Qiso Kalgacal·Qiso kalgacal

Qiso Kalgacal

M.A. GurhanSheeko curis ah.

QISO KALGACAL

M.A. GURHAN.

Buugaagta kale ee uu qoray M.A.Gurhan waxaan ka mid ah:

- Walaashay Shukri,-Qiso Kalgacal,- Jacayl Fakhri galay,-Dhacane Mooge,

Dhammaantoodna waxay sugayaan daabacaad.

Qiso KALGACAL,M.A.Gurhan, 1983,Muqdisho.

Waxaa daabacay sheekadan qoraha.

Daabcaaddii 1aad, 1985, Muqdisho.

Buuggan lama daabacan karo loomana rogi karo waji kale sida sawir,jilid,iwm iyadoo aan oggolaansho laga helin qorahabbuugga.

MAHADNAQ

Waxaan buuggan ugu mahadnqayaa Axmed Gurey Typing School iyo Fr.Giorgio, St.Lucy,Cabdirsaaq W.Xaayow iyo dhammaan intii ka qaybqaadatay garaaciddii iyo soo saariddii buuggan.Mar labaad mahad gaar ah waxaan u celinayaa dadka kor ku magacaaban.

Mike A. Gurhan(qoraha)

Sheekadan iyo magacyadan ku jiraba waa la abuuray mana jirto cid ay si toos ah iyo si dadban midna u khusayso. …

Kalgacaylku waa qanicaashaqa ka qara waynqurux iyo wanaag badanwaana shay ku qaali ahqiimaynta aadmiga,C.D.SORAAN

1

Muddo haatan laga joogo Afar sano ka hor, ayaa waxaan caadeystey in habeenkii fiidka hore aan wakhtigeyga ku dhameeyo in aan asxaabteyda kula sheekeysto agagaarka Shinemo Shenteraale iyo dhismaha Wadama-goysyo, habeen ka mid ah habeenadaas dan la'aantana waxaan ka imid Afar-irdood oon bas xaafadeyda iga keeney ugaga soo degey, waxaanna soo qaadey dadmareenka dhanka kawaanka anoo u hamuun qabey awgeedna waxaan u deg-degayey Shinemo Shenteraale oo filim aad loo amaanayo uu ka socdey.

Intii aan soo socdey oo dhan waan baxsanaa meelo kalaanan ka fekereyey, markiise aan la sinahay irridda Saldhigga booliska ee Afar-irdood ayaan maqley cod ku dhawaaqaya "Mahad" isla markiibase waxaan si dhakhso ah u jaleecay dhinaceyga bidix waxayna indhaheygu qabteen gabadh si xad dhaaf ah u soo jiidatey dareenkeygii, laakiin ma garaneyn anigu gabadhaas ii yeertey, waan istaagey markaasaan si fiican u fiiriyey gabadha dhoola caddeyneysa ee taagan dadmareenka jidka ka shisheeya. Waxaan la dhacey muuqaalkeeda iyo labiskeeda oo aad isugu qalmey (Waxaan oran karaa waxay aheyd quruxley), waxay ii taagtey gacanta iyadoo ku dhawaaqeysa "Mahad" anoo ka shakisan gabadha aanan aqoon ee iyadu i taaqaana, waxaan u gudbey laamiga dhankiisa kale oo ay taagneyd gabadhu.

"Jaaw Mahad", ayay iyu tiri markaan u soo jirsadey laba tilaabo. "Jaaw", ayaan ugu jawaabey waxayna ii soo taagtey gacanta iyadoo leh, "Ayaantaan laguma arkine xageed ka baxdey" Waan aamusey anoo garan la' waxaan ku jawaabo, waxaa iga yaabiyey su'aasha ay igula soo boodey sidii anagoo is naqaaney mar kastana is arki jirney(waxeedu waxay ahaayeen harawsi iyo barasho khasab ah) toos ayaan u fiiriyey iyadoo ilka caddeyneysa markaasaan ku iri,

"Wallaahi meelna ma jirine mashquul baan iska ahaa".

"Hadda inteed ku ordeysaa?" ayey hadana i weydiisey iyadoo qosleysa.

"Meelna kuma ordeyn ee Shineemadanaan rabaa".

"Shenteraalaa?".

"Haa, Shenteraale", ayaan ugu jawaabey markaasey tiri,

"Saaxiibkaa ayaan hadda soo arkey".

"Kuma?", ayaan weydiiyey, markaaseey iigu jawaabtey,

"Yuusuf".

Waxaan garan waayey Yuusufka ay ii sheegeyso, hoos ayaan u foorarsadey anoo ka yaaban sida ay ii fiirineyso iyo hadalkeeda, waxaan ku fekerey in aan la qabsado qofkaan is wada.

"Haa, waan is aragney, hadaayey buu iga soo tegey". ayaan ugu jawaabey, intaayan wax kale i weydiina waxaan kala hor marey su'aashii oon ku tuurey,

"Oo meys taqaaniin isagana?"

"Haa, gabar deriskeena ah ayey saaxiib yihiin".

"Magaceed gabadhaas?"

"Maxaad ii weydiin waaba taqaanaaye?".

Hadalkaas markey i tiri ayey tubtii iiga luntey oo wax aan sheego aan garan waayey(Runtii wuxuu ahaa Imtixaan aanan ku guuleysan).

"Ma aqaano runtii, ma aqaano",

"Caasho ma taqaanid miyaa?"

Su'aashaas dambe markii ay i weydiisey ayaan ka faa'iideystey magaca ay sheegtey, waxaan gartey Yuusfkii ay ii sheegeysey oon iskala shaqeyno Dugsiga H/Dhexe ee Yaasiin Cusmaan, waxaa kaloon gartey Caasho oo ay sida ay sheegeyso ay Yuusuf saaxiib yihiin(Dhowr goor ayaan Yuusuf u raacey xaafada Caasho).

"Haa, hadaan gartey", ayaan ku tiraabey intaan madaxa ruxay,

"Waan hilmaamey ee iga raali ahaaw", ayaanu raaciyey, intii wax kale aaney i weydiina waxaan fiiriyey saacadii oo ka akhriyey todobadii iyo badhkii fiidnimo.

"Maxaad saacadda ka fiirineysaa?", ayay tiri,

"Ma meelbaad ku deg-degsan tahay?",

"Meelna kuma deg-degsani" markaan iri ayey intey qososhey dhaqaaqdey oo tiri:

"Anigu waan kaa sii soconayaa",

"Dhegeyso"ayaan ku hakiyey markii ay istaagtey ee ay i soo fiiriseyna waxaan ku iri:

"Maad isku key sheegtid?",

"Ima garaneysid miyaa?".

"Haa, kuma garanayo",

"Alla!" ayey yaab u tiri "Maanta dhan intaan wada hadleyney inaad i garaneysaan u maleynayey",

"Runtii kuma garanayo"

"Caashaan saaxiib nahay" ayey tiri iyadoo garabka iga dharbaaxeysa(Waxaan dareemey in ay igu dheel-dheeleyso), waxay gacanta gelisey boorso garabkeedii xariga dheereyd ee ka laad-laadey garankeeda, waxayna ka soo bixisey xabad xanjo ah waxayna u kala goysey laba qeybood oo isla eg, midna aney ii soo taagtey go'ii kalena afka ayey gashatey.

"Maxaad ula jeedaa?" ayaan weydiiyey anoo gacanta ku haya qeybtii xanjada aheyd.

"Waan kaa helaa gacaliye", ayey iigu jawaabtey isla markiiba iyadoo gacanta i qabaneysa.

"Ka helidaadu dhawaa ismaba aynaan baraney?"

"Mahad, anigu waan ku aqaanaa, lix bilood ka hor ayaa leyskeen barey".

"Halkeen ku kulaney?" ayaan si otamaatik ah u weydiiyey.

"Lagulama kulmi karo miyaa?"

"Maya, waa leyla kulmi karaa, waanan isbaran karraa, laakiin ma jirto gabar lays kaaya barey ama aan is baraney oo aanan garaneynin".

"Sidaas ha dhihin!", ayey tiri intey madaxa gil-gishey,

"Anba waa leys keen barey"

"Ma ii sheegi kartaysaa goortii iyo goobtii aan isku baraney?"

"Anigu waan xasuustaa, laakiin adigu hadaadan xasuusan karin weydii saaxiibkaa Yuusuf",

"Waa Hagaag", ayaan ku iri markaasey iyana dhaqaaqdey iyadoo leh:

"Jaaw"

"Jaaw", ayaan ka daba iri anoo u dhaqaaqaya jahadii aan awel u socdey. Waxaan la kulmey Shineemadii oo xiran, daqiiqado ka dibna waa la furey waana galey.

Markii aan soo istaagey boosteejada baabuurta Maanaboolyo anoo ka soo baxey Shineemada Shenteraale una socda guriga Aabaheey oo ku dhow machadka Isgaarsiinta waxaan aad uga fekerayey gabadhii aan la kulmey fiidkii oo aana xataa magaceeda beenta ah aqoonin kan runta ah daayoo, waxay iigu muuqatey riyo oo kale, saaxiibadey haddii aan u sheego waxaan hubaa in dhaliil iyo dhaleeceyn ay raaxada iiga qaadi lahaayeen, sidaa daraadeedna waxaan go'aansadey inaan qarsado wixii iga soo baxa shar iyo kheyr(Oo maxaan qarsanayaa? maba aqaano magaceeda, meesha laga helo iwm.?.) ayaan is weydiiyey hadana, ma aqaano wax aan sameeyo, intii aan kaligey doodayey ayuu soo is taagey bas weyn markaasaan maqley cod leh "Soo baxa soo baxa Maanabooliyo"waan ku dhaqaaqey markaasaan galey baskii.

Habeenki intiisi badneydu waxay igu dhaaftey soo jeed intaan jiifayna waxaan ku dhexjirey riyo mid naxdin leh iyo mid quruxsan labadaba, markaan indhaha isku qabto waxaa i hor imaaneysa gabadhii timaha cowleyd ee makiska guduudan qabtey oo dhoola caddeyneysa, markaasaan damcaa dhabanka ka dhunko, laakinse iima ay ogola oo markaan u soo dhawaado ayey igala durkeysaa.

Habeenkii wuxuu iigu dhamaadey sidaas, Waagu markuu baryeyna waxaan u diyaar garoobey inaan u baxo shaqo iyo Dugsigii.

"Mahad" ayuu Aabaheey iigu dhawaaqey.

"Abbe"

"Miyaadan shaqo tageyn?", ayuu aabaheey i weydiiyey.

"Haa, Abbe waan shaqo tegayaa".

"Soo bax aan ku sii qaadee"

"Wax yar aabbe"

"Soo dhakhso waa yahaye".

Waxaan ka soo baxey gurigii markaasaan iska furey daaqada hore ee FIAT 132dii aabaheey ku fadhiyey shukaanteeda.

Aabaheey oo iiga bartey sheeko iyo qosol mar kasta oon la socodo saakey igama uu helin.

"Mahad"

"Abbe"

"Maxaad la fekereysaa?"

"Ma fekereyo aabbe ee waan iska aamusnahay"

"Bal ii waran oo xaley magaaladu sidey aheyd?".

"Caadi bey iska aheyd Aabbo".

"Xaley suuq fiican ma aadan helin miyaa?"

"Suuq nooce ah Aabbo?".

"Aaway wixii aad eryan jirteen ee leydinka kari waayey?".

"Aabbe anigu waxba ma eryado".

"Hey oranine", intuu yiri ayuu qosley qosol yar raaciyey,

"Runtii"

"Anaaba ku arkey adoo shabinaya" intuu yiri ayuu xabed sigaar ah afka gashadey oo jin sigaarkiisii ka daartey, wuxuu raaciyey:

"Maxay oran jireen?, Caasi waalideyn".

"Abbe runtii anigu waxaas daacad ayaan ka ahay".

"Maya runtii way iska wanaagsan tahay ninku marka uu weynaado inuu hal gabar la saaxiibo si uu ugu diyaar garoobo guurkiisa, laakiin waxaan leydinku sheegayaayu waa ceeb".

"Aabbe maxay yihiin waxa nalagu sheegayaayu?"

"Waxay yiraahdeen Caasiwaalideynku waa isku qasan yihiin oo waxba uma kala dhowrna"

"Abbe laakiin anigu ma caasi waalideyn baan ahay?"

"Maya adigu caasi naguma tihid".

"Hadaa dhallintu waa wada anoo kale ee maxaa caasiyaal loogu sheegayaa iyadoon la ogeyn inuu waalidkii caasi ku yahay iyo in kale?"

"Sidaad moodeyso ma ahan aabbo"

"Waa sidee?", ayaan ku iri anoo raba in uu ii sharxo.

"Waxaa weeye", ayuu yiri inta uu xabadii sigaarka aheyd si fiican u jiidey "Soomaalidu waxay jeceshahay dhaqankeeda iney xafido oo aanu marin habaabin, waxayse u egtahay in dhallintiina soo keceysaayu aad diidan tihiin dhaqankii hore oo aad rabtiin in aad ku dayataan dadka horuumarey, waalidkiina markii la diidey waa lagu caasiyey".

"Aabbe miyaaney kula habooneyn in bulshooyinka hore u marey lagu daydo inta kuwa dambeeyalagu dayan lahaa?".

"Waa runtaa way haboon tahay in lagu daydo dadka hore u marey", markuu yiri ayuu raaciyey

"Laakin waa in aan laga tegin Diinta, iyo sharafta Soomaalinimada".

"Markaa Aabbe, caasi waalideyn waxay u gaar noqoneysaa kuwa ku caasiyey Diinta iyo sharafta waalidood".

"Haa, sidaas weeye macnuhu".

"Waa la joogaa dugsigaagii" ayuu duq Nuur igu yiri.

"Jaaw aabe" ayaan ku iri markaan ka degay baabuurkii.

"Jaaw" ayuu yiri isagoo sii dhaqaaqaya.

Markaan galay dugsigii, waxaan galay xafiiska oo aan cabaar isaga fekerayay inta faataxada iyo heesta Calanka la qaadayo. Markii ardaydii xeroodeena waxaan qaatay laba xabbo oo jeeso ah iyo buugii cashar diyaarinta, waxaana galay lix aad B. oo aan xiiso Taariikh ah ku lahaa.

"Macallin?" ayaa ka yeertay irridka anigoo sharax dheer ku jira, markaasaan u imid arday taagan irridka fasalka.

"Haye, maxaa kuu daran?" ayaan ku iri.

"Macallin, Macallin Mursal baa yiri Macalin Mahad teleefoon baa kuu yaala ku dheh."

"Haa, waad fiican tahay, wuu soo socdaa ku dheh, waxaan ku laabtay fasalkii oo intaan sharaxii u joojiyay aan ku iri beeri ayaan si fiican idinku sharxi doonaa.

Markaan galay xafiiskii ee telefoonkii qaaday waxaan dareemay in uu is dhinac yaal markaasaan cabaar dhegta ku hayay.

"Hallow!" ayay gabaru tiri.

"Hallow"

"Waa kuma?" ayay i waydiisay.

"Kumaad rabtay adigu?"

"Waxaan rabaa Mahad Nuur".

"Mahad Nuur"?ayaan dib u waydiiyay.

"Haa walaal isagaan rabaa" ayay cod khafiif ah ku tiri.

"Haa, waa isagii walaal."

"Mahad miyaa ii warran?"

"Aboosto, tuti aboosto." ayaan ku iri cod dabacsan.

"Aboowe waxaan ahay gabadhii xalay ee bal ka warran."

"Gabdhii xalayaa?"

"Haa."

"Sidaan kuugu baahnaa meel aan kaa soo raadiyo hadaan garanayo waan ku soo raadin lahaa."

"Aboowe sow adigii xalay iska kay indha saabayay?"

"Xalay iska iloobe telefoon lambarkaaga iis sheeg."

"Miyaad ii soo diri lahayd"? ayay i waydiisay.

"Haa waxbaan rabaa in aan kuu sheego haddase waan deg degsanahay"

"Okay, waa kan ee qoro 5,8,9,0,0,6."

"Magacaaga oo saddexana ma ii sheegi kartaa"?

"Maya, kuu sheegi maayo magacayga oo dhan laakiin waxaan kuu sheegayaa midka koobaad."

"Aloore, ii sheeg."

"Waxaa la yiraahdaa Maryan."

"Maryan?"

"Haa, Maryan Buwe."

"Maryan Buwe sow ma aha?"

"Maya, waa Maryan kaliya."

"Iska dhaaf hadda waan qortaye."

"Goormaad ii soo diri telefoon"? ayay i waydiisay.

"Markaan firaaqo u helo."

"Ma mar kasta."

"Okay, jaaw."

"Jaaw" inta aan iri ayaan isa saaray telefoonkii anoo neef-tuuraya, sidii nin Maaratoon soo ordayna dhidid i qooyay.

Waxaan ka soo baxay xafiiskii markaasaan galay qolka Macalimiinta oon iska fariistay.

Waxaan aad uga fekerayay waxa aan u sheegi doono Maryan Buwe (Waxaan u ekaa nin dhibco laga qaaday oo inuu soo dhacsado doonaya, laakiin way ila tagtay) anoo buug fiirinaya laakiin maqan ayaa garabka la iga dhirbaaxay.

"Oow Yuusuf miyaa?"

"Waa isagiiye maxaad akhriyaysaa?"

"Waxbana ma akhrinayne" inta aan iri ayaan is taagay anoo buugii isku laabanaya waxaan u raaciyay:

"Hadda xiso miyaad leedahay?"

"Tan saddexaad baan leeyahay."

"Tan labaadna waxba ma lihid."

"Haa, waxba ma lihi."

"Haddaan ROMANO Kafee u doonano ka warran?

"Baar Romano aa?"

"Haa."

"Shabeelaa ka dhow oon aadaynaa."

"Maya Dugsiga Xisaabaadka ayaan dan ka leeyahay."

"Okay, ina mari."

Markaan soo qabsanay laba Kafujiine ah iyo ismaris ayaan gees istaagnay, waxaana waydiiyay

"Yuusuf, waxaan ku waydiinayaa, ma taqaanaa Maryan gabar la yiraah, oo Caasho ay saaxiib yihiin?"

"Maryan Buwe waan aqaanaa."

"Xaggee ayay degan tahay?"

"Waxay degan tahay Hodan, guriga shaqaalaha agtiisa."

"Oo iyada iyo Caasho isku xaafad ma aha miyyaa?"

"Maya Caasho Xamar-wayne ayay degan tahay."

"Waan aqaanaa Caasho, waxaanse moodayay in Maryan i tiri waxaan deganahay Xamar-wayne."

"Miyay ku soo jiidatay?" ayuu igu yiri isagoo daanku u buuxo.

"Mayee si kedis ah ayaan u kulanay."

"Waa ku jiidatee iska daa", intuu yiri ayuu laqay wuxuu afka ku haystay wuxuuna raaciyay:

"Wax la jiito uguma horaysid, macna ma laha."

Waan aamusay, wax yar baan aamusnaa intaanan hadlin ka hor. Jiidasho way ahaayeen wexeedu, laakiin dareenkii aan ka qaaday iyo qabkii igu jiray ayaa ii diiday inaan afkayga soo mariyo-way i jiidatay- amaba aan ogolaado in laygu yiraahdo."Horta maxaad sida xun ugu fekertaa?" ayaan ku iri,

"Miyaad xanaaqday?" ayuu ku kaftamay isagoo qoslaya.

"Naga tag, wax laga xanaaqo waa tahaye!"

"Hadaad rabto caawaan kuu ballaminayaa."

"Maxaad iigu ballaminee anigu miyaanan ballamin karin."

Waxaan ka soo baxnay dukaankii waxaanan u dhaqaaqnay xagga iyo dugsiga Yaasiin Cusmaan, Wuxuuna igu yiri,

"Dan sow kama aadan lahayn Dugsiga Xisaabaadka?"

"Maya,waan iska dhaafay." ayaan ugu jawaabay

"Ina mari waan ku fahmaye," ayuu yiri markaasuu raaciyay,

"Awalba iyadaad u socotaye."

"Haddaan u socday waayo? Adiguba Caasho waad u tagtaaye."

"Raali ahaaw! aniga iyo Caasho Saaxiib baan nahaye, wayna i jeceshahay," ayuu yiri wuxuuna raaciyay,"Idinkase maxaa idinka dhexeeya?"

"Anaguna waan is jecel nahay." ayaan ku iri. (Waxaan dareemayay xiiseheeda, waxaana u maleeyay in ay i jeceshahay markay tiri,"Waan kaa helaa") Intuu af mugi yeeray qosol ayuu yiri,

"Jacaylkaagu ma uur ku baalaa maba taaqaanide." (Dhiig aanan lahayn ayaa i dhaqaaqay anoo caro darteed cunuhu i xirmay ayaan hoos u foorarsday. Waxaan ku dhowaaday inaan u gacan qaado, wax yar baanse isaga celiyay. Waxaan durba saaxiibkay u arkay inuu yahay cadawgayga, laakiin ma aqaano wax uu igu sameeyay oon ka ahayn kaftanki naga dhexayn jiray.

Runtu waxay tahay in aan ku jiray dareen jacayl oo xalay i saaqay, kaas oo ka soo maaxday muuqii Maryan ee Shalay makhribkii i soo hor istaagay. Anigoo bishimuhu i jaraynayaan ayaan ku iri,"Yuusuf intaa inoogu daa haddaba."

"Waa hagaag, waa hagaag hadaad xanaaqday."

Waxaan tegay dugsigii, waxaanan toos u aaday xafiiskii Maamulaha, markaan u tegayna waxaan ka codsaday in uu i fasaxo iyadoo madaxu aad ii xanuunayo awgeed. Wuu iga ogolaaday Maamuluhu fasaxaan waydiistay, waxaanan isla markiiba u kacay gurigaygii oon iska seexday.

2

Afartii Galabnimo markii ay aheyd ayaan ka toosey hurdadii aan caadiga aheyn ee aan seexdey saaka barqadii, waa soo degey markaasaan furey dariishadii iyo albaabkii guriga labadaba. Markaan soo baxayna waxaa iga hor yimid walaashey Khadiijo oo faraxsan, waxaanan ku iri:

"Jiijo, bax casiriye ii keen",

"Hay! maba weji dhaqanine!"

"Hurdadaan ku noqon rabaa, ee bax ii keen"

"Maxaaa kugu dhacey maanta?"

"Maxaa igu dhici lahaa?", ayaan su'aal ku celiyey.

"Maantoo dhan waa lagu toosin waayey!"

"Yaa i toosin waayayna?"

"Habartaa, Cumarey iyo dadkoo dhan waa lagugu soo gar-garaaceyey"

Waxaan gartey in ay ula jeedo hurdo dheer ayaad gashey oo waa lagu toosin waayey, anigase ilama aheyn in aan jiifey wax dhan saacad.

"Madaxaa i xanuunaya", ayaan ku iri cod khafiif ah,

"Qado ma laguu keenayaa?", ayey i weydiisey, su'aashaas ka hor anigu waxaan u heystey in aan qadeeyey, waayo wax baahi ah ma dareemeyn habayaraatee.

"Maya, iska dhaaf Jiijo"

"Maad qabeysatid adigoo dhan kuleyn baad tahaye?"

Waxaa intii aan la hadlayey igu soo dhacay in aan Maryan Telefoon u diro, … -Markaasaan walaashey ku iri:

"Jiijo, qolka fadhiga shaah iigu keen"

"Waa yahay Aboowe", intey tiri ayey iga hor dhaqaaqdey. Anna waxaan aadey qolka saalootada waxaana soo qaatey oon dhabta saartey telefoonkii, markaasaan garaacey Telefoon lambarka 5890006.

"Halow?"

"Halow"

"Xageed rabtaa?", ayey gabar telefoonka qaadey i weydiisey,

"Abaayo guriga reer Buwe soow ma aha?", ayaan weydiiyey.

"Haa waa isaga ee yaad rabtaa?"

"Abaayo waxaan rabaa Maryan"

"Maryan Buwaa?"

"Haa Maryan Buwe"

"Adiga Magacaa?"

"Elfis baa lay yiraa"

"Elfis!!!, maba aqaano wax la yiraahdo Elfis ee Jaaw" waxayna dhigtey Telefoonkii markiiba, waxaan damcay inaan isu sheego, laakiin wey iga hor dhigtey intaanan oran hal kelmadna.(Elfis waxaa ii yaqaaney oo keliya wiilahs aan saaxiibada nahay iyo gabdho aad u tira yar, laakiin waxaan u heystey iney Maryan ii garaneyso magacaas ay dhallinyaradu neynaas ahaanta iigu bixiyeen - waxaa weeye magac si xun iigu baxay kamana joojin karo dhallinyaradu in ay iigu yeeraan-).

Waxaan iska dhigey telefoonkii, markaasaan meesheydii isaga fekerey, muddo rubi saac ah ka dibna waxaan u direy telefoonkii mar labaad Maryan.

"Halow?" ayay tiri iyadi lafteedi.

"Halow", ayaan ku celiyey.

"Yaad rabtaa?", ayay si kulul iigu tiri.

"Maryan baan rabaa" ayaan cod naxariis leh ku iri.

"Magacaa?"

"Mahad", ayaan ugu jawaabey anoo xasuusan in hadaayey ay garan weydey magaca Elfis.

"Oow! Mahad miyaa ii waran gacaliye?" ayay durba igala hor timid.

"Gacaliso waan kuu fiicanahay, waxaanse ka xumahay in hadaayey aad garan weydey magaceyga naaneysta ah"

"Muxuu yahay magacaaga naaneysta ahu?"

"Elfis"

"Elfis maxaa laguugu bixiyey?"

"Dhallinyaradaa isaga key bixisey"

"Waan ka xumahay inaan hadaayey telefoonka kugu damiyey"

"Macno ma laha" ayaan ku dejiyey.

"Maxaad laakiin mahad u oran weydey?"

"Ma aanan xasuusneyn inaan Mahad iraahdo, adna durba waad isa saartey telefoonka"

"Haa", ayay tiri ayadoo aad ka garaneyso iney qosleyso codkeeda.

Waan aamusey, waxaan ka xishoodey hadalkii aana awal rabey in aan iraahdo ee aan u soo qorsheystey, markaasaan daawasho ugu dhaqaaqey masawir qolka derbigiisa surnaa.

"Mahad?"

"Maryan"

"Haddii aan su'aal ku weydiiyo maxaad ka qabtaa?"

"Waxbo kama qabo ee waan kaaga jawaabayaa"

"Hadaad rabto laba beri ka soo feker"

"Waa yahay"

"Waa maxay jaceyl?" ayey noqotey su'aashii ay i weydiisey.

"Waa yahay, waa kaaga soo jawaabi doonaa".

"Okey, Jaaw" ayay tiri.

"Sug, Maryan"

"Haye?"

"Waxaan rabey in aan ku iraahdo....."

"Maxay?" ayay i tiri iyadoo aad moodo inuu shaki galey.

"Een... goormaan is arki karraa?" ayaan anoo la cabsanaya hadalka ku iri.

"Markaad doontid", ayay si sahal ah iigu jawaabtey.

"Okey, Caawa hadaan is aragno ka warran?"

"Waxba kama qabo", ayay tiri waxayna ii raacisey,"Jaaw".

"Jaaw", intaan iri ayaan dhigey talefoonkii.

Waxaan ka soo baxey qolkii fadhiga markaasaan galey qolkeygii oon la soo baxey Buug yar oo sheeko ah si aan isugu madadaaliyo. In muddo ah markii aan akhrinayeyna waxaa ii timid walaashey Khadiijo oo igu tiri:

"Mahad Telefoon baa laguu soo direy"

"Waa ayana?" ayaan la soo boodey, markaasey iigu jawaabtey:

"Waa gabar,"

"Waa gabaraa?"

"Haa" ayay igu raacdey walaashey iyadoo madaxa ruxeysa.

"Khadiijo Magaceeda ma kuu sheegtey?"

"Haa, Maryan bey tiri"

"Waad mahadsan tahay Abaayo" intaan Jiijo ku iri ayaan abaarey telefoonkii.

"Haye, Maryan?" ayaan weydiiyey.

"Mahad, waxaan ku weydiinayaa wakhtiga aan is arkeyno iyo meesha aan isku arkeyno?"

"Goormaad adigu soo bixi kareysaa?"

"Todobada fiidnimo"

"Todobada fiidnimo soow ma aha?"

"Haa"

"Halkeen kuugu imaadaa?"

"Adigu meel sheego" ayay i tiri.

Waxaan fiiriyey meel munaasib ah oon isku aragno laakiin dhakhso waan u garan waayey, mar dambe ayaanse iska iri:

"Beerta Arbacarukun"

"Waa yahay, halkaasaan kuugu imaanayaa"

"Jaaw"

"Jaaw"

Waxaan dhigey Telefoonkii anigoo isu heysta in aan heley wax aan in badan u soo halgamayey, waxay ila aheyd in aysan macquul aheyn in aan mar kale la kulmo Maryan.(Goormeey maskaxdeyda qeybtaas ku yeelatey, waxaanba bartey xalaye), waa wax tacajib leh!, qofkasta oo i maqlaayana uu ila yaabayo, shaki kuma jiro. (Waxaan hubaa hadaad i og tahay in aad i oran lehyd war sideed qalbigaagi oo dhan u raacisey gabadh yar oo aad xaley baratey?, laakiin waxaa i jiitey durba xoog aanan garaneynin qiyaastiisa).

Waxaan qaatey koob shaah ah oo malaha hal saac wakhti dhan yaaley miiska, aad buu u qaboobey, laakiin ma kala jecleyn qabow iyo kuleyl, waxaan gacanta midig faraheeda ku jii-jiidayey miiska korkiisa anigoo madaxa ku sawiraya kulankeena caawa.

Waxaan u diyaar garoobey ballanteydii caawa, (waxaan isa saxayey in ka badan shan jeer waxaanan diyaariyey wixii aan kula hadli lahaa oo dhan).

Abaaraha lixdii makhribnimo markii ay aheyd ayaan ka soo baxay gurigii, waxaana soo istaagey laamiga oo aan ka raacey bas, waxaan baskii uga degey taalada dal-jirka dahsoon waxaana iska sii mushaaxey illaa iyo beerta Arbaca rukun.

Waxaan soo gaarey Beertii todobadii oo rubi dhiman anoo ku tashanaya inaaney weli soo dhaweyn, laakiin waxaan yaabey markaan ugu tegey iyadoo fadhida.

"Jaaw Maryan"

"Jaaw Gacaliye"

"Ii warran", ayaan ku iri

"Wanaagsan" ayay tiri ayadoo qosleysa, fadhigiina ka keceysa.

"Iska fariiso" ayaan ku iri anoo agteeda fariisanaya. Waxaana noo biloowdey wada sheekeysi aad u macaan(Waxaan u maleynayaa in aanu weli i soo marin kanoo kaleetaayu)

"Maryan"

"Gacaliye"

"Maxaad u maleyneysaa in aan ku fekerayo?"

"Waxaan u maleynayaa in aad ku fekereysid Jaamacadda kulliyadda aad ka geli doonto"

"Waad garan weydey ee ka soo fiirso"

"Su'aasheydii miyaad su'aashan u keentey?"

"Maya, Maya, sidaas uma fekerin ee waan iska kaa weydiiyey", Aamus yar ayaa na dhex galey, markaasaan anigu hadalkii bilaabey oo ku iri:

"Maryan?"

"Mahad", ayey cod qaboow igu tiri.(Hadalka macaanu wuxuu ka mid yahay waxyaalaha igu abuurey jaceylkan igu sii fidaya ee Maryan).

"Maxaad ka qabtaa hadaan shineemo Xamar gallo intaan halkan fadhin laheyn?"

"Anigu shineemo Xamar uma soo kicin ee adaan kuu imid"

"Waa hagaage xageen aadnaa?"

"Meeshaad rabtid adigu" ayey iigu jawaabtey, cabaar ayaan u sii sheekeeyey ka dibna waxaan ka dhaadhiciyey in ay haboontahay in aan shineemo gallo maadaama aan heysano habeeno badan oo kale oo aan sheekeysan karro, wayna iga ogolaatey.

Tobankii habeenimo markey aheyd ayaan ka soo baxney filinkii, -Waxaana isu soo raacney rugta basaska, halkaasoo ay Maryan raacdey Baabuur xaafadeeda u socda anna aan ka soo aadey Maanaboliyo.

Subixii dambe anoo ka soo baxay xiisad oo fadhiya xafiiska maamulaha ayaa telefoon la soo garaacey , markaasaan qaadey.

"Halow?" ayaan durba si qabow u iri markaan qaadeyba.

"Halow", ayay gabaru i tiri.

"Halkeed rabtaa Abaayo?"markaan ku irina waxay iigu jawaabtey,

"Aboowe adaan ku rabaa", isla markiiba waxaan gartey iney tahay Maryan oo xaley markaan kala tagney ii sheegtey iney subixii wakhtiga bareega ay telefoon iiga soo diri doonto gurigeeda.

"Ii warran Maryan?", ayaan ku iri anoo aad u faraxsan.

"Gacaliye Wanaagsan"

"Sideed codkeyga u garatey?" ayaan weydiiyey.

"Aboowe codkaaga miyaan garan waayayaa, raadkaagaanba aqaanaaye"

"Waa wareey!!!, Maskaaxbaa kugu fakatey"

"Aboowe waxba ha i faaninin sidaadaan kugu jeclahaye".

"Maryan", intaan ku iri ayaan aamusey.

"Mahad?"

"Hadaan ku iraahdo ka warran?"

"Maxay?"

"Waan ku jeclahay"

"Waan ku jeclahay", ayay si qaab daran iigu tiri.

"Haa Gacaliso", ayaan ku iri anoo wadnuhu aad ii garaacayo, naxdina jirku i qaboobey, waxaan ilbiriqsigaa aad uga wal-walsanaa jawaabteeda.

"Mahad"

"Gacalo"

Illustration from the book, page 20

"Kaama fileyn hadalkaas ee iga raali ahaaw".

Hadalkaasu markuu dhegaheyga ku dhacey waxaan isi saare telefoonkii anigoon miyir laheyna waxaan ka soo tegey Dugsigii. Intaan dariiqa sii socdey iyo intaan Baabuurka xaafadda u sii saaraaba waxaan iska dhega tirayey dad badan oo ila hadlayey anoo ula jeeda in aan qarsado murugadeydan ii gaarka ah.

Maalintii oo dhan cidna lamaan hadlin, cidii ii soo gasha ee iigu timaada qolkeygana lamaan hadleyn, haddii la ila hadlana waxaan ku jawaabayey hadal kulul si la iiga daayo hadalka oo la iiga tago fekerkeygana aan u wado.

Mar ay tahay shantii galabnimo ayaan ka soo baxay qolkeyga anoo shukumaan garbaha ku heysta, waxaan is taagey barandada oo cidla ah anoo fiirsanaya qoraxda sii dhaceysa iyo cirka daruuraha madoobu ay qariyeen badankiis, laakiin jawigaas wanaagsani ma uusan bedelin dareenkeygii kacsanaa ee xasuus buu ku kordhiyey.

Waa tii kuu muujisey in ay ku jedeshahaye hadana maxay saas kuugula hadleysaa, ayaan is weydiiyey, cabbaar markaan taagnaa ayaan goostey inaan telefoon u diro Maryan oon arrinta si fiican uga dhaadhiciyo isla markaana la ballamo.

Ahhh! waxaasaan gabdhahana ku nacay!, ayaan iskula hadlayey intaan u sii socdey telefoonka, waxaan galey qolka jiifka ee Aabaheey oo aan is lahaa cidina kuugu soo geli meyso oo ku rabshi mayso.

"Halow"

"Halow"

"Yaad rabtaa?", ayaa cod gabdheed ku dhawaaqey, mase aheyn codkii aan bartey ee Maryan.

Waxaan ku iri:

"Abaayo, guriga reer Buwe soow ma ahan?"

"Haa"

"Maryan ma joogtaa?"

"Maryan, Walaasheeyaa?."

"Haa", ayaan iska iri anoon garaneyn in ay walaala yihiin iyo in kale.

"Maanta Iskoolka markey ka timid ayay aadey guriga Eedadeed".

"Guriga Eedadeedaa?"Xagguu ku yaallaa?",ayaan u weydiiyey si khalad ah waxayse iigu jawaabtey:

"Wuxuu ku yaallaa Xamar Weyne"

"Xamar weyne aa?"

"Haa" ayay tartiib iigu jawaabtey.

"Abaayo dhinucuu ku yaallaa? ii tilmaan bal

"Sarta Binu Quwayr ma aragtay, ee u dhow Shineema Subar gaadaasheeduu ku yaalaa"

"Dhinecee laga marayaa sartaas?" ayaan waydiiyay anoo raba in aan ogaado gurigu meesha uu ku yaallo.(Waxaad moodaa inaan ku farxay guriga eedadeed inaan barto)

"War, war guriga Abuukaray iyo ma aragtay?"

"Haa, waan arkay" marka aan iri waxaan gartay Abuukaraygaas. Waxaan gartay in ay ula jeedo Caasho walaalkeed. (Waxaa markaa sawir ahaan iigu muuqday guriga ay sheegayso oo ah guriga ay Maryan tiri waa laysku keen baray mid u dhow)

"Guriga ka soo horjeeda weeye" markay tiri ayaan cod kale telefoonka ka dhex maqlay oo le,

"Siciido yaa waaye dadka aad la hadlaysid?"

"Abaayo wiil adiga ku rabay weeye" ayay ku tiri qofkii la hadlay iyadoo markaa telefoonka gacanta ku haysa. Waxay telefoonkii u dhiibtay Maryan oo qofkii la hadlay ahaa.

"Hallow waa kuma?"

"Waa Mahad"

"Ii warran Mahad?"

"Waxaan kuu sheego ma aqaan"

"Maxaa kugu dhacay?" ayay i waydiisay.

"Wax sidaas u wayni iguma dhicine caawa ma is arki karaynaa?"

"Maya, caawa isma arki karo. Ballan ayaan leeyahay"

Dhulkiibaa hal mar ila wareegay, markaasaan fadhin kari waayay oo sariirta aabay oo ii dhowayd u kuur-kuursaday, dabadeedna qadaadka isu tuuray. Waxaa iigu dambaysay telefoonkii gacanta in aan ku hayay. Muddo daqiiqado ah ka dibna waxaan dareemay gacantii telefoonka oo dhinac taal, intaan dhegta saaray ayaan ku dhawaaqay,

"Halloow" Hallow, Hallow?" laakiin cidina ilama aysan hadlin, wax shanqar ahna kama aanan maqlin. Anoo sidii dhegta ugu hayana waxaan dareemay in qof qaaday telefoonka,

"Hallow" ayuu yiri cod gabdheed.

"Hallow" ayaan ugu jawaabay,

"Maxaad sidaa u yaelaysaa?"

"Iga raali ahaaw, wixii khalad dhacay anaa iska lahaaye" ayaan raali gelin u iri.

"Gurigii Caasho habeen dambe iigu imow"

"Meeqa saac?" markaan waydiiyayna,

"Laba Saac, jaaw" intay tiri ayay telefoonki isi saartay iyadoon hadal kale iga sugin.

Maqribkaasu wuxuu ahaa kii taariikhda noloshayda ugu wel-wel badnaa? Waxaan aad uga fekeray markii dambe sidii aan ku ogaan lahaa cidda ay ballanka la leedahay.(xataa waxaan ku fekeray in aan dilo hadduu yahay qofkaasu wiil kale oo ay saaxiib yihiin, waxaan u qaatay middi)

Shantii iyo badhkii maqribnimo ayaan ka soo baxay gurigii anoo u socda guriga Caasho. Waxan islahaa hadaad ugu tagto Caasho guriga, si kastoo aad yeeshaba waa in aad ka dhalisaa meesha ay jirto Maryan. (Waxaan bidayey iney isku qorshe yihiin badanaa).

Markaan baabuurka uga degey Afar Irdoodka waxaan isu sii daayey Guriga Caasho dhankiisa, waxaan u socdey sidii nin wax ku cararaya ama wax ka cararaya. Markaan soo gaarey irridkiina waxaan garaacey gambaleelkii,

"Haye Abuukareey?", ayaan ku iri Abuuker oo iga furey iridda,

"Waa la fiican yahay, soo gudub"

"Caasho ma joogtaa?" ayaan si xushmad darro ah u weydiiyey (waa wax aynu neceb nahay in aynu weydiino Wiil gabar walaashiis ah)

"Waa joogtaa, waa joogtaa", ayuu yiri wuxuuna raaciyey qolkaaseey ku jirtaa", isagoo gacantii iigu fiiqaya.

"Qolkey ku jirtaa?" ayaan weydiiyey.

"Qolka geeska ayay ku jirtaa", markuu yirina waxaan u dhaqaaqey qolkuu gacanta iigu fiiqey waxaana iga hor timid Caasho oo maqashey hadalkeyga."Oow ii warran Mahad?"ayey ku qeylisey Caasho iyadoo gacanta ii soo taageysa isla markaana dhoola caddeyneysa.

"Wanaagsan"

"Sheeko fiicana waan kuu hayaaye" ayey igu beer jileecsatey.

"Maxay tahay sheekadu?" markaan weydiiyayna waxay tiri:

"Ina soo fariisi anaa kuu sheegayee", markaan ku fariistey qolkeeda sariir taaley ayay iga soo baxdey, waxayna ii soo laabatey iyadoo gacanta ku wada Bakeero Oranji ah.

"Maryan miis aragteen?" ayay i weydiisey sidii iyadoo og in aan Maryan arrimo kuweed ah ugu socdey.(Waxaan ku fekerey in Maryan u sheegtey hadalkii aan saaka ku iri, meeshii ay maanta ku soo maqneydna ay iyada aheyd, ee aysan guriga eedadeed jirin).

"Maya isma arag ee telefoon baan ku wada hadalnay",

"Wax khaas ah oo ay kuu sheegtey miyaa jira?",

"Maya, ma jiraan", ayaan iri anoo shakisan,

"Arrimo jaceyl amey kaala sheekeysatey?",

"Maya igalama sheekeysane maxay ku tiri?" markaan su'aashaas weydiiyey ayay Caasho qososhey, (Qosolkeeda waxaan ka dareemey in hadal ay igala cabsaneyso ku jiro), waxayna tiri:

"Mahad, waan is raaceynaaye wax yar iga raali ahaaw waan soo qabeysane, buuganna sii akhriso", waxayna ii dhiibtey buug qiso af Soomaali ah, wayna baxdey.

Buuggii markaan kala bixiyey waxaan dhexdiisa ku arkey waraaq bashqadeysan oo magaceygu dusha uga yaal, laakiin cidda soo qortey kuma oolin.

Waan furey markaasaan ka soo bixiyey waraaq aad loogu fara yareystey iyo laba sawir. Masawiradu waxay ahaayeen kuwo aad u qurux badan runti mid wuxuu ahaa Ubax kala nooc-nooc ah, kan kalena wuxuu ahaa wiil iyo Gabar wakhti munaasab ah jaceyl abuuraya.

Waxaan kala bixiyey warqadii markaasaan indhaha ku dhuftey - Maryan Buwe-, taariikhda la qorey warqadaasu waxay aheyd 2dii Maajo 1979kii, hal beri ka dib is-barashadeenii.

Waxay aheyd warqadaasu mid aad u kicisey dareenkeygii, waxaan garwaaqsadey xaalku in aanu keligeey ku koobneyn ee leyla wadaago jaceylka.

Waxaanse garan waayey waxay ula jeedo hadalkii dhibsiga ahaa iyo kalmadda (Waan ka xumahay), (Waxaan dareemey qaalinimo iyo isla weynaan iyo in aan ahay nin la jecel yahay), waa tan warqadii wadnaheyga dhaqaajisey:

Ku: Mahad NuurD/H.D. Yaasiin CusmaanXamar, 2/5/79.

Gacaliye -

Waxaad iga hantidaa salaan noole isu diro tan ugu qiimaha iyo qaayaha badan. Salaantaas oo ka timid dhamaan unugyada dhiigga kuwa cad-cad iyo kuwa guduudanba iyo dhamaan dareemayaasha jirkeyga oo aan kuu hibeeyey adiga.

Salaan ka bacdi Maryan Buwe waxay ku leedahay waxaad tahay midka keliya ee aan ku fekerahayay habeenadan oo dhan. Adigu ima aadan aqoonin aniguse intaa waan ku ilaashanayay waana la socdey talaabo kasta oo aad qaado illaa aan xaley go'aansadey in aan kuu soo bandhigo waxaan kaa qarsanayey in muddo ahba.

Muxuu yahay Waxaasu?, anaa kuu sheegaya isagoo tafa-tiran, waayo kaama qarin karo, hadaan isku dayo inaan kaa qariyana isagaan qarsoomeyn oo waa tii hore loo yiri -Qof jaceyl hayo iyo Qof hargab qaba midna ma qarsoomo - waxaanna hadda hadal iyo dhamaantiis ku leeyahay:

"Waan ku jeclahay kor iyo hoos" waxaan kaa rejeynayaa in aad igu raacdo oo aad ila Garab - gasho waraabinta ubaxa cusub ee soo baxaya.

Waxaan kaa sugaa waa jawaab san.

Gacalaadaa-Maryan BuweD/sare Xisaabaadka iyoCabbiraada. Xamar.

Markaan dhameeyey akhrintii waxaan cabbaar daawadey musawiradii, dabadeedna waxaan ku celiyey bashqadoodii waxaana geliyey buuga meesheey kaga jireen. In nabar ah markaan iska fekerayay intaan isku laabey buugii ayay ii timid Caasho oo aad isu soo qurxisey, waxayna igutiri:

"Mahad, waan kaa soo daahaye iga raali ahaw"

"Macna ma laha", ayaan si degen u iri,

"Waan baxeynaa soow maaha?", intey tiri ayay i hor kacdey iyadoo qosol yar ilkaha caddeyneysa, (Maanan fahmin waxay ku qosleyso), waxaana ku iri:

"Haaye ina mari"

Waxaan ka soo baxney gurigii inagoo is barbar socona, waxayna igu tiri:

"Waxaan ballan leenahay Maryan todobada, waxaana ka dhiman toban daqiiqo",

"Oo hadaad Maryan ballan leedihiin maad ii sheegtid waxaad ii sheegi laheyd, waan kaa tegayaaye?"

"Waxaa weeye", intey tiri ayay wax yar aamustey waxayna raacisey"Maryan way ku jeceshahay"

"Ma anigeey i jeceshahay", ayaan si ula kac ah u weydiiyey.

"Haa adey ku jeceshahay", ayay iigu jawaabtey,

"Waan arki doonaa haddii ay i jeceshahay iyo haddii kaleba",

"Maxaad ka qabtaa hadda hadalkaas?"

"Waxaan ka qabo way ogtahay Maryan"

"Oo miyaad ka wada hadasheen?"

"Haa, saaka"

"Maxay?, saaka kow iyo tobankii aroornimo illaa iyo saddexdii iyo barkii galabnimo waxay jiiftey guriga eedadeede"

"Tobankii bey telefoon ii soo dirtaye, maxaa ku dhacey oo ay la jiiftey?", markaan weydiiyey Waxay iigu jawaabtey:

"Maxaan ka ogahay, madaxaa i xanuunayeey laheyde"

"Haa", intaan hoos u iri ayaan aamusey anoon aqoon wax aan sheego.

"Aniga iyo Maryan mana raaceysaa?" bey i weydiisey intey i hor istaagtey, waxaana aan weydiiyey su'aal aan aad u rabey in aan weydiiyo waxaana ku iri:

"Oo xageed u socotiin?"

"Gabar Maryan saaxiibteed ah ayaa caawa xuseysa habeenkii dhalashadeeda",

"Dad kaleetaayu idinma raacayaan miyaa?"

"Aniga Yuusuf ayaan ballansaneyn inuu imana ma ogi"

"Waa yahay"

"Waad na raaci doontaa noo?"

"Hadduu Yuusuf yimaado haa"

"Yuusuf shuruud ha nooga dhigine na raac"

"Shuruudba yaanan ka dhigine miyaa la i marti qaadey aniga?"

"Haa, anaa wada Afar waraaq-marti-qaad"

"Aloore, waan idin raacayaa markaas" markaan iri waan aamusey, markaasey iyadu hadal la soo boodey oo tiri:

"Mahad, waxaan kaa soo illoobey waraaq shaley Maryan iigu kaa dhiibtey"

"Oo maxay tahay waraaqdu?" ayaa anoo iska dhigaya nin aan waxba ogeyn kas u weydiiyey, waxayna iigu jawaabtey:

"Koley waa wax idiin gaar ah",

Hadal kuma aanan soo celin ee waxaan fiiriyey dariiqa ku beegan Shineemo Suber horteeda, waxaana taagneyn markaas Farmashiye Marwaas dhiniciisa, waxay indhaheygi isla markiiba ku dheceen oo ku hakadeen gabar soo socotey MasMasaajidka dhiniciisa, da'deeduna qiyaastii kama yareyn 18 jir, joogeedu wuxuu ahaa ilaa Hal mitir lixdan iyo shan santiimitir, waxay u lebisneyd si heer sare ah runtii, waxaad la yaabeysey sida ay ugu quruxsan tahay waxa wada guduudan ee ay wadatey,-Gooneeto guduudan,kabo guduudan, funaanad cad, iyo koofiyad guduudan,

Runtii waxay u ekeyd Diana Rose, aktaradii caanka aheyd, intaasba waxaa iiga daran:Maamuuska, socodka iyo anshaxa oo iyaguna ahaa kuwo aad u soo jiidasho badan.

"Maxaad fiirineysaa?", intey i tiri Caasho markey la yaabtey jahada aan ku dhaygagey ayay fiirisey dhinacaan fiirinayey, wayse iiga aqoon badneyde isla markii ay indhaha saarrtey waxay la soo boodey:

"Ileyn Maryan baad aragtaa?", markaan maqley ereyadaas muuqaalkeygii wuu is bedeley, waxaan fiiriyey gabadhii soo socotey oo xageena u soo jeesatey markaasaan hadana fiiriyey gabadhaan i hor taagan, waxaan qaadan waayey in qoftaasu tahay Maryan, markayse i soo hor istaagtey waxaa i galey islaweynaan(Waxaan rumeeyey in mid ka mid ah horyaalka magaaladu ay i jeceshahay).

"Haye, Mahad?", ayay igu tiri Maryan si aan xiiso badneyn salaantii ka dib.

"Haye?" ayaan si nacasnimo ah ugu soo celiyey, anigoo uu i galey xishood, waxaanse ka dareemey iyada lafteeda Xishood.

Waxaan ka soo dhaqaaqney meeshaan taagneyn anagoo dib ugu laabaney guriga oo ay Caasho tiri aan wax ku sugno Yuusuf. Nasiib wanaag markaan mareyno Luuq-luuq yar oo guriga looga leexdo ayay naga hor yimaadeen Yuusuf iyo Abuukarey, markaasuu Yuusuf nagu eedeeyey:

"Kaaley, idinku waad is urursaneysiin oo i iska soo baxeysiin miyaa?", gacanta intuu xageeda u soo taagey ayuu raaciyey:

"Anaga nama sugeysiin haye?""walaahi xaalkiina waan garan la'ahay".

"Waryaa Beentaas iska dhaafe ina keen hadaad na raaceysid wakhtigu waa naga dhamaadaye".

3

Waxaan ka soo degeney Baabuurkii aan ka soo raacney Ceel-gaab, markaasaan u dareerney xagga iyo gurigii Xafladu ay ka jirtey oo aan wax saas ah ka fogeyn Sheneemo Ekwatoore, ee Lambar Afar.

Markaan soo gaarney gurigii waxaa nagu soo dhaweysey gabar ka mid ah gabdhihii aan isku fiicnaan jirney Dugsigeygii Dhexe markaan dhiganayay. Salaantii ka dib ayaan wareystey meesha ay ku dambeysey iyo waxa ay qabato, waxaase ii diidey inaan si fiican ula sheekeysto cabsi aan ka qabey in Maryan shaki iga qaado, iyadu waxaas ma daneynin.

Waxaan dhexgaley barxad ay qiyaasti joogeen dhallinyaro aan soddon tiradoodu ka badneyn. Afar ka mid ahuna waxay taagnaayeen gees iyagoo dadka intiisa kale ay fadhiyeen.

"Oow, Iikar", intay Maryan tiri ayay u dhaqaaqdey dhinac ay taagnaayeen Afarta wiil.

Sidey u sii socoteyna waxay ku biloowdey salaan iyadoo qosleysa, waxaana dhex martey sheeko aanan maqleyn dulucdeeda(Waxaan u fekerey siyaabo badan waxaanse dhaafin waayey iney yihiin saaxiibo. Waxaan is iri waxay galabta kuugu sheegi weydey xafladaan ee ay ballanta habeen dambe kuugu dhigtey waxay rabtey in ay isaga caawa la joogto, adigana habeen dambe kuu timaado), Walaac ayaa igu dhashey waxaan damcay inaan u yeero hadana waxaan is iri ha u yeerin iyadaa markey hadalkeeda dhameysato kuu imaane.

Qadar dhowr daqiiqo ah markey la taagneyd wiilashii ayay ka soo tagtey oo ay ku fariisatey kursi dhinaceyga ahaa. Waxaa isla markiiba fadhigii ka soo kaceyDuq Jaamac oo dhaley Sahro, oo ay Maryan saaxiib yihiin, caawana xuseysa habeenkii dhalashadeeda.

"Waad salaaman tihiin", intuu yiri Jaamac asagoo gacanta kor u taagaya ayuu u soo dhaqaaqey miis yaaley fagaaraha dhexdiisa oo ay ku rasteysnaayeen alaab iyo mac-macaan kala duwan.

Waxaana miiskii dhexdiisa saarnaa koox shumac ah. Wuxuu is taagey miiska hortiisa oo ku beegan martida wejigeeda. Waxaa dhiniciisa midig taagneyd Sahro oo ay ku xigto hooyadeed.

Duq Jaamac wuxuu u daare xabbad tarraq ah Sahro oo uu u dhiibey markaasey iyana shidey dhamaan Shumacyadii sarraa Miiska dushiisa, dabadeedna demisey, iyadoo ay u sacbiyeen martidu, Duq Jaamac wuxuu soo qaatey mindi iyo fargeeto, wuxuuna cad ka jooyey Doolshe weyn oo saxan kor saarraa, wuxuuna afka u geliyey curadiisa Sahro. Mar labaad ayaana soo sacbiyey markaasuu Jaamac yiri:

"Aad iyo aadbaan idiinkugu mahad celinayaa sida wanaagsan ee aad uga soo Qeyb gasheen sanad guurada Sideed iyo tobnaad ee curadeyda Sahro Jaamac, waxaan iyada leeyahay ku gaar sanad guurada kale Caafimaad iyo calool san kuna ciid ciid wanaagsan. Waxaan idinna idin leeyahay ka soo qeyb gal wacan iyo kulan farxad leh, cabiddu wey furan tahay ciyaartuna way furan tahay. Mahadsanidiin.).

Intuu hadlayey iyo intuu wax goynayeyba waxaa sawir ka qaadayey wiil sawirle ah, oo aniga iyo Maryna hal mar na wada sawirey.

Dabadeedna Duq Jaamac wuxuu fariistey meeshisii waxaana biloowmay Barnaamijkii.

Waxaa kursi gees ah ka soo kacey wiilkii hadaayey taagnaa ee Iikar ay ugu yeereysey Maryan, siduu u soo socdey wuxuu gacanta qabtey Maryan oo la aadey Saalada.(Wax cuqdad ah kama aanan qaadin runtii in kastoon dhibsanayey, waayo waa wax caadi ka ah Fagaarayaasha ay dhallintu isugu timaado ama caweysyada).

Markey soo fariisatey oo wax yar ay nasateyna waxaa la saarey cajilad kale oo runtii aad u macaaneyd, markaasey Maryan is taagtey oo gacanta i qabatey iyadoo ii wada fagaaraha. Cabbaar markaan cayaarney ayaan ka soo dhaqaaqney saaladii oon fariisaney.

Waxay igu billoowdey hadal tiro oo aanan garan Ujeedadeeda, waxaanse ka fahmey oo keli ah in ay i leedahay'Wiil baa i sugaya'.

"Orod u tag hadduu ku sugayo" ayaan si kulul ugu iri.

"Ma rabo inaan u tago", ayay cod gaaban igu tiri, markaasaan anoo xanaaqsan iri:

"Maxaad hadaa iigu sheegeysaa?",

"Waan ka cabsanayaa"

"Oo maxaad uga cabsaneynsaa?" markaan ku irina waxay mar-marsiinyo iiga dhigatey,

"Wuu ii dhaarsan yahay" iyadoo iska dhigeysa sidii wax ka cabsanaysa oo kale.

"Adigu ha u tegin wuxuu sameeyo waan arkeynaaye", intaan ugu iri si qab ku jiro ayaan fiiriyey goobtii ciyaarta waxayna indhaheygu qabteen Yuusuf iyo Caasho oo wada qoslaya ciyaartuna ay aad ugu baxeyso, laakiin anigu ma qoslayo ciyaartuna iima baxeyso waayo waxaa i wareeriyey oo maskaxdeydii ku Ciyaartey gabadhaan aan saari la'ahay xaalkeeda.(Waal mid isku qasan oo aan garaneyn meel ay ka jeedo iyo meel ay ku jeeddo.

Waxaa iga yaabiyey siyaalaha kala duwan ee ay iila hadleyso.'Waa gabadh yare adigu dhis' ayaa igu soo dhacdey maxaanse dhisayaa iyadaaba i hogaamineysee.

Cabaar markaan fadhiyey anoo kaligeey isku buuqsan ayaan markii dambe istaagey anoo garabka qabanaya.

"Maxaa dhacey Mahad?", ayey tiri markaan u hor kacey xaggii Iridda. Markaasaan si degen ugu iri:

"Inakeen anaa kuu sheegayee", markaan banaanka u baxneyna waxaan ku iri:

"Soo bax meel baan aadeynaaye".

"Meel xagee ah?", ayey su'aal igula soo boodey."Anaa oge adigu ina keen".

"Sug wax yar baan joogeynaaye", markey igu tiri ayaan caro jiq iri, markaasaan si kulul ugu dhawaaqey:

"Aniga iyo xafladda mid dooro, wakhtigana ha iga lumin", cabbaar markey aamusneyd ayey mar dambe tiri:

"Maxaad iigu careysan tahay oon kugu sameeyey?",

"Anaa kuu sheegi ee ina keen", markaan ku irina waxaad moodeysey iney qanacdey, markaasey sidi qof aan raali ka aheyn amarkaas qallafsan, laakiin uu jiro xoog qasbayaayu tiri:

"Waa yahaye ina mari", anagoo is bar-bar socona ayaan ka soo dhaqaaqney Guriga hortiisa, intii aan dariiqa sii soconeyna islama aanaan hadlin haba yaraatee. Markaan soo gaarney Lambar Afar waxaan ka raacney Bas.

Waxaan baskii kaga degney Ceel-gaab, markaasaan ula kacey dhinaca Xamar weyne, markaan marreyno Baar 900, hortiisa welina aan keyno wada aada Curuba ayay Maryna i weydiisey:

"Mahad xaged inoo wadaa?",

"Ina keen waan dhawnahaye", markaan ku irina waxaan aad uga cabsanayey iney garato meesha aan u wado oo ay i diido, Halkaasna ay mushkilado hor luhu ka dhalato.(Armey garataa inaad u wado guriga Shabeele, illeyn waa tii Xamar weyne daganaan jirtaye, oo way kala taqaanaa xaafada-e), waxaan aad uga cabsanayey iney ogaato in ay tahay meesha aan u soconaayu guriga wiilka Saalim -Axmaday Saalim- oo dhalinyaradu u taqaano guriga Shabeele . Waa guri dhalinyarada iskaabulada ah oo saaxiibada ahu ay ku kulmaan.

Waxaan ka jiiraynay Carwada Cadan dhineceeda markaasaan qaadnay jid cadka ku toosan Shineemo Shentaraale horteeda ee dhex mara Xamar-wayne. Markaan dhowr luuq-luuq la jiraynayna waxaan galay irrid mugdi ah.

"Waa maxay meeshan mugdiga ah?" ayay Maryan i waydiisay anoo raba in aan qanciyana waxaa ku iri"Ina keen anaa nalka daariye" Maryan way is taagtay, intay hareeraha fiirisay ayay gadaal u laabatay.

Waxaan dareemay in aysan Maryan raali ka aheyn inay gasho gurigan, markaasaan bilaabay in aan isticmaalo khiyaamooyin yar-yar oo aan gabdhaha badankooda ku keeno gurigan waxaan ku dayey si kasta oon is iri way kugu ogolaan,"Anigu ma gelayo" Gabdhaha kaleetaayu markay diidaan in ay galaan gurigan way iska tegi jireen, weliba qaarkood marka iyagoo sii socda aan u yeero dhegaha ayay iga xiran jireen, dibna iima aysan soo fiirin jirin Maryanse ma rabto in ay gasho gurigan mana rabto in ay iga tagto.

"Gacaliso khalad ha iga fahmin,waxaan rabay qo kaliya in aan si fiican ugu sheekaysano, haddiise aad iga diiday ina mari meel na gee'

Markaan hadalkaas iri Maryan waxaa ka soo haray indho wax fiiriya oo kaliya. In nabar ahna wax hadal ahu kama aysan soo bixin.

"Ina mari gacaliso adoo raali iga ah" ayaan ku iri anoo codkayga dabcinaya, naxariisna ka raadinaya. Mase aysan dhaqaaqin ee weli way taagan tahay, markaasaan u soo dhowaaday oo ku iri "Maryan maxaa ku taagay meeshan guriga haddii aadan galayn ina keen waan iska tegaynaaye" Iyadoon hal eray oran ayay iga soo daba dhaqaaqday, markaan cabbar is daba soconay anagoo wada aamusana waxay hadal ku biloowday,

"Mahad" markaasaan fiiriyay anoon heena oran "Anigu waxaan rabaa in aan xaafadii aado"

"Xaafadee"ayaan waydiiyay markaasay tiri,

"Gurigeenna"

"Waa hagaag" ina mari aan ku sii dhoweeyee, markaan irina waxaan dareemay inaan helayo inay ila sii joogto. Waxaan iska rabaa in aan meel wada fariisano, oon sheekaysano laakiin maxaan u sheegayaa wixii aan oran lahaa oo dhanba waan la cabsanayaaye.(Waxaan is iri way kugu qosli hadaad u sheegto waxaad ku fekerayso)

Markaan gaarnay Ceel-gaab waxay raacday bas xaafadeeda ana sidoo kale mid Maanaboolyo.

Habeenkii dambana sidaan ku ballanay markay ahayd todobadii fiidnimo ayaan is geeyay guriga Caasho oon ugu tegay Maryan oo joogta.

"Way Mahad waad soo dhakhsataye?" ayay Maryan igu tiri,markaasay Caasho hadalkii qaadatay oo tiri"In aad joogtuu ogaa", markaasaan saddexdeeni qosol hal marku kulanay.

Waxaan anagoo wada socona ka soo baxnay gurigii, wax yar markaan ka soo fogaanayna waxaa na maca salaamaysay Caasho oo naga hartay.

Habeenkaa waxaan ku soo tashadey inaan u gado Maryan jalaato, waxaan ku iri:

"Maryan, ina keen jalaato Asad ayaan tegeynaaye", Garabka ayaan qabtey, iyadoon hadlina way i raacdey. Markaan ka soo baxney jalaato Asad Maryan waxaan u kexeeyey guriga Shabeelle. Markaan Masaajika Marwaas dhiniciisa mareyno waxay indhaheygu qabteen Axmadeey oo taagan Shineemo Suber horteeda, markaasaan Maryan ku iri:

"Maryan, wax yar i sii sug", waxaan ku dhaqaaqey xagiisii, markaan ku sii dhawahayna waxaan ku dhawaaqey:

"Waryaa Axmedeey kaalay noo" markaasuu Axmadeyna u soo dhaqaaqey xageyga,

"Caawa anaa jooga, ee yaan laygu khash-khashin yaa",

"Qoftaas miyaa?", ayuu yiri Axmadeey isagoo gacanta u taagaya dhinaca Maryan.

"Haaye, yaan ley rabshin yaa?"

"Anigu ku rabshi maayo hadaaney wax kale ku rabshin"

"Okey", markaan ku iri ayuu iga daba yiri:

"Ha ku daahin,guriga yaa?"intaan ku qosley anoo gartey Ujeedadiisa ayaan ku iri:

"Okey, Okey ku daahi maayo"

"Ina mari", intaan ku iri ayaan Maryan gacanta qabtey.

"Maryan shineemooyinku inama anfacaan oo way buuq badan yihiin, jardiinooyinkuna sidoo kale bay buuq badan yihiin fiidka hore marka dambana Aalkoliistayaal baa yimaada, marka meel kale hadaad noo heyso ina mari"

"Adigu inoo wad" ayay iigu soo war celisey.

"Okey, gurigi maxaad ka qabtaa?"

"Gurigee?"aya i waydiisay markaasaan ugu jawaabay,"Gurigii xalay aad diidaysay", way aamustay daqiiqad ka dibna waxay cod gaaban ku tiri,

"Ina mari", markaasaan u kaxeeyay guriga Shabeelle. Markaan gallay gurigii waxaan ku wada fariisannay sariir. Waxaan u sheekeeyay cabbaar,markaasaan darcay sidaan yeeli jiray gabdhihii hore bal in aan ku dayo.

Waxaan is iri'maxaa jacayl iyo baddaa ku geliyay maad ka qabsatid ood iska dirtid'Haddana markaan ku dhaqaaq is iri waxaan arkaa iyadoo qoslaysa oo i fiirinaysa, (maxay ku qoslaysaa baastaradu),markaasay cabsi i gashay, mase aqaano wax aan uga cabsanayo,kumana soo hadal qaadi karo wax aan rabo in aan sameeyo.

Waxan marba arrinta ka tusaa dhinac anoo ka rajo qaba in ay i oggolaato, laakiin waxay iiga baxday in ay i foorjayso oo igu qososho.

Muddo labaatan beri ah markaan keenayay Maryan guriga Shabeelle, hase yeeshee aanan garan weli macnaheeda, intaasna uu igu sii kordhayey xiisaheedu ayaan maalintii dambe makhribnimadii Maryan keenay guriga Shabeelle, Markaan irridda soo istaagay waxaan arka in uu furan yahay albaabku markaasaan Maryan ku iri,

"Maryan wax yar i sii sug, guriga waa lagu jiraaye".

Waxaana galay qolkii, waxaana ugu tegay Axmedey iyo koox kale oo turub ku cayaarasa, mid ka mid ah ayaana igu yiri,isagoo ka dhigaya in uu ila kaftamayo," Ma waddaa Maryan?" intaanan eray oranna mid kalaa yiri,"War hooy lafahaaga ha ku cayaarin intaad naagtaas isku waalaysid," Aad baan uga xanaaqay markaan maqley erayadaas, markaasaan si kulul u iri,

"Shaqadaada ma aha ee ha fara gelin arrimahayga gaarka ah". Kuwii kale markay aamuseen ayuu Axmeddey hadlay oo yiri,

"Awal middii oo hal habeen lal socdo waa laga tegi jiray, hadda middaanuu iska arka oo habeen iyo maalin uu wadaa".

"Axmeddey waxaad ku hadlaysid ka fiirso",ayaan iri anoo aad u xanaaqsan. Markaasuu Axmeddey yiri, "Aloore ninkaan odayga ah aan u firaaqayno", iyagoon midkoodna hadal kale oran waxay ka wada baxeen qolkii.

Waxaan ku laabtey Maryan oo annagoo wada socona aan gallay qolkii, markaasay Maryan tiri,

"Anigu waan dhibsanayaa gurigan ee adaa isku khasbeysid".

"Macno ma laha gacaliso,intaan guri kale ka helayno ayaan ku sii sheekaysanaynaa habeen habeen."

Daqiiqado aan yareyn markaan isu sheekaynayn ay aniga iyo Marya ayaa albaabka la soo gara cay anoo ku jiifa Maryan dhabteeda oo ay madaxa ii salaaxayso.

"Waa ayo?" ayaan waydiiyay anoo fariisanaya.

"Waa Axmaddey iyo dadkiisii", intuu yiri ayuu soo galay isagoo ay la socoto gabar,markaan iri "soo gal".

"Weli majoogtaa?"

"Haa haddase waa baxaynaa",intaan iri ayaa cag aha gashaday kooyahaygii oon istaagay anoo garab ka qabsanya Maryan oo i dhinac fadhiday wejigana qarinaysay si aan loo garan,laakiin Axmedday wuu yaqaanay.

Markaan ka soo baxnay gurigii ayay Maryan tiri; "Alla maxaa gabar masaakiin ah balaayo gacant u gashay", Markaasaan anigu ku war celiyay,

"Wax maskiin ah iyo wax balaayo ah majiraan e cayaarta waa la wada dheelayaa".

"Maxay cayaar dheelayaan gabdhahaas yar-yar ee masaakiinta ahu". Markii ay i waydiisayna waxaan ugu jawaabay,

"Meeqa wiilbay intay kiciyeen u gembiyeen"? hadalkaas markaan iri waxaad moodaysay Maryan in ay aad u kululaatay,

"Mahad, in aad intaa dhaantaan ku moodayay"

"Miyaan xumahay?" Markaan waydiiyayna waxay tiri"Sidaas kuma moodayn!"

"Sidee?" ayaan haddana waydiiyay.

"Adigu xataa daacad ma tihid".

"Maya, maya adiga daacad waan kuu ahay"

"Hadaad ii tahay maxaad habeen kasta isugu daydaa in aad....." markay tirina waxaan ugu jawaabay anoo qoslaya,

"Gacaliso waxaan rabay in aan ogaado jacaylkaagu in uu dhab yahay iyo in kale,haddase way ii cadaatay in aad i jeceshahayoo ii tahay daacad, anna waxaan kuu ballan qaadayaa in aan kuu ahaado daacad, si daacadnimo ahna aan kuula dhaqmo".

"Waad mahadsan tahay gacaliye, anna sidoo kale ayaan kuu ballan qaadayaa". Markay hadalkaas i tiri intaan is taagay ayaan ka soo hor jeestay oon labada garab gacmaha ka saaray waxaana ku iri,

"Maryan, weli adoo i hor taagan ima aadan oran waan ku jeclaha, inkastood siyaabo kale iigu cadaysay".

"Haddaan ku leeyahay gacaliye waan ku jeclahay inta qof bani aadam ah la jeclaado". Hadalkaasu markuu afkeeda ka soo baxay ayaan ku soo booday anoo farxad in aan dilaaco ay iga soo dhowdahay, markaasay iyana hab i siisay.

Illustration from the book, page 41

4

Lix bilood ayaa markan ka soo wareegtey xiriirkanaga joogtada ah ee Aniga iyo Maryan waxaa marba marka ka dambeeya sii xoogeysanaya Jaceylkeenii iyo is tixgelinntii naga dhexeysey. Waxaan caadeystey in aan kulano todobaadkii laba jeer ugu yaraan, markaan isu baahanana waxaan isu diri jirney Telefoon.

Beryihii hore waxaa na ogaa oo keliya Caasho iyo Yuusuf iyo wax saas ah, laakiin beryahaan dambe waxay arrintii ku shaacdey Iyada xaafadeeda iyo aniga teydaba illaa ay ka gaarto waalidiintanadii, waxaase waalidiintaba iiga darraa oon ka fakan waayey wiilala badan oo iyagu isu rabey Maryan iyo gabdho ruufiyaano iyo xaasidnimaba leh.

Waxaan dameemey in ay shaki iga qabto Maryan anagoo soo wada soconey muddo ka badan lix bilood waxaana aan ogaadey in loogu sheekeeyey oo loo dhisey qorsheyaal been ah si la iigu diro ama naloo kala reebo.

Habeenkii dambe markaan kulanayna waxay ii sheegtey in waalidkeed iyo walaalaheeda ka waaweyniba ay uga digeen la socodkeyga, waxaa kaloo ay ii sheegtey in loo diidey in ay guriga dibadda uga soo baxdo iyadoo aan lala socona aaney xattaa irridda soo istaagi karin. "Waxaa la i yiri", ayey tiri iyadoo ii sheegeysa,

"Telefoon ma diri kartid, xataa gabadh saaxiibtaa ah uma diri kartid", waxayna raacisey, "xataa hadaan damco in aan diro waa la ila dhegeysanayaa, oo waxaa laga dhigey Telfoonkii bar-barro".

Ereyadaanu aniga waxay igu kordhiyeen welwelkii aan ewel ka wel-welsanaa in ay iga shakisan tahay oo arrimaheenii wax ka bedelmeen, markaasaan hoos u foorarsadey anigoon ereyna oran.

Waxay markaa niyadda iigu dhistey:

"Laakiinse anagu kuwii is arkaan nahay, ama al-baab hala xirto ama haley daba galo e".

Markey hadalkaa tiri madaxaan kor u qaadey, Anigoo aad i moodo in ay raja yaru i gashey.

Waxaa kistoo iga degey wel-welkii tirada badnaa een la gubanayey.

Galab jimco ah oo ka mid ah Bishii Nofember 1979kii ayaan ka soo baxey gurigii Aabaheey anoo aad isugu buuqsan, waxaan garan la'aa wax aan sameeyo, Odeyga Aabaheey ahu wuxuu rabaa inuu ii diro Jaamacad banaanka ah anna waxaan rabaa in aan la noolaado Maryan, Iima muuqato nolol dha-dhan luhu la'aanteed. Waxaaban aaminsanahay inaanan noolaan karin hadaan ka fogaado, laakin ayadu maxay aaminsantahay?.

Habeen hore mar aan ku sheekeysanay Taalada Xaawa Taako, waxay igu tiri:

"Habeen kasta waxaan toosaa illaa shan goor oon mar kasta fiiriyaa Masawirkaaga", habeenkaas habeen ka horreysaneyna waxay ii sheegtey markey meel u socoto in ay is aragto iyadoo meeshii dhaaftey ama meel kale aadey sidey ugu fekeryso arrimahanaga.

Galabtaa anoon Ujeedo ka laheyn ayaan Caasho gurigooda ugu tegey. Markaan galey oon Caasho salaamey, salaantii sidii ay iiga qaadi jirtey iigameey qaadin, iigumana fur-furna sidii ay ewel ii ahaan jirtey oo kale.

"Fariiso Mahad", ayay i tiri anoo qolkeeda dhex taagan.

Markaasaan fariistey anoo aamusan ayay ka baxdey qolkii. Muddo rubi saac ah markaan fadhiyey anoo kaligeey ah ayay gabar yar oo ay Caasho walaala yihiin ii timid oo igu tiri:

"Waryaa walaashey waxay ku tiri iska bax"

"Ma Caasho?", ayaan gabadhii yareyd su'aaley

"Haa", ayay gabadhii tiri, markaasaan weydiiyey:

"Miyey baxdey?"

"May, ma bixin ee Maryan bey la joogtaa"; markey tiri ayaan ku celiyey:

"Bax Maryan iigu yeer", markaaseey baxdey oo aadey xagooda, daqiiqad intaaney ka soo wareegin ayay ii soo laabatey waxay igu tiri:

"Maryan waxay ku tiri:'Ii keen masawiryaasheydii iyo waraaqihii aad iga heysey oo dhan'", waxaan rumeysan waayey gabadhu waxa ay sheegeyso, waxa ay iigu muuqatey iyada dhamu Sheydaan oo kale. Waxaan iskula hadley: 'waa maxay balaayadan ay gabadhu kuu saadaalineysaayu' markaasaan Sheydaanka iska naarey anoo dhafoorka heysta oo yaaban.

"Bal iyada kaaley dheh", ayaan ku iri gabadhii yareyd oo yaaban oo i ag taagan, markaasey tiri: "Waa yahay", intey dhaqaaqdey.

Waxaad moodeysey inaan sugayey inta ay gabadhu ka baxeyso markaasaan hal mar jareeyey anoo dhan, wel-welkii awel ayuu mid kaleetaayu iigu darsamey. Intaan labada dhafoor qabsadey ayaan dhulka fiiriyey anoo wadnuhu aad ii garaacayo. Wejigeygii maariinka ahaayu wuxuu isu bedeley weji guduudan indhihiina way i casaadeen, waxaa iga soo dhawaatey inaan qarxo.

"Waxay ku tiri'Kuu imaan maayo ee alaabteyda ha ii keeno hadaad wax maqleysid" ayey tiri gabadhii yareyd oo soo gaashey.

Waxaan gacmaha saarey wejiga si aaney gabadhu u dareemin is bedel, waxaan la soo baxey Masar oon iska mar-mariyey wejiga.

"Waa yahay, Caawaan kuu keenayaa buu ku yiri ku dheh", in taan iri ayaan istaagey oo ka soo baxey gurigii. Intii aan sii socdey oo dhan aad baan u fekereyey, waxaa joogey muuqeyga maahee runtii maankeygu wuu maqnaa. Waxaan tegey Ceel-Gaab oon ka raacey Baabuur, markaan guriga tegeyna waxaan fariistey qolkeygii anoo talo ila ciirsan tahay.

Todobadii fiidnimo ayaan ka soo baxey gurigii waxaana dib ugu laabtey xaafada Caasho, anoo wata waraaqo badan iyo dhowr sawir oo Maryan. Intii aan dariiqa sii socdey oo dhan waxaan isku hayey inaan masawirada iyo waraaqaha u celiyo iyo inaan u diido oo aan heysto.

Waxaanse garan la'aa sababta ku kaliftey in ay tiraahdo ii soo celi wax ay iyadu markii hore ila soo doonatey heshiisna aanan ku aheyn in aan u soo celiyo. 'Maya khalad weeye waxa aad ugu celiso wax ay iyadu ku siisey' ayaan iskula hadley markaasaan go'aansadey inaan waxba u celin ee aan ku been sheego way lumeen waxay rabto ha sameysee, markaasaan ku leexdey Dukaan ku yiilley Afar Irdoodka oon dhigtey waraaqihii iyo masawiradii. Anigoo fara marana aadey meeshaan u socdey.

Markaan gurigii iridiisa soo garaacey waxaa iga furay gabar yar markaasaan weydiiyey Caasho in ay ku jirto iyo in kale, waxayna ii sheegtey in ay joogto. Waxaan u gudbey qolka Caasho xagiisa markaan iridda soo garaaceyna waxaan maqley Maryan oo leh:

"Caasho ma dhaafi kartid Mahad".

Waan is taagey markaasaan si fiican u dhegeystey hadalkoodi, waxayna tiri Caasho:

"Ma ninka naagta kala saaxiibka la ah adna been beenta kugu wada ayaadan dhaafi karin?"

"Caasho ma dhaafi kari ma dhaafi kari" ayay tiri Maryan iyadoo aad ka garaneyso Codkeeda iney ooyeyso, waxayna raacisey:

"Sideen u dhaafaa Gacalkeyga?".

"Hadaadan dhaafi karin maxaad iigu direysey galabtoo dhan?", ayay Caasho weydiisey Maryan, waxayna ugu jawaabtey:

"Waxaa i kululeeyey Hadalkii la ii sheegey, runtiina Mahad kama hari karo, ee afkaan ka leeyahay waan ka hari oo....", halkaa markii ay mareysana Abuukareey oo Qabeys ka soo baxay, markaasaan ku dhawaaqey anoo xishood yaru i galey: "Weey Abuukareey ii warran?".

"Waa la fiican yahay", ayuu iigu jawaabey, wuxuuna ii raaciyey:

"Caasho waa ku jirtaa iyo Maryanba".

Markaasaan iri:

"Haa", intaan gar-garaacey Qolka Al-baabkiisii, markaasey Caasho tiri:

"Soo gal", markaan salaamayna waan fariistey, Maryan oo sidii qof aad u careysan afka taageysa ayaa cod kulul igu tiri:

"Ma ii wadaa Alaabteydii?", Markaasaan si kaftan ah ku iri, anoo qosol iska keenaya:

"Maxay tahay Alaabtuna?".

"Waryaa ha is moogeysiinine Alaabteydii ii keen".

"Maad ii sheegtid Alaabtu waxay tahay?".

"Maxaad isugu dhejineysaa maad ii keentid?"

Markey tiri waan aamusey,(Waxaan fahamsanaa in ay aad ii jeceshahay.

Laakiinse ay markaas xanaaqsaneyd. Waxaan xasuusnaa Xikmad oraneysa - Weligaa ha ka xanaaqin badaha kacsan, waayo waa wax dabiici ah oo ka mid ah safarkeena badda - ).

Wax yar markaan aamusnaa ayaan weydiiyey:

"Oo Adigu maxaad iigu keeni weydey Alaabteydii?", waxay fiirisey Caasho oo ku tiri:

"U soo bixi", markaasey Caasho istaagtey oo u dhaqaaqdey xaggiyo iridda, waxayna tiri:

"Kaaley Mahad waxbaan kuu sheegayaaye".

Waan is taagey markaasaan Caasho qolka fadhiga u raacey, markaan fariisaneyna waxay hadal iiga billoowdey:

"Mahad, maxaad walaaloow gabadha ugu ciyaareysaa?"; markaasaan iri:

"Sideen ugu ciyaarey?", anoo xanaaq yar muujinaya.

"Adigoo gabar kale saaxiib la ah ayaad beenbeen ku wadey, intii hore ma aysan ogeyn oo hada markaad wadnaheedii hantidey ayay ogaatey. Runtina xaafadooda xaley lagama seexan, saakana markuu waagu baryey ayay aniga i soo aadey ilaa hadana waxaan ku hayay sabab iyo waano, dhowr jeer beyna damacdey iney ku soo raadiso".

"Oo maxey iga soo raadineysaa?", markaan weydiiyey anoo kulul ayay madaxa hoos u rogtey iyadoo leh:

"Iyadaa og waxay kaa rabto".

Waxaa iga duuley xishoodkii iyo ixtiraamkii waxaan isku celin waayay caradii i heysey, waxaan qarin kari waayay waxaan u qabey Caasho, markaasuu dhidid iga yimid, waxaana ku iri:

"Caasho runta hadaan isu sheegeyno adaa igu direy Maryan, oo abuurey mushkiladan", waxaa wejigeeda ka muuqdey caro iyo isla weynaan.

"Waryaa ha igu gefin anigu kuguma dirine".

"Adigaa igu direy, adigaa igu direy oo waxaan jirin u sheegey", ayaan iri anoo aad u xanaaqsan oo gacanta xageeda u taagaya.

"War anaa kugu direy, haddana kugu diraya ee waxaad sameyn rabtey samee", intey tiri ayay u dhaqaaqdey xagiyo dariishada.

Hal mar ayaan la boodey caradii markaan xageeda u dhaqaaqeyna(Waxaan rabey in aan u gacan qaado), waxaan gartey inaan joogo gurigeedii oo aaney ku ceeb la'aaneyn hadaan gacan qaado, markaasaan ku iri anoo ka sii baxaya qolkii: "Waan arki doonaa waxaad ka faa'iidid".

Markaasey iga daba tiri:

"War orod, anagaa waaleyn oo soo dhaweyney wax mayiika qabee".

"Waa yahay" ayaan iri waana tegey.

Markaan marayo Farmashiye Marwaas dhiniciisa ayaan maqley cod iga daba qeylinaya oo magaceyga ku dhawaaqaya, markaasaan gadaal u fiiriyey waxayna indhaheygu qabteen Maryan oo soo ordeysa iyadoo kala daadsan, mase aanan istaagin ee socodkeygii ayaan iska watey. Intey i daba socotoo dhan way ii yeereysey, markey i soo gaadheyna waxay iga daba tiri:

"Mahad,Mahad!!, maxaad ii dhageysaneysaa gacaliye", umase aanan jawaabine waan u daayey oohinteedii. (Amba Galabta markey i tiri'Masawiryaasheydii ii keen' gabar ooheysa wax ma aanan dhaamin).

Cabbaar markii ay i daba socotey ee aan la hadli waayey ayay iga hadhey. Waxaan aadey agagaarka Shenteraale oon ka radiyey Yuusuf, Nasiib wanaag waxaan heley isagoo ku fadhiya Baabuur Shineemada hor yaalley.

Salaantii ka bacdina waxaan kala dhex baxey dhallinyaradii kale ee uu ku dhex jirey, markaasaan u kaxeeyey barxadda Curuba. Cabbid markaan qabsaneyna waxaan fariisaney derbiga Xeebta u jeeda, waxaana u billaabey wixii na dhex marey Aniga iyo Caasho,(Waxaan u sheegey waxay igu sameysey, laakin uma sheegin waxaan dareemayo), markaan hadalkii u sheegeyna wuxuu yiri:

"Caasho aad iyo aad bey runtii kuugu geftey, kaagana gar daran tahay, waxaadse khaldaneyd markaad gabar sirtaada oo dhan u sheegatey, axsan Maryan waad kala sheekeysan kartaa arrimo khaas ah, laakiin Caasho oon wax isaga kiin xirneyn waxaad isaga hor timaadaan waa khalad".

"Caasho laakiin sir uma sheegan".

"Hadaadan Adigu u sheegan xataa way ogtahay tallaabo kasta oo aad qaadaan Adiga iyo Maryan waayo mar kasta gurigeedaad ku ballantaan", markuu yiri ayaan aamusey. Markaas waxaa xoogaa iga yaraadey wel-welkii i hayey, dhowr ilbiriqsi markaan aamusnaa ayaan weydiiyey:

"Xageey laakiin dacaayadani ka timid?".

"Ma aqaano hadiise la daba galo waa la ogaan karaa".

"Bal Ninyohoow waxaan rabaa inaad iga kaalmeyso arrintaas".

"Baaristeedaa?".

"Haa, sidii lagu ogaan lahaa qofkii waxaa suuqa geliyey".

"Okey waan raadineynaa". markuu yiri wuu istaagey waxaana ka soo tagney meeshii.

Mar kaan agmareyno Hotel Wadaama-Goysyo ayuu naga hor yimid wiil ay mar-mar is raacaan Yuusuf, wuxuuna noo sheegey in Caasho iyo Maryan ay weydiiyeen Aniga iyo Yusuf inuu midkeen arkey.

Wuxuuna Yuusuf weydiiyey:

"Aawey hadda?".

"Waxay taagnaayeen Sheneemo Shenteraale horteeda", markuu yirina, waxaan Aniga iyo Yuusuf niri:

"Jaaw Walaalkiis", waxaana u talaabsaney xagga Sheneemada, laakiin markaan soo gaarney Sheneemada horteeda cidi ma taagneyn, waxaan fiiriney dariiqyada agagaarka oo dhan muuqoodiina waan weyney.

Aad ayuu wadnaheygu u garaacayay, waadna iga dareemi kartey waxaan ku sugnahay. Yuusuf oo arkey marxaladu halka ay mareyso ayaa gacanta intuu i qabtey igu yiri:

"Ina keen aan xaafadii aadnee, subixii baan u tegeynaaye", anoon hadlina waan raacey.

Subixii dambe markey Sideedii subaxnimo aheyd ayaan toosey ilaa iyo tobankana waan sugayay Yuusuf oon ku balaneyn inuu guriga iga soo maro ilaa hadana ma hayo. Kow iyo tobankii markey mareyso ayaan ka soo baxey Gurigii anoo ka careysan Yuusuf ballanta uu ii gooyey. Baskaan saarnaa markuu hor marayo Dugsiga Yuusuf Al-kowneyn ayay indhaheygu qabteen Caasho oo la taagan gabdho kale Dugsiga hortiisa markaasaan kii baska ku iri:

"Ii jooji", markii aan Baskii ka soo degeyna waxaa i galey cuqdad waxaan is weydiiyey 'Maxaad ka dooneysaa qofkii mushaakilka kugu abuurtey xaleyna aad xumaanta ku kala tagteen?' waxaan u waayey su'aashaas Jawaab i qancisa markaasaan Jidkii horey isaga soo qaadey waxaan fariistey Baar Isboorti. In cabbaar ah markii aan fadhiyey baarka hortiisa ayaan arkey Yuusuf iyo Caasho oo jidka dhanka shishe ka maraya, Anna intaan is taagey ayaan dhankaan joogey Laamiga ka garab galey. Wax xoogaa markaan is garab soconey ayay i arkeen markaasuu Yuusuf gacanta ii taagey, markaan is taagey een gacanta u taageyna wuu soo dhaqaaqey isagoo raba inuu jidka ka soo gudbo, laakinse waxaa ka harey Caasho markaasuu intuu dib ugu laabtey la hadley, hase yeeshee waxaa ii muuqatey in ay wax isku khilaafsan yihiin(Waxaan u maleeyey in ay diidan tahay in ay ila kulnato arrintaasna ay isku khilaafsan yihiin), wax yar markuu la hadlayeyna wuu ka soo dhaqaaqey oo ii yimid, iyana dariiqii ay heysey ayay toos isaga qaadey.

"Haye Mahad?".

"Wanaagsan".

"Saaka waan kuu gooyey oo Caashaa ii timid", ayuu yiri wuxuuna raaciyey:

"Ina keen Kafee Nazonale ayaan ku sheekeysaneynaaye", intii aan u sii soconey baarka waxaan ka sii sheekeysaneyney arrimo guud, markaan fariisaneyna wuxuu ii billaabey hadalkii dhex marey Isaga iyo Caasho:

"Horta dad baa inoo tashadey aan war ku siiyo" markuu yiri ayaan dareenkeygii xagiisa u wada jeediyey anoo leh:

"Haye!".

"Najmadi Howl Wadaag degeneyd", markuu yiri ayaan hadalkii ka dhex galey oon weydiiyey:

"Afar Indhoodiibaa?".

"Haa, tii Sheekh Xasan Barsame dhiganeysey iyo Aamino Wiilo ayaa leynoo soo direy".

"Yaa soo direyna?".

"Waxaa soo direy Cali iyo kuwii kaleeto".anigoo yaaban ayaan eegey oo iri:

"Haye!".

"Markii hore Najmaa Caasha u sheegtay oo "ku tiri, 'Mahad waxay saaxiib yihiin Faaiso." Anoo la yaaban waxan uu sheegayo ayaan waydiiyay,

"Waa tee Faa'isadaasuna?"

"Tii habeenkii dhoweyd tiyaatarka aad u wadaysay"

"Haa Faaiso Cadaani miyaa?"

"Haaye dhegayso."

"Haye ii wad"

"Markaasay Caashana u sheegtay Maryan, Maryana way iska qarsatay oo cidna waxba ma waydiin umana sheegan. Daraad ayaa haddaba waxaa Maryan u timid Aamina Wiilo oo iyana beenti u sheegtay kana dhaadhicisay inaad Faaiso saaxiib tihiin. Markaasay Maryan habeen hore ku soo raadisay iyadoo kuu soo socotana waxaa dhexda ka helay Cali oo been siduu ugu waday ku qamciyay sidaasayna habeen hore kaaga baaqatay"

"Waan gartay in Maryan la soo diray oo been laga soo dhaadhiciyay, waxayse ka helaan bay leeyihiin."

"Laakiin adigu eeda waxaad saartay Caasho"

"Haa, waayo cid kale oo Maryan la talisa ma ogayn."

"Iyadana waxbaa ku dhacay!"

"Wax sidee ah?" ayaan waydiiyay markaasuu iigu jawaabay isagoo in uu ka xun yahay aad dareemaysid,

"Saaka soo uma ayaan tegin Maryan oo xanuunsan, dabadeedna iyadoo la fadhida oo u sheekaynaysa soo Maryan habarteed uma soo gelinoo Caasho kuma bixin, say!" anigii waxaa iga soo haray yaab iyo dhafoora hays wax aan sheegaan garan waayay, markaasaan waydiiyay,

"Oo maxaa ku dhacay islaanti wayneedna?"

"Ma aqaano, waxaanse u malaynayaa in loo been abuuray ayadana."

"Haa, waa laga yaabaa." ayaan iri anoo weli yaaban oo isga war ka sugaya, markaasuu yiri,

"Waxaa kaloo ay ii sheegtay in Maryan loo dirayo degmada Marka Caddeey ilaa iyo bisha Disambar dhexdeedana ay soo joogayso, oo weliba aad loogu koontaroolayo." Markuu hadalkaas yiri waxaad moodaysay in dhimbil dab ahoo aad u kulul layga saaray wadnaha. Waxaa isla mar istaagay dareemayaashaydii oo dhan. Jirkaygii waxaa galay shoog anigoo dhana hal mar ayaan garjiray. Yuusuf markuu arkay in aan aad u wel-welsanahay ayuu ii diray biyo aad u qabow oo qaarna uu i siiyay intii kalana masarkiisa ku qooyay oo madaxa iga marmariyay, markaan wax yar roonaaday ayuu garabka i qabtay oo ii kexeeyay xaafaddaydii Markaan qolkaygii seexday waxaan jiifay soddon iyo sideed saacadood oo aanan guriga banaanka u ga bixin musqusha meel ka dheer, waxba ma cunin waxna ma cabin biyo maahee. Dhakhtar ayuu Aabahay ii keenay wuxuuna i siiyay kaniini oo i yiri cab mana cabin ee waan diiday, waayo waxaan ogaa inaanu ahayn daawadaan u baahnaa.

Galabtii Isniinta ayaan ka soo baxay guriga anoo dareemaya tamar daro aad ah. Waxaan aaday guriga Yuusuf oo runtii aan aad u xiisaynayay aragtidiisa, aana rejeynayay inaan ka heli doono xog warran. Markaan Yuusuf u tegay wuxuu ii sheegay in Maryan u baxday Marka ayna maqnaanayso muddo bil ku dhow.

5

Labaatankii beri ee Maryan ay maqnayd meella guriga kama aanan aadi jirin ee habeen iyo maalin akhris ayaan isku maaweelin jiray waxaa mar kasta indhahayga hortaagnaa humaageeda oon la heesi jiray ama la sheekaysan jiray. U malayn maayo in hal habeen aan riyo la'aan seexday, habeen kasta waxaan ku riyoodaa iyadoo i la joogta, anagoo is aroosnay, anagoo wada cayaarayna Maryan oo ilma ii dhashay IWM. Waxaan aad u dhibsadaa in la ii yimaadoo oo la ii sheekeeyo waayo waxaan nacayaa riyadayda in la iga dhex galo. Afarta iyo barka subaxnimo markay ahayd ayaan ka toosay hurdo, markaan qolka ka soo baxayna waxaan istaagay barandada anoo fiirsanaya beerta ubaxa ee guriga hortiisa ku taala. Taaso uu Aabahay aad u jecel yahay maqtiyadiisa firaaqadana uu ka shaqeeyo.

"Mahad" ayuu iigu yeeray aabahay oo ka soo baxay guriga.

"Hee aabe?"

"Maxaa talo ah?"

"Talo sidee ah aabe?"

"Mahadoow in aad guriga jiifto habeen iyo maalin, oo jaamacad aadan dhigan, shaqana aadan qaban miyaa kula fiicnaatay?" ayuu raaciyay,"Noo sheeg hadaad jiran tahay aan cisbitaal ku geynee, haddii kalesa sidan isu dhaan nin wayn baad tahay."

Waan isku sheexay, hadalkiina wuu igu joqday. Waxaa wejiga igaga dhacay runta uu aabahay ii sheegay wax aan ku cudur daartana ma garanayo.

"Waan ka tashanayaa aabe mar dambana jiif iigu iman maysid."

"Bal is xilqaanoo nin wayn oo karti leh iska dhig."

"Waa yahay aabe"

"Sidaasaa inoo ballan ah." intuu yiri aabahay ayuu iga dhaqaaqay.

Isla markiiba waxaan go'aansaday inaan baxo markaasaan qabays galay. Markaan qabayskii ka soo baxay si dhakhso ahba waan u lebistay, markaan irridda gaarayna waxaan is iri aabahaa maad sii raacdid hadduu baxayaaye. Waxaana waydiiyay,

"Aabe soow ma baxaysid?"

"Haa wax yar i sug."

"Waa yahay" intaan iri ayaan barandada fariistay oo walaashay Jiijo shaah u dirsaday. Wax yar markaan fadhiyay ayaa talefoonka guriga la soo garaacay waxaanan u yeeray walaashay oon iri qaba telefoonka.

"Mahad?"

"Haye?"

"Adaa lagu rabaa" ayay igu tiri walaashay intay ka soo baxday qolkay ku jirtay, waana aan u daba maray oo telefoonkii oo is dhinac yaala qaaday oo la hadlay.

"Hallow?"

"Haa, Mahad miyaa?" ayuu cod gabdheed i waydiiyay waxaana ugu jawaabay,

"Haa, abbaayo."

"Waxaa kula hadlaysa gabadhii dambiga kaa gashay." Markay tiri ayaan hadalkii dhex galay oon waydiiyay,

"Caasho miyaa?"

"Haa, waa Caasho"

"Ii warran walaashay?"

"Fiican" ayay tiri waxaana aan waydiiyay,

"Yuusuf ma aragtay maantaan?"

"Wuu xaraysan yahay."

"Ma jaamacadduu ku xarooday?"

"Haa, gahayr" markay tiri waan aamusay hadalkiina waxaa la wareegay iyada oo tiri,

"Mahad, caawa ma ii iman kartaa?"

"Haa, aniga naftaydu waan kuu baahnaa"

"Meeqa saac ayaan ii imanaysaa?" markay i waydiisay ayay is bedeshay fikradaydii, waxaana go'aansaday in aanan gurigeeda ugu tegin ee aan meel kale kula balamo. Waxaanna ugu jawhabay,

"Laba saac xageen kuugu imaadaa?"

"Guriga" ayay tiri

"Meel aan guriga ahayn in aan ku sheekaysano ayaan jeclaan lahaa."

"Waa yahaye xageen isku arkaynaa!" markay i waydiisayna waxaan si degan ugu iri;

"Juumba Jalaato todobada fiidnimo ha ka soo daba marin."

"Okay, Jaaw"

"Jaaw" markaan iri waxaan dhigey telefoonkii waxaana ka soo baxay qolkii. Dhowr daqiiqo ka dibna waxaan saarnaa baabuurkka aabahay. Wasaaradda Boostada ayaan ku iri,

"Aabe ii jooji waan kaa harayaaye"

"Ma boostadaad rabtaa ayuu i waydiiyay aabahay, waxaana ugu jawaabay,

"Maya, wiil aan ballan lahayn ayaa halka sii socda" Markaan irina waxaan ka degay baabuurkii aabahay oon ku iri,

"Jaaw"

"Jaaw!"

Uma aanan socon boostada iyo agagaarkeeda toona waxaanse ka cabsanayay in aabahay yiraahdo xageen ku geeyaa ood rabtaa? ama uu su'aale kale oo aanan jeclayn i waydiiyo.

Sidaas darteedna waxaan goostay inaan isla sii caga baxsado boostada ilaa Juumba Jalaato oo waqtiga iska sii kala yareeyo.

Todobadii Fiidnimo oo toaban dhiman ayaan tegey gurigii Jalaatada ee aan ku baallansaneyn Caasho, qadar daqiiqado ah ka dibna waxaa ii timid Caasho, oo aad ka dareemi karto is bedel weyn oo ku dhacay mudadii aan kala maqneyn.

"Ii warran Mahad?".

"Wanaagsan".

"Maxaa laguu arki waayey?".

"Qofkii i rabaayu wuu i arki karayey".

"Xagee lagugu arkayey?", markey i weydiisey Caasho waxaan cod gaaban ku iri:

"Gurigeyga", markaasey aamustey.

"Ma timid Maryan", ayaan weydiiyey, waxayna tiri: "Haa, waxaan kuugu imidba waa iyada".

"Oo maxaa ku dhacey?", ayaan weydiiyey anoo ka shakiyey hadalkeeda.

"Waxba kuma dhicin", ayay tiri Iyadoo qosol yar ilka caddeyneysa, waxayna raacisey:

"Waxaan rabey wixii khalad dhacay, taasoo ay sababeen dad kaleeto oo liddi inagu ah, inan saxo"

"Maya Caasho taasu sixid uma baahna, waayo waxba kuuma qabo Anigu hadaadan Adigu wax tirsaneyn".

"Anna waxba kuuma qabo", markey tiri ayaan bedeley hadalkii oon weydiiyey:

"Maryan safarkeedu siduu ahaa bey ku tiri?".

"Iima dhameynin", ayay tiri.

Markaan casho fudud qabsaney ayaan ka soo baxney gurigii Jalaatada oon aadney Sheneemo Missione. Markaan Sheneemada ka soo baxneyna waxaan u sii dhaweeyey guriga xagiisa, waxaana aan kula ballamey in Maryan ay u sheegto in habeen dambe ay iigu timaado Todobada Fiidnimo meeshaan caawa ku ballansaneyn Iyada. Wayna iga yeeshey.

Habeenkii dambe todobada fiidnimo markey aheyd ayaan tegey Goobtii Maryan aan ballanta ugu dhigey, waxaana ugu tegey iyadoo joogta, markaan salamey ayaan fariistey ka soo horjeedkeeda. Waxaana ku iri hadalkii caadada ii ahaa: "Ii warran Maryan?".

"Fiican" ayay tiri iyadoo xishooneysa.

Waxaan go'aansadey inaan wixii dhacay soo hadal qaadin ee aan safarkeedii ka wareysto siduu ahaa.

"Iiga warran inaad safartey waan maqlaye?".

"Marka ayaan tegey".

"Haye, soow safar xiisa leh ma aheyn?".

"Maya, xiisa iima laheyn ee muruguu ii ahaa!

"Maxaa dhacayna?", ayaan iri, markaasey iigu jawaabtey iyadoo hoos fiirineysa:

"Waxba!", waxaan mar kale go'aansadey in aan su'aalaha badan ka dhaafo ilaa aan baarka ka baxno.

"Maryan bal iiga warran oo sidey aheyd Magaaladu?".

"Magaaladu aad bey u fiicneyd, anigase waxba iima aheyn!".

"Maxaa dhacay ma nolol xun baad kala kullantey?", hadalkaas markaan iri waxaa wejigeeda ka muuqdey yaab yar, waxayna tiri:

"Maya, magaalada waxaaban ku leenahay guryo iyo Dukaamo".

"Haye".

"Waxaan tebayey Mahad".

Habeenkaas wakhtigeenii intiisi badneyd waxay iigu sheekeyneysey heerka aan ka joogo nolosheeda iyo sidii ay ii dareemeysey mudadii aan kala maqneyn. Mar ay ii sheegeysey wakhtigeenii sidii ay ku soo dhameysateyna waxay tiri:

"Guriga aan joogey waxaa ku noolaa Abootadey iyo hal wiil oo ay iyadu dhashey. Wiilku dukaan ayuu gadaa, duqduna aad bey u gaboowdey. Kaligey ayaan galab kasta aadi jirey Xeebta, waxaan fuuli jirey Jamalada korkooda, ama waxaan ku soc-socon jire xeebta mar marna bacaadkaan seexan jirey anoo qaadaya Heesaha Faadumo Qaasim weliba heestar Markey titi, ayay ii qaadey heesteey xeebta ku qaadi jirtey.

Markey heestaan qaadeysey waxaa indhaheeda ku soo joogsadey Ilmo. Muddo markaan ku sheekeysaneyney beerta taalada Xaawa Taako ayaan Maryan ku iri: "Maryan yaanan aad kuu dahinine ina keen", waxaan u wadey Ceel-Gaab oo bas Hodan ay ka raacdey anna xaafadeydii aan ka aadey.

Tan iyo intii ay Maryan ka soo laabatey Degmada Marka waxaan ka dareemey isbedel aad u weyn oo dhan kastaba leh, Lebiska, Hadalka, Socodka, Dhaq-dhaqaaqa, Qosolka IWM. Waxay u eg tahay Runtii qof cusub, dadkii hore u yaqiiney oo dhan ma rumeysan karaan is bedel intaas la egu inuu ku dhacey Maryan.

Awal hore waxay xiran jirtey dhar gaagaabn iyo sarwaalo haddase waxay ii timaadaa iyadoo cambuur dheer gashan go' wayna isku soo deday. Awal waxay igu salaami jirtay gacanta haddase waxay igu salaantaa afka oo gacan iima soo taagto.

Waxaa iga yaabiyay Maryan oo dhaaftay qosolkii dheeraa, socodkii badnaa iyo fara ka cayaarkii Habeen dhowayd anagoo ku sheekaysanayna guri ku yaalla xaafadooda ayaan waydiiyay,

"Maryan maxaa kugu dhacay ayaantaan ilko caddayn ayaakaasoo hartaye" waxayna iigu jawaabtay "Qosolka dheeru waa kabaahiyo ragguna ma jecla sida darteedaan isaga dhaafay oon u ilka caddaynayaa."

"Marka miyaa wax laguugu soo akhriyay?" ayaan waydiiyay anoo hadalka ka dhigaya kaftan,

"Runtii waxbana lagguma soo akhrin Marka, laakiinse anaa goostay inaan nolosha sida ay tahay u arko."

"Oo sideed u arkaysaa nolosha ma hab cusub oo loo noolaadaad soo saaraysaa?"

"Maya soo saari maayo, laakiin siduu ilaahay i faray ayaan u noolaanayaa." Markay i tirina waxaa iga xirmay hadalkiin oon iri,

"Okay, okay waad fiican tahay."

Subaxan markaan hurdada ka toosay waxaan dareemay kalsooni daro, waxaan aad uga welwelsanahay sidaan u meel marin lahaa damacayga nolosha, waataan diiday in aan galo jaamacad, waxaan u diidayna waxay ahaayeen inaanan ka dheeraan Maryan, haddaba waa in aan shaqeeyaa si aan u guursado Maryan, ayaan ku fekerayay markaan hurdada ka toosay.

Abaara sagaalkii subaxnim markay ahayd ayaan ka soo baxay gurigii, waxaana aan ku leexday arji qore xaafadda ku yaala oo ka soo garaacday arji codsi shaqo, anoo gacanta ku wata arjigii waxaan la aaday Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada halkaasoo la iga qabtay codsigaygii. Shan beri toban beri ka dib waxaa soo baxay shan jago oo ka banaan Bankiga Ganacsiga iyo Kaydka Soomaaliyeed waxaana u galay tartan, nasiib wanaag waxaan ka mid noqday shantii ku guulaysatay waxaana tegay xarunta bankiga halkaasoo la ii sheegay in saminaar la ii furayo, markuu dhamaadana la iiga baahan yahay Laanta Bankiga ee Degmada Qoryoolay.

Shan bilood markaan qaatay tababar ah maamulka iyo socodsiinta howlaha bankiga ayaa la ii sheegay in aan si dhakhsa ahba ugu baxo degmada Qoryoolay, halkaasoo markaan tegay si fiican la iigu soo dhoweeyay iyadoo la i siiyay meel aan dego.

Waxayna aheyd Ogost 10, 1980kii, markaan shaqadeydii iigu horreysey si rasmi ah uga billaabey Bangiga Ganacsiga iyo Keydka Soomaaliyeed Laanta Qoryooley.

Mudadii yareyd ee aan joogey Qoryoolay waxaa si dur-dur ah oon kala go' laheyn iigu imanayey Warqadaha quruxda badan ee Gacaladey Maryan ay soo direysey, kuwaasoo aan Aniguba Jawaab degdeg ah ka bixinayey markaan helaba. Laakiin Maanta oo Sabti ahu mida ay soo dirtayu ma ahan mid u baahan in Jawaab deg deg ah laga bixiyo, waayo waxay ogolaatey wax aan in badan weydiisanayey, waxay ogolaatey iney soo booqato Degmada Qoryooley.

Waxayna tiri:'Waxaan soo raacayaa Khamiista subaxdii Baska ugu horreeya'. Waxaa iga badatey farxad, waxaan billaabey inaan u diyaargaroobo imaantikeedaas. Waxaan diyaariyey waxyaalihii aan is lahaa waa loo baahan yahay oo dhan.

'Wakhtigu dheeraan badanaa, Khamiistu ma saasey u fogeyd?', ayaan iskula hadalayay maalmihii ka horreeyey Kahmiista, Runtii aad bey ila dheeraatey Khamiistu, waan sugi la'aa, habeenkii Khamiistu soo gashey intiisi badneyd waan soo jeedey anigoo sugi la'aa inta waagu baryayo.

Waagii markuu baryey waxaan billaabey inaan diyaargaroobo, - Waxaan u lebistey si heer sare ah oo intii aan qoryoolay joogay aana u lebisan. waxaan guriga ka soo baxay Todobadii Aroornimo, waxaana aan aadey wiil aan saaxiib nahay oo degmada joogey markaas Baabuur 124 FIAT ah oo uu Xamar kala yimidna watey(Waxaan dhowr beri ka hor ka codsadey inaan marti qaado isaga iyo xaaskiisa oo la socdeyba, wuuna ogolaadey).

Waxaan u tegey sidaan ku ballaney isagoo diyaar ah, waxaana soo qaadaney Baabuurkii oon aadney Boosteejada Basaska.

Sideedii iyo Shan daqiiqo markey tahay ayuu soo galey Baskii, markaasaan ku soo dhawaaney Al-baabkiisa Anagoo wada faraxsan. Waxaa la furey Al-baabkii, rakaabkiina hal hal ayay u soo degayaan, ilaa iyo hadda waxba lama hayo, (Qofkii haween ah ee soo baxaba waxaan is lahaa waa iyadii), Baabuurka gudihiisa waxaa ku harey oo keliya laba qofood, mid waa haween oo waxay fiir-fiirineysaa dhinacyada(Waxaan is iri hadey qofkaa noqon weydo waxbaa ku dhacey) way soo dhaqaaqdey oo soo degetey, markaasaan is heyn waayey oon ku dhaqaaqey anoo leh:

"Wey Maryan", waxaan ka dhunkadey markaan salaamey Gacanta, dabadeedna waxay sal-salaantey asxaabteydii waxaana gallay baabuurkii markaasaan u kacney Shalaanbood iyo Hotel Safaari oon ku tala galey inaan maalintaa ku marti qaado Gacaladey iyo Asxaabteyda Martida ah.

Markaan quraaceney ayey Maryan codsatey inaan u kacno Janaale oo aan masawiro isaga soo qaadno intaan sii soconayna laba maalmood ayaan ku hakanay oon isku sawirney.

Waxaan Janaale ka soo laabaney Kowdii duhurnimo waxaana tagney Hotel Safari, halkaasoo aan joogney ilaa iyo galabnimadii.

"Maryan maxaa kula wanaagsan inaan sameyno?" ayaan weydiiyey Maryan anagoo galabnimadii socod yar ugu baxney Beerta Hotelka dhexdiisa ah.

Waxayna tiri:

"Waxaa ila wanaagsan wixii adiga kula wanaagsan!".

Illustration from the book, page 63

"Sidaas miyaa?".

"Haa!", markey tiri ayaan hor istaagey geed yar oo Ubax qariyey guudkiisa, waxaana ku iri maryan oo taagan geedka dhiniciisa kale:

"Aniga wixii ila haboonaa waan ku dhaqaaqey, waxaa ila haboonaa inan kula noolaado sidaa daraadeedna waxaan Aabaheey ku diidey in aan Jaamacad dibadda ah aado, waxaan qortey Shaqada aan hada hayosi aan bal isugu dayo in aan nolol aayatiin leh dhiso, hadana iima muuqato inaan dhisi karo anoon kaalma helin".

Hadalkaa markaan lahaa waxaan aad uga welwelsanaa in ay Maryan iga yeeli doonto iyo in kale qorshaha aan damacsanahay oo ah inaan aqal gallo muddo yar dabadeed.

Waxaan aad uga cabsi qabey in ay igu xujeyso in aan dhiso alaab aad u qaali ah sida ay gabdhuhu waayahan dambe wiilasha ku sameeyaan, halkaasna uu guurkeenii iyo jacelkeeniiba ay dib u dhacaan ama ciriiri galaan, - 'Way ku jeceshahay Maryan oo waxba kugu xujen meyso', ayaan hadana niyadda ka dhistey.

"Mahad", ayay tiri Maryan markey wax yar aamusneyd.

"Hee, Gacaliso!".

"Anigu kor iyo hoos waan kugu garab taaganahay tallaba kasta oo horumar kuu ah waana kugu raacsanahay ee ii sheeg waxa aad iga tabaneyso?". hadalkii aan la gabanayey iyadaa markaa daaha ka qaadey anna waxay iga sugeysay oo keliya inaan ku dhawaaqo waana u cadeeyey, anagoo wada qosleyna oo gacmaha is heysanana waxaan ku laabaney Mudulkii ay ku jireen asxaabtu waxaana ku iri:

"Hambalyo".

"Haye noo sheeg Owguuriyada!"

"Aniga iyo Maryan waxaan rabnaa inaan caawa is nikaaxsano", markaan iri ayay labadii is fiiriyeen oo saaxiibkey ku dhawaaqey:

"Garaadsiyo Yaakhay, Garaadsiyo soo fariista aad noo warranteene!", anigu waxaan la fariistey Saaxiibkey, Maryana waxay raacdey oo meel gooni ah la fariisatey Xaaskiisi, halkaasoo ay sheeko ka qoslisey ay camirteen.

Makhribnimadii ayaan ka soo ambabaxney Hotel Safaari anagoo dib ugu laabaneyna Degmada Qoryoley, si aan ugu diyaargarowno Barnaamijka caawa kaas oo aan oran karo wuxuu ahaa aasaaskii farxadeyda iyo guushii aan gaarey.

Isla habeennimadaas Sideedii Fiidnimo ayuu nikaaxii Aniga iyo Maryan dhacay, gelinkii hore ee habeenkaasna waxaan ku soo wada jeedney farxad iyo reyn-reyn.

Subaxnimadii Jimcaha ayuu saaxiibkey ii yimid oo ii sheegey inuu galabta baxayo. Waxaana ka codsadey inuu Maryan sii qaado, wuuna iga ogolaadey. Markaasaan Maryan u yeerey oo u sheegey iney Galabta baxeyso, waxay i weydiisey:

"Mahad, soow looma baahna in aan Barnaamij dejino?".

"Haa, waa loo baahan yahay".

"Haye!, goormaan ka hadleynaa?".

"Markaad doontid".

"Waa yahay Anigu hada waan tegayaa waxaana gelayaa bisha dambe Dugsiga Xalane, illaa laga soo baxana isma arki doono hadaadan Adigu ii imaanin".

"Maryan waxa Qoryoolay i keenay soo adiga ma aha? hadaanan adiga kuu iman yaan kal oo u tegayaa?" markaan iri waxaa Maryan indheheeda ku soo istaagay illin, waxayna tiri "Qofna gacaliye!!" intay igu soo booday oo laabta igu qabatay.

Galabnimadii afar saac markay ahayd ayaa saaxiibkay ii yimid isagoo soo qalab qaatay oo in uu baxo raba, markaasaan Maryan boorsadeedi u soo qaaday oo baabuurka gadaashiisa u geliyay, waxaana soo hor istaagay Maryan oo intaan dhabanka ka dhunkaday aan garabka qabtay dabadeedna u kexeeyay baabuurka, waxaana ka furay daaqadii markay gashana waan u xiray waxaana dhaqaaqay baabuurkii ilaa ay ka qarsoomeena waxaan taagnaa meeshaydii anoo qoslaya oo gacanta u warfinaya.

6

Waxaan bilaabay dadaal dheeraad ah in aan sameeyo, shaqadaydii waan labanlaabay, habeen iyo maalin waxaan ku fekeraa sidaan ku sii xoojin lahaa talaabadaan aan qaaday, waxaan ka welwelaa sidaan durba u aqal geli lahayn aniga iyo Maryan iyo sidaan u dhisi lahaa qoys jacayl iyo farxad ku dhisan.

Maryan waxay gashay Dugsiga Tababarka ee Xalane waxayna ku jiri doontaa muddo saddex bilood ah waxay iigu muuqataa saddexdaas biloodu soddon sano oo kale laakiin maxaan ku degdegaa oo hayaa, waalidkuna inuu naga ogolaan doono lama ogaane.

Saddexdaas bilood waxaan Maryan darteed Xamar u tegay in ka badan toban jeer, hal maalin mooyee inta kalana waan is aragnay. Haddase waxaa la gaaray waqtigii waqtigii aan sugayay way ka soo baxday Xalane waxaana shaqo Qaran loogu bedelay Degmada Qoryoolay. Waxaan fasax todoba casho ah ka soo qaatay maamulaha laanta Bankiga ee Degmada si aan arrimaha arooska ula socodsiiyo waalidkay. Isla maalintii fasaxa la i siiyay galabnimadiisii ayaan ka soo baxay Qoryoolay markaan Xamar imidna waxaan habeenimadiisii maray Caasho oo ku adkeeyay inay subixii Maryan iigu yeedho si aan waalidka ugu wada tagno. Habeenkii dhakhsaba waxaan aaday xaafadda aabahay. Subaxdiina waxaan ka soo baxay guriga anoon qofna la hadlin. Markaan Caasho u tegayna waxaan waydiiyay in ay Maryan u sheegtay ballankii iyo in kale, waxayna tiri,

"Waan u sheegay haday kuu imanayso!"

"Hadaad u sheegtay way imanaysaa" intaan iri ayaan fariistay. In muddo ah markaan joogay ayay timid Maryan.

"Ii warran Maryan?"

"Fiican, macaane goormaad timid?"

"Xalay fiidkii baan imid"

"Markay Caasho ii sheegtay wax badan miyaad ka soo horaysay?"

"Goormay kuu sheegtay?"

"Adigak sideedi meelahaas."

"Waan ka soo horeeyay, todobadii baan Caasho u imid" markaan iri ayaan wax yar aamusay markaasay iyadu tiri,

"Ina keen" waxaana ka soo baxnay gurigii, markaan banaanka nimidna waxaan ku iri,

"Maryan waxaan rabaa in aan u tagno aabahay haddasi aan inagoo wada socona uga dhaadhicino arrinta."

"Waxba kama qabo inaan u wada tagno waalidkaa iyo kaygaba;" Waxaan Maryan u horkaay xafiiskii aabahay, si aan inagoo wada socona aabahay kaligii u helno, waayo guriga waxaan ka absanayay buuq iyo dad badan oo arrintan ogaada. Markaan galay xafiiska ee salaannay aabahay, waxaa ka muuqday wejigiisa yaab iyo naxdin wuxuuna yiri,

"Haye Mahad! soo fariista maxaa idin taagay?" anagoon hadlina waan fariisanay. Wuxuu u yeeray adeegihii xafiiska oo noogu diray cabbid.

"Haye aabo,-bal iiga warran meesha iyo shaqadaada oo siday yihiin??"

"Aabo way fiican tahay meeshu, shaqaduna aad bay u fududahay." Markaan iri aabaheey wuxuu ku seexdey kursigiisi weynaa oo dabacsanaa xabbad Sigaar ahana wuu shitey isagoo aad moodo'in uu og yahay waxa aan ugu socdo oo u diyaar garoobeya.

"Wax mushkilad ah oo in wax lagaaga qabto u baahani ma jiraan?".

"Haa, Aabo tan aan maanta u imid ayaa ugu darran".

"Haye!", markuu i weydiiyey ayaan aamusey markaasaan hoos u dayey anoo aad uga cabsanaya in uu Aabaheey igu diido arrinta aan wato.

Maxay tahay arrintu?", markuu i weydiiyey ayaan cunaha sifeystey anoo geesi iska dhigayana waxaan iri: "Aabbe gabadhan ila socota Maryan Buwe, ayaa la yiraahdaa waana xaaskeygi", markaan marayo halkaas ayuu aabaheey yaab iyo naxdin hal mar kud isla yiri, wuxuuna ku dhawaaqey:

"Xaaskeyga!!, muxuu yahay xaaskaagu?".

"Waan qabaa".

"Goormaad is nikaaxsateen?".

"Illaa iyo saddex bilood waan isku nikaaxsaneyn".

"Markaad is nikaaxsaneyseen miyaad i ogeysiiseen?"

"Maya".

"Hadaba adinkoo markii hore is qarsadey maxaad hadda iga soo doonteen?", markuu su'aashaas aabaheey i weydiiyey aad baan u naxey waxaan sheegana waan garan waayey markaasaan hoos u foorarsadey anoo amusan.

"Mahad aniga taladeydii waad diidey, hadalkeygiina wax qiimo ah waad u yeeli weydey, sidaas darteed tallaabadii aan anigu kugula taliyey wax waan kaala qaban tii adiga kuu gaar ahana adey kuu gaar tahay wax aan kaala baqayaana ma jiraan".

"Waa yahay aabbe", ayaan iri anoo in aan ooyo ku dhow. Markuu wax yar aamusnaana wuxuu yiri: Isagoo wejigiisa ay caro qarisey:

"Orod hortedyda ka dhaqaaq, adiga iyo wax aad wadana agteyda kuma arki karo!".

Markan wey ii dhamaatey, oo aabaheey agtiisa wax aan ugula laabto garan maayo.

Waayo weligiis igulama uusan hadlin kelmadaas oo kaleeto, siduu hadalkiisa uga noqdaana badanaa wax adag tahay OO wuxuu jecel yahay in hadalkiisu sida uu yiri uu u dhaco oo aanu ka noqon haba yaraatee.

Aniga iyo Maryan angoo caga jiid ah ayaan ka soo baxney Xafiiskii, waxaan is iri, 'Orod oo Hooyadaa u tag oo beer laxaawso Odeyga ha kaa maslaxeysee', waxaan Maryan ku iri:

"Waad maqleysey Aabaheey hadalkiisii in uu ka noqna ilama ahan ee bal xaafadii iska aad hada caawana isu keen keen Hooyaan u tegayaa oon leeyahay Odeyga igala hadale".

"Waa yahay, laakiin waxba noqon meysid ee ha is calool xumeyn!", intaan weji furan ku eegay anoo laabtu ii degtey ayaan ku iri:

"Waad mahadsan tahay Gacaliso".

"Jaaw", ayay tiri markey dhaqaaqdey.

Aniga oo aad u fekersan ayaan tegey gurigii Nasiib darose Hooyadeey oo xiimeysa ayaa iga hor timid.

"Ha iga soo gelin guriga, oo ha noo iman wejigaaga ma rabnee!!", hal mar ayaan isku naxay, waxaan garan waayey meesha layga heysto.

"Hooyo maxaa kugu dhacay, is deji bal", markaan ku qabtayna waxay indhaha igaga tuurtey

"Hooyo kuuma ahi ee iga hor tag, iga hor tag manooyohow aan maanka laheyni", waxayna igu soo tuurtey Bakeeri ay biyo ku cabeysey, intaan bakeerigii ka qabtey ayaan meesheydii iska hogtey anoo yaab la anfariirsan.

Intii aan taagnaa Hooyadeey wey i canaananeysey, i habaareysey, oo i caayeysey, waxaan iri:

"Hooyo!, maxaa....", ayay teri intey hadalkii iga dhex gashey.

"Orodoo iga tag, wixii ku qaadey ha kula tageene!", intaan hadalkeygii ceshadey ayaan iridda ka soo baxay, markaan banaanka u soo baxayna waxaan go'aansadey in aan raadiyo Yuusufu oo aan bal kala tashado waxa dhacay iyo si loo xaliyo.

Waxaan Yuusufu ugu tegey kulliyada Gaheyr waana i soo raacey, waxaana ku iri:

"Bal habarta u tag oo isku day inaad ka dhaadhiciso in wax dhibaataayu aaney ka soo gaareyn xagga gabadha, reerkooda la yaqaano oo loo tegi karo", wuxuu Yuusufu ii soo laabtey isagoo aan wax rejo ah aan wedin haba yaraatee. Wuxuuna ii sheegey in Hooyadeey ay u tagtey Maryan hooyadeed ayna aad isu xumeeyeen. Waxaan Yuusuf weydiiyey:

"Yuusuf maxaa adiga kula quman inaan sameyno?", wuxuuna iigu jawaabey:

"Aniga waxaa ila quman inaad labadiinu tashataan illeyn waad aragtaan oo waalidkiin aarintii way gaadhey wayna idinku diidan yihiine", waan aamusey markaasaan aad u fiiriyey Yuusufu oo hadalka iga sugayay, intaan is taagey ayaan u dhaqaaqey al-baabka qolka Yuusuf, markaasuu Yuusuf iga daba yiri:

"Mahad, xaggeed u socotaa?", intaan istaagey ayaan iri anoo ka sii jeeda:

"Waxaan u socdaa Caasho".

"Maxaad ka rabtaa?", ayuu i weydiiyey isagoo iga soo daba dhaqaaqaya.

"Waxaan rabaa Maryan".

"Oo waad u diri laheyd miyaa?".

"Haa".

"Waan isu raaceynaa kow dheh, ee sug waa qorrax kuleyle, galabtii baan u tegynaa".

"Ma sidaasaa kula quman?".

"Haa".

"Waa yahay".

Waxaan seexdey Hurdo aan dhehdhen laheyn galabtaa guriga Yuusuf, Markey afarta galabnimo gaadhey ayaan ka soo baxney Aniga iyo Yuusuf guriga anagoo u socona Caasho. Waxaan Caasho u tagney iyadoo oqlkeeda fadhida oo fekereysa.

"Galab wanaagsan Caasho?".

"Galab wanaagsan!".

"Soow ma fiicnid?".

"Waan iska fiicanahay!, soo fariista", markey tiri ayaan fariisanay aniga iyo Yuusuf, wuxuuna Yuusuf weydiiyey:

"Caasho maxaad heysaa?".

"Waxba ma ahyo".

"Haye, Maryan ma is aragteen?".

"Haa, haddey iga tagtey".

"Oo xageey aadey?". markuu weydiiyey Yuusuf Caasho way aamustey waxayna fiirisey hoos. Markaasuu hadana isagu hadalkii qaatey oo yiri:

"Caasho maad noo sheegtid waxbaa jiree!".

Intey madaxa kor u qaatey ayay indho welwelsen nagu eegtey waxayna tiri:

"Waxaa dhacay waxaan aad uga xumahay".

"Muxuu yahay", ayuu Yuusuf weydiiyey waxayna ugu jawaabtey:

"Maryan waalidkeed way soo ceyriyeen!".

Waxaa igu soo dhacay hadalkii galabta Yuusuf ii sheegay oo ahaa in Hooyadeey ay is arkeen Maryan qoyskeeda oo ay dhex martey dood aad u kulul, halkaasna waxaa iiga muuqdey in ay arrintu meel aad u xun taagantahay.

Waxaa maskaxdeyda hal mar ku soo wada dhacay tobonaan dariiqo oo aan is iri ma ka hor tagtaa mashkiladan, waanse ku qanci waayey midkoodna.

In Cabbaar ah markaan saddexdeenuba aamusney ayuu markii dambe Yuusuf yiri:

"Khilaafku ma arrinta Mahad baa mise waa meel kale?", Caasho intey wajiga kaduusey oo kor noo fiirisey ayay tiri:

"Maryan iyo waalidkeed wax xumaan ah oo dhexmarey hadda ka kor ma maqal, waayo Maryan waalidkeed caasi kuma aheyn wax ay faraana weligeed ma diidin ee waa Mahad guurkiisa waxa ay diidantahay".

Hadalkan markey tiri waxa weyni iskama bedelin dareenkeygii waayo waa wax aan filayay in kastoo aanan aad uga tabaabusheygan.

"Sidee wax u dheceen bal noo faah-faahi?". Ayuu yiri Yuusuf. Caasho intey neef weyn iska keentey ayay wejiga gacmaha saaratey iyadoo goroseysa, waxay hadal gaaban oo in ay hadalka ka xishooneyso la moodo ku tiri:

"Maanta iyadoo gurigooda joogta ayay Hooyadeed u timid waxayna weydiisey 'Maryan wiilka lab-labka oo wax uu yahay aan la kaseyn eed rabtid inaad guursato muxuu yahay?', maryana waxay u sheegtey in aanu jirin wiil ay guursaneyso oo aan aheyn kan ay iyagu la rabaan, hase yeeshee hadalkii ma aysan rumeysan ee waxay hadalkii u sheegtey Xaaji Buwe, waayo waxay habarta isi soo arkeenn oo ay isi soo afdhaafeen Mahad hooyadii", markey hadalkii hakisey ayaan Aniga iyo Yuusuf is fiiriney, islamase aanaan hadlin ee hadana waan kala jeesaney, Caashana hadalkii ayay sii wadatey waxayna tiri:

"Xaaji Buse aad buu u xanaaqey markuu maqley waxaas waayo wuxuu rabey Maryan in lagu daro wiil ina adeerkeed ah oo labada odey ayaa ka wada hadley arrintaas mar hore, markaasuu Xaaji Buwe u yeerey Maryan oo weydiiyey sida ay wax u jiraan, Maryana way u sheegtey wixii dhacay oo dhan Billoow illaa iyo Dhamaad. Xaaji Buwe aad ayuu uga xanaaqey inaad is nikaaxsataan, wuxuuna u gacan qaadey Maryan oo uu ku dhuftey runtii nabarro aad u xun-xun oo kolleey ku soo bixi doona mar ay noqotaba".

Wadnaha ayaa "Rug" i yiri sidi iyadoo jug weyni si kadis ah ay iigu dhacdey oo kale, waxaana ay indhaheygii wax ka arki waayeen caad fuuley. Anoo aad u qoomameynayaa dhibaatada aan u geystey gacaladey markaan ku sii daayey duul majnuun ah oo aan gar qaadaneyn, tooda maahee tu kale aan danayneyn, waxaana gacmaha saarey wejiga intaan u jeestey Derbiga.

Markuu Yuusuf arkey dareenkeyga xumaadey ayuu Caasho ku yiri:

"Caasho in Maryan la heli karo ma u maleyneysaa?".

"Haa waa la helayaa".

"Xagee laga helayaa?". ayuu Yuusuf weydiiyey, markaasey tiri:

"Mar dhow ayay ii imaneysaa oo Alaabteedii anaa haya".

"Oo miyeyba ka soo tagtey Gurigoodii?".

"Haa, Aabaheed ayaa dilaya hadey ku laabato".

"Markey kuu timaado hana sugto waan soo laabaneynaaye".

"Waa yahay, laakiin soo dhakhsada waayo halkan ma joogi karto oo waxay ka cabsaneysaa in laga soo raadiyo e".

"Okey", intuu Yuusuf yiri, ayuu Garabka iga dharbaaxey anoo Maahsan, waxaana ka soo baxney gurigii.

Wuxuu Yuusuf ii kexeeyey Xeebta Hotel Al - Curuba halkaasoo aan fariisaney casiriyana aan ka qabsaney, - Waxaad moodeysey in qalbigu ii degey markey indhaheygu ku dheceen dhallinyaro wada fraxsan ee ku ciyaareysa Xeebta iyo hirarka biyaha badda ee galabnimada jooga ee marna dib u noqonaya marna horey u soo butaacaya - . Markaan cabaar ku nasaney Xeebta ayuu Yuusuf igu yiri:

"Ina keen Maryna wey timid hadaaye!", waxaana ka soo tagney xeebtii anoo runtii sii jecleysanaya. Waxaan tagney Gurigii waxaana ugu tagney Maryan oo joogta.

"Haye Maryan! sideed tahay?", ayuu Yuusuf weydiiyey, waxayna tiri:

"Waan iska roonahay!".

"Maantoo idil saan kuu sugeyney ayuu wakhtigii naga dhamaadey".

"Mar horaanba imide adinkaa iska maqnaa".

"Ma anagaa eeda leh?".

"Haa idinkaa leh oo soo daahey".

"Waa yahay", ayuu yiri Yuusuf isagoo ilaka caddeynaya. Waxaa istaagtey Caasho oo tiri:

"Yuusuf aan wax firaaqeyno hadalkooda ha dhameysteene", wayna bexeen laabooduba.

"Maryan, Odeygu maanta ma aadbuu kuu diley?", markaan weydiiyey ayey tiri iyadoo faraha jucjucineysa:

"Odeyga dilkiisu macno ma laha oo waa waalidkeeye, maxaad adigu talo heysaa?".

"Wallaahi, talana ma hayo!, waalidkeey iney igu diideen waad ogtahay, adigana sidoo kale wareer!", intaan iri ayaan madaxa qabsadey oon hoos u foorarsadey.

"Dhegeyso Mahad!".

"Haye".

"Anigu waxaan shaqada qaranka ka shaqeynayaa Qoryooley oo waa taan bedelka heley, Adna shaqadaadu waa halkaas, marka berri subixii ayaan baxaynaa labadeenuba, Markaan tagno Qorlooyeyna waxaan sameyneynaa qorshe, waxaana ku aqal geleynaa waxa aynu heysano". Waxaan ku dhawaadey inaan qarxo farxad Darteed markaan maqley Ereyadaa Maryan waxaan hubaa inaaney i soo marin ina soo mari doonin qof ku caqli ahu ayaan ku fekerey.

"Aad iyo aad baan ugu faraxsanahay gacaliso talada qiimaha badan ee aad soo jeedisey, runtiina waxay ii caddeyneysaa jaceylkaagu inuu ahaa kan ugu sareeya jaceyl qof, qof kale jeclaado, waxaana kuug mahad celinayaa in ka badan tirada wax lagu tiriyo". Maryan wejigeedu aad ayuu u nuurey, waxaad moodaa in loogu bishaareeyey janadii Illaaheey geleyso su'aal la'aan.

"Gacaliye dadka is jecelu isuma mahad naqaan waayo wax kasta oo ay isu galaan jaceylkooda ayaa Sababay Ilaaheey ayaana amarka lehaa, hadaba isaga ayaa iska leh mahaa".

"Maryan".

"Hee?".

"Waxaan kugu jecelahay xikmada iyo talada wanaagsan".

"Anna waxaan kugu jecelahay kartida iyo naxariista badan".

Markey tiri waxaa iga xoog badiyey Jaceylkii aan u qabey markaasaan ka soo kacay meeshaan fadhiyey oon dhabarka ka dhunkaday. Wax yar markaan arrimaha qoyskeenaga cusub falanqeyney ayaan Maryan u soo gabagaboeyey hadalkii, maadaama ay na sugayaan Caasho iyo Yuusuf. Waxaana Maryan ku ballanay oon ku kala tagney in aan berri subixii isu raacno degmada Qoryooley halkaasna aan ka billoowno dhismaha qoyska cusub.

Subixii dambe ayaan ugu tegey guri ku yaalla Xamar Jab-jab oo gabar walaasheed ahu degen tahay, waana ka soo wadey oon u baxney Qoryooley, halkaasna waxaan ku dhisney qoys aan oran karo wuxuu ka mid ahaa kuwa adduunka isugu caloolsan isuguna jecel.

Galabtii markaanan shaqo dheeraal ah Bangiga ka qabaneynin waxaan Aniga iyo Maryan isu raacijirney Beeraha iyo Jiinka Webiga oo aan soo daawan jirney quruxda degaanka ku wareegsan degmada.

Badanaa waxaa igu qasbi jirey inaan aadno Maryan iyadoo oraneysa:

"Ina keen aan soo luga baxsanee, indhahana u soo raaxeynee", markaasaan Anna iraahdaa:

"Indhaha aan soo kala bixinaad igu warerisee markaan guriga hortiisa beer Ubax ah ka beero maxaad oran doontaa ood mar-marsiiyo ka dhigan doontaa?".

"Markaas halla gaaro", ayay tiraahdaa.

Waxaa la gaarey sanad dugsiyeedku wakhtigii uu xirmi lahaa, Maryan waxay billoowdey iney diyaariso Imtixaankii ay qaadi laheyd Fasalada Dugsiga dhexe ee ay wax u dhigto. Markey Imtixaanka qaadeyna durbaba way saxdey wayna iska gudbisey, waayo waxay Rabtey oo ay dhowr jeer ii sheegtey iney booqasho ugu tagto waalidkeed iyo Walaalaheed cafisna weydiisato.

"Mahad, Aboowe soow ma fiican inaad baxo oon u tago Hooyo iyo Aabbe inta aanan umulin ka hor?". Maryan markey hadalkaa i tiri aad ayaan ugu farxay, waxaana ku iri:

"Maryan, marka aad tagtid maaragtey hadey ilmuhu kuu dhashaan 'Cunug aad dhaleysid igu sami ha ka yeelin barkee anigu ma rabo in canugeyga loo bixiyo magac aana jecleyn".

Maryan way qososhey, wayna soo kacdey oo is taagtey kursigaan ku fadhiyey dhabarkiisa waxayna gacmaha iga saartey labada garab iyadoo leh:

"Macaane magac aadan raali ka aheyn loo bixin maayo", waxaan qabtey labadeedii gacmood oo garbaheyga saaraan markaasaan qoorteyda ku duubey, iyana intey soo foorarsatey ayay dhabanka dhabanka ii saartey oo tiri:

"Miyaadan ogeyn gacaliye inaad tahay wadnihii dhiigeyga socodsiinayay?", waxaa hal mar is taagey xaadeydii, dareenayaasheyduna way wada keceen? Waxaan hubaa inuu wadnaheygu garaacayay intii caadiga aheyd in ka badan, waxaan iri:

"Waan ogahay Gacaliso ee maxaad iga tebaneysaa?".

"Waxba, laakiin Adiga!".waan istaagey markaasaan Maryan labada garab gacmaha ka saarey, waxaana uga dhunkadey dhabarka si fudud.

Markii dugsigii la xirey Maryan waxay u baxdey Xamar, hooyadeedna markii ay aragtey gabadheedii oo xaamilo uur todoba bilood ah leh aad ayay uga dabacdey oo ay u soo dhaweysey, laakiin Aabeheed weli uma weji furna. Waxay igu soo laabatey muddo yar dabadeed iyadoo wadata alaab hooyadeed soo siisey, dhar ay u soo gatey ilmaha ay uurka ku wado iyo hadiyad ay aniga hooyadeed iigu soo dhiibtey.

Waxaas oo dhamuse Aniga waxba iima aheyn, sababtoo ah Maryan waxay igu soo laabatey iyadoo jirro sheeganeysa.

Maryan aad bey u caatoowdey maaliba maalinta ka dambeysa jiradeedu way sii xumaaneysaa. Wakhtigii sidkeedu wuu dhamaadey oo sagaal bilood ayay mareysaa, taakhaatiirta degmada joogtaayu waxay saari la'yihiin jiradaan ku sii weynaayesa Maryan, Anigana waxaa i diley wel-wel iyo hadba meel u carar, waxaan ku dayay Maryan waxkasta oo la i yiri way daaweyn karaan, welina rejo ma lahan.

Todobaad ka dib waxay Maryan ku umushey Isbitaalka Degmada Qoryooley wiil aan ugu magac darey Siciid, hase yeeshee xaalkeedu aad ayuu u sii xumaadey, waxay qaadan kari weysey cuntadii, waxay gabtey istaagii, muuqaalkeedii aad ayuu isu bedeley, markey arkeen Dhakhaatiirtu in ay halis ku jirto Maryan ayay iugla taliyeen in aan xamar u qaado oon isbitaalka Benaadir geeyo halkaasoo laga yaabo in xal lagaga helo.

Subax Khamiis ah ayaan Maryan ku soo qaadney Baabuur Degmadu leedahay waxaana geyney Xamar, Isbitaalka Benaadir, markii aan ka soo qaadeyney isbitaalka Qoryooley ayay Maryan iga codsatey:

"Mahad, Gacaliye ii soo qaad baakada ku jirta Armaajadeyda Khaanada ugu sarreysa, hana furin baakadaa adoon ii keenin, Siciidna ii keen".

Markaan Isbitaalka Benaadir seexiney Maryan waxaa la joogey laba kal-kaaliso iyo gabar ay saaxiib ahaayeen oo la yiraahdo Xaliima Cadeey oo u heysey wiilka. Anna waxaan u cararey guriga Aabaheey si aan waalidkeey ula socodsiiyo in Maryan xaalkeedi aad u xun yahay, isla markaasna ay taallo Isbitaalka Benaadir.

Waxaan guriga ugu tegey Hooyadeey, markaan arrintu halkey mareyso u sheegeyna runtii aad bey u naxdey, waxaana weydiiyey Aabaheey, markaaseey ii sheegtey inuu weli shaqo jiro oo uu shir la leeyahay Madaxda Hay'adda waxaana u direy Telefoon oon uga waramey xaalka, wuxuuna i yiri isagoo aad ka dareemeyso hadalkiisa sida uu uga xun yahay wixii uu ku kacay markaan guursadey Maryan:

"Aabbe aad iyo aad baan uga xumahay in aan sidaas kuu galo, hadana waan soo socdaa ee inta aan howl yar soo dhameysanayo idinku sii wada howshiina, gabadhana u sii taga, wixii kharash ah ee aad u baahan tihiina kala baxa Armaajadeyda, furaha waxaa heysta Hooyadaaye!".

"Waa yahay Aabbe", inta iri ayaan telefoonkii dhigey. Waxaan is raacney Hooyadeey iyo walaashey Jiijo, markaasaan ku iri:

"Hooyo waxaan rabaa inaan sii maro Maryan reerkeeda si aan ula socodsiiyo", waxayan i weydiisey:

"Oo ma oga miyaa iyaguna?".

"Haa ma oga".

Waxaan is taageny Laamiga oon ku sugney Taksi, markaan helleyna waxaan u kacney Maryan waalidkeed oon u sheegney xaalka Maryan iyaguna aad ayay runtii uga calool xumaadeen.

Isla markiiba waan dhaafney inagu oo waxaan u kacney isbitaalkii. Markaan tagney qolkeedii ayay naga hor timid mid ka mid ah labadii kalkaaliso, waxayna nagu tiri:

"Iska fariista in loo galo lama ogolee!".

Waxaana weydiiyey:

"Abaayo wax ma iska bedeleen?".

"Way caafimaadeysaaye iska fariiso" ayay kalkaalisadii niyada iigu dhistey markey aragtey sidaan u kacsanahay. Waxaan fariisaney kursi dheer oo meesha yaallay. Aniga lafteyda runtii tabaru iguma harin ee karti uunbaan la soc-socdaa.

- Qof kasta oo i yaqaanaa wuu ila yaabayaa markuu arko sidaan u doorsoomey iyo sidaan u caatoodey - .

Illaa iyo dhowr daqiiqo markaan fadhiney ayaa kal-kaalisadii labaad soo baxdey waxayna tiri:

"Mahad soo gal". Anoo naxsana waan galey.

Waxaan u tegey Maryan oo ku hadaaqeysa:

"Mahad, Mahad, Mahad...", waxaan ku iri intaan kor fariistey:

"Haye magaaneey, waan kula joogaa!".

"Mahad!", ayay hadan tiri;

"Maxaan kuu sameeyaa macaaneey?". ayaan cod oohin oo kale ah ku iri, waxayna tiri;

"Waxba ha ii sameynin, ee hal mar laabta igu qabo", Anigoon hadlina waan soo qabtey labada garab oo intaan laabta ku qabtey dhabanka ka dhunkoodey, markaan seexiyeyna waxay tiri iyadoo codkeedu aad u soo laciifayo:

"Gacaliye inaan hoyanayaan u maleynayaa ee waxaad ogaataa inaan ku jeclahay inta qof bani'aadam ahu wax jeclaan karo, hadna baakaadaan dhineceyga taalla ii soo dhiib".

Waxaan u dhiibey baakadii waxayna tiri:

"Aaway Siciid?". waxaan u baxay Banaanka oon ka soo qaadey Siciid gabadhii heysey anoo laabta ku wadana waxaan Kor imid Maryan oo indhuhu guduuteen, dhidid aad u badanuna ka yimid, waxayna tiri:

"Mahad Hoo!", intey baakadii oo saaran kursi sariirta dhinac yaalay taabatey. Waxaan labada gacmood ku qabtey baakadii, waxayna ku hadaaqdey ereyadii ugu dambeeyey:

"U qaado Hadiyad Baakadan iyo waxa ku jira, Siciidna yuusan dareemin Hooyo la'aan". Waxaa soo talaabsadey Dhakhtarkii oo Maryan laabta ka saarey qalab wuxuuna yiri:

"Banaanka ha looga baxo", waxaa shoog hal mar uu galey dareenkeygii oo dhan, waxaana haa markaas miyir laawe, waxay iga soo bixiyeen qolkii waxaana labada jilib dhigtey dhulka qolka hortiisa, anoo dhabanadeyda ilmo ay ka da'eyso.-Waxay aheyd markii iigu horreysey ee aan ooyo intaan qaangaarey dhibaata kasta oo igu dhacdey - . Waxaan laabta ku watey Siciid Mahad iyo baakadii aan Maryan ka dhaxlay.

Anoo weli jilbaha ku haya dhulka oo ilmadii iga da'eyso ayay soo galeen Aabaheen iyo Maryan labadeedii waalid. Maryan hooyadeedna waxay ku biirtey Hooyadeey oo agteyda Oohin iyo calool xumo la fadhidey.

Maalinkaas Khamiista ah oo ka mid ahaa bishii Nofember 1981 gelinkiisii dambe(4-ta Galabnimo), ayaa Maryan god gashey, anna waana waayey garabkeygii midig.

Intii ay tacsigu socotey waxaan maalin kasta soo booqan jirey Maryan waaliked iyo Aniga keygaba, iyagoo iiga tacsiyeynaya dhibaatadii ay noo geysteen, wuxuuna igu yiri Maryan Aabaheed:

"Wiilkeygoow aad baan uga tiiraanyeysanhay geeridii ku timid xaaskaagii aad jecleyd anna aheyd gabadheydii aan deyriyey, waxaana sidoo kale aan uga tiiraanyeysnahay dhibaatada kaa muuqata taasoo aan oran karo waxaan ku leenahay qeyb sababteeda, -Waayo waxaad aheydeen laba qof oo dhallinyaro ah oo is jecel, wanaagna u socdey hase yeeshee anaga ayaa garan weyney waxaad adinku garaneyseen, hadana waxaan ku leeyahay naga raali ahoow oo na cafi".

Tacsidii markii ay dhamaatey ayaan soo qaadey baakadii ay maryan ii siidey hadiyada markaan fureyna waxaa ku dhex jirey bashqad iyo baakad yar oo kale, waxaana furey bashqadii oon ka soo saarey Warqaddii ku dhexjirtey taasoo aan oran karo waxay aheyd midii horseedey guusha aan gaarey iyo nolol wanaagsan oon dhamaaneyna.

Waana tan Warqaddii:-

Wadnaheygiiyoow: Mahad Nuur

Waxaan ku leeyahay ku nooloow dunida intaad ka gaareyso wakhtiga geerida, nolol wel-wel la'aan ah, nolol farxad leh, nolol dedaal leh, nolol ka xog ah yasidda, iyo isla weynanka, nolol ka cabsaneysa Ilaah, nolol laga nabad galo dhibkeeda iyo xumaanteeda, iyo nolol ay u dhowran tahay sharafteedu.

Taasu waa taas waana midda aad ku gaareyso guul waarta.

Macaane u dadaal waalidka iyo Siciid wiilkeenaba, hana dareensiinin hooyo la'aan iyo cidlo midna, waayo waxay wax u dhimi karaan qalbigiisa iyo kalsoonidiisaba.

Ha iga calool xumaan aniga hana iga welwelin, waayo geeridu waa wax xaq ah oo qofkasta sugaya, cid kaa baajin karta ama meel aad kaga baaqan kartaayu ma jirto, Ilaah mooyaane. Sidaa adoo og ha is murugeyn ee samir.

Waxaan hadiyad kuugu dhaafey baakadkan yar waxaana ku dhex jira saddex wax oo aad kuu anfaca.

Illustration from the book, page 89

1. Waa Bir taxan oo dhelaaleysa dadkuna ay jecel yihiin, waxayna ku anfici doontaan wax badan, waxaad u heysataa astaanta guusha iyo xasuus.

2. Waa wax yar oo ballaaran ayna ku qoran yihiin wax ku anfadaya, kaamana hari doonaan illaa aad dhimato.

3. Waa Waraaqo badan oo isku dhegan sidii santuuq yarna u sameysan, waxaana ku qoran xuruuf ka qiimo iyo qaaya badan dunida inteeda kale. Waana kan midka ku anfacaya weligaa noloshan iyo midda dambaba.

Sidaas iyo Ammanna Alla.Maryan Buwe.

Anoo aad ula yaaban warqadan quruxda badan aadna ugu faraxsan ayaan baakadii furey waxaana iiga soo baxay saddexdii wax ee ay sheegtey oo noqdey:

1. Sil-silad Dahab ah.2. Waraaq ay ku qoran yihiin Xuruuf.3. Kitaab Barakeysan.

Waxay ahaayeen xuruuftii ku waraaqda kuwan:

§§§§§§§§§§§§§§§§§§§§§§§§§§§§§§§§§§§§§§§§§§§§§§§§

Waxaad dunida ku nool doohtaa todoba maalmood oo wareegeysa sidii giraanta oo kale, waxaadna dhiman doontaa mid ka mid ah todobadaa maalmood, ku waas oo ku socda xowli aanu qiyaasi karin qofka bani'aadamka ahu. Waxaad ogaataa in aaneey kuu soo noqoneynin dariiqadii ku dhaafteyu.

Gefkii aad shalay gashey ma soo ceshan kartid waadse ka towbad keeni kartaa.

Wixii aad shaley qabsan weydey hadaad ka wel-wesho ma soo celin kartid shalay, sidaas darteed waa in aadan wel-wel ku lumin wakhti kale ee aad qabsataa waxaad qabsan karto maanta.

Ogoow daqiiqad kastaa oo kaa luntaayu waxay ka go'an tahay cimrigaaga e. Xusuusnoow samirka waxaa amaaney kuwa ilaaheey u samra e.

§§§§§§§§§§§§§§§§§§§§§§§§§§§§§§§§§§§§§§§§§§§§§§§§

DHAMAAD.

Bishii Juun ee Sanadkii 1983 ayaan goostey inaan qoro sheekadan waxaana aan billaabey qorideeda 1dii Luuliyo, ee Sanadkii 83kii, isla bishaas waan dhameeyey, anigoo u arkeyay iney tahay qiso aan la hilmaami karin oo mudan in loo soo bandhigo dadweynaha.

Sahro Mursal waxay walaalo ahaayeen Shurki oo sidey u luntey yaraanteedii aan dib loo maqal loona arag. Yaasiin oo Shukri ay saaxiibo yihiin ayaa wuxuu ogaanayaa in Shukri ay walaalo yihiin Gabadhuu aadka u jeclaa, ayna isla soo koreen, Sahro Mursal. Waxayse arrintu fashilmeysaa markey Sahro soo hadal qaado Yoonis Suleyman, ninkey inta badan raadineysey, aadkana u jecleyd, isaguna wuxuu jeclaa walaasheed Shukri.

Waa qiso ay ka buuxaan naxdin, yaab, dagaal, jaceyl, farxad iyo murugo.

Waa sheeko kugu habboon inaad akhrido.

Xassan Farax Kahiye.

Waa Sheeko xiiso badan, aadna u raalli gelin karta qof kasta oo akhrista, waa sheeko markaad akhriso aad sii jeclaaneyso ficilka soo socda ogaanshihii.

Waa dhacdo caaqiibo leh.

Cabdulle C. Siyaad.

MAHADNAQ

Waxaan buuggan ugu mahadnqayaa Axmed Gurey Typing School iyo Fr. Giorgio, Sr. Lucy, Cabdirsaaq W.Xaayow iyo dhammaan intii ka qaybqaadatay garaaciddii iyo soo saariddii buuggan. Mar labaad mahad gaar ah waxaan u celinayaa dadka kor ku magacaaban.

Mike A. Gurhan(qoraha)

Sheekadan iyo magacyadan ku jiraba waa la abuuray mana jirto cid ay si toos ah iyo si dadban midna u khusayso.

100%