid ah: Ashkir, wuxuu u yimid, inuu shaqeeyo maanta. Tixdaasi, waxay ku tustaa imaatinka Ashkir in dani ku jirto. Falkaabka daneed (sidaas daraaddeed), isaguna wuxuu muujiyaa sabab iyo dan.
VII. Falkaabka ka horjeedaha ah.
Wuxuu muujiyaa suurtoobid. Qof hadlayaa, marmarka qaarkood wuxuu ku hadlaa erayo uu ku muujinayo suurtoobid, amaba wax dhici kara. Erayada suurtowga muujiyaa waa: hase yeeshee, inkastoo, si kastaba, wax kastaba, si walba, illowse, iyo kuwa kale.
FALKAABYO TIXO KU JIRA
I. Falkaabyo gooreed oo tixo jira.
II. Falkaabka meeleed oo tixo ku jira.
III. Falkaabka Siyeed oo tixo ku jira.
IV. Falkaabyo Qiyaaseed oo tixo ku jira.
VI. Falkaabyo Daneed oo tixo ku jira.
VII. Falkaabyo ka horjeede oo tixo ku jira.
QAYBTA XIII.
ABUURIDDA MAGACYADA CUSCUSUB
Eray abuuriddu Af Soomaaliga, way ku badan tahay sida afafka kale. Waagii kasta, erayo cusub ayaa ku biirsama Af Soomaaliga. Erayadaasi waxay noqon karaan, erayo ku saabsan horukaca dalka Soomaalida iyo gaddoonka dhaqanka Soomaalida heer kasta. Ku hadalka erayadaasi, kuma badna dhaqanka dadka Soomaalida ah, taasina, waxaa sabab u ah in afka Soomaalidu uunan u helin awood uu kaga koro amaba uu kaga baxsado afafka isaga ciriiriga ku haya, amaba halis weyn u noqday horukiciisa, waa walba iyo qarni kasta. In kastoo dhibaatadaasi jirtay, haddana afku wuu iska luudayey oo wuu rafanayey. Abuuridda erayada cuscusubi, uguma badna sida afafka horumaray, taasina waa qorid la'aanta iyo xoogag dhaqameed oo isaga dibudhac ku riday.. Sidaas daraaddeed, eray abuuriddu gadaal shisheeye oo isu kaashaday. Sidaas daraadeed, eray abuuriddu gadaal ayay uga dhacday Af Soomaaliga. Eraya abuuriddu waa astaan ku xiran gaddoonka dhaqanka dadka, iyo horukicidda dalka dhinaca farsamada iyo dhinaca teknooloojiga iyo aqoonta. Eray abuuriddu waxay ka abuurantaa amase ka soo dhalataa laba magac oo laysu geeyay macno hor lehna ku tusa. Eray abuuriddu waa lagama maarmaan si walba. Erayada abuuriddoodu siyaalo badan ayay ku soo dhashaan.
I. Magac falid loo geeyay iyo gadaalraace.
II. Magac, magac loo geeyey iyo gadaalraacaha qofka.
III. Magac loo geeyey gadaalraacaha qofka iyo qodobka magaca.
QAYBTA XIV.
KU DHUFASHADA FALIDDA
Ku dhufashada falidda Af Soomaaliga waxay ku tahay lagama maarmaan. Ku dhufashadu haddaynan jirin lama kala bixiyeen falidaha qaarkood, ku dhufashada ayaan ku kala saarnaa tagtada iyo farriinleyda. Ku dhufashadu, waxay leedahay macno siimaantig ah. Sida aad halkaan ku aragto ku dhufashada keliya, ayaa kala saari karta labada macnood oo isku si erayadooda loo dhigo, in kastoo labada falidood ay kala duwan yihiin.
TIXAHAAN GAAGAABAN AKHRI OO KU DHUFASHADA KALA BIXI
| Farriinleyda | Tagtada |
| la-kàalay! | la kaalày! |
| kéen! | keén! |
| àrag! | aràg! |
| samée! | sameé! |
| àkhri! | akhrì! |
| gée! | geé! |
| bìxi! | bixì! |
| is tàag! | is-taàg! |
| jébi! | jebì! |
| ìlaali! | ilaalì |
| kexée! | kexeé! |
Eray falideed oo ku dhufasho ah oo tix u dhigma
| Wyediinley | Sugidley (jawaan gaaban) |
| Adigu ma aragtay wiilkii? | arkày! |
| Isagu ma arkay wiilkii? | aràg! |
| Iyadu ma aragtay wiilkii? | aràgtay! |
| Innagu ma aragnay wiilkii? | aràgnay! |
| Idinku ma aragteen wiilkii? | aràgte! |
| Iyagu ma arkeen wiilkii? | arké! |
| Adigu ma cuntay hilibkii? | cùnay! |
| Isagu ma cunay hilibkii? | cùn (cunyày!) |
| Iyadu ma cuntay hilibkii? | cùntay! |
| Innagu ma cunnay hilibkii? | cunnày! |
| Idinku ma cunteen hilibkii? | cunté! |
| Iyagu ma cuneen hilibkii? | cuné! |
| Adigu ma maqashay hadalkii? | maqlày! |
| Isagu ma maqlay hadalkii? | maqàl (maqalyey!) |
| Iyadu ma maqashay hadalkii? | maqashày! |
| Innagu ma maqalnay hadalkii? | maqàlnay! |
| Idinku ma maqasheen hadalkii? | maqashé! |
| Iyagu ma maqleen hadalkii? | maqlé |
LABANLAABKA FALIDAHA
Falidaha Af Soomaaliga waa la labanlaabaa. Labanlaabidda faliduhu waxay ku tustaa hawsha adkaynteeda iyo kooxaynteeda. Falidda labanlaabkeedu wuxuu ka abuurmaa xaraf qaybinta hore oo falidda. Markii falid la labanlaabayo xaraf qaybinta hore oo falidda ayaa lagu daraa falidda; sidaan oo kale (celi saca) cel + celi = celceli saca) hawshaas, celceliska ahi, waxay ku tusaysaa hawl dhowr jeer la celceliyey intii laga gaaro dantii laga lahaa.
Falidaha Labanlaabma oo Tixo Ku jira
| Keli | Koox |
| Beerta fal! | beerta falfala! |
| hilibka liq! | hilbaha liqliqa! |
| sheeg hadalka! | sheegsheega hadalka! |
| soo noqo maanta! | soo noqnoqda maanta! |
| guriga xir! | guryaha xirxira! |
| way wadday baabuurkii! | way wadwadday baabuurkii! |
| waan tiriyaa lacagta! | waan tirtiriyaa lacagta! |
| waxaad soo marteen guri! | waxaad soo marmarteen guryo! |
| alaabti ayuu isugeeyey! | alaabihii ayuu isugeegeeyey! |
| daaqadaha tir! | daaqadaha tirtira! |
| ninka bal eeg! | nimanka bal eegeega! |
| ha kuududin meel! | ha kuudkuudina meelo! |
| waan ku socday jidka! | waan ku socsoconnay jidadka! |
| way ku wareegtay aqalka! | way ku warwareegeen aqallada! |
| meesha geelu fariisto! | meesha geelu farfariisto! |
| gorgor waa fariisan! | gorgor waa farfariisan feero waa kala jeex! (calikaar) |
QAYBTA XV.
TIRADA AAN QAABKA LAHAYN
Tirada Af Soomaaliga way ku sahlan tahay sidii lagu abuuri lahaa. Markii wax la tirinayo, tirada waxaa laga bilaabaa, kow, labo, saddex, afar,..... illowse, markii tiradu mid keliya tahay, waxa la yiraahdaa, «waa hal shilin»» ee lama yiraahdo: «waa kow shilin». Sidoo kale, markii tiriska la bilaabayo, waxaa laga bilaabaa (kow) ee lagama bilaabo (hal).
Afka Soomaaliga intii ka bilaabata labo, kuna, dhammaata bilyan waa koox. Magac kasta oo tiris ah oo koox ah, magaca kale oo la xiriiraa isna waa koox. Taas, waxaa ka mid ah, haddaan iraahdo «iyagu waxay joogaan saddex guryood», amaba «Iyagu waxay leeyihiin bilyan (guri guryood). Af Soomaaliga waxaa ka suurtowda laba siyood, markii wax la tirinayo. Waxaa la dhiri karaa (kowiyo toban, labiyo toban, saddex iyo toban) amaba (toban iyo kow, toban iyo labo, toban iyo saddex). Dadku qof kastaa, siduu jecel yahay ayuu wax u tiriyaa. Haddii kowaadka laga bilaabo gaf ma aha, haddii tobanaadka laga bilaabana gaf ma aha.
Gadaalraacayalka tireed.
Magaca kooxda ah oo raaca tirada kooxda; waxaa lagu aqoonadaa gadaalraacaha kooxda tirada. Magacu hadduu ku dhammaado gadaalraacaha kooxda magaca (o, geed-o), ama (-yo, gur-yo), waxaa raaca gadaalraacaha tirada kooxda (-ood, yood), lix iyo toban riyood, waxaan ku jiraa lix qawlad-ood, amaba, waxaan soo maray shan gur-yood). Sidoo kale, shan naagood, boqol gabdh-ood. Magacyada kooxda ahi, oo raaca tirada kooxda ah, waxay ku haraan sidaas; gadaalraacyadooduna, waxa weeye: (-yow, -yin, oyin, -yaal, iyo kooxda labanlaabanta.
Xiriiriyaha (oo) ee tixda, ayaa tirada kooxda ah, iyo magaca kooxda ah raaca. Markaas kaddib magacyadu, waxay noqonayaan sifayn. Taas waxaa ka mid ah, haddaan iraahdo: «Iyagu waxay leeyihiin boqol guri (-yood) oo waaweyn». «shan gabdhood oo dhaadheer, ayaa yimdi». Xiriiriyaha (oo) iyo magaca kooxda oo ka danbeeya, waxay ku tusaan sifayn (-oo waaweyn, -oo dhaadheer). Sifayntu waxay ku saabsan tahay tirada iyo magacyada tirsan.
TIRADA QAABKA LEH
Tirada qaabka luhu, iyadu way ka duwan tahay tirada kale. Waxay kaga duwan tahay qoridda iyo akhriska, hase yeeshee, abuuriddeedu ma leh dhib. Markii la abuurayo tirada (kow, labo, saddex, afar, shan, lix, toddoba, siddeed, sagaal, toban), ayaa waxaa lagu daraa gadaalraacaha tirada qaabka leh (-aad); gadaalraacaha tiradu wuxuu ka raacaa magacyada tirada qaabka leh gadaal. Gadaalraacaha markaas kaddib ayaa waxaa raaca qodobka magaca (-ka). Hadda, waxaad arkaysaa qoristooda iyo akhriskooda:
QAYBTA XVI.
MAGACUYAALLADA AF SOOMAALIGA
Sida la og yahay, magacuyaallada Af Soomaaligu waxay u qaybsamaan sagaal qaybood:
1.
| Falaha | La-Falaha |
| Anigu | Aniga, i, ii, |
| Adigu | Adiga, ku, kuu, |
| Isagu | Isaga, u, iyada, iyaga, |
| Iyadu | Iyada, |
| Innagu | Innaga, na, noo, |
| Idinku | Idinka, idin, idiin, |
| Iyaga | Iyaga. |
2. Magacuyaalka qudhaalaha (is).
| Falaha | La-falaha |
| Anigu (laftaydu, qudhaydu) | Aniga (laftayda, qudhayda) |
| Adigu (laftaadu, qudhaadu) | Adiga (laftaada, qudhaada) |
| Isagu (laftiisu, qudhiisu) | Isaga laftiisa, qudhiisa) |
| Iyada (lafteedu, qudheedu) | Iyada (lafteeda, qudheeda) |
| Innagu (lafteennu, qudheennu) | Innaga (lafteenna, qudheenna) |
| Idinku (laftiinnu, qudhiinnu) | Idinka (laftiinna, qudhiinna) |
3. Magacuyaalka lihiga.
| Falaha | La-falaha |
| aqalkaygu | Aqalkayga |
| Aqalkaagu | Aqalkayga |
| Aqalkiisu | Aqalkkiisa |
| Aqalkeedu | Aqalkeeda |
| Aqalkeennu | Aqalkeenna |
| Aqalkiinnu | Aqalkoodu |
| Aqalkoodu | Aqalkiinna |
Ogow, in Magacuyaalka lihigu uu ka abuurmo magac kasta. Magacyadaas, waxaa raaca gadaalraacaba lihiga.
4. Magacuyaalka Tilmaaneed.
| Keli | Koox |
| kan (lab) | kuwaan kuwa + kan (dh. l.) |
| tan (dheddig) | kuwaas (dh. l.) |
| kaas (lab) | |
| taas (dheddig) | kuweer (dh. l.) |
| kanoo kale (l.) | |
| teer (dheddig) | |
| tanoo kale (dh.) | kuwaanoo kale (dh.) |
| taasoo kale (dh.) | kuwaasoo kale (dh. l.) |
| keeroo kale (l.) | kuweeroo kale (dh. l.) |
| teeroo kale (dh.) |
5. Magacuyaalka xadaysan (is).
Magacuyaalka xadaysan (is) waxaa gadaal ka raaca gadaalraacyada lihiga. Sidaas daraaddeed, wuxuu u eg yahay magacuyaalka qudhaalaha (lafta, nafta, qudha).
Magacuyaallada xadaysan ama jaango'an, waxaa kaloo la weheliya magacuyaallo jaango'an. Iyagu waxa weeye:
Wax kasta, qof kasta, mid kasta, kuwo kasta, nin kasta, rag kasta, naag kasta, dad kasta, iyo kuwa kale oo badan.
6. Magacuyaallada weydiinleyda ah.
7. Magacuyaalka tixaha isku xira amaba ku jiri kara tix la wada og yahay.
8. Magacuyaalka diiddaalaha.
qofna, waxna, waxbaba, waxba, midna, ninna, tuna, kuwana, dadna, ragna, kuna, gurina, geedna.
Ogow, magacuyaalka diiddaaluhu wuxuu raacaa erayada diiddoleyda (ma iyo summad dhammaadka diiddoleyda falidda (-in).
9. Magacuyaalka aan xadaysnayn amaba aan jaangooyo lahayn.
qof, mid, wax, waxuun, ku, tu, kuwo, nin, dad, miduun, ninuun, naaguun iyo kuwo kale.
GADAALRAACYADA MAGACYADA AF SOOMAALIGA
Gadaalraacyada magacyadu waxay ka mid yihiin xubnaha erayada. Eray markuu abuurmo, wuxuu ka abuurmaa xubno dhawr ah. Xubnahaas waxaa ka mid ah salka iyo laanta iyo summad dhammaadka iyo qodobka magaca iyo jaangooyo xaaladleyda magaca amaba gadaalraacaha magaca. Gadaalraacyada magacu waxay gadaal ka raacaan magacyada aan wax u gooni ahayn horay amaba dhexda. Sida afafka kale, Af Soomaaligu wuxuu leeyahay gadaalraacyo ku tusaya qof ama wax kale. Sidaas daraaddeed qaybta gadaalraacuyadu waxay u qaybsamaan lix qaybood.
I. Gadaalraacyada magacyada labka ah qaybtooda:
II. Gadaalraacayada Magacyada Dheddiga ah qaybtooda.
Ogow inay jiraan gadaalraacyo kale oo nooga yimid afafka shisheeyaha siiba afka Talyaaniga iyo kan Ingiriiska, gadaalraacyadaasi, waxaa weeye:
Gadaalraacyadaasi waa inta la hubo inay Afka Soomaaliga soo galeen oo ay ka soo galeen afafka shisheeyaha, loona baahnaa, in laga bixiyo erayadaas afka Soomaaliga, maxaa yeelay, gadaalraacyadaasi waxay ka dhigayaan afkeenna hodan iyo deeq. Af gooni u istaagi karaa ma jiro adduunka. Af walba, af kale ayuu ka amaahdaa erayada. Sidaas daraaddeed, afafku way isu baahan yihiin. Sidoo kale erayadii Af-Carabiga naga soo galay, afkeenna hodan ayay ka dhigayaan, oo waa inaan u qaadanno erayadaas, sidii dadku u yaqaanno, innaga oo aan marna halmaamayn in afku isagu uu is-dhiso, oo uu yahay wax dhaqanka ku saabsan.
III. Gadaalraacyada magacyada qaybtooda:
IV. Gadaalraacyada magacyada labanlaabma qaybtooda:
V. Gadaalraacyada magacyada la sii kooxeeyey qaybtooda:
VI. Gadaalraacyada magacyada duugoobay:
QAYBTA XVII.
SHAQALLADA (O, A) OO ORDA
Af Soomaaligu sida afafka qaarkood, wuxuu leeyahay shaqallada «O» iyo «A» ee ordaa, waxayna ka galaan falidaha ku dhammaada (l) dhexda, iyo magacyada ku dhammada (l). Erayadaasi, waxay yihiin laba xubnaleyda. Sida (hadal), (maqal) (shuqul). Erayadaan sidaad ku aragtid (a)-du waxay kaga jirtaa erayga dhexda. Illowse haddii falidaha (hadal, maqal) summad dhammaad la raacsiiyo, (a)-du, meesha way ka baxaysaa oo jagadeedii way ka ordaysaa. Sidoo kale (o)-duna, waxay ka gashaa erayga dhexda, sida aad halkaan ku aragtid (orod). Illowse, haddii summad dhammaadka lagu daro, (o)-dii jagadeedii way ka tegaysaa (ord-ayaa, hadl- ayaa shuqlan yahay).
DAREENKA (Dareenleyda)
Erayda dareenku waxay ku tusaan dareen inuu dhaco loo maleeyo. Erayadaasi, waxay tixaha ka galaan horay amaba gadaal. Sida ay u badan yihiin, erayadaasi waxay isku xiraan laba tixood, inkastoo ay tix geli karaan. Erayada dareenku waxa weeye:
Show, sow, mindhaa, armaa. Erayadaasi markii labada tixood ay isku xiraan ayay kaddibna macno u yeelaan tixaha. Iyaga waxaa raaca erayga «Haddii». Erayada dareenka oo tixo ku jira.
Ogeysiin:
Erayada dareenku waxay isku xiraan laba tixood. Tixda danbe, waxay ku xiran tahay tan hore. Taas, waxay uga eg yihiin shardileyda, maxaa yeelay labada tixood way isku xiran yihiin. Haddayan tan hore jiri lahayn, tan kalena ma jirteen. Sidaas daraaddeed, waxay uga eg yihiin hawl qabadkooda shardiley.
SUGEYAALKA (waa, baa, ayaa, yaa)
Sugeyaalku waxay sugaan hadalka oo adkeeyaan. Tix kasta oo ay ku jiraan erayadaasi, wax sugan weeye. Sidaas daraadeed, waxaa lagu magacaabay sugeyaal. Sugeyaalku waxay sugaan hawsha la qabanayo. Sugeyaalka (baa, ayaa, yaa), waxay sugaan qofka shaqadiisa, illowse ma sugaan qofka qudhiisa. Sugaha (waa), wuxuu sugaa qofka iyo hawshiisa labadaba. Haddaan iraahdo: «aqal ayaa (aa, yaa) gubtay!». Tixdaasi waxay ku tusaysaa inay sugan tahay aqalka gubashadiisu lamase yaqaan aqalkii gubtay. Haddaanse iraahdo: aqalkii waa (wuu) gubtay» gubashada iyo aqalkuba, way sugan yihiin. Sidaas daraaddeed, waxaan ogaannay in erayga sugaha ah (waa) uu wax sii suge yahay. Marka sugeyaalka (baa, yaa), waxay yihiin sugeyaal.
Sugeyaalka:
WAX SII SUGAHA
| Baa | Ayaa (yaa) | Waa |
| Naag baa timid | Naag yaa timid | Naag waa timid |
| Aqal baa gubtay | Aqal ayaa gubtay | Aqal waa gubtay |
| Geel baa lumay | Geel ayaa lumay | Geel waa lumay |
| Dugsi baan galay | Dugsi ayaan galay | Dugsi waan galay |
| Soor buu cunay | Soor ayuu cunay | Soor wuu cunay |
| Guri baa dumay | Guri ayaa dumay | Guri wuu dumay |
| Koob baa jabay | Koo ayaa jabay | Koob wuu jabay |
| Geed baa ruqay | Geed ayaa ruqay | Geed waa ruqay |
| Askar baa timid | Askar ayaa timid | Askar waa timid |
| Rag baa shiray | Rag ayaa shiray | Rag waa shairay |
VIII. FARRIINLEY.
Farriinleydu waa falid qofka hadlaya uu farriin farayo qofka lala hadlayo; qofka lala hadlayo, wuxuu noqdaa qofka saddexaad oo keliya iyo qofka saddexaad oo kooxda ah. Farriinleydu waxay ka abuurantaa erayga salkiisa. Erayga salkiisa iyo farriinleydu waa isku hal. Farriinleydu waxay u qaybsantaa saddex farriinley.
Farriinleyda sahlan
| Keli | Koox |
| Sheeg hadalka | Sheeg-a hadalka |
| Liq hilibka | Liq-a hilibka |
| Keen qalinka | Keen-a qalimada |
| Iska jir ninka | Iska jir-a nimanka |
| Cab biyaha | Cabb-a biyaha |
| Ku kuf meesha | Ku kuf-a meesha |
| Kala sooc xoolaha | Kala sooc-a xoolaha |
| Ka bax guriga | Ka bax-a guryaha |
| Wad baabuurka | Wad-a baabuurrada |
| La kaalay biyo | La kaalay-a biyo |
Farriinleyda qudhaleyda
| Keli | Koox |
| dhagays-o hadalka | dhageys-ta hadalka |
| seex-o guriga | seex-da guryaha |
| sheeg-o dacwada | sheeg-ta dacwada |
| wad-o baabuurka | wa-ta baabuurrada |
| xool-o sooco | xoolo sooc-da |
| keen-o ilmaha guriga | keen-ta ilmaha guriga |
| dil-o biciid | di-sha biciidyo |
| fur-o albaabka | fur-ta albaabka |
| fariis-o halkaan | fariis-ta halkaan |
| dheh-o tixdaada | iraah-da tixihiinna (dheh-da) |
| ku soc-o jidka | ku soc-da jidadka |
| faro xal-o | faro xa-sha |
Farriinleyda adag
| Keli | Koox |
| maqa-shii ninka hadalka | maqashii-ya nimanka hadalka |
| gelin-sii nimanka xaajada | gelinsii-ya nimanka xaajada |
| farii-sii ragga | fariisi-ya ragga |
| fuul-i wiilka baabuurka | fuuli-ya wiilasha baabuurka |
| i dhac-sii hadalka | na dhacsii-ya hadalka |
| ii ilaal-i guriga | noo ilaali-ya guryaha |
| iska kay daa | iska kaaya daa-ya |
| ful-i xaajada | fuli-ya xaajada |
| ka shaqay-sii nimanka | ka shaqaysii-ya nimanka |
| i wargel-i (aniga) | na wargeli-ya (innaga) |
| ka yeer-i buunka | ka keeri-ya buunka |
| ka caray-sii ninka | ka caraysii-ya nimanka |
| hagaaj-i guriga | hagaaji-ya guryaha |
| wanaaj-i martida | wanaaji-ya martida |
| seex-i carruurta | seexi-ya carruurta |
Ogeysiin:
1. Ogow, in farriinleyda sahlani ay midaynta ku dhammaato shibaaneyaasha (-g, -q, -n, -r, -s, -b, -f, -d, -x, -y), (bar shibbanaha, -w, bar shaqallada (y). Keliyeyna farriinleyda sahlani waxay leedahay summad dhammaad. Kooxda farrinleyda sahlani waxay leedahay summad dhammadka kooxda (-a) oo qofka saddaxaad oo kooxda ah oo lala hadlayo; sida (tag) (ke.) tag-a (ko.).
2. Ogow, in farriinleyda qudhaaleyda keli ku dhammaato shaqalka (-o), farriinleyda keli ee qudhaaleydu waxay leedahay summad dhammaadka (-o). Kooxaynta farriileyda qudhaaleydu waxay leedahay summad dhammaadka kooxda (-ta), markii faliduhu ku dhammaadaan shaqalka (-o) iyo shibbaneyaasha (-g, -s, -n, -r, b, -f) haddiise faliddu ku dhammaato shaqalka (-l) kooxda farriinleyda qudhaaleydu waxay yeelataa summad dhammaadka kooxda (-sha), sida (dil-o, di-sha). Markiise faliduhu ku dhammaadaan shibaneyaasha (-c, -q, -x, -d, -h, -y, -w) kooxda farriinlyeda qudhaaleydu waxay noqotaa (-da), sida (sooc-o, -sooc-da).
3. Ogow, in farriinleyda adagi, keliga ay ku dhammaato, (fallar falideedka (-sii), markii faliduhu ku dhammaadaan shaqallo iyo shibbaneyaasha (-c, -q, -x, -d, -h, -y) (bar shibbanaha ah), (-w, bar shibbanaha ah), keliya farriinleyda maqashii-ya, adagu waxay noqotaa falidahoo idil (-ya), sida shaqaysii-ya, fariisi-ya, fuuli-ya, ka shaqaysii-ya, ka caraysii-ya).
Diiddoleyda Farriinleyda sahlan
| Keli | Koox |
| ha sheeg-in hadalka | ha sheeg-ina hadalka |
| ha liq-in hilibka | ha liq-ina hilbaha |
| ha keen-in qalinka | ha keen-ina qalimada |
| hayska jir-in ninka | hayska jir-ina nimanka |
| ha cabb-in shaaha | ha cabb-ina shaaha |
| ha ku kuf-in meesha | ha ku kuf-ina meesha |
| ha kala sooc-in xoolaha | ha kala sooc-ina xoolaha |
| ha ka bix-in guriga | ha ka bix-ina guryaha |
| ha wad-in baabuurka | ha wad-ina baabuuradda |
| ha lakaalay-in biyo | ha lakaalay-ina biyo |
Diiddoleyda farriinleyda qudhaaleyda
| Keli | Koox |
| ha seex-an (nin)guriga | ha seexan-nina guriga |
| ha dhegays-an hadalka | ha dhegaysan-nina hadallada |
| ha sheeg-an (nin) dacwada | ha sheegan-nina dacwada |
| ha wad-an baabuurka | ha wadan-nina baabuuradda |
| ha sooc-an xoolo | ha soocan-nina xoolo |
| ha keen-in ilmaha guriga | ha keen-ina (keenin-nina) |
| ha dil-an biciid | ha dilan-nina biciidyo |
| ha fur-an albaabka | ha furan-nina albaabyada |
| ha farii-san halkan | ha fariisan-nina halkaan |
| ha ku soc-on jidka | ha ku socon-nina jidadka |
| ha faro xal-an | ha faro xalan-nina |
| ha dhah-an tixdaa | ha dhahan-nina tixahiinna |
Diiddoleyda farriinleyda adag
| Keli | Koox |
| ha maqashii-n ninka hadalka | ha maqashiin-nina ninka hadalka |
| ha gelinsii-n nimanka xaajada | ha gelinsiin-nina nimanka xaajada |
| ha fuul-in baabuurka wiilasha | ha fuulin-nina wiilasha baabuurta |
| hay dhacsii-n hadalka | ha na dhacsiin-nina hadalka |
| hay ilaal-in guriga | ha noo ilaalin-ina guryaha |
| hays kakay dey-n | hayska kaayo deyn-nina |
| ha ful-in xaajada | ha fulin-nina xaajada |
| ha ka shaqaysii-in nimanka | ha ka shaqaysiin-nina nimanka |
| hay war gel-in (aniga) | ha na war gelin-nina (innaga) |
| ha ka yeer-in buunka | ha ka yeerin-nina buunanka |
| ha ka caraysii-n ninka | ha ka caraysiin-nina nimanka |
| ha hagaaj-in guriga | ha hagaajin-nina guryaha |
| ha wanaaji-in martida | ha wanaajin-nina martida |
| ha seex-in carruurta | ha seexin-nina carruurta |
Ogeysiin:
1. Ogow, in diiddoleyda farriinleyda sahlani keliyeynta ay leedahay summad dhammaadka diiddo farriinleyda sahlan (-in) kooxayntuna ay leedahay summad dhammaadka diiddo farriinleyda sahlan (-ina).
2. Ogow, in diiddo farriinleyda qudhaaleydu, keliyeynta ay leedahay summad dhammaadka diiddo farriinleyda qudhaaleyda (-an), kooxayntuna ay leedahay (-nina).
3. Ogow in diiddo farriinleyda adagi, keliyeynta ay leedahay summad dhammaadka diiddo farriinleyda adag (-in, n) kooxayntuna ay leedahay (-nina). Ogow in erayga diidaha ah (ha) uu galo diiddo farrinleyda oo idil.
AQYBTA XVIII.
XISLEYDA
Xisleydu Af Soomaaliga waxay muujisaa xiska qofka hadlayaa, uu ku muujinayo erayda xisleyda. Xisleydu, waxay caddaysaa qofka hindisihiisa iyo xiskiisa. Qofku xiskiisa oo hadal ku imanaya, wuxuu ku muujiyaa danqahsadiisa amaba faraxiisa. Xisleydu Af Soomaaliga, waxay u qaybsantaa sagaal qaybood:
1. Digid:
Digiddu waa erayo qofka hadlayaa uu uga digayo qofka uu la hadlayo wax. Erayada digiddu waa:
Hà!, Bà! Bà'aa! à! oy-yo! Haa! AA! Hiihii! O-O', AA. AA. suul baa ka jabay! OO..... O.... OO. Madaxaa layga hayaa! Hà, ha cunin hilibka! AA..... AA.... Caloosha ayaa layga hayaa!
2. Yeerid:
Yeeriddu waa erayo qofka hadlayaa uu uga yeerayo qofka lala hadlayo. Erayada yeeriddu waa:
War yaa! (lab). Naa yaa! (dheddig). War heedhe! (l.). Naa heedhe! (dh.) War maandhe! Naa maandhay! Maandhow! Maandhay! Maandhooyin! (k.) Maandheyaal! (k.) War yaa heedhe! Naa yaa heedhe! War yaaya heedhe! (ko.) War yaa heedhe! Yarow! (l.) Yarey! (dh.) Gabarey! Walaal! Walaaley! Aabbe! Hooyo! Ina-adeerow! Ina-adeerey! Ina-adeerrayaal! Eeddo! Adeer! Abti! Ayeeyo! War heedhe! maandho, hadalka naga daa! Yarow, jidka ka leexo! Naa yaa heedhe! maandhay! hadalkaas maaxad u tiri!
3. Dareen iyo yaab:
Dareenka iyo yaabku, waa erayo uu ku tusayo qofku dareenkiisa iyo yaabkiisa. Erayada dareenka iyo yaabku waa:
Waa balaayo! Waa warey! Waa warey! La hoog lana bà! Hoogay oo ba'ay! Hoogtay oo ba'day! Hoogay oo ba'ay! Hoognay oo ba'nay! Hoogte oo ba'de! Hooge oo be'e! Wax la arag, waxna laaban, maanaa waalan mise dadka! War nimanyohow bal xaajadaas ila arka! War ninyohow! Naa haweeney yahay! Waxaanoo kale weligay iyo waaqay ma arag! War yaa Ilaah yaqaan! War yaa loo sheegaa xaajadaas oo aan yaabin! Taasina waa hoog iyo ba', iyo gablan! War hoy heedhe, bal arrintaa foolxumadeeda arka! War maanaa waalan mase Cadan baa laga heesayaa! War sidee yeelaa! Cawru waa isagee dhib badanaa! Cawru waa iyadee qallafsanaa! Cawru waa isagee aqoonxumaa!
Ogow, in dareenku iyo yaabku ay noqdaan eray-eray, amaba koox-koox.
4. Cay iyo yaqyaqsi:
Cayda iyo yaqyaqsigu waa erayo dadka caydiisa u go'an. Erayada cayda iyo yaqyaqsiga muujiyaa waa:
Kis! Kir iyo ban! Uf! ufa! Akh... Akh! War Kac! War iska tag! War iska taga! Wasakh yohow! Wasakh yahay! Bax... bax... bax! War bax bax! Naa bax! War baxa! Qurun yohow! Qurun yahay! Wax yohow urayaa iska tag! Wax yahay uraysaa iska tag! Nacallad yohow naga fogow! Nacalad yahay naga fogow! Bakhtiyohow iska tag! Caasi yohow, i daa! Bakhayl yohow i dhaaf! Bakhayl yahay i daa! Iimaan laawe yohoy i dhaaf! Sirrow yohoy iska tag! Markhaati-beenaala yohow iska tag! Tuug yohow bax! Seegseeg yohow i daa! Duqon (nacas) yohow aammus! Sawaab yohow i dhaaf! Faallow yohow hay sixrin! Sixirrow yohoy (yahay) hay sixrin! Badow yohow (yahay) iska aammus! Miskiin yohow wax ma ogid!Baryo-ku-nool-yohow shaqayso! Afmiinshaar yohow hay lumin! Musuqmaasuq yohow beenta daa! Laaluush-cune yohow halkaas lagugu dheg! Dhurwaa yohow hay cunin! Jaqjaqle yohow iga aammus! Goroyo yahay haygu qaylin! Yaxaas yohow (yahay) hay cunin! Dameer yohow asxaan ma lihid! Xaasid yohow i dhaaf! Daanyeer yohow (yahay) iska tag! Weer yohow (yahay) ama dhidar yohow iska bax.
5. Aammusid:
S... s... s! Us... us! Us... u! Shib... shib... shib! Heedhe, aammus! aammus... .mmus! Sh... sh... sh... sh!
6. War-gurid:
War guriddu waa erayo markii labo qof amaba rag shir meel ku qabo, ay isaga war guraan. Erayada war guriddu waa:
Ha... haa... haa! HM... hm... hm! Waa saas... Waa saas... waa saas! Waa yahay! Waa hagaag... waa hagaag! Gartay... gartay... gartay! Ku gartay... ku gartay... ku gartay! Waan ku maqlayaa... waan ku maqlayaa! Wad... wad... wada! Gari Ilaan bay taqaan... gari Ilaah bay taqaan... gari Ilaah bay taqaan! Waa guddoon... waa guddoon!.
7. Habaar:
Habaarku wuu ku badan yahay Af Soomaaliga. Qof markuu qof habaarayo, erayo iyo tixo ayuu ku isticmaalaa. Habaarku wuu ku badan yahay dhaqanka Soomaalida. Erayada habaarku way ka badan yihiin erayada ducada. Tixaha ama erayada habaarku waxaa weeye:
Dhimo idam Alla! Kufoo dhac! Lixda lixaad beel! Indhuhu ku tirme! Indho-beel! Isbuuro! Jinni kula teg! Alla ku qabay! Bawdo ka jab! Aabbahaa alla gub! Balaayo kugu dhacday! Ibleys (shaydaan) kula teg! Waq ha ku dilo! Balaayo beerka ku kala goysay! Khasaarto iyo hoog Allaha kuu keeno! Cirka balaayo kaaga soo degtay! Idam Alla nafta gab! Lagu xabaal! Xiniinyaha iyo xoogga Alla ku qabay! Adoogaa iyo awowgaa Alla cadaab! Caano waa! Cagay (Waraabe) caano u ag fariiso! Lagu xabaal oo qabrigaagu ma nuuro!
8. Duco iyo samaan:
Ducadu Af Soomaaliga way ku badan tahay in kasta oo ay ka yar tahay habaarka. Qofku markuu qof jecel yahay, wuu u duceeyaa. Wuxuu ugu duceeyaa barwaaqo iyo bash-bash in alla siiyo, intuu dunida ku nool yahay, hadduu dhintana in Ilaahay Jannadii geeyo. Waalidku wuu u duceeyaa ilmihiisa. Dadkuna wuu isu duceeyaa, markii uu is jecel yahay, hadduuse is noco, wuu is-habaaraa! Erayda ducadu, waxay noqdaan eray-eray, amaba tix-tix. Erayadaas iyo tixahaas, waxaa ka mid ah:
Khayr Alla ku sii! Allaha ku janneeyo! Alla magan! Alla igama kaa qaade! Khayr iyo jannaan kuugu duceeyay! Nebigii Allaha kuugu bishaareeyo! Bashbash iyo barwaaqo! Naxariis iyo naallo iyo khayr! Naxariis Eebbe Allaha ku siiyo! Asaaggaa ha baryin idam Alla! Lagaama naxo! Ifkii Jannada Allaha kuugu bishaareeyo! Adduun iyo aakhiro Allaha ku nabad yeelo! Alla kuma cadaabo! Xasanaad iyo sawaab Allaha ku siiyo! Xurquun badan Allaha ku siiyo! Awliyadii Allaha kuugu bishaareeyo. Allaha kuu xirsixiro! Cayuun iyo Waleeco Allaha kaa wareejiyo! Illaaco kuma hesho!
9. Yeeridda Xoolaha iyo Bahallada:
Af Soomaaligu wuxuu leeyahay erayo u gooni ah xoolaha iyo bahallada. Taasina waxay ka timid nolosha Reer Guuraaga. Erayadaas, xoolaha u go'an dadka laguma yiraahdo. Waxaase jirta, markii qof, qof si-xun u caayayo, wuu ku yiraahdo eraydaas xoolaha u gooni ah.
Farduhu, markii ay daaqayaan, waxaa la yiraahdaa... deeg....deeg! Dameerku markuu biyaha sido, waxaa la yiraahdaa... naq... naq... naq! Riyuhu markii ay daaqayaan meel waxaa lagu yiraahdaa... sh... sh.. sh... sh! oo la kexaynayo! Ariga markii la kaxaynayo waxa la yiraahdaa... sh... sh... is... s... s! Idaha markii iyagana la kaxaynayo waxaa la yiraahdaa... Xày... xày... xày!... sh... sh... xày! Ariga riyu haddii ay ka lunto, amaba aryo kale ku dhex lunto, oo aryahaas ka qalooto, markay cida dayn weydo, waxaa la yiraahdaa... kaalay... kaalay... xow... xow... xow... kaalay... kaalay... xow!.
Lo'da, amaba saca, markii la kaxaynayo waxaa la yiraahdaa..... hùy... hùy... hùy! Geela markii la dheelmayo, waxaa la yiraahdaa..... oohow... oohow... oohow! Ratiga markii la kaxaynayo oo uu socodka diido, waxa la yiraahdaa... oho... oho... oho! Nirgaha iyo naylaha markii la kaxaynayo waxaa la yiraahdaa... dig... dig... dig... dig! Ratiga markii la fariisinayo waxaa la yiraahdaa... juw... juw... juw! Ratiga markii la kicinayona waxaa la yiraahdaa... kac... kac... kac...! Bahallada hilibleyda ahina waxay leeyihiin erayo u gooni ah. Waraabaha markii layska celinayo waxaa la yiraahdaa... Yur... yur... yur...! sidoo kale, Libaaxana markii layska celinayo, waxaa la yiraahdaa.... Yuryur... war yur... war yur... war yur! Dawacada markii layska celinayo waxaa la yiraahdaa... naahoy dawoco...! Dawoco...! Naahoy... naahoy... naahoy dawoco! Eyga markii layska celinayo waxaa la yiraahdaa... Hus... hus... hus! Eyga markii dadka lagu dirayo, waxaa la yiraahdaa... his qabo... his qabo... his qabo! amaba waxaa la yiraahdaa... qoolle qabo... qoolle qabo... qoolle qabo! Eygu markuu guryaha galo waxaa la yiraahda... war kac! War kac... War kac!.
HADAL TOOS AH IYO HADAL MALDAHAN
Hadal toos ah, waxaa la yiraahdaa hadalkii uu qof ku hadlay oo loo soo guuriyey, siduu qofku ugu hadlay isagoon wax laga beddelin. Hadal maldahanna, waxaa la yiraahdaa, hadalkii qof uu ku hadlay, oo uu soo guuriyey qof kale, isagoo doorsoon, amaba maldahan. Markii tix loo baddelayo, amaba laga dhigayo hadal maldahan, waxaa loo kaashadaa falidda (dheh). Markaas kaddib, ayaa falidihii ahaa joogtada loo baddelaa tagto. Haddii hadalka toosni, uu yahay weydiinley, hadalka maldahan, waxaa la geliyaa erayga «weydiiyey amaba sheegày, warsaday». Hadalka tooska ah, waxaa la geliyaa xeradaan (.....). Xeradaasi waxay ku tustaa, in hadalka la soo guuriyay uu yahay midka halkaas ku dhigan.
HADALKA TOOSKA AH OO TIXO KU JIRA
HADALKA MALDAHAN OO KU JIRA TIXO
Ogeysin:
Ogow, in xiriiriyaha tixeed (in) uu kala qaybiyo labada tixood oo ku jira tixaha maldahan. Xiriiriye tixoodka (in-), waxaa gadaal ka raaca nagaadeyaalka; sidaan oo kale (in + aan, in + aad, in + uu, in + ay, in + aan, in + aad, in + ay). Tixaha maldahan, waxay iyana qaataan falidaha (sheeg, weydii, wari). Ogow, in falidda (dheh) loogu isticmaalo tixaha hadalka toosan keliya, kuwa (sheeg, weyddii, wari)na loogu isticmaalo tixaha hadalka maldahan oo keliya.
JOOGTO DAREERTO IYO TAGTO GOYSO
Joogto dareerto iyo tagto goyso, waxaa weeye labo tixood oo isku xiran. Tagto goyso, waxay goysaa shaqada joogto dareertada, waxay ku dhammaataa bilowga tagto goysada. Tagto goyso markii ay bilaabato yaa waxaa dhammaata shaqadii joogto dareertada. Waxaa isla socda tixda hore oo hawsheedii dhammaatay iyo tixda danbe oo hawsheedii bilaabatay. Hawl dhammaadkeed waxay weeye hawl kale bilowgeed. Taas waxaa ka mid ah haddaan iraahdo, «Anigoo hadalaya, ayaa waxaa yimid Nuur». Hadalkaygii waxaa gooyay, imaatinkii Nuur. Imaatinkii Nuur wuxuu bilowday, hadalkaygii markii uu joogsaday. Labadaas tixood, tixda hore waa joogto, tixda danbana, waa tagto. Sidaasoo kale, ayay tahay tagto dareerto iyo tagto goyso.
I. Joogto dareerto iyo tagto goyso.
II. Tagto dareerto iyo tagto goyso.
Ogeysiis:
Ogow, in summad dhammaadka joogto dareerto keli iyo koox ay tahay (-aya), (-aysa) na ay u go'an tahay keli qofka saddexaad oo dheddig. (-aynna) na ay u go'an tahay qofka koowaad oo kooxda ah keliya. Misana ogow, in summad dhammaadka keli oo tagto dareertadu ay tahay (lahaa) qofka kowaad, labaad, saddexaad oo dh. l.), iyo qofka labaad iyo kan saddexaad oo kooxda ah, (lahayn) na ay u go'an tahay qofka kowaad oo kooxda ah keliya! Labada tixood waxaa isku xira xiraaga tixood «oo» oo tan hore gala. Tan hore waxaa la yiraahdaa tix-madaxeed, tan danbana tix-shardiley.
KU CELISKA
Keliga u beddel koox...... fur albaabka...... seexo halkaan...... I maqal. Keen rida...... dheh hadalka...... dhan caanaha...... Ninka iska celi...... geela raac...... Ilaali dalka...... ii fariiso halkaas...... waxba hay weydiin...... ha ku socon jidka...... ha sheegin hadalka ...... hayska jebin lugta ......
QAYBTA XIX.
KALA DHIGIDDA
Kala dhigiddu Af Soomaaliga waxay ku tahay magac magac loo dhigayo. Kala dhigiddu waxay ku tustaa macno macna kale weydaarsan. Halqabsi.
LABAYNTA IYO DHEDDIGAYNTA MAGACYADA MAGAALOOYIKNA, TUULOOYINKA, XAAFADAHA, DEGMOOYINKA IYO GOBOLLADA
Magacyada magaalooyinka, tuulooyinka, xaafadaha iyo degmooyinku in kastoo ay yihiin magacyo wax u gooni ah, haddana waxay qaataan qodobbada dheddig iyo kuwa lab. Qodobbada magaalooyinka, tuulooyinka, xaafadaha iyo degmooyinku way ka duwan yihiin astaamihii magacyada dadka iyo waxyaalaha.
Qodobbada dheddig ee magaalooyinka, tuulooyinka, xaafadaha iyo degmooyinku waxa weeye:
a) (-a), -ey), (-ya, -yo), (-o), (-ow), -la', -ley).
Magaalooyinka magacyadoodu ay qaataan qodobbada dheddig.
b) Magaalooyinka dheddig ee magacuyaalladoodu ayan qaadan qodobbo.
Magaalooyinka, degmooyinka, tuulooyinka iyo xaafadaha magacyadoodu ay ku dhammaadaan shibbanayaasha, dhammaantood waxay yihiin dheddig. Magacyadaas dheddignimadoodu waxay ka muuqataa dhinaca siimaantikadooda.
Qodbaha labee magaalooyinka, Tuulooyinka, Degmooyinka, Xaafadaha iyo Gobolladu waxay noqdaan (-e, -ye).
Ogow in magacyadaas magaalooyinka iyo degmooyinka iyo gobollada iyo Xaafadaha dadku maanta ay ka wada dhigaan dheddig, in kastoo ayan dhismaha afka ku ahayn sidaas.
SALAYNTA MAGACYADA
Af Soomaaligu wuxuu leeyahay salayn sida afafka kale. Salaynta waxa ka abuurma magacyada iyo falidaha. Halqabsi:
Sida aad halkan ku aragtid, salaynta magacyada waxaa lagu yaqaannaa inay magacyadu iyo faliduhu ka abuurmaan. Magacyadu waxay u kala baxaan kuwo qeexan iyo kuwo sifaysan. Salka magacyada qeexan waxaa raaca gadaalraacaha (-id-). Gadaalraacaha (-id-), wuxuu raaci karaa salka magacyada, markii ay ku dhammaadaan magacyadu shibbaneyaanshan.
Ogow, in gadaalraacaha magacyada qeexan (-id-) ay raacdo jaangooyo xaaladleyda (da).
Salka magacyada waxaa haddana raaca gadaalraacaha magacyada (-in-). Taasina waxa weeye markii magacyadu ay ku dhammaadaan shibbanaha (-t-), sida: (-t-) boot-in-, imaat-in, moot-in-.
Ogow in shibbanaha (-t-) uu asalkiisii ahaa (-d-). Shibbanha (-d-) wuxuu ka baddalmay dhawaaqiisii hore, wuxuuna u baddelmay dhawaaq cusub. Taas waxaa ku tusaya sida aan halkaan ka sheegeynno.
| Dhawaaqii hore (asal) | Dhawaaqii cusbaa |
| bood-in- | boot-in- |
| imaad-in- | imaat-in- |
| mood-in- | moot-in- |
Ogow, in gadaalraacaha magacyada salaynta (-in-) ay raacaan jaangooyo xaaladlyeda (-ta, -ka).
Salka magacyada waxaa haddana raaca gadaalraacaha (-in-, -is-,). Taasina waa markii salka magacyadu ay ka koobmaan erayada halka siilab leh ama kuwa labada siillab leh, sida:
Erayga halka siillab ka koobma.
kar-in- (-is-), tir-in- (-is-), fiir-in- (-is-).
Erayada labada siillab ka koobma.
ilaal-in- (-is-) olol-in- (-is-).
Magacyada salayntoodu ka koobanto halka siillab amaba labada siillab way ku badan yihiin Af Soomaaliga. Qaabkoodu alfabeetiga ahi waa kuwaan:
Ogow, in gadaalraacaha salaynta magacyadu (-in-) uu qaato jaangooyo xaaladleyda (-TA), iyo gadaalraacaha salaynta magacyada (-is-) uu qaato jaangooyo xaaladleyda (-ka) oo markaas kaddib, ay luuqdu baddelmayso.
Salka magaca haddana waxaa raaci kara gadaalraacyada (i-s-, -so-), -sad-, -ad). Gadaalraacyadaasi waxay raaci karaan magacyada, markii dib ay ku dhammaadaan shaqallada: (-o-, -so-) sida aad halkaan ku aragtid:
| -sho- | -sho- | -sho- |
| qaado ——> -is- | raaco ——> -is- | guro ——> -is- |
| -ad- | -ad- | -ad- |
| -sho- | -sho- | -sho- |
| qabso ——> | cabsa ——> | fuqso ——> |
| -sad- | -sad- | -sad- |
Ogow, in gadaalraacaha salaynta magacyada (-sho-) uu qaato jaangooyo xaaladleyda (-DA) iyo gadaalraacaha salaynta magacyada (-is-) uu qaato jaangooyo xaaladleyda (-TA) iyo kan salaynta magacyada (-ad-) (-san-) uu qaato jaangooyo xaaladleyda (-KA).
Salka magaca haddana waxaa raaca gadaalraacaha (-ayn- (-eyn-)). Taasina waa markii eraygu ku dhammaado shaqalka
| -ayn- | -ayn- | -ayn- |
| hay, samee ——> | kexee ——> | daa ——> |
| -ays- | -ays- | -ays- |
Ogow, gadaalraacaha salaynta magacyada (-ayn-) uu qaato jaangooyo xaaladleyda (-TA) iyo gadaalraacaha salaynta magacyada (-ays-) uu qaato jaangooyo xaaladleyda (-KA-).
Salka magaca haddana waxaa raaca galaadraacyada salaynta (-is- (-in-). Taasina waxay dhacdaa markii eraygu uu ku dhammaado shaqallada (-oo-), sida aad halkaan ku aragtid:
| -in- | -in- | -ayn- |
| goo ——> | qoo ——> | oo (h) ——> |
| -is- | -is- | -is- |
MAGACYADA FALIDAYSAN
Magacyada falidaysani way ku badan yihiin Af Soomaaliga. Iyagu sida magacyada qeexan oo kale waxay leeyihiin gadaalraacyo salka magaca raaca. Gadaalraacyadaasi waxay caan ku yihiin beddelidda macnaha magacyada. Magacyada falidaysani waxay u dhow yihiin falidaha; sidaas daraaddeed, ayaan waxaan ku magacaabay magacyada falidaysan. Gadaalraacyaada magacyada falidaysani waxaa weeye:
Gadaalraacyada magacyada falidaysan (-aal-)
| kab-aal- | qab-aal- | tus-aal- | socd-aal- |
| qod-aal- | hub-aal- | kuf-aal- | been-aal- |
| rog-aal- | mud-aal- | shak-aal- | dus-aal- |
Ogow, in gadaalraacaha magacayada falidaysan (-aal-) ay raacdo jaangooyo xaaladleyda (-KA).
Gadaalraacyada magacyada falidaysan (-aal + aysi-)
Gadaalraacaha magacyada falidaysan (-aysi-) waxaa horay ka raaca gadaalraacaha falidaysan (-aal), markaas kaddib, ayuu magaca macna hor leh u yeelaa. Magacyo aan aad u yarayn ayaa labadaas gadaalraacyada qaata. Magacyada gadaalraacyada (-aal + aysi-) qaataa waa kuwaan:
Ogow, in gadaalraacaha salaynta magacyada (-aysi-) uu qaato jaangooyo xaaladleyda (-GA).
Gadaalraacyada magacyada falidaysan
Gadaalraacyada magacyada falidaysani aalaaba waxay raacaan magacyada falidaysan. Gadaalraacyada magacyada falidaysani (-in-, -aysi-, (-eysi-) waxay siiyaan magacyada macna hor leh. Iyagu waa kuwaan :
| -aan- | -aan- | -aysi- | -aan- |
| yar ——> | fudud ——> | fur ——> | fog ——> |
| -aysi- | -ays- | -aan- | eysi- |
| -aan- | -aysi- | -aysi- | -aan- |
| badan ——> | neceb ——> | weyn ——> | foolxun(m) ——> |
| -aysi- | -aan- | -aan- | -eysi- |
| -aysi- | -aysi- | -aysi- | -an- |
| bann ——> | dheer ——> | adak ——> | xun(m) ——> |
| -aan- | -aan- | -aan- | -aysi- |
Waxa jira magacyo falidaysan oo aan qaadan karin gadaalraacaha magacyada falidaysan (-aan (-an) inkastoo ay yihiin magacyadaasi magacyo sifaysan. Magacyadaas waxaa ka mid ah:
shaq-aysi-, col-aysi-, cadd-aysi-, kulul-aysi-, sheek-aysi-, qabow-si- waanwaan-si-, welim-eysi-, wacad-aysi-, qub-eysi-, gum-eysi-, mir-aysi-,.
Ogow, n gadaalraacaha magacyada falidaysan (-aan-) uu qaato jaangooyo xaaladleyda (-TA).
Gadaalraacyada magacyada falidaysan:
Gadaalraacyada magacyada falidaysan (-sad-, (-ad-) -aysad-, (-aysi-) waxay raacaan magacyada tirada ah iyo kuwa ka koobma laba magac ee laysu geeyey. Iyagu waxa weeye kuwan:
| -sad- | -sad- | -sad- |
| lacagtir ——> | sagaaljir ——> | geeltir ——> |
| -si- | -ad- | -si- |
| -si- | -si- | -sad- |
| xoolodhac ——> | feenfeen ——> | naax ——> |
| -sad- | -ad- | -aysi- |
| -aysi- | ||
| waxjecl-aysi, | xilnecb-aysi- | xanjecl ——> |
| -sad- |
| -sad- | -sad- |
| halqab ——> | shanjir ——> |
| -si- | -si- |
xansheeg-ad-, dansheeg-ad-, xooldhaq-ad-, beertabc-ad-,
naflahaar-si-, naylodub-ad-, naagguur-si-, kaydtir-sad,- foolbax-si-, gundhig-ad-, dabshid-ad-, guridhis-ad-, gabbaldhac-si-, iwm.
Ogow, in gadaalraacaha magacyada falidaysan (-sad-), (-ad-) uu qaato jaangooyo xaaladleyda (-ka) kan (-si-) na uu qaato jaangooyo xaaladleyda (-GA).
MURTIDA IYO BIBLIYOGRAAFIGA AF SOOMAALIGA ALAABTIISA BUUGAGEED
1. Abraham, R. C. & Warsama, Soleyman. The Principles of Somali, 2nd ed. London, Pub. by the author (cyclostyled). 1961 227 correction sheets.
2. Somali-English Dictionary. London. Univ. of London Press, Ltd. 1964. pp. 332.
3. Axmed Shire Jaamac & Kozol, Charles, An Elementary Somali Drill Book. New York. Teachers College, Columbia Univ. 1966 pp. 165.
4. Axmed Shire Jama, An Elementary Soomali Phrase Drill Book. Printed by the author in Mogadishu, Somali Republic of 1964, pp. 131.
5. Andrzejewski. The Declensions of Somali Nouns. London. School of Oriental and African Studies, Univ. of London (obtainable solely from Messrs. Luzac & Co., Ltd., 46 Gt. Russel Street, London, W. D. 1.), 1964 pp. 149.
6. Andrzejewski, B. W. (a work on the Somali verb) in preparation.
7. Arpino Ludovico, Vocabolario dall'Italiano nelle versioni galla, oromo, amara, dancala, somala. Milano. Heople. 1938.
8. Barry, B. An Elementary Somali Grammar, Asmara (Ethiopia). Tipografia Raimondi, Cf. 1937, pp. 106.
9. Bell, C.R.V. The Somali Language. London. Longmans, Green & Co., 1953, pp. 185.
10. Carcoforo Enrico. Elementi di Somalo e ki-suahili parlati al Benadir. Milano. Hoepli. 1912, pp. 154.
11. Costaguti, Marchesa Maria Afan de Rivera. Manuale Pratico di Lingua Somala ad uso dei viaggiatori nella valle del Giuba. Roma, Casa editrice Italiana. 1909, pp. 136.
12. Drysdale John G. S. Notes of the Somali Language for beginners. Hargeysa, Somalia. The Stationary Office. 1953, pp. 67.
13. Drysdale, John G. S. Somali Primier, Part 1. Hargeysa, Somalia, The stationary Office. 1959, pp. 40.
14. Ferrand Gabriel, Notes de Grammaire Somalie. Alger. P. Fontana et Cie. 1886, pp. 28.
15. Galaal Muusa Xaaji Ismaciil & Andrzejewiski B. W. Hikmad Soomaali. London. School of Oriental and African Studies, Univ. of London, Oxford Univ. Press, (Annotated African Texts IV). 1956, pp. 150.
16. Pia J. Joseph, «Language in Somalia» in Linguistic Reporter, Newsletter of the center of applied linguistics. Washington, D.C. Vol. viii, no. 3, June, 1966.
17. Praetorius F. «Uber die Somalisprache» in Zeit. Deut. Morgenland Ges. Vol. xxiv 1870, pp. 145.
18. Armstrong, Lilias B. «The Phonetic Structure of Somali». in: Mittelilunge des Seminars for Orientalischen Sprachen zu Berlin. Jahragang xxxvii, abteilung iii. Berlin. 1934, pp. 116-61, repub. recently by: Gregg press, inc. 171 East Ridgewood Ave., Ridgwood, New Jersey, U.S.A. 1964, pp. 46.
19. Kirk, G.W.C. A Grammar of the Somali Language with Exambles in Prose and Verse of different Somali Dialects. London Cambridge Univ. Press, 1905, pp. 26 + 16 correction sheets.
20. Cust R. The modern Languages of Africa. London. Trubner & Co. 1883.
21. Cerulli Enrico. Somalia III La tribù Somala, lingua Somala in caratteri Arabi ed altri segni ibid.
22. Abwaan urursan Af-Soomaali iyo Ruusha, Ruush Af-Soomaaliya kratkii Somali-ruskii ii ruusko Somali slovar D. I. Stepanjenko iyo Mohamed Haji Osman. Izdatelstvo (Sovitskaya Ensiklopedia) Mosko 1969.
23. Reinsch Leo, «Der Dschabartidialekt der Somali-Sprache» (compare entry 35). in: Sitzungsberichte, Akademie der Wissenschaften in Wien, Philosophisoh-historische klasse. v. cxlviii. Vienna 1858.
24. Pia J. Joseph & Black, Paul and Dillinger, Dale. Beginning in Somali-Drill Book. Washington, D.C. Unit. States Dept. of Health, Education and Welfare, Office of Education. 1964 pp. 210.
25. Tucker A, N. & Bryan, M.A. Linguistic Analyses the non-Bantu Languages of North-Eastern Africa. Handbook of African Languages. International African Institute. Oxford University Press. London. 1966, pp. 627 + large linguistic map.