
Sheekooyin Soomaaliyeed
ARAR
Af Soomaaligu waa af murtida hodan ku ah, taasna waxaa laga garan karaa sheekooyinka, gabayada, machmaahyada Soomaaliyeed iwm.
Buuggan waxaa ku qoran sheekooyin badan oo kala duwan. Waxayna dhammaantoodu tusaalaynayaan murtida Soomaalidu heerka ay gaartey. Sheeko walbana waxay ku dhisan tahay tilmaamaysaana murti ujeeddo gaar ah leh. Waxayna koobeysaa dad iyo duunyaba.
Inkastoo sheekooyinka buuggan ku qoran ay tilmaameyaan murtida hodanka ah, xagga suugaanta afka Soomaalida haddana waxaa aad iyo aad loo ogaan doonaa heerka ay joogto marka suugaanta luntay oo ku baahsan dadweynaha Soomaaliyeed si habboon loo soo ururisho.
Buuggan sheekooyinka ku qoran waxay yihiin kuwo inkastoo isu ururintoodii ay waqti qaadatay haddana meel dheer aan loo aadin. Taasna waxay ku tusaysaa in haddii dhul badan kalana duwan oo dalka Soomaaliyeed ah la tago laga soo heli lahaa sheekooyin xiiso leh oo laga helo suugaanta Soomaalida heerka ay joogto.
Sheekada 1d — SHIMBIR IYO NIN
Waxaa jirey nin geddisley ahaan jirey, socdaalna badnaa. qabeyna naag qurux badan, carruurna aan u lahayn. Ninku shaki naagtiisa uu ka qabo darteed ayuu wuxuu keensaday shimbir, guriga wixii ka dhaca uga warrama intuu socdaalka ku maqan yahay.
Ninkii oo siday caadadu ahaan jirtey reerkiisii ka maqan baa naagtii waxay xiriir la yeelatay wiil qurux loogu roonaaday, derisna ay ahaayeen, markaas ka horna inay isha iska fiirsadaan mooyee ayan isdhexgal yeelan. Goortuu ninkii socdaalkii ka soo noqdayna shimbirkii baa wuxuu u sheegay in wiilka deriska ahi gurigiisa habeen iyo maalin imaan jirey, naagtana xiriir la yeeshay. Naagta oo run yari lagu yiqiinna markay hadalkii maqashay bay inta ismacnaysay waxay tiri : Ilaahay ka baq oo ha rumaysan shimbir aan waxba ogayn hadalki, hana dulmiyin naf aan dembi lahayn. Markay labadooda dood dheeri muddo ka dhex soocteyna naagtii baa waxay soo jeedisey in ninku caawa uu la seexdo saaxiibbadii si lagu kala ogaado shimbirku waxa uu sheego inay run tahay iyo inay riyo tahay, dabadeedna in la dilo shimbirka iyo iyada kii beentu ay raacdo.
Ninkii oo sidaas oggolaaday baa markuu reerkii ka dheelmaday naagtii waxay soo qaadatay harag, waxayna ku dabooshay aqalkii (qafis) shimbirku ku jirey, dabadeedna intay nal ku daartay bay habeenkii oo dhan biyo ku kor shubaysey jeer waagu ka caddaaday.
Subaxdii markuu ninkii yimid shimbirkiina waraystay buu wuxuu yiri : xalay waxba lama maqli karin maxaa yeelay xalay oo dhan waxa da'ayey roob hillaac iyo onkod badan. Dabadeedna ninkii baa isaga oo caraysan wuxuu yiri : inaad beenlow tahay waxaan ku ogaaday, xalay roob ma aannu garan, hillaacna ma aannu arag, onkodna ma aannu maqal. Markaas kaddibna shimbirkii baa wuxuu ku jawaabey: anigu beenta ma aqaane intaan arkay ama maqlay baan sheegay.
Ninkii markuu rumaysan waayey waxa shimbirku uu sheego inay run yihiin buu qoorta ka gooyey. Taasna waxa sabab u noqday dhagartii naagtu maleegtay.
Sheekada 2d — NIN CIRWEYN
Waxaa jiri jirey nin cirweyn. Ninkaasna waxaa laga bartay meelo badan oo waddanka Soomaalida ka mid ah. Wuxuuna gaarey heer marka magaciisa la maqlo laga wada nixi jirey. Waxyaalaha aad loogu bartayna waxaa ka mid ahaa socod badni. Taasna waxaa ugu wacnaa inuu dadka baryo mooyee cuntada reerkiisa baan ku fillayn.
Maalin maalmaha ka mid ah baa ninkii cirka weynaa oo socdaal ahi wuxuu sii maray, kuna hoydey nin deeqsinnimo ku caan ahaa. Markaas baa deeqsigii ninkaas aqoon uu u leeyahay darteed wuxuu u sooray si wanaagsan, wuxuuna u keenay cunto afar nin deeqda isagoo ugu tala galay inuu leyn waayo. Dabadeedna ninkaas oo cuntadii loo keenay dhammaystay baa wuxuu deeqsigii u sheegay inuu u socdo nin daawa soomaaliga si wacan u yaqaan si uu uga soo daaweeyo jirro caloosha ka haysa, darteedna cuntadu ay ugu macaanaan weydey. Kolkaas baa ninkii deeqsiga ahaa isagoo yaabban wuxuu ku yiri: walaalow kolkaad ninka daawa soomaaliga yaqaan u tagto, calooshana uu kuu soo furo, waxaan kaa codsanayaa inaadan mar labaad i soo marin.
Taasna waxay ku tusaysaa in ninka deeqsiga ahi uu ka baqay haddii cir weynuhu siduu sheegayo run noqoto, cuntaduna u macaanaato, hadhowna mar labaad uu ku soo hoydo in waxba la deeqsiin waayo.
Sheekada 3d — ABEES IYO DABAGAALLE
Waa baa waxaa jiri jirey abees boqor ahaa, magaciisana la oran jirey Xuseyl. Abeeskaas baa maalin waxaa u soo dacwoodey dabagaalle quulle meel uu ku xabaashay laga xaday. Markuu dacwadiisii abeeska u jeediyeyna hadalkii labadooda dhex maray waa kan hoos ku qoran:
Dabagaallihii iyo abeeskii markay hadalkaas isdhaafsadeen baa dabagaallihii boqor Xuseyl wuxuu ku yiri: nabadeey, markuu ogaaday kaddib inaan dacwadiisa faa'iido ka soo socon maxaa yeelay wuxuu arkay sida abeesku hadalka ula googoosanayo.
Sheekada 4d — LIBAAX IYO SADDEX DIBI
Waxaa meel ku wada noolaan jirey saddex dibi oo midabkoodu kala duwan yahay. Dibiga hore wuu caddaa, kan labaadna wuu casaa, kan saddexaadna wuu madoobaa. Dibidaas oo nabad u joogtey, kuna dallaashatay meel baad iyo biyo buuxsheen baa waxaa la soo dersey libaax dool ahaa. Markuu muddo deegaantii ku dhex jirey walina dibidii uusan arag buu wuxuu bilaabay ugaarsasho. Maalmo kaddibna isaga oo ugaarsanaya buu wuxuu ka soo kor dhacy saddexdii dibi oo ag daaqaya balli biyo ku jiraan. Kolkuu arkayna wuxuu ku tashaday inuu wax ka cuno, taasise way u suurtoobi weydey maxaa yeelay, dibidii baa ka arag horreeyey dabadeedna intay soo jeesteen bay dhinacyada isku qabteen. Libaaxii markuu dibida tabartooda iyo isku xirraantooda u fiirsaday buu wuxuu istusay inuusan dhagar mooyee bareer waxba uga qaadi karin. Isaga oo ku fakaray inuu dibida khatalo caro darteedna micida isladhacaya buu wuxuu la hadlay dibidii, wuxuuna ku yiri: waxaan ahay libaax dool ah, abaar iyo cidlana ka soo cararay ee waxaan doonayaa inaynnu nabad ku wada noolaanno, cadowgana iska dugsanno. Dibidii oo luguhu dhulka u qaban waayeen cabsi darteed baa markay hadalkii libaaxa maqleen talo ku barraahsatay, waxaana ka hor timid laba kala daran mid dooro, maxaa yeelay colaad libaaxna way u bareeri waayeen, heshiiskiisana way ka shakiyeen. Dibidii markay arrintii qaadaa dhigeen bay waxay go'aan ku gaareen inay la heshiiyaan iyaga oo ka cabsanaya in colaaddu uga darto.
Markay dibidii iyo libaaxii sidaas isku afgarteen baa muddo kaddib libaaxii wuxuu la sheekeystay dibigii madoobaa iyo kii casaa, wuxuuna ku yiri.: haddii dibiga cad aynaan iska qaban habeenkii baa dugaaggu caddaantiisa ina ku soo raacayaa ee haddaan cuno maxaad ka qabtaan? Labadii dibi oo dhinac ay u ciirsadaan waayey baa waxay oggolaadeen taladii libaaxa kaddib markuu tusaaleeyey khatarta ku jirta joogista dibiga cad.
Kolkay muddo gaabani ka soo wareegtay geeridii dibigaasna, libaaxii baa wuxuu u yeeray dibigii madoobaa, wuxuuna u sheegay in haddii dibiga casi sii noolado bahalladu ay ina ku soo raaci doonaan maxaa yeelay midabkiisa baa dhiig u eg, dhiigguna habeenkii buu dugaagga u hillaacaa. Taasna waxay keentay in dibigii labaadna halkaas uu ku dhintay.
Libaaxii markuu laba dibi cunay buu wuxuu gartay in culays weyni ka feydmay, kaddib kolkuu kala tuuray xooggoodii. Dabadeedna wuxuu u bareeray dibigii madoobaa oo ahaa saddexdooda kii ugu nolol dambeeyey, wuxuuna u sheegay inuu doonayo inuu isagana cuno. Markaas baa dibigii oo hadalkii libaaxu laf ku noqday wuxuu yiri: innagu ballan baynnu lahayne cunidda aad sheegaysaa maxay tahay, ma inaad igu ballan furtid baad rabtaa?
Libaaxiina goortuu intaas maqlay buu inta qosol jirjir cad ula dhacay wuxuu yiri: markaad saddexdiinnu wada joogteen, iskuna xirraydeen waan idin ka baqayey, haddase markaad saaxiibbadaa inaan cuno oggolaatay baan adigana ku tashady inaan ku raaciyo. Taasna waxay keentay in dibidii oo dhan halkaas ay ku naf waayeen, iyagoo aan loo xoog sheegane dhagar lagu laayey kaddib markii dhexdooda madmadow kala galay.
Tusaale :
Sheekadu waxay tilmaamaysaa in isku xirraantu ay xoog tahay, kala tagguna baabba' yahay. Taasna waa midda gumaysigu kula shaqeysto dadka u doonayo inuu u taliyo kaddib markuu ka rug helo.
Sheekada 5d — WAN IYO ORGI
Waxaa la wada og yahay in xooluhu ay u kala baxaan saddex meesi; geel, lo' iyo ari. Meesiga la yiraahdo ari baana keligi laba jaad u kala baxa, waxaana weeye riyo iyo ido. Waxaana kale oo jirta inkastoo labadoodu isku xero galaan isku meelna daaqaan haddana isuma eka, isku baxaallina ma aha. Riyaha iyo iduhuna waxay sannad walba la kulmaan xilliyo badan oo kala geddisan oo riyuhu ay orgoodaan iduhuna asoolaan.
Xilliyadaas la soo sheegay mid ka mid ah baa goor riyuhu orgeysan yihiin wan wuxuu la hadlay orgi wuxuuna ku yiri: orgiyow marka riyuhu orgeysan yihiin baan qalaadkaaga lala joogi karin ee waxaan kaa codsanayaa inaad qayladaada hoos u dhigtid maxaa yeelay habeenkii baannu kaa seexan weynaa. Orgigiina markuu intaas maqlay buu yaabay oo wuxuu u maleeyey inuu wanku waashay sababtoo ah wuxuu ku aqoon jirey edeb, miyir iyo shanqar yari. Markaas kaddib baa orgigii jawaabey oo wuxuu yiri: Wanow waa gartaa inaad hadalkaas oo kale i tiraahdo maxaa yeelay adiga xilahaagii baa Ilaahay ku oggolaysiiyey, anigana kuwaygii baa iga cararaya. Sidaas baana kuugu waacan inaad igula yaabto qalaadka iyo orodka badan.
Markaas dabadeed baa wankii u garaabay orgigii markuu ogaaday kaddib jarreerada Ilaahay u galay iyo inuu ka badan fiican yahay orgiga dhibaatada la arkay riyuhu badeen.
Sheekada 6d — DHAGAR HAWEEN
Laba qof baa isqabi jirey. Ninku wuxuu ahaan jirey khamrayacab, naagtuna quruxley bay ahaan jirtey. Ninku markuu shaqada ka yimaado baa waxa caado u ahaan jirtey inuu habeen walba khamrada daldalo. Markaas baa naagtii waxa dhib ku noqotay in ninkeedu maalinta badideeda uu shaqo jiro, habeen walbana khamro cabbo oo sariirta uu saaran yahay. Naagtii markay in badan isku dayday inay ninkeeda waanisana taas waxba way u noqon weydey.
Maalintii dambe baa naagtii markay dhawr jeer ku fakartay xumaanta ninkeedu gacanta kula jiro, iyo sida iyadu ayan ula joogi karin nin habeen iyo maalinba maqan bay waxay ku tashatay in marka habeen walba khamrada uu ka dhergo magaalada ay gasho. Markay in muddo ah magaalada habeen walba aadeysey baa ninkii wuxuu arkay inay timaaddo habeenkii gelin dambe. Markaas kaddib baa saacadday naagtu ninkeeda khamrada siin jirtey, dabadeedna bixi jirtey, ninkii khamrada markii hore intuu ka cabbi jirey yareeyey, si uu u ogaado naagtu waxay samayso. Wuxuuna iska dhigay nin khamraysan sidii horeba uu u ahaan jirey. Dabadeedna saacaddaas bay naagtii dhaqaaqday iyada oo u malaynaysa in ninkeedu wareersan yahay, waxna uusan garanayn. Laakin markay baxday baa ninkii irridkii guriga soo xirtay isagoo ku tashaday inayan caawa guriga soo gelin. Naagtii saacadday imaan jirtey markay timid bay waxay aragtay in wax weyni isbaddaleen oo illinkii uu xiran yahay
Goortay irridkii guriga garaacdayna ninkeedii baa wuxuu ku yiri illinka kaa furi mahayo ee meeshaad ka timid aad. Markaas bay iyaduna waxay tiri: walle haddii irridka aadan iga furin ceelka gurigeenna hortiisa ah baan isku ridi, adigana subaxdii baa dawladdu ku xiri, dabadeedna ay ku dili. Markay ogaateyse inaan waxba laga yeelayn bay waxay qaadatay dhagax weyn, waxayna ku tuurtay ceelka gudihiisa, dabadeedna si degdeg ah bay illinka isugu leexisey, si haddii ninku guriga furo oo uu damco inuu ceelka fiiriyo ay u daba marto.
Naagtii siday filaysey baa ninkii goortuu albaabkii furay, ceelkiina fiiri damcay isagoo naxsan, bay inta gurigii gashay, irridkiina hoosta ka xiratay waxay tiri: adiga baa dibedda ku fiicane joog. Markay arrintii sidaas u murugtay, ninkiina uu gartay in xaalku ku xun yahay, dhibtii naagta hayseyna isaga ku soo wareegtay buu wuxuu ku tashaday inuu carada iska ba'sho oo naagta uu sasabto.
Taasna waxay dhalisay in ninkii markuu in badan ka tuugayey inay illinka furto ay ku tiri: walaal ha isdaalin, irridka kaa aan furi mahayo jeer waagu beryo, dadkuna ay arkaan inaad habeen walba dibedda wareegtid iyadoo naag iga qurux badani magaalada ayan joogin. Sidaas markuu waagii ku caddaaday, deriskiina ay arkeen ninka bannaanka taagan, dabadeedna ay warsadeen sababta, baa waxa dhacday intuusan jawaabin inay naagtii tiri: ninkan iyo anigu sidatan ku wada joogi kari mayno, maxaa yeelay habeen walba magaalada buu wareegaa, waxana marag ii ah, waa kaas bannaanka taagan markaan xalay illinka ka xirtay. Markaas dabadeed baa deriskii waxay gartii ku dhammeeyeen in ninku wareeg habeennimo oo dambe uusan u noqon.
Markay dadkii deriska ahaa sidaa ku taliyeen bay naagtii wareeggii iska daysey, iyada oo ka baqday in hadday sii waddo ceebteedu soo bannaan baxdo. Ninkiina halkaas buu isagana khamrada cabbideedii ku yareeyey si hawsha reerkiisa uu uga adkaado.
Sheekada 7d — LABA SAAXIIB AHAAN JIRTEY
Waa baa waxaa israacay laba nin oo saaxiib ahaan jirtey. Goor ay labadoodu meel marahayaan bay waxay iswarsadeen in nin walba wuxuu jecel yahay in Eebbe ugu roonaado sheegto. Markaas baa midkood wuxuu yiri : anigu waxaan jeclahay in Eebbe i siiyo ari badan oo caanihiisa aan dhamo, hilibkiisana cuno. Dabadeedna ninkii kale wuxuu yiri : aniguna waxaan jeclahay in Eebbe iigu roonaado yey (uubato) badan oo arigaaga cunta.
Nimankii markay intaas isdhaafsadeen baa waxaa carooday kii ariga jeclaa. Taasna waxay keentay in ninka kale jaallanimadii ay ku wada socdeen intuu ka baxay uu yiri : ma sidaas baynnu saaxiib ku ahayn, kuna wada soconney, maxaad yeydaada ariga iiga cunsiinaysaa? Markaas baa ninkii kalana wuxuu yiri : waxaan la yaabay waxaad kaligaa ariga isula damacday, anigoo kula socda, sidaas darteedna waxaan ka fursan waayey inaan yey arigaaga ku sallado.
Dabadeedna halkaas bay labadii nin ku dirireen. Markay in muddo ah isdilayeenna way kala daaleen, kalana fariisteen. Kaddibna waxay ku heshiiyeen inay qofkii dad ugu soo hormara gartooda u dhiibtaan. Markaas muddo yar dabadeed baa iyagoo meel marahaya waxaa ka hor yimid nin rati subag uu u saaran yahay wata. Labadaas nin markay ninkii safarka ahaa arkeen bay inta joojiyeen, siduu ballanku ahaa, waxay u sheegeen arrintoodii.
Waxaase dhacday in ninkii kolkuu gartii nimanka isu dhageystey qosol uu la dhacay. Dabadeedna tabbadihii subagga ahaa middood ayuu inta soo furay, afkana ciidda u gashey wuxuu yiri : aniga Ilaahay dhiiggaygu sida subagaygaas ha u daadsho inaad labadiinuba nacasyo tihiin, war ma taas oo kale baa wax rag ku diriro ah !
Markuu ninkii subaggiisii daadshey bay labadii nin oo gartu ka dhexaysey intay ninka garaad gaabnidiisa la yaabeen waxay isgaransiiyeen inay gafeen markay gartooda u dhiibteen nin aan waxba garanayn.
Sheekada 8d — BISADDA
Xooluhu waxay u kala baxaan banjoog iyo dabjoog (hebed). Labadubana inkastoo ay xoola wada yihiin haddana banjoog waxaa lagu magacaabaa kuwa cidlada ku nool. Dabjoogna waa kuwa hebedka ah oo dadka ku ag nool. Waxaase kale oo jira cayn saddexaad oo laga dhex helo labada jaad oo la soo sheegay. Kuwaasna waxaa ka mid ah, bisadaha oo banjoog iyo dabjoogba noqda.
Bisad xoolahaas banjoogta ah ka mid ahaan jirtey, ayaa waxay dooratay inay nolosheeda wax ka beddesho oo xoolaha kale midka ugu xoog roon xiriir ay la yeelato, si dugaagga ay uga dugsato. Bisaddu markay muddo arrintaas ka fiirsanaysey bay waxay garatay in maroodigu xoolaha intooda kale ka xoog badan yahay, sidaas darteedna lama huraan ay tahay inay isaga meel kula noolaato.
Bisaddaas markay muddo maroodiga la noolayd bay maalin dambe waxay aragtay nin maroodigii ay dugsanaysey diley, dabadeedna foolashii kala baxay. Markaas bay waxay ogaatey in ninka maroodigaas diley uu yahay kay xooggiisa inay cidlada ka dugsato dooneysey ee maroodiga uusan ahayne aqoonxumo u geysey.
Ninkaas markuu ugaarsashadii ka soo noqday isagoo bisaddii ay la socoto ayaa kolkuu gurigiisii yimid waxaa qaylo ku salaantay naagtiisii oo eray badnaan lagu yiqiin. Ninkana waxaa caado u ahaan jirtey markay naagtu sidaas oo kale u kacsan tahay inuusan la hadlin.
Bisaddii markay aragtay ninkii ay xooggiisa, xeeshiisa iyo raganimadiisaba ogeyd inuu goortay naagtu carooto indhaha isku qabsanayo bay waxay istustay in inta Eebbe abuuray naaguhu ugu shar badan yihiin. Taasna waxay keentay in bisaddii intay ninkii ka leexatay naagtii wehel ay ka dhigatay.
Maalintaas bisaddu ay naagta raacday laga bilaabo ilaa maanta waxaa la sheegay in bisaduhu weli dumarka ay ag joogaan.
Sheekada 9d — LABA KALA DARAN
Reer miyiga waxaa laga helaa dad kala duwan. Dadkaas qaar baa martida si wanaagsan u soora, qaarka kalana way ka seexdaan. Sidaas oo kale martidana waxaa laga dhex helaa kuwo cir weyn iyo kuwo wixii la siiyaaba deeqaan.
Laba nin oo ah kuwa aan waxba deeqin ayaa waa waxay u yimaadeen nin deeqsi ahaa hase yeeshee jiilaalku ku xumaaday. Ninku wuxuu lahaa ari badan oo jar leh iyo laba halaad oo irmaan isku sidkan ahaa. Markay nimankii iswaraysteen ayaa ninkii reerka lahaa labadii nin oo socotada ahaa wuxuu ka codsaday inay reerka la hoydaan maxaa yeelay waqtiga baa wuxuu ahaa goor aan martida la isdhaafin karin. Markaas baa labadii nin oo oggolaaday inay joogaan waxaa gogol loo dhigay meel guriga u dhow.
Habeenkii markuu madoobaadey, xoolihiina ay soo nabad galeen ayaa nimankii martida ahaa waxay arkeen neef ido ah oo inta ariga laga soo dhex baxshey la bireeyey. Kolkaas ayaa labadii nin waxay isku afgashadeen in ninkood neefka loo qalay leggiisa iyo baridiisa si loogu wada keeno uu ka shaqeeyo, kan kalana inuu labada halaad si la isugu soo liso ka shaqeeyo.
Hilbihii neefku markay bislaadeen ayaa ninku martidii u keenay iyagoo baridii ay ka maqan tahay. Waxaase dhacday in labadii nin midkood intuu qori dab ah qaatay sidii qof wax ka hallaabeen raadkii ninka hadba dhinac u qaaday. Kolkii sababta la warsadayna wuxuu yiri : waxaan goobayaa hilib idinka idin ka yimid, annagana aan na soo gaarin.
Taasna waxay keentay in ninkii uu isku xishooday, dabadeedna baridii keenay isagoo iska dhigaya sidii nin soo illaawe.
Dabadeedna markuu ninku labadii halaad mid carruurtiisa u reebay, midna labadaas nin uu u soo lisay, caanihiina uu keenay baa martidii midkood saaxiibki wuxuu ku yiri : caanaha dhan hasha kale baa anigana la ii soo lisiye. Intaas markay dhacday ayaa ninkii lagu hoydey wuxuu ku hadlo intuu aqoon waayey hashii kalana soo lisay.
Halkaasna waxaa ka dhashay in carruurtii habeenkaas caana la'aan la baday. Waxaana ugu wacnaa nimanka martida ahaa oo ay cirweyni iyo hungurixumo isugu darmadeen.
Sheekada 10d — FAARAX IYO FAADUMO
Sheekada halkan ku qoran waxaa weeye mid jiri jirtey oo dadka Soomaalida ahi gaar ahaan carruurtu ay ku sheekaysan jireen. Inkastoo sheekada inteeda hore dadqalato ay ku socoto haddana dadqalato ma jirto, waddanka Soomaalidana laguma arag ee sheekada baa waxay ku dhisan tahay murti tilmaamaysa khayaanada iyo ciribxumadeeda.
Nin iyo naag baa isqabi jirey. Ninka iyo naagtu waxay lahaan jireen jees degmediisu cidlada ay u badnaan jirtey. Waxayna isu lahaayeen wiil iyo gabar lagu kala magacaabo Faarax bari-cadde iyo Faadumo. Jeesku waa dambe buu wuxuu la soo degey reerihii naagtu ay ka dhalatay. Reerahaas oo abaar ku dhacday darteed xoolihii ay ka dhammaadeen dabadeedna dadqalatooyin noqday baa markay gabadhoodu la soo deristey iyadoo ciddoodu waxa ay ku dambeysey aan war u hayn waxay dab uga dirsatay labadeedii ilmood. Carruurtu markay reer awoowgood u tageen baa wiilkii wuxuu yiri : awoowe dab na siiya. Markaas buu wuxuu yiri : soo dhac oo qaado. Dabadeedna gabadhii baa waxay tiri : ayeeyo dab na siiya, kolkaas baa iyadana waxaa lagu yiri : soo dhac oo qaado. Carruurtii markay meel ay wax ka qabtaan garan waayeen bay dib u noqdeen. Waxayna waalidkood u sheegeen hadalladii lagu yiri. Markaas baa naagtii carruurta dhashay oo yaabban waxay u tagtay reerihii. Waxaase si lama filaan ah u dhacday in sidii ilma la dhalay inta naagtii loo soo dhaweeyey dhegta dhiigga loo daray. Ninkii iyo carruurtii markay muddo naagta sugayeen baa ninkii wuxuu aadey reerihii, wuxuuna warsaday haweentii meesha ay joogto in loo sheego maxaa yeelay wuxuu u haystey inay nooshahay hase yeeshee laga xayiray.
Taasise waxay keentay in ninka run loo sheegay oo lagu yiri : naagtaadii dadqalato baa qalatay, hilibkeediina waa kaas dabka saaran.
Inkastoo warkaas ninka dhegihiisa ku dhacay naxdin weyn uu lahaa haddana caqligiisa wax uma dhimin ee isagoo deggan buu wuxuu hoos u yiri: qof dhinta, lagna samro waa la arki jirey ee waxaa murug leh cabta cusub oo reeruhu ay la soo bexeen. Dabadeedna isagoo geesinimo iska baaraya, markuu meel uu u ciirsado waayey kaddib buu reerihii wuxuu ka codsaday in gabar carruurta la korisa la siiyo. Codsashadaasna waxay noqotay mid si degdeg ah looga aqbalay maxaa yeelay taas baa wax laga filayey aan ahayn.
— 2 —
Naagtii reeraha dadqalatoobey ka soo wareegtey markay nolol teedii hore ka duwan soo gashay isma ay beddeline waxay mar walba caloosha ku haysey hilib dad siday ku heli lahayd. Taasna waxaa laga garan jirey sheekadeeda iyo dabeecaddeedaba. Ninku shaki naagta uu ka qabey darteed buu wuxuu ku dadaali jirey in carruurta ayan ka qalan. Waxaase dhacday in goor habeen ah, reerkuna uu loogtey ninkii hurdo qabatay darteed uu carruurtii ku yiri : maandhooyow cabbaar baan seexanayaaye intaan baraarugayo soo jeeda. Carruurtii kolkay muddo soo jeedeen, aabbahoodna weli uusan toosin, dardaarankiisiina ay garansoon yihiin bay gamaanyo ka saayid caleysey darteed la gam'een. Markaas baa naagtii oo qof hurudda iska dhigeysey intay soo toostay dabadeedna middi ay qaadatay waxay dhegta dhiigga u dartay ninkeedii oo hurdda.
Kolkaas bay inta ninkii qashay, hilibkiisina shiishay kala qarisay. Markuu waagii beryeyna carruurtii oo aan war qabin bay arigii raacisay. Carruurtu inkastoo ay isku dayeen in aabbahood meesha uu jiro ay ogaadaan haddana war deeqa kama ay helin maxaa yeelay naagta baa waxay u sheegtay inuu socdaalay.
Carruurtaas oo la kala oran jirey Faarax-bari-cadde iyo Faadumo oo maalintii oo dhan arigii la jirey, gaajo iyo asqana isugu darmadeen baa goortay gurigii ku soo dhawaadeen naagtii ka hor timid iyadoo biyo u sidda. Dabadeedna waxay u dirtay gurigii, waxayna iyadoo la dardaarmaysa ku tiri : maandhooyow markaad guriga tagtaan, haamaha qaba dheer dhaafa oo qaba dhuub dhaafa, bura yarna dhaafa ee bura dhagaf hilbaha gadaankeeda saaran qaata, aabburkana haka qaadina. Faarax-bari-cadde iyo Faadumo markay gurigii gaareen bay waxay qaateen hilbihii loo tilmaamay. Waxaase dhacday in iyagoo dardaarankii naagta iska dhegatiraya ay haantii looga digey aabburka ka qaadeen, markaas bay gudeheedii waxay ka heleen hilba dad. Hilbahaasna waxay carruurtu u maleeyeen inay aabbahood oo la qashay yihiin. Markaas baa Faarax-bari-cadde iyo Faadumo waxay ku heshiiyeen inay guriga muskiisa ku dhuuntaan, kaddibna haddii markay naagtu timaaddo ay tiraahdo : alla carruurtaydii ariga ii raaci lahayd meeday aynnu niraahno : aaye waa na kan. Haddayse tiraahdo: alla carruurtaydii maalinba mid aan qalan lahaa meeday, aynnu cararro. Taasna waxay ku kala ogaanayeen in naagtu dadqalato ay tahay iyo in kale.
Naagtii kolkay gurigii timid, carruurtiina ay weydey bay waxay tiri: alla carruurtaydii maalinba mid aan qalan lahaa meeday. Faarax-bari-cadde iyo Faadumo markay eraygaas maqleen bay guriga muskiisa inta ka baxeen baqo dhabarka dhigeen. Carruurtu iyagoo baqadaas ku jira oo naagtii ay daba ordeyso, kuna habaarayso qodax, qaydarey juq dheh, mas qooqanow qab dheh ayaa gabadhii waxaa muddey qodax qaydar. Taasna waxay keentay in naagtii Faadumo ay soo gaartey. Waxayse Faadumo khatartaas ka fakatay kaddib markay naagtii dadqalatada ahayd u sheegtay inay walaalkeed Faarax-bari-cadde u soo qabanayso haddii qodaxda ay ka bixiso, ayna siideyso. Faadumo oo beentaas naagta ay u sheegtay ku fakatay baa iyadoo baqo ah, naagtiina weli habaar ay la daba joogto waxaa mas qooqan qaniiney Faarax-bari-cadde. Taasise waxay noqotay mid aan dhibaato ka imaan maxaa yeelay markay naagtii soo gaartey Faarax-bari-cadde buu beentii Faadumo ay kaga fakatay oo kale intuu u sheegay waxay ka nuugtey suntii maska, isla markaasna ay siideysey.
Faarax-bari-cadde iyo Faadumo kolkay beenbeentaas naagtii kaga fakadeen bay iyagoo weli baqadoodii haya waxaa ka hor timid bad. Carruurtu markay badda indhaha ku dhufteen bay waxay yiraahdeen: badey meel noo bannee balaayo ka na waddee. Kolkaas bay inta meel u bannaysay waxay tiri: halkaas mara oo haddaad wax wasakh ah i taabsiisaan waan idin cunayaa. Waxaase ayaan wanaag noqotay in carruurtu badda nabad ay kaga gudbeen. Naagtiina markay badda ka hor timid bay iyaduna waxay tiri: badey meel ii banne beerkaygii baa iga cararaye. Markaas bay meel bannaysay, waxayna u sheegtay inay cunayso haddii ay taabato. Taasise waxay noqotay mid dhibaato dhalisay maxaa yeelay baddii baa naagtii cuntay kaddib markay ballanku ay qaadday fulin weydey, taasoo ahayd in iyadoo aan taaban ay ka gudubto.
— 3 —
Faarax-bari-cadde iyo Faadumo markay baddii ka gudbeen, dhul ay ku noolaan karaanna tageen baa wiilku maalintii ugaarsasho u bixi jirey, gabadhuna geed korki fuuli jirtey. Maalintii dambe, baa siday caadadu ahaan jirtey Faarax-bari-cadde oo maqan geedkii gabadhu ay fuushanayd waxaa soo hoos fariistay laba nin oo mid fiqi (shiikh) yahay, kan kalana dadqal yahay. Markay labadoodu in muddo ah geedkaas hoos fadhiyeen bay waxay ogaadeen in gabar ay kor saaran tahay. Nimankaas oo mid walba usluub gaar ah leeyahay baa nin kasta wuxuu jeclaystay inay gabadhu gacantiisa gasho. Taasna waxay keentay in fiqigii sheegtay inuu gabadha guur ka rabo, dadqalkiina caddaystay inuu hilibkeeda rabo. Inkastoo labadooda arrintaas isku qabteen haddana kuma ay kala boodine waxay ku heshiiyeen in gabadha kii nasiibkiisu raacsho loo daayo. Heshiiskaasna wuxuu noqday in fiqigii masalle fidsaday, dadqalkiina go' fidsaday. Dabadeedna gabadhii laga codsaday inay labadaas kii ay doorato ku soo kor degto.
Faadumo goortay ogaatey inay gacan ku jirto oo ayan nabadgelyo helayn haddii ayan isdhiibin bay waxay ku soo kor booddey masallihii fiqiga. Waxaase dhacday in markay masallaha ku soo kor dhacday faryarteeda bidix go'ii dadqalka ay taabatay, dabadeedna dadqalku uu ku adkaystay in faryarada loo gooyo. Dadqalkii markuu farta goynteeda ku adkastay baa waxaa tiisi u gooyey fiqigii maxaa yeelay faryaro iyo ka badanba Faadumo baa kala fiicnayd. Fartaas markii la gooyey kaddibna fiqigii baa wuxuu la baxay magac cusub oo ah fiqifarey.
— 4 —
Fiqifarey iyo Faadumo markay inay isguursadaan isu raaceen, wiilkiina meeshuu walaashi ku ogaa ka waayey buu calool xumaaday. Markaas buu Eebbe wuxuu ka baryey inuu walaashi tuso ama gallayr ka dhigo. Baryadaasna waxay noqotay mid Faarax-bari-cadde laga aqbalay, wuxuuna u gaddoomey gallayr.
Waa dambe, baa Faarax-bari-cadde oo gallayr ahi wuxuu dool ku yimid dhul Fiqifarey iyo Faadumo oo carruur badan isu dhalay ay deggen yihiin. Gallayrku carruurta walaashi ay dhashay intooda waaweyn kolkay xoolaha maalintii daaqgeeyaan buu inta u yimaado wuxuu ku oran jirey: maandhooyow abtigiin baan ahaye hilbaha wax iga siiya. Reerka Fiqifarey baa waxaa caado u ahaan jirtey inay xoolaha wax ka qashaan maxaa yeelay wuxuu lahaan jirey ari badan, markaas bay carruurtu kolkay xoolaha la joogaan waxay qaadan jireen hilbo.
Gallayrku carruurta maalintii wuxuu ku yiraahdo bay markay soo dheelmadaan hooyadood u sheegi jireen. Faadumo oo ah carruurta hooyadood kolkay u adkaysan weydey waxay carruurtu soo sheegayaan bay waxay amartay inay gallayrka keenaan. Faarax-bari-cdde oo gallayr ahi markii walaashi loo keenay bay inta tabbed subag ah ku dhex riddey waxay tiri: haddaad walaalkay Faarax-bari-cadde tahay markaad subagga dhammaysto shanqar aan kugu garto samee. Gallayrkii markuu subaggi mariyey buu isagoo dad u gaddoomey wuxuu sameeyey shanqartii walaashi ay ka filaysey. Dabadeedna kolkay tabbadii ka soo saartay bay waxay ogaatey inuusan gallayr ahaan jirine walaalkeed Faarax-bari-cadde oo doorsoomay uu ahaa.
— 5 —
Faarax-bari-cadde oo mar labaad dad noqday baa wuxuu la noolaan jirey walaashi Faadumo oo ahaan jirtey qof aad u walaal jecel. Faadumo wiilkeeda curadka ah iyo walaalkeed waxay wada baran jireen fardafuulka iyo habka loo dagaallamo. Labadoodana waxaa goor walba tababarkaas badin jirey Faarax-bari-cadde. Taasna waxay dhalisay in Fiqifarey wiilka haweentiisa la dhashay uu la colloobey.
Maalintii dambe, baa xoolihii reerka waxaa wada aroorshey Faarax-bari-cadde, Fiqifarey iyo wiilkiisii. Kolkay xoolihii ceelkii tageen, lana waraabshey baa waxaa biya diidey faras Fiqifarey uu aad u jeclaa, sidaas darteedna waxaa loogu yeeray nin u faaliya. Ninkaas faalalowga ahaa wuxuu sheegay in haddii farasku beer dad uu cuno biyaha cabbayo. Fiqifarey oo kolkii horeba Faarax-bari-cadde uurka ka necbaa baa wuxuu ku tashaday inuu dilo, dabadeedna beerka kala baxo.
Xoolihii intii ayan ceelkii ka fulin baa Faarax-bari-cadde iyo wiilkuu abtiga u ahaa waxaa loogu yeeray inay waran ka bootaalystaan. Fiqifarey oo xumaan aan lala ogeyn qarsanayey baa kolkuu Faarax-bari-cadde boodayey intuu warankii kor ugu qaaday caloosha ku kala gooyey. Goortu sidaas foosha xun ku dhintayna beerkii baa inta lagala baxay faraskii la cunsiiyey. Isla markaasna hilib kale baa jirkiisa laga gooyey, waxaana loo geeyey walaashi Faadumo. Hilibkaas markay warsatey wuxuu yahayna waxaa la dhacsiiyey inuu hilib xoolaad yahay.
Faadumo waxaa shaki weyn galay goortii dad iyo duunyaba ceelkii laga wada yimid Faarax-bari-cadde mooyee. Inkastoo Faadumo in been lagu maaweeliyo la damcay haddana taasi way suurtoobi weydey maxaa yeelay kolkay intii kale yimaadeen baa isaga maqnaantiisa sabab loo waayey. Taasna waxay keentay in Faadumo loo sheegay sababta uu ku dhintay iyo sidii loo dileyba. Inkastoo warkaas Faadumo lama filaan uu ku noqday haddana waxba ma ay noqon maxaa yeelay waxaa taas uga darraa, ayna ka samri weydey hilibka walaalkeed oo la cunsiiyey.
Faadumo oo dilkaas walaalkeed iyo hilibkiisa la cunsiiyey caloolxumo uu ku beeray baa maalin dambe waxay ku tashatay in fiqifarey oo ahaa ninkii Faarax-bari-cadde diley ay ka aarsato. Markaas bay Faadumo waxay soo uruursatay takar badan. Dabadeedna takartaas iyo mandheer bay inta isku jarjartay, cuntana fiqifarey ugu dartey cunsiisay. Labadaas waxyaalood oo la yaabka leh baa markay caloosha fiqifarey isugu tageen waxay ku abuureen uurweynaad.
Fiqifarey markay jirradaas ku dhacday buu wuxuu ogaadey meesha looga yimid. Markaasna wuxuu istusay in ninkii calooshiisa mandheer ay gasho sida dumarka uu u dhalo. Taasna waxaa lagu gartay wuxuu oran jirey: takara fawfaw sidee naaga u dhalaan, takara fawfaw sidee naaga u dhalaan. Erayadaas waxay ku tusayaan in fiqifarey uu u maleeyey hadduu aqoon u lahaan lahaa sida haweenku u dhalaan inuu dhali lahaa. Waxaase u dambeysey in isagoo aad mooddo inuu ku wardiyayo takara fawfaw sidee naaga u dhalaan naftii ay ka baxday.
Sheekada 11d — GACMAHA
Soomaalidu waxay leedahay murti hodan ah. Waxaana murtidaas tilmaamaya geeraar labada gacmood oo isu faanaya ku saabsan. Geeraarkiina waa kan:
Geeraarkaas waxaa laga gartay in labada gacmood oo ah midigta iyo bidixda ayan kala maarmi karin. Hadday gacmaha midi maqan tahayna tan kale shaqo kala dhimman bay qabataa.
Sheekada 12d — LIBAAX
Waxaa la yiri, libaax baa hooyadi wuxuu warsaday in inta Eebbe abuuray oo ciidda korkeeda ku nool wax isaga ka xoog badan ama ka bala badan jiraan iyo in kale. Libaaxaddii oo hadalkaas ka jawaabeyseyna waxay u sheegtay in laga xoog iyo balaba badan yahay.
Libaaxa oo la wada og yahay inuu xoolaha sayidkooda yahay baa isagoo sidaas darteed hadalka hooyadi rumaysan waayey wuxuu bilaabay inuu dhulka wareego kaddib markuu iyada fasax ka qaatay. Fasaxaas intuu ku dhex jireyna wuxuu u tagey bahallada carrada jooga oo dhan, isagoo hadalkii hooyadis inuu run yahay iyo in kale baaraya. Bahaladaasna waxay u sheegeen in laga xoog iyo balaba badan yahay.
Maalintii dambe, ayaa libaaxii oo meel marayaa wuxuu u yimid rati qooqan oo dabran. Markaas buu wuxuu ka codsaday inuu wax uga sheego arrintuu safarkaas dheer darteed u soo maray. Su'aashaas ratigu markuu ka jawaabayeyna wuxuu yiri: waxaa kaa xoog iyo sharba badan ninka geedkaas jiifa oo dabarkan aad u jeeddid igu xiray. Kolkaas dabadeed ayaa libaaxii intuu ninkii u tegey oo toosiyey wuxuu ku yiri: nin la ii soo sheegay baan doonayaye adigu nin ma tahay?
Goortaas yaa ninkii oo yaabban wuxuu yiri: nin waan ahaye maxaad rabtaa?
Markay intaas isdhaafsadeen baa libaaxii oo aad mooddo inuu naxsan yahay wuxuu ninkii u sheegay inuu dagaal ugu socdo. Ninkaas oo hadalkii libaaxu wax shaki ah uusan galin ayaa wuxuu yiri: adigoo tub dheer soo maray, gaajaysanna inaan kula diriro waa igu ceebe intaan cunto kuu keenayo isug.
Kolkuu ninkii gurigiisii tagey ayuu wuxuu dabka saaray biyo Muddo kaddibna wuxuu soo qaatay digsi biya karkarahayaa ku jiraan. Waxaase dhacday inuu libaaxii oo hurda u yimid Taasna waxay keentay in ninkii intuu libaaxii toosiyey goortuu madaxa kor u qaaday biyihii kululaa uu ku rogey.
Halkaasna waxaa ka dhashay in libaaxii oo dhogortii ka bidday gubasho darteed uu cararay. Baqadaas libaaxu uu dhigayna waxay dhaxalsiisay in isagoo meel kale aan ku joogsan uu hooyadi u tagey. Markay iswaraysteenna wuxuu u sheegay in dhibaatada soo gaartay nin Naasa-yare la yiraahdo uu u geystey.
Waagaas libaaxu uu ninka eeday ilaa maanta waxaa la sheegay inuu ragga gaado mooyee dagaal inuusan uga hor imaan karin.
Sheekada 13d — CIGAAL SHIDAAD
Waagii hore dadku way isdili jireen, wayna isdhici jireen. Sidaas darteedna waxaa laga dhex heli jirey nin geesi ah iyo nin fuley ah labadaba.
Cigaal Shiidaad ninka la yiraahdo wuxuu ka mid ahaa ragga fuleynimada lagu bartay. Meelo badan oo waddanka Soomaalida ahna caan buu ku noqday.
Maalintii dambe, ayaa Cigaal Shiidaad iyo naagtiisii oo gurigooda jooga goor col laga baqayo waxaa soo muuqday niman. Markaas baa Cigaal naagtiisii wuxuu ku amray inay raar (harrar) ku deddo. Wuuuna kale oo faray haddii nimanku ku soo leexdaan inay isboohiso. Nimankaa colka loo maleeyey markay reerki ku leexdeen bay naagtii isboohisey iyadoo fulineysa dardaarankii Cigaal. Markay nimankii naagta baroorteeda arkeen baa waxay warsadeen waxa ku dhacay oo ay la booyeyso. Iyadoo su'aashaas ka jawaabaysana waxay u sheegtay in ninkeedii dhintay. Isla markaas baa nimankii oo naagtii waraysi ugu noqday waxay weydiiyeen ninku goortuu dhintay. Waxaase la yaab lahayd in naagtii intayan jawaabin Cigaal Shiidaad raarka hoostiisa uu ka yiri: naa shalay buu dhintay dheh.
Dabadeedna halkaas baa waxaa lagu ogaaday in naagtu waxay sheegeysey been ahayd. Inkastoo nimankii beentaas ogaadeen haddana Cigaal lama dilin maxaa yeelay colkii laga cabsanayey bayan nimanku ahayn.
Sheekada 14d — KOORADADAB IYO GEENYADIISII
Kooradadab wuxuu ahaa nin ku tilmaaman ragannimo badni iyo fardafuul. Wuxuuna lahaan jirey geenyo ku caan ahayd qurux iyo baxtownomo.
Waa dambe baa Kooradadab geenyadii waxaa ka dhacay col duullaan ahaa. Colkiina geenyadaas waxay siiyeen ninkii boqorka u ahaa. Markaas ayaa Kooradadab oo ah ninkii geenyada laga dhacay wuxuu ku tashaday inuu geenyadiisii soo dhacsado. Taasna waxay keentay inuu aadey boqorkii geenyadiisa haystay isagoo iska dhigaya doqon, sitana koombo dadka uu ku tuugsado.
Markuu Kooradadab u tegey boqorkii geenyadiisa haystey ayuu tuugsasho wuxuu ku dhex galay naagihii reeraha, kuwaas oo cawradiisa uusan ka qarsan jirin si loogu maleeyo inuu barax la' yahay darteed. Taasna waxay dhaxal siisay inuu iyaga ka mid noqdo.
Dabadeedna naagtii boqorka baa Kooradadab ku shaqaysan jirtey isagoo lagu bartay doqonnimo, lana baxay magac cusub oo ah Dambas Jiif maxaa yeelay wuxuu seexan jirey meelaha dabka lagu shido. Naagta boqorkuna markay subagga shiilato bay Dambas Jiif sacabka ugu shubi jirtey isagoo kulul. Markaas bay boqoraddu waxay aragtay inuusan gubanayn oo calaacalo adag uu leeyahay. Halkaas bayna Dambas Jiif kaga shakiday, dabadeedna boqorkii bay u sheegtay inuusan doqon ahayn maxaa yeelay gacmahiisu waa kuwo shaqo adag lagu qaban jirey, inuu fardooley ahaan jireyna la moodo. Shakigaasna wuxuu keenay in Dambas Jiif faras loo soo qabtay oo lagu yiri: faraskaas kooraha saar.
Markaasna wuu isyeelyeelay si aan loo garan inuu farda yaqaan yahay. Markii la arkay wuxuu qasayana waa lagu qoslay, waxaana loo qaatay inuusan waxba ogeyn.
Maalintii dambe, baa boqorkii geenyada haystey intuu shir qoladiisu ay qabatay u qalab qaatay wuxuu yiri : inta geenyada la soo kooreeyo Dambas Jiif ha la iigu soo dhiibo. Maalintaasna waxay nqotay tii Kooradadab inay u soo marto uu sugayey. Waxaasoo dhibaato ahna darteed uu u soo maray.
Markii geenyada xakamaheedii loo dhiibay baa Kooradadab inta niyada ka qoslay wuxuu la aadey meeshii shirka lagu qabtay. Markuu shirkii boqorku ka qaybgalay u soo dhawaadeyna intuu geenyadii fuulay ayuu ku soo dabbaaldegey. Dadkii markay yiraahdeen ninkaas waa kumana, geenyadii ayuu inta ciribta ku dhuftay oo la dhaqaaqay wuxuu yiri : mar waa Dambas Jiif, marna waa Kooradadab, marna waa kii lahaan jirey. Taasna waxay keentay in Kooradadab iyo geenyadiisa fardo lagu eryey. Waxaase dhacday in la gaari waayey maxaa yeelay muddo badan bay geenyadu waab ku jire ahayd iyo iyadoo baxdownimo u dhalatay.
Sheekada 15d — WALAALA ISJECEL
Waxaa la yiri, waxaa jiri jirey laba wiil oo walaala ah, aabbahood iyo hooyadoodna ay dhinteen iyagoo yaryar ah. Wiilasha oo intay yaryrka ahaayeen dhaqaalaxumo heshay ayaa markay koreen waxay fasheen beer Beertaasna waxay ka heleen masaggo (haruur) badan oo xilliyo badan oo isdabajoog ah u go'ay.
Labadaas wiil oo aad isu jeclaa, baa markay barbaareen, xoolana yeesheen waxaa guursaday wiilkii weynaa. Isjeclaanta labada wiil oo xididda dheer lahayd baa waxay keentay in nin walba kan kale la damcay inuu beerta waxa laga helo bar in ka badan siiyo. Wiilka yar wuxuu is-oran jirey walaalkaa waa guursadaye wax u celi. Kan weynina wuxuu isaguna is-oran jirey walaalkaa ha guursado ee haruurka u buri. Markaas kaddib baa nin walba goonidiisa wuxuu ku tashaday inuu walaalki godka masaggada ugu jirto qaybtiisa qaar ugu shubo inta la hurdo.
Muddo markay sidaas ku shaqaysanayeen, nin walbana arkay in godka haruurka ugu jiro inkastoo uu wax kala baxo uusan isdhimayn ayaa habeenkii dambe iyagoo masaggo isu guraya, nin walbana isleeyahay walaalkaa sad uusan ogayn u celi waagii ku beryey. Markay is-arkeenna mid walba meeshiisii buu istaagey naxdin darteed, wuxuuna ka baqay in walaalki u maleeyo inuu xadayey.
Kolkay iswaraysteense waxay ogaadeen inay si qarsoodi ah isugu sad celinayeen jeclaan ay isu qabaan darteed. Taasna waxy dhalisay in markay is uun ogaadeen ay horay isugu soo boodeen farxad darteed. dabadeedna ay halkaas naftii kaga wada baxday.
Sheekada 16d — SADDEX CABDI
Nin baa wuxuu dhalay saddex wiil oo magacoodu Cabdi wada yahay. Mid walbana Cabdi waxaa ugu lammaana magac kale. Saddexda wiil mid ka mid ahaa baa ninka wiilasha dhalay wuxuu rumaysnaa inuusan dhalin. Inkastoo sidaas uu u haysteyse dadka kale kama ay garan jirin.
Waa dambe, baa ninkii wiilasha dhalay oo jirraday wuxuu isugu yeeray saddex Cabdi iyo dadkii xigtada u ahaa, wuxuuna u sheegay in hadduu dhinto wiilka magaciisa la yiraahdo Cabdi xoolihiisa dhaxal uusan ku lahayn. Dardaarankaasna markuu ninkii dhintay kaddib waxaa ka dhashay walaac badan maxaa yeelay waxaa la garan waayey saddexda Cabdi midka dhaxalka aabbihi aan wax ku lahayn.
Wiilashii markay koreen bay waxay ku heshiiyeen inay salgaaraan saddedooda wacalka ku jira. Iyagoo taas baarayana waxay u socdaaleen nin boqor ahaa oo lagu yiqiin garaad dheeri iyo abwaannimo. Wiilashu mar ay socdaalkoodii ku jiraan bay waxay meel ku arkeen rati raadki. Ratiguna wuxuu ahaa rati raran oo baxsad ah. Wuuna il la'aa, dabadana wuu ka go'naa. Wiilashu kolkay raadkii ratiga dhaafeen ayaa waxaa ka hor yimid ninkii lahaa oo raadkiisa ku jooga. Wiilasha iyo ninku markay iswaraysteen kaddib baa ninku wuxuu weydiiyey inay ratigaas arkeen iyo in kale. Saddex Cabdi inkastoo ayan ratiga arag haddana waxay u sheegeen rati il la' dabana go'an, alaab culusna ay ku raran tahay. Ninkii kolkuu wiilasha ka codsaday inay ratiga meesha ay ku arkeen u sheegaanna waxay yiraahdeen ma aannu arag. Taasna waxay keentay in ninkii uu u qaatay inay wiilashu ratigi arkeen hasee yeeshee ay ka qarinayaan maxaa yeelay tilmaamaha ay ku sheegeen oo dhan ayaa waxay ahaayeen run.
Ninkii iyo saddex Cabdi markay arrinta ratigaas isugu xumaadeen kaddib bay waxay ku heshiiyeen inay isu raacaan boqorka wiilashu ay ku socdeen si gartooda uu u galo. Afartoodu kolkay boqorkii u tageen, dabadeedna ay arrintii u sheegeen baa boqorku wiilasha wuxuu ka codsaday inay caddeeyaan siday ratiga tilmaamihiisa ku ogaadeen. Wiilashu iyagoo taas ka jawaabaya ayaa kii hore wuxuu yiri : ratigu inuu il la' yahay waxaan ku ogaadey dhirta buu isku dhinac ka daaqayey. Kii labaadna wuxuu yiri : inuu daba go'an yahay waxaan ku gartay saalada buu isku meel tuuminayey. Kii saddexaadna wuxuu yiri : inuu alaabo culus sido waxaan ku ogaadey cagtiisa (baabaco) baa ciidda dhexgaleysey.
Boqorkii markuu erayadaas wiilasha u fiirsaday buu gartay inayan ratiga arag ee ay raadkiisa ka tilmaan qaateen. Dabadeedna halkaas ayaa ninkii oo saddex Cabdi ku gar waayey wuxuu dib ugu noqday raadkii ratigiisa.
Wiilasha iyo boqorku markay sheekeysteen bay boqorka waxay ogeysiiyeen inay isaga darti tub dheer u soo mareen, sidaas darteedna ay ka doonayaan inuu saddexdooda kan aabbahood dardaaranka uu ku sheegay uu ka soo dhex saaro. Markaas baa boqorku wuxuu u sheegay inuu gartooda berri qaadayo. Maalintii boqorka iyo wiilashu ay ballameen subaxdii baa wiilashu waxay dhegeysteen gar boqorku uu qaadayey. Wiilashu iyagoo gartaas sida loo qaadayo aad ugu fiirsaday bay muddo kaddib waxay aadeen gurigii lagu dejiyey. Dabadeedna markii la gaaray waqtigii qadada ayaa wiilashii waxaa loo keenay cunto hilib iyo canjeelo ay ka mid yihiin. Markaas bay iyagoo cuntadii ku kor sheekaysanaya midkood wuxuu yiri : boqorka aynu soo aadney waa wacal. Kii labaadna wuxuu yiri: hilibka la inoo keenay waa xaaraan. Kii saddexaadna wuxuu yiri : canjeelada naag bugta baa dubtey.
Wiilasha oo markay sheekaysanayeen la dhegeysanayey garaad dheeri lagu maleynayey darteed baa markay qadeeyeen waxaa u yeeray boqorkii. Wuxuuna warsaday siday saddexdaas waxyaalood ku ogaadeen. Wiilashu iyagoo taas ka jawaabaya ayaa kii boqorka wacalnimada ku sheegay wuxuu yiri : boqorku inuu wacal yahay waxaan ku ogaadey saaka kolkuu shirka fadhiyey oo garta uu qaadayey buu isagoo aan waxba hubsan hadba meel u boodayey. Wiilkii labaadna wuxuu yiri : hilibku inuu xaaraan yahay waxaan ku gartay jiirka iyo baruurta baan isku dhex jirin. Wiilkii saddexaadna wuxuu yiri : canjeelada inay naag jirrani dubtey waxaan ku ogaadey waxay lahayd xarriijimo.
Boqorku markuu arrimahaas runtoodii baaray buu wuxuu ogaadey in neefka wiilasha loo qalay uu ahaa lax ey nuugi jirtey taranteed. Wuxuu kaloo ogaadey in naagtii canjeelada dubtey ay jirranayd. Boqorku goortuu labadaas arrimood inay run yihiin soo sugay buu wuxuu u tegey hooyadi, wuxuuna u sheegay inuu isdilayo haddii ayan u sheegin ninka dhalay. Boqorka hooyadi kolkay aragtay in isdilku uu ka dhab yahay bay waxay u sheegtay ninkii dhalay iyo inuusan xalaal ku dhalan.
Boqorku markuu ogaaday wiilashu inay run sheegayeen buu wuxuu bilaabay inuu saddex Cabdi kan wacalnimada lagu sheegay soo saaro. Boqorku saddexdooda ayuu inta mid walba guri gooni ah geeyey wuxuu ka dhawray inay is-arkaan jeer runta uu ogaado. Kaddibna wuxuu u tagey wiilashii midkood, wuxuuna u caddeeyey inuu xoolaha aabbihi uu ka dhintay u wada xukumayo haddii uu oggolaado lafaha aabbihi in la soo baxsho dabadeedna la gubo. Waxaase dhacday in wiilku boqorkii uu ku talo diidey maxaa yeelay lafaha aabbihi in la soo baxsho baa dhib ku noqotay. Wiilkii labaadna markuu taladaas oo kale diidey baa waxaa aqbalay in lafaha aabbihiis la gubo, xoolahana loo xukumo wiilkii saddexaad oo ahaa kii boqorka wacalnimada ku sheegay. Boqorku kolkuu arkay in wiilku taladaas raalli uu ka yahay buu wuxuu ku yiri : wacalladu iyaga baa isa sheega ee waxaan ka marag ahay inaad wacal tahay.
Markaasna boqorku wuxuu isugu yeeray wiilashii iyo dadkii meeshaas joogey oo arrinta la socdey, wuxuuna u sheegartii siday ku dhammaatay iyo labada Cabdi oo xoolaha dhaxalkooda leh.
Sheekada 17d — RAAGE UGAAS
Waxaa la yiri, Raage oo ah ina Ugaas Xuseen ayaa isagoo dhallinyara ah wuxuu ka tagey reerkoodii, wuxuuna u doolay Quraan dhigasho darteed. Raage oo ahaa gabayaa weyn baa markuu muddo badan reerkoodii ka maqnaa wuxuu jeclaystay inuu arko cid aabbihi uga wargeysa, ugana soo warranta.
Raage oo intuu quraanka baranayey dacdarro ka dhergey baa maalin dambe wuxuu helay niman uu yaqaan oo u safar ah dhulkii aabbihi Ugaas Xuseen uu degganaa. Markaas ayaa Raage isagoo nimankii farriin faraya wuxuu yiri: aabbahay u sheega inaan shanta salaadood weyso qab ku wada tukado.
Nimankii markay Ugaas Xuseen arkeen, farriintiina ay u sheegeen baa Ugaasku isagoo ulajeeddada gartay wuxuu nimankaas ka codsaday inay soo maraan goortay dhulkoodii ku noqonayaan Nimanka soo noqodkoodii markay Ugaas Xuseen soo mareen buu wuxuu u dhiibey tabbad subag ka buuxo iyo hilbo shiilan oo weel kale ku jira tiradooduna soddon cad ay tahay. Dabadeedna wuxuu ku yiri: Raage gaajo buu soo sheegtaye intaad cuntadaas u geysaan waxaad ku tiraahdaan, aabbe wuxuu na soo faray, bishu waa soddon balliguna wuu buuxaa.
Nimankii farriinta iyo cuntada qaaday intay sii socdeen bay subaggii iyo hilbihiiba wax ka cuneen. Taasna waxay dhalisay in nimankii markay Raage Ugaas u tageen, cuntadiina ay siiyeen dabadeedna farriintii ay u sheegeen uu ku yiri: aabbahay wuxuu farriintiisa ku sheegay inuu ii soo dhiibey tabbad subag ah iyo soddon cad oo hilib shiilan ah ee waxaan doonayaan inaad intii aad uga dhumiseen i siisaan.
Halkaas waxaa laga garanayaa in Soomaalidu hadallada dahsoon garashadooda ay ku horreyso. Taasna waxaa ku tusaya farriimaha Ugaas Xuseen iyo wiilkiisa Raage ay isdhaafsadeen.
Sheekada 18d — NIN SOCDAALAY
Waa baa waxaa reerkiisi ka socdaalay nin la jeclaa. Ninkaas oo maalin meel cidla' ah marahaya ayaa waxaa ka hor yimid saddex nin. Nimanku kolkay iswaraysteen dabadeedna ay isgarteen baa saddexdii nin midkood waxaa niyada ka gashay inay ninka socdaalka ah dilaan. Taasna waxay tilmaan u tahay in Soomaalidu ay aanooyin hore isku dili jireen. Inkastoo ninka dilkiisa aan la isku wada raacin haddana siduu geeri uga fakan lahaa ma ayan muuqan maxaa yeelay waxaa dilkiisa laga fujin waayey saddexda nin kii u fil weynaa. Labadii nin oo kalana markay dilkaas siday ka yeeli lahaayeen ka wada hadleen baa labadooda ninkii xoogaa filka weynaa wuxuu ku dhici waayey inuu caddaysto in ninka uusan wax ka dilayn. Waxaase taas si geesinnimo ah u horjoogsaday saddexda nin kii ugu yaraa. Inkastoo ninka yar uu isku dayey inuu ninkaas dilka ka baajiyo haddana waxba wuu ka qaban kari waayey sababtoo ah labadii nin oo kale baan ku raacin.
Ninkii markuu gartay in mar walba la dilayo ayuu nimankii wuxuu ku yiri: axsaan ii sameeya oo ha i dilinina maxaa yeelay dad masaakiin ah baan u shaqeeyaa haddaadse i dilaysaan waxaan idinka codsanayaa inaad reerkaygii farriin iiga geysaan. Codsashadaasna waxay noqotay mid nimankii ay aqbaleen maxaa yeelay waxaa aad ula weynaa ninka dilkiisa
Markay nimanku farriintii aqbaleen ayaa ninkii wuxuu ku yiri: markaad reerkaygii u tagtaan xaaskaygii waxaad ku tiraahdaan ninkii wuxuu na soo yiri: haddaan raago saddexda rati oo reerka u jooga kan u weyn carruurta ha loo loogo. Labada kalana, kan weyn waa tagtowe ha la xirxiro, kan yarse ratiga xirxiran buu la joogiye ha la iska daayo.
Nimankii markay xaaskii ninka ay dileen farriintii u sheegeen bay naagtii waxay garatay in ninkeedii la dilay. Markaas bay inta nimankii soo dhaweysey, gogolna ay u dhigtay dabadeedna sooryo ay samaysay waxay qaylo geys ahaan u aaddey ninkeeda walaalihi. Waxayna u sheegtay in saddexda nin oo gurigeeda joogaa ay ninkeedii dileen. Markii la warsaday siday ku ogaatay waxay akhriday farriintii nimanku ay sideen.
Taasna waxay keentay in saddexdii nin kii u weynaa la dilay, kii ku xigeyna la xirxiray. Waxaase la siidaayey ninkii u yaraa maxaa yeelay farriintii awrta ka hadlaysey baa iyaga tilmaameysey siday u kala dambi weyn yihiinna sheegeysey.
Sheekada 19d — BAKAYLE IYO DIGIIRAN
Xoolaha la yiraahdo banjoog waxa laga dhex helaa kuwo duula, kuwo aan duulin iyo kuwo hawada sare iyo dhulkaba mara.
Waddanka Soomaalidana waxaa ku badan xoolahaas banjoogta ah oo jaadad kala duwan leh. Kuwaasna waxaa ka mid ah, bakaylaha iyo digiiranka. Digiiranku wuu duulaa bakayluhuse ma duulo.
Bakaylaha iyo digiiranka oo ah xoolaha aan wax dhibin baa waa dhexdooda ka colloobey. Colaaddaasna waxay keentay in digiiran koox yar ah iyo bakaylayaal badan dagaal isu soo hor fariisteen.
Digiirankii markay arkeen in bakaylayaashu ka ciidan badan yihiin bay waxay ku tashadeen inay dhagraan. Markaas baa digiirankii intay dhawr meelood isu qaybiyeen waxay isfareen in koox walba mar intay bakaylayaasha soo kor duusho ay tiraahdo: bakaylayaalow digiiran duullaana ma aragteen? Taasna waxay ulajeedeen inay bakaylayaashu u maleeyaan digiiranku inuu ka ciidan badan yahay.
Markay digiirankii dhawr jeer bakaylayaashii soo kor duuleen, iyagoo doonahaya inay baqdin ku abuuraan baa boqorkii bakaylayaashu wuxuu arkay in ciidankiisii uusan is-haysan cabsi darteed. Markaas baa boqorkii wuxuu ku yiri: bakaylow nin iyo bur.
Bakaylayaashu siday maalintaas u kala dhuunteen bay u kala maqan yihiin ayaa la yiri.
Sheekada 20d — RIYAHA
Riyuhu waxay ka mid yihiin saddexda meesi oo xoolaha ay u kala baxaan. Waxayna si gaar ah uga tilmaaman yihiin labada meesi oo la kala yiraahdo geel iyo lo'. Waxayna dadka iyo duunyadaba ka raacsan yihiin meelo badan. Taasna waxaa laga garan karaa sheekadan hoos ku qoran.
Riyuhu waxay ragga ka raacsan yihiin taaha iyo garka. Riyuhu markay bukoodaan waxay u taahaan sida raggu jirrada xun ugu taaho. Waxayna kale oo leeyihiin gar kan ragga u eg.
Riyuhu haweenkana waxay uga eg yihiin kalgacaylka iyo naasaha. Riyuhu sida dumarka bay laba naas leeyihiin, una ubad jecel yihiin.
Riyuhu fardahana waxay xagga baxaalliga isaga yimaadaan gaadada iyo gurdanka.
Lo'da iyo riyuhuna waxay isaga mid yihiin kabriga iyo lamiinta.
Geelana riyuhu waxay uga eg yihiin soofka dheer iyo saloosha.
Laba tilmaamood oo kalena riyaha bay gaar u yihiin. Waxaana weeye, dad iyo duunyo wax laba jir ku dhala, laba jirna ku ubad korsada riyaha kaliya baa jira
Inkastoo riyuhu ay xoola yihiin haddana waxay leeyihiin tilmaamooyin badan oo ay xoolaha kale kaga duwan yihiin.
Sheekada 21d — GARAAD AXMED IYO SHARIIF
Garaad Axmed oo ah ina Garaad Axmed Faarax (wiilwaal) oo shir dhex fadhiya ayaa waxaa baryo ugu yimid nin shariifnimo sheegtay. Ninkaas oo doonayey in la karaameeyo, mar walbana wax siinta loogu roonaado baa wuxuu tiriyey masafo naftiisa uu ku faaninayey. Taasna wuxuu ulajeeday in Garaad Axmed u maleeyo inuu dadka ka darajo sarreeyo.
Masafadii Shariifku tiriyeyna waa tan:
Garaad Axmed markuu masafadaas Shariifku tiriyey dhegeystey buu inta cabbaar aamusay wuxuu yiri: Shariifow anigu waxaan sheego ma aqaan, wallese ama si dadka aan loo cadaabin laguu cadaab ama si dadka aan loo jannayn laguu jannee.
Markuu shirkii dhammaaday baa waxaa isu soo haray Garaad Axmed iyo Shariifkii. Dabadeedna Garaad Axmed baa wuxuu yiri: Shariifow ma shan halaad baan ku siiyaa mise shan geed baan kaa sheegaa? Markaas baa ninkii shariifnimada sheegtay oo su'aashaas ka jawaabayey wuxuu codsaday in boqorku shan geed ka sheego.
Garaad Axmed isagoo Shariifkaas wax la doonahaya ayuu dhawr meelood oo dadkiisu isugu yimid wuxuu ku weydiistey inay Shariifka xoola siiyaan. Taasna waxaa ka dhashay in Shariifkii xoola uusan filanayn helo
Sheekada 22d — NIN INDHOOLE AH
Nin reer miyi ahaan jirey baa wuxuu noqday indhoole. Ninku carruur will buu ka lahaa. Markaas baa ninka waxaa hagi jirey wiilka oo ay caado u ahayd inuu hagidda aabbihiis ka cabto. Inkastoo wiilka caasinimada lagu ogaa haddana waxba lagama qaban maxaa yeelay qof kale oo lagu beddelo baan jirin.
Maalintii dambe, baa wiilkaas iyo aabbihi oo meel cidla' ah maraya wiilku wuxuu ku tashaday inuu aabbihiis lumiyo. Kolkaas buu wuxuu fariisiyey geed hooskiis, wuxuuna u sheegay inuu geed ama dudumo fuulayo isagoo hubsanaya in meelaha xoolo ka dhow yihiin iyo in kale. Taasna waxay keentay in wiilkii aabbihiis uusan ku soo noqon. Dabadeedna halkaas baa ninkii indhaha la'aa bahal ku cunay.
Wiilkaas aabbihiis nolosha ku xooray markuu weynaadey buu guursadey. Kolkaasna Eebbe baa wuxuu ugu deeqay wiil kaliya. Wiilku goortuu koray baa waxaa indha beelay aabbihiis oo ah wiilkii isagoo dhallinyar aabbihi oo indha la' cidlada uga tegey. Ninkaas indhoolaha noqday waxaa hagi jirey wiilka dad lagu arkey.
Wiilkaas iyo aabbihi markay sidaas muddo ku wada socdeen baa wiilkii wuxuu bilaabay xumaato aabbihiis lumintiisa ku saabsan. Xumaantaasna waxay keentay in labadooda oo socoto ah wiilku aabbihi intuu geed hoosti fariisiyey uu ku yiri : aabbe in xoola ina ku dhow yihiin iyo in kale baan soo fiirine i sug. Waxaase dhacday in ninkii indhoolaha ahaa intuu shakiyey uu wiilka warsaday meesha ay joogaan magaceeda.
Markii magaceeda loo sheegayna wuxuu gartay in meeshu ay tahay halkii isagoo dhallinyara ah aabbihi oo indha la' uu uga tagey, dabadeedna dugaaggu uu ku cunay.
Kolkaas buu wiilkii wuxuu ku yiri : maandhow igu soo noqon meyside iska tag, maxaa yeelay meeshani waa tii aan aabbahay oo indha la' uga tagey
Halkaas baa ninkii looga tagey, dugaagguna ku cunay. Taasna waa abaalkii uu horay u geystey maxaa yeelay haddii ninku aabbihi cidlada uusan uga tagin lagama tageen.
Qof walba aabbe iyo hooyo baa dhalay. Waxayna uga baahan yihiin dhaqaala joogta ah inta ifka ay ku nool yihiin. Qofkii waalid caasi noqdase waxaa u dambayn doona foolxumo adduun iyo cadaab aakhiro.
Sheekada 23 — NIN FULEY AH
Waa baa waxaa jiri jirey nin fuley ahaa. Ninku wuxuu ahaan jirey reer miyi. Waxyaalaha lagu bartayna waxaa ka mid ahaa, habeennada gudcurka ah ma u socon jirin, waxbana laguma hallayn jirin maxaa yeelay hadduu wax madow meel ku arko wuxuu moodi jirey qof ama bahal isaga waxyeeladiisa u socda.
Ninkaas oo goor casar ah reero ay deris ahaayeen u wardoonay baa intuu maqnaa qorraxdii dhacday. Habeenku wuxuu ahaa gudcur, kaasoo ka mid ahaa habeennadii uusan mahadin jirin. Kolkaas baa ninku soo noqodkiisii isagoo meel labadhex ah maraya waxaa u muuqday wax madow, markaas buu istaagey sababtoo ah wuxuu u maleeyey qof ama bahal dhabbaha u fariistay.
Dabadeedna kolkuu cabbaar taagnaa, wax u soo dhaqaaqana uu waayey buu isagoo qarqaraya baqdin darteed, lana hadlaya waxa meesha ka madow wuxuu yiri : anigu waxaad tahay garan mahayo ee haddaad bahal tahay yur baan ku iri. Haddaad nin tahayna iska kay dhici, haddaadse geed tahay ballan waxaan ku qaaday inaan markii waagu beryo ku gooyo.
Ninkii markuu wax la hadla ama xaggiisa u soo dhaqaaqa waayey buu horay u socday kaddib markuu gartay in wuxu geed yahaye qof iyo bahal midna uusan ahayn.
Kolkuu waagi beryeyna ninku isagoo ballankii uu qaaday fulinaya buu wuxuu soo qaatay gudin (masaar), wuxuuna ku gooyey geedkii meesha ku yiil. Taasna waxay ku tusaysaa in ninku uu ka baqay geedku mar labaad inuu bajiyo.
Sheekada 24 — QOOL IYO HANGOOL
Cid reer miyi ahayd ayaa waxay xero uga guureen qool iyo hangool. Qoolkii wuxuu Eebbe ka baryay inuu wan shanbaryoodle magaciisa la yiraahdo ka dhigo, hangoolkiina wuxuu Eebbe ka baryey inuu dameer ka dhigo. Baryadaas qoolka iyo hangoolku waxay noqotay mid la aqbalay.
Markaas baa wankaas iyo dameerkaas oo xeradii jooga waxaa laba meelood oo kala duwan ka muuqday laba sayn oo roob ah. Sayn walbana meesha xerada kaga toosan waxaa ka baxa dhabbe. Labadaas dhabbena waxaa la kala oran jirey dhabbe cadde iyo dhabbe madoobe. Markaas ayaa wankii iyo dameerkii waxay ku heshiiyeen in wanku dhabbe cadde saynka ku toosan u arooro, dameerkuna dhabbe madoobe saynka ku toosan u arooro.
Wankii kolkuu dhabbe cadde qaaday buu wuxuu helay balli saynkii biya ka buuxshey. Markuu ka cabbey muddo joogeyna waxaa ugu timid dawaco oomman. Dawacadaasna wankii wuxuu u oggolaaday inay biyaha wax ka cabto. Dabadeedna wankii ayaa dawacadii wuxuu ku yiri : dawaco daaq baan doonanayaaye biyaha yaan la iga cabbin.
Waxaase dhacday in wanku markuu in yar sii maqnaa dameerkii xerada ay ku kala tageen oo soo biya waayey uu yimid.
Imaatinkaasna wuxuu keenay in dawacadii biyihii balliga ku jirey dameerka ay uga dhaaratay iyadoo ballankii wanka fulineysa. Taasise waxay noqotay mid aan meel marin maxaa yeelay dameerkii ayaa wuxuu diidey inuu biyaha ka qado.
Dawacadii kolkay aragtay inaan waxba laga maqlayn bay waxay u yeertay wankii. Markuu yimidna wuxuu oggolaaday in dameerku biyaha cabbo isagoo shardi uga dhigay inuusan saalo iyo kaadi midna taabsiin. Shardigaasise wuxuu noqday mid aan waxba ka naasacaddaan maxaa yeelay dameerkii ayaa markuu dhergey wuxuu biyihii isugu daray saalo iyo kaadi.
Markaasna basarxumada dameerka waxaa ka carooday wankii. Isagoo aad mooddo inuu ciidan meel u jooga u yeeranayana wuxuu dameerkii ku yiri : walle inta baraar idaad u yar yahow bacaac baan oran Inkastoo cod qaylogeys ahi wanka afkiisa ka soo baxay haddana taas faa'iido kuma uu helin, maxaa yeelay wax u soo ciidmi kara baan jirin. Dameerkiina isagoo wanka ka aargudanaya buu wuxuu yiri : aniguna inta jirac u yar yahow qaaq baan oran. Qaaqdaas dameerkana waxaa hiillo ahaan ugu soo gurmadey goroyo, dugaag oo dhan iyo jirac. Dabadeedna isu imaatinka bahalladu wuxuu dhaliyey heshiis wanka in la qasho ah. Taasna waxaa loo xilsaaray dawaco iyo goroyo.
Dawacada oo lagu yaqaan dhagar ayaa intay wankii cuntay, afkana uus marsatay, waxay ku dufantiratay goroyadii oo hurudda.
Markaas kaddibna dawacadii waxay u tagtay libaax ka mid ahaa dugaaggii hilbaha wanka sugayey, waxayna u sheegtay in hilbihii wanka oo dhan la cunay. Kolkii la warsaday labadooda kii cunayna waxay dusha ka saartay goroyadii.
Arrintaas dawacadu ay keentay markay bahalladii oo dhan ka fiirsadeen bay waxay ku heshiiyeen inay dab shidaan. Dabkana ulajeeddadiisu waxay ahayd in laga wada boodo, kaddibna la ogaado dawacada iyo goroyada kii hilbihii wanka cunay maxaa yeelay waxay rumaysnaayeen in dhagarqabuhu dabka uu ku dhacahayo.
Markii dabka la oogey ayaa bahal walba kolkuu boodo kaddib wuxuu oranayey hadal isaga u gaar ah oo faan ku saabsan. Mid walbana hadalkiisii waa kan hoos ku qoran :
1 – Waxaa ugu hor boodey libaax, kolkii boodeyna wuxuu yiri : qaalmo soogsoogan oo soog daaqahaya surkooda soo loodiyow ani dheh.
2 – Shabeelkiina wuxuu yiri: riyo xagar daaqay oo xamxammaa salooshay xayrtooda babiyow ani dheh.
3 – Waraabihiina wuxuu yiri : reer nabad u soo galay oo nabad u seexday kaga salaliyow ani dheh.
4 – Weerkiina wuxuu yiri : riyo 80 ama 90 ah ri' ka siidaayow ani dheh
5 – Jiriciina wuxuu yiri: fiqi meel fadhiya futada ka qandhuuftow ani dheh.
Dawacadii oo cuslaatay wanka ay cuntay darteed ayaa markay bootin isu diyaarisay bahalladii kale waxay ku tiri : abtiyaalow sheelo baan leeyahaye iga sii jeesta. Kolkii laga xishooday, lagana sii jeestay bay intay dabkii dhinac ka martay sidii neef booday waxay tiri : baraarkii abtigay oo berrin daaqahaya barya goosatoy ani dheh. Sidaasna dawacadu waxay u yeeshay aqoon ay u lahayd haddii bootin ay isku daydo inay dabka ku dhacayso.
Goroyadiina markay bood damacday bay inta dabkii ku dhex dhacday waxay tiri : kolba ba'aye buulkii hooyaday baal geeya
Inkastoo goroyadu inayan bootin aqoon la moodo haddana halkaas waxaa laga garan karaa in sababta ay ku dhimatay dhagar dawaco tahay.
Sheekada 25d — DIIN IYO DAWACO
Waa baa waxaa meel ku wada noolaan jirey diin iyo dawaco saaxiib ahaan jirey. Waxayna joogi jireen wabi daanti. Diinka iyo dawacadu maalinti way kala daaq doonan jireen, habeenkiina way isu soo dheelman jireen. Labadooda mid walba wuxuu u soofi jirey meel aan kan kale la ogeyn. Diinku intuu wabiga ka tallaabo buu wuxuu tuugo ku soo daaqi jirey beer nin leeyahay, dawacaduna webiga dhinac keliya bay ka daaqi jirtey maxaa yeelay dabaasha bayan sida diinka aqoon.
Markay diinka iyo dawacadu sidaas muddo ku wada joogeen ayaa dawacadii waxay ogaatey in diinku maalin walba uu soo daaqo beer nin leeyahay oo ku taal webiga dhinaciisa shishe. Markaas bay diinkii waxay ka codsatay inuu webiga ka gudbiyo si beerta ay wax uga daaqdo. Diinkii isagoo aan raalli ka ahayn inuu dawacada beerta geeyo hase yeeshee saaxiibnimada ku xaqdhawrahaya buu wuxuu yiri: dawaco beerta nin baa leh, aniguna tuugo baan ku daaqaa haddaba waxaan ka baqayaa in markaan webiga kaa gudbiyo, dabadeedna beerta aad ka dheregto aad qayliso. Dawacadii oo ballan qaadday inayan qaylinayn baa diinkii wuxuu geeyey beertii tuugada uu ku daaqi jirey. Waxaase dhacday in dawacadii markay beertii ka dheregtey ay qaylo afka ku dhufatay. Markaas ayaa diinkii oo sirtii ay ka kashifantay markuu dawacadii warsaday waxa qaylada ku jirrabay waxay tiri: markaan dhergo inaan qayliyo waa caadadeyda. Diinkii iyo dawacadii oo baqa ah kaddib markuu ninkii beerta lahaa cidii dawacada ku soo baxay bay dawacadii waxay codsatay in diinku webiga uu ka gudbiyo Diinku wuxuu dhabarka u ritey dawacadii isagoo ciishaysan, dabadeedna markuu webiga dhex marayo buu inta isyeelyeelay wuxuu iska xumeeyey habkii dabaasha. Dawacadu markay aragtay inay khatar ku sugan tahay bay diinkii waxay warsatay waxa dabaasha ka xumeeyey. Markaas buu wuxuu yiri: markaan dabaalanayo inaan sidaas oo kale yeelaa waa caadadeyda.
Dabadeedna halkaas bay dawacadii ku dhimatay kaddib markay webiga ku dhex dhacday. Dawacadu haddii ayan diinka ku ballan furin ee beerta ay nabad kula daaqi lahayd ama hadalxumada ay iska dhaafi lahayd webiga laguma rideen.
Sheekada 26d — SICIID SAAWEEL IYO MUUN XAAD
Waxaa jiri jirey nin iyo naag isqabi jirey. Magacoodana la kala oran jirey Siciid Saaweel iyo Muun Xaad. Siciid Saaweel wuxuu ahaa boqor, wuxuuna xukumi jirey meesha lagu magacaabo Karin Boosaasood iyo dhulka u dhow. Muun Xaadna waxay ahaan jirtey boqorad, waxayna xukumi jirtey meesha la yiraahdo Karin Ceelgaal iyo inta u ogog leh.
Siciid Saaweel iyo Muun Xaad xilliga guga waxay isugu imaan jireen Karin Boosaasood, dayrtana, waxay isugu imaan jireen Karin Ceelgaal, maxaa yeelay labadaas meelood baa mid gugu ka da'aa midna dayrtu ka da'daa. Siciid Saaweel iyo Muun Xaad baa looga gar-niqi jirey. Inkastoo Siciid Saaweel iyo Muun guga iyo dayrta ay wada joogaan mooyee intay kala maqan yihiin waxaa dhex mari jirey dagaallo badan, markay isu yimaadaanna intay kala maqnayeen dhibaatooyinkii ay isu geysteen baa looga garniqi jirey. Inkastoo Siciid Saaweel iyo Muun Xaad ay aad xagga dagaallada isugu xumaan jireen haddana waxay heshiis ku ahaayeen inay canshuur ka qaadaan safarrada iyo xoolaha dhex mara Karin Boosaasood iyo Karin Ceelgaal oo ahaan jirey soohdimaha ay kala xukumi jireen.
Labadaas qof oo waligood aan heshiin baa labada xilli oo ah guga iyo dayrta, ahna xilliyaasha ay is-arki jireen midkood waxaa u garnaqay nin. Ninkii markuu in badan Siciid Saaweel iyo Muun Xaad gartoodii uu hayey hase yeeshee uu heshiisiin waayey buu wuxuu yiri : Ilaahii Siciid Saaweel iyo Muun Xaad isu geeyow kala saar.
Sheekada 27d — WIIL IYO WIIL WAAL
Waxaa la yiri Wiil Waal walaashiis baa waxay nin u dhashay wiil Wiilku markuu koray ayaa Wiil Waal dad waxay u sheegeen in wiilka uu abtiga u yahay uu doqon noqday. Wiil Waal oo ahaa geesi faan jecel baa wuxuu u qaadan waayey warkaas loo soo sheegay maxaa yeelay wuxuu rumaysnaa in qof isaga ku cad lihi uusan doqon noqonayn.
Maalintii dambe baa wiilkii Wiil Waal uu abtiga u ahaa oo faras ku jooga wuxuu u socdaalay inuu abtigiis soo arko darteed, Markaas baa Wiil Waal oo isaguna socdaal ah, una socda inuu wiilka walaashiis ay dhashay oo looga soo war xumeeyey uu soo arko waxay labadoodii isaga hor yimaadeen meel. Wiil Waal iyo wiilku markay isnabdaadiyeen baa Wiil Waal oo wiilka imtixaanaya wuxuu ku yiri xoolo maxaad ka timid, xarragana maxaad ka timid xurquunna maxaad ka timid, xaasna maxaad ka timid, xilna maxaad ka timid?
Markaas baa wiilkii wuxuu yiri: abti xoolo 200 oo halaad baan ka imid, xarragana 100 faras baan ka imid, xaasna 300 oo riya ah baan ka imid, xilna xididkay baan la degganahay.
Wiilkii goortuu su'aashaas abtigiis Wiil Waal sidaas uga jawaabey baa Wiil Waal inta qoslay wuxuu yiri: maandhow doqon bay kugu sheegeen ee doqon ma ahide, geel xoolo wuu yahaye ama duud (hawd) ku qari ama duul ku qari. Fardana xarrago way yihiine ama ku joog ama ka joog, cayaar fuulna ka ogow, idana xurquun way yihiin ee dooxo la ogow, dayr dhalna ka ogow. Riyahana xaas way yihiine jeex ay ku foofaan iyo jeex ay ka hoydaan la ogow. Xididna inuu isu soo xiisoodo baa ku fiican yahaye ka fogow.
Sheekadan waxaa laga garan karaa in Soomaalidu ay leedahay garasho dheer iyo af hodan ah maxaa yeelay sheekadan baa waxaa ku jira murti qayma gal ah. Taasna waxay ku tusaysaa in Soomaalidu erayada dahsoon garashadooda ay ku horreyso.
TUSMADA
| 1. | Arar | Bogga 3 |
| 2. | Shimbir iyo Nin | 4 |
| 3. | Nin Cirweyn | 5 |
| 4. | Abees iyo Dabagaalle | 6 |
| 5. | Libaax iyo Saddex Dibi | 7 |
| 6. | Wan iyo Orgi | 9 |
| 7. | Dhagar Haween | 10 |
| 8. | Laba Saaxiib ahaan jirtey | 12 |
| 9. | Bisadda | 13 |
| 10. | Laba kala daran | 15 |
| 11. | Faarax iyo Faadumo | 16 |
| 12. | Gacmaha | 24 |
| 13. | Libaax | 25 |
| 14. | Cigaal Shiidaad | 26 |
| 15. | Kooradadab iyo Geenyadiisii | 27 |
| 16. | Walaala isjecel | 29 |
| 17. | Saddex Cabdi | 30 |
| 18. | Raage Ugaas | 33 |
| 19. | Nin socdaalay | 34 |
| 20. | Bakayle iyo Digiiran | 35 |
| 21. | Riyaha | 36 |
| 22. | Garaad Axmed iyo Shariif | 37 |
| 23. | Nin indhoole ah | 38 |
| 24. | Nin fuley ah | 39 |
| 25. | Qool iyo Hangool | 40 |
| 26. | Diin iyo Dawaco | 43 |
| 27. | Siciid Saaweel iyo Muun Xaad | 44 |
| 28. | Wiil iyo Wiil Waal | 45 |