Kirke-, Utdannings- og ForskningsdepartementetSekretariatet for Grunnskolen, 1992
ISBN 82-992677-0-6
Det må ikke kopieres fra denne boka i strid med åndsverksloven og fotografiloven eller i strid med avtaler om kopiering med KOPINOR, interesseorgan for rettighetshavere til åndsverk.
Godkjent av Sekretariatet for grunnskolen til bruk i morsmålsundervisning for somaliske elever.
Copyright:
Den Norske Somaliakomiteen
Illustrasjoner:
Bjørn Bue
Ingrid Grude
Kjell Tjosevik
Trykk:
GCS, Oslo
Henvendelser om bokan kan rettes til:
Den Norske SomaliakomiteenI solidaritet med det somaliske folkTlf. (04) 42 57 27Postboks 102, 4060 KleppeBankgiro: 3290.07.77700
Innholdsliste:
Forord
5
Presentasjon av forfatteren (somalisk)
7
Presentasjon av forfatteren (norsk)
9
Diktene:
Baaq
11
Hooyo
14
Hablaha Geeska Afrika
18
Arraxmaan
24
Beled-Weyn
26
Daryeel
30
Hud-Hud
34
Haatuf
36
Daalo
38
Xamareey Ma Nabadbaa
42
Tog-Dheer
46
Forord
"Før du lar drømmene dine ta deg med ut i den store verden og krysser breddene av de store sjøer og forlater ditt eget hjemland. Før du reiser som turist til Paris eller bruker tiden til å prate med venner i Bonn. Må du ta deg tid til å bli kjent med ditt eget hjemland"
Slik innleder den somaliske forfatteren Mohamed Ibrahim Warsame "Hadrawi" sitt dikt "Baaq". Diktet "Baaq" beskriver landet Somalia som et land rikt på naturens gaver og ikke bare et land av ørken og savanne. Dette diktet er et av elleve dikt som Hadrawi selv har valgt ut til bruk i morsmåls-undervisningen for barn og ungdom. Diktsamlingen spenner fra dikt om den somaliske mor "Hooyo", natur og miljø, tilbedelse og bønn til diktet om "Jentene på Afrikas Horn".
Styret i Den Norske Somaliakomiteen er glad for å kunne bidra med denne samlingen av somalisk poesi i samarbeid med Kirke- Utdanning- og Forskningsdepartementet. Det er komiteens ønske og håp at dette kan bli et viktig bidrag for våre somaliske landsmenn til å bli bedre kjent med sitt hjemland og sin kultur.
Kleppe, juni 1992Abdi Jama AwedKjell Tjosevik, Ingrid Grude
Taariikh nololeedka abwaanka
Maxamed Ibraahim Warsame(Hadraawi), wuxuu ku dhashay miyiga degmada Burco, Gobolka Togdheer ee Woqooyiga Soomaliya sannadku markuu ahaa 1943; halkaas oo uu sanadihii hore ee caruurnimadiisii joogay ila uu ka gaadhay 9jir, markii ay wakhtiga geeriyootay hooyaddii Kaaha Jaamac Kaarshe.
Isaga oo 9jir ah ayaa Cadan oo dalka Yemen ah loogu geeyay adeerkii Axmed Warsame Siciid(Niibsan) iyo aayooyinkii Caasha Maxamed Xasan iyo Shamis xasan Nuur Qaaje oo halkii hooyadii u galay.Waxbarashadiisii asaasiga ahayd ilaa dugisiga sare wuxuu ku qaatay Dugsiga Baadariga Cadmeed ee wakhtiga la odhan jirey St. Anthony's High School.
Isla Magaalada Cadan ayuu kaga shaqeeyey macallinimo muddo laba sanadood ah. Sanadkii 1967 ayuu cadan ka guuray una kicitimay Soomaaliya waxaanu degey magaalo madaxda - Muqdisho. Isaga oon ku raagin waxa uu shaqadii u horeysay ka qabtay Wasaarada Warfaafinta 1969.
1971kii ayuu shaqadii ugu horeysay ee rasmiga ahayd ka qabtay Wasaarada Waxbarashada oo uu ka noqday macallin Dugsiga Hoyga Nolosha ee Lafoole(Afgooye), isla wakhtigaas oo uu ka qaadana jirey daraasadda tababarka macallinimada, Maxadkii Macallinimada ee Lafoole (N.T.E.C).
Page 7, as printed
Kartidiisa hal-abuurnimo markii ugu horeysay waxay soo shaac baxday intii aanu ka tegin magaalada Cadan. Wuxu alifay Riwaayadii la odhan jirey "Hadimo" soona bandhigay sanadkii 1966kii. Ha yeeshee wuxuu sii doob dilaacsaday maansadiisuna caan baxday intii uu Soomaaliya u soo wareegay, gaar ahaana intii ku sinayd 1970kii oo ay soo shaac baxeen heesaha tirada badan aadna u soo jiitay dareenka dadka, xiise badana u kiciyeen, uuna noqday nin suugaantiisu si gaar ah u taallo, si goonni ahna cid waliba u dhadhansato, had iyo jeerna dadka ka dhex dhalisa olole doodeed. Waxa la soo qaadan kara Riwaayadii "Aqoon Iyo afgarad"iyo silsilad-maanseedii "Siinley" iyo Riwaayadii "Tawaawac" ee ay ak mid ahaayeen "Hal La Qalay iyo Ceel Walwaaleed".
Suugaantiisu Waxay noqotay tu si gaar ahaaneed uga nixisa oo uga cabsiisa xukunkii keli talinta ee Siyaad Barre, sida darteedna ay goor walba daba taaganyihiin Hay'adaha Cadaadinta iyo Cabudhinta ee taliskaasi. Ka dib silsilad-maanseedii "Siinley" iyo Riwaayadii "Tawaawac" ayey qabteen 11kii noofamber ee 1973kii, kuna xidheen Qansax-Dheere(Gobolka Bay).
Waxa la soo daayey bishii Abril 1978, ka dibna wuxuu noqday Agaasimaha Waaxda Fanka ee Akaadeemiyaha cilmiga, Fanka iyo Suugaanta. Isla marka horraantii 80kii, wuxuu madaxa hore kaga jirey raggii mayalka u qabtay hoggaaminayeyna Silsiladii ku caan baxday "Deelley" ee ku lidiga ahayd taliskii Siyaad Barre.
Mohamed Ibrahim Warsame "Hadrawi" ble født i byen Burao i Somalia i 1943. Da han var 9 år gammel døde moren og han måtte flytte til sin onkel i Aden i Yemen. Her vokste han opp og fikk sin utdannelse ved St. Anthony College i Aden. Etter noen år som lærer i Yemen flyttet han i 1967 tilbake til Somalia. Han arbeidet i Informasjonsdepartementet i Mugadishu, - senere studerte han pedagogikk og arbeidet deretter i Undervisningsdepartementet.
Hans forfatterskap begynte tidlig. Allerede mens han bodde i Yemen fikk han utgitt en rekke dikt og sanger. Hans dikt og sanger ble svært populære.
Under Siyad Barre´s terrorregime tok Hadrawi et klart standpunkt mot dette styret. Hans diktning ble preget av en aktiv og uredd kritikk av regimets undertrykkende styreform. Han ble den frihetselskende poet som brukte poesi i kampen for det somaliske folks menneskerettigheter. Fra å være en kjent og populær person ble han nå en overvåket person. Siyad Barre´s hemmelige politi forsøkte stadig å kneble hans skarpe penn. Han ble derfor arrestert og satt fengslet i 5 år. Etter noen år i indre eksil greidde han i 1982, ved hjelp av "gode venner" å flykte til Etiopia. Fra sitt eksil i Dire Dawa, Etiopia, fortsatte han sin kamp for sitt folks frihet. Hans dikt og sanger ble lest inn på kassetter og deretter smuglet inn i det borgerkrigsherjede Somalia. Her ble hans poesi formidlet fra mann til mann som moralsk støtte i en frihetskamp.
Mohamed Ibrahim Warsame "Hadrawi" ble i Etiopia en av de politiske lederene i frigjøringsbevegelsen Somali National Movement. Etter noen år som nestleder i organisasjonen frasa han seg alle politiske verv for å konsentrere seg helt og fullt om sitt forfatterskap. Han er etter hvert blitt en svært etterspurt person i Afrika, Europa, USA og Canada. I Norge har vi vært så heldige å ha fått besøk av ham to ganger. Det er i forbindelse med disse besøkene at vi har fått anledning til å utgi dette heftet med somalisk poesi.
Baaq
Adigaan cirka u bixinama boodin leexadaama badaha waaweynnafta aan ku biimaynbaariis adaan teginama boon ka sheekaynbarashada dalkaagaahorta laga bogtaayooberyo laysku hawlaa.
Dhulku baaxad sooriyobanan miidhan weeyaanama waa bus iyo oonninka buug ku haystowbeentaada weeyaan.
Balcad Jawhar Shalanboodbarakada Qoryoolaywaxa canab bislaadeeBaydhabi u gaar tahayBoosaaso iyo BeerBixin Duule LaalaysBiyo Guure Kala-baydhbeeraha Wajaaleelagu reebay baahidaBaar-dheere iyo Jilibwa boqol kun oo mayldhulka lagu badhaadheebeeyadu ku taalleebadar lagu abuureelagu riday bariiskeebalka lagu tallaaleemuuskiyo babaygiibarkadeen xareeddoo
Waxa taa ka sii badandhulka barisamaadkeebeesheennu daaqdeebarta aynu dhaqannaabarqo dhereg ka joogtee.
Iyadoo barwaaqo ahballiyada xareeddiiku bariisanaysoobidix midig dhan loo dayobarigiyo galbeedkababuuruhu is haystaanwaaberi cadceeddiisoo saartay baallahabilcilkiyo maraagiishinbiruhu ka buuqeenindhihii basaasowBoorame ma aragteen?
Ma ogtahay barbaareeyheesaha Barawn tumoadigaan bogga u lulinBeerrey Kabeebeybismillaahi SayliciHana-haybsantii bariBatar iyo Wareegtaakuu baadi soocee.
Ma ogtahay barbaareeyqalabkana bud dhumucliyowaran iyo billaawaakuu baadi soocee.
Page 12, as printed
Ma ogtahay barbaareeyhuga maro Banaadirisaddex qeyd bidhaantiyobafto laba dhudoodaakuu baadi soocee.
Ma ogtahay barbaareeybarshin iyo darfooleybayluuli xaradhlaakuu baadi soocee.
Ma ogtahay barbaareeywaxa loo buseelaaama qurux ku caan baxayama laysku baantaaama lagu bogsoodaakal bugtaa ku faydaakugu deeqa baashaalguri bila ku magac dheerhablaheenna bilicdiyobiligiyo ilwaadka leh.
Hooyoy la'aantaaadduunyadu hubaashiihabeen kama baxdeenooiftiin lama heleenoodadku uma hayaameenxiddig hawd ka lulatoosida haad ma fuuleendayax heego joogoohubka laguma tuureenhawo laguma gaadheencirka hirar ka muuqdoohooyoy addoomuhuhalkay maanta joogaanadigow horseedoointaad hanad xambaarteehaaneedka siiseehoraaddada jaqsiiseehabtay baan xisaab iyotiro lagu helaynoo.
Marka aad nin hiilloolaga baqo hashiisiyohalyey diran dhashaabaahooyo lagu xusuustaa
Page 14, as printed
Marka aad nin hoo-loogurigiisa habaqluhuisku soo halleyoohayntiisa quudhoohor ilaahay geystiyolama hure dhashaabaahooyo lagu xusuustaa.
Marka aad nin himiladahilin toosan mariyoohir markii la gaadhobaku labaad hilaadshoo
haga maatadiisoola higsado dhashaa baahooyo lagu xusuustaa.
Marka aad nin hooggiyoka hor taga dagaalkoogarta hubin yaqaanooxaqa hoos u eegoohalistiyo colaadaha
dabka hura bakhtiiyooku haggoogta dhiiggoodadka kala hagaajookala haga dhashaa baahooyo lagu xasuustaa.
Markaad hoobal caaniyohindisaa farshaxanoohab-dhaca iyo luuqdiyohawraarta maansadahensayn yaqaannooRabbi hibo u siiyolabadaba hannaanshiyohal-abuur dhashaa baahooyo lagu xasuustaa.
Dumar iyo haween baanolol lagu haweystaakuwa lagu hammiyayeesida hawd caleen weynrag u wada hamuumeeishu halacsanaysaahablahaaga weeyeemarka guur la haybsheegabadh heego dheeroohoobaan la moodookarti iyo hub-qaadlooquruxdana ka hodaniyoHira laga aroostaahooyo lagu xusuustaa.
Hooyoy la'aantaahiggaad lama barteenoohooyoy la'aantaahadal lama kareenooruuxaanad habinookolba aanad hees iyohoobey ku sabinoohawshaada waayaahanaqaadi maayeehoygii kalgacalkeenaxariistu hadataay.
hooyoy dushaadaanabad lagu hubaayoohooyoy dhabtaadaahurdo lagu gam-aayoohooyoy taftaadaadugsi laga helaayoo
waxa lagu hal-maalaahooyo ababintaadeehayin lagu badhaadhaayhogol lagu qabooobaaygogol lama huraaneeydugsigii hufnaantaayhidda lagu arooraay.
weligay hoggaagaanka dul heesayaayoohengel baan u xidhiyaainta haadka duushiyoidil habar dugaaggeeifka hibo ku noolowaakhiro halkii roon.
(Lafoole, Afgooye, 8/02/1973)
Hablaha Geeska Afrika
Ma geyoon ma gamashiyinma gommodin ma gaaggixinma gabloolin maan gudhinmana gabin halkaygiigabaygiina maan deyngeeraarradaydiiimminkaan gardaadshooweli maan gunaanadin.
Murti nimaan gunteediyobaran gogol-dhiggeedoogonda degi aqoonnoogarab-daar lahayn baagawlgawla hadalkookolba dhinac garoocdeesida webi ganaanoocirka godollo maaloobiyihii ku gaaxdiyogebiyadi ku soo degeyku darsaday gufaaciyoguulaamo diriroogalli jabay habeenkiikolba gacan ma soo rogeyQudhaciyo galoolkiigunta xididka maw jaraydhulka wada galaal iyogabbalaha ma kaga tegeyAfartaa geddaydiidhaha laygu garan jirey.
Page 18, as printed
Gurmashada dagaalkiyogulufkiyo colaadahagoobaan naf waagiyohalka laysku gawracomarka gorodda lays daro
Gu´ hagaagay oo da'aydhulka geedo jiifaangurya-samo barwaaqo ahhaddii geeddi lagu furodhallin-yaro isguurataagurdan-raaca fiidkiigole weyn ku kulantoocagta garan-garteediyoisu geysa jiibkoogoogooska luuqdiyogedda sacabka loo jarohablahaa u gaaroogarashada codkoodaa,qof gaboobey kicisoogelbiskiyo mashxaraddaagama kaa ilaashee,haddaan gabadhi boodaynillaa gegi ciyaareedwax ma dhaanto giriyaad ?
Haddaan guudka laga jiringudihiisa xaabkiyocayayaanka laga gurinmarwo dumar garka u xidhan,illaa guri dugsoon ma leh ?
Gaadaha habeenkiikelidaa galgalashiyoged-geddoonka dhalisooadigiyo go'aagaahadba dhinac u guuroobarkintaad gabbood iyogaashaan ka dhigataa,haddaan guud haldhaaleykolba gacan la saarayn,illaa gogoshu wehel ma leh .
Kuma galo adduunyadaninna goonni-socodkoomarwo garasho dheerbaaninka raga u gudinooiyadaa guddoonkiyogadh-hayaa naftaadiyogaadiidka reerkiyogurgurshaaga noqotooarrin kula gorfaysee,haddaan gaari kula jirinillaa noloshu guul ma leh .
Go'i waa barbaareeyhadda gabadh caddaaniyo
dhulka gaalo keentaan,mid aan kuu garaabayndhibta kaa gargaareynxilka kaala gubanayngacal haddaa ka dhigataanguumeys shisheeye ahhaddaa gacanta qabataan,hablaheenna gaammurey,geyaan yay ka sugayaan ?
Gobi waxay ku dhaqantaagarab waxay ka dhigataagallad waxay ku dheeftaasamo waxay ku gaadhaagololada haweenkee,hiddaheenna gaarka ahhablihii gabawgiyogeerida ku sugi jirey,hablihii garayskiyoxidhan jirey guntiinadahablihii gu´ iyo dayr
guul guul ku laysaan,gelin qudha ku mooddaangabbalkooda dumisaanhadba tooda goosha ahganacdeeda jebisaan,dadku gabanno-xooriyogaracyaley yidhaahdaan,innagoo gumowniyo
dhaqan guurey weeyee.Gocashada xanuunka lehwaxaan uga gol-leeyahay
godob aabbe falay baaubadkiisa gocondhiyogumar shidan ku noqotoogebi dheer ku dumiseeninka inan ma-geyda ahgurrac kaga danaysteegol-qaniin ku maalow,gefka aad falaysiyowaxaad gaaxsanaysiyogashigaad cunaysaaruuxay ka go'antahaygabadhaada weeyoo,xumahaad geleysiyowaxaad geysanaysaad,galab kale ka sheekayn.
Gebagebada sheekadabal aan soo gunaanadoguddoonsiyo jiiftada,hablo weerar geli karahablo geesi dili karagobanimona hanan karahablo talada goyn karagarta madal ka niqi karagarashana iskaga mid ahquruxdana ka wada goba.
Dhanka bari magaaladasow boqorad joogtoobiyo dahab la moodoobilicdii haweenkiyobili loo dhammeeyootimo boqonta joogoobaal goray la moodoobaarkana casaankiibidix midig is gaadhoobul-cad lagu xiddeeyoo
badh ku seexanaysoobarkanaysa qaaroohuwanaysa baalooigu beertay lahashoonu buseelay maan baran.
sow goor barqa ahoobishu ay siddeed tahayaniga iyo beerluliisku maannu soo bixin
sow bariidadaydiiiyo bedashadeediibuundada ciyaarteebeled-weyn ku taalleebiyo lulala guudkoodbadhtankeeda maahayn.
dhulka aannu daaqnaa.Rabbiyow ha nagu dumincirkan duudka weynoo,Rabbiyow ha nagu didinbahalaha derderanoo,Rabbiyow ha nagu dirindabaylaha cartamayoo,Rabbiyow ha nagu dilinduufaannadaadoo,Rabbiyow ha nagu darindurdurrada rogmanayoodaad-xoor ha naga dhigin.
doc wareenka feedhahasambabbada dalooshiyodaacuun ha nagu ridin.
Rabbiyow dagaalliyodabley gaatamaysiyobelo laga ducaystiyoma-naxaan ha noo daginduullaan ha noo jebin.
Rabbow dawladnimadunakuma iman dalxiisoodoor-roonayaal baau deldeley naftoodoodumar baa hugoodiyodahabkii u iibshoodoon-doonisteediidhiig baa ku daatee,Rabbow daawad curatoodakharrada bogsiisooubadkeeda deeqdiyoka dhig malabka doocaan.
Rabbiyow dirkayganadan-wadaag is-jecelooderejeysa qarankiyobulsho laga dab qaatooCarro-Edeg ku dayatiyoka dhig ul iyo diirkeed.
Rabbiyow dugaalkiyodugsi waa dhul hooyoonin da'diisa tuugoodewersadey asaaggiidoqonniino weeyoodibad ruux u sahan tegeydulli waayi maayee,
dalkayga Ilaahowdhereg iyo daryeel iyowax na deeqa nagu sii.
Rabbow doodda Aakhiromarka ay durbaankiyodawannadu is-dhaafaandadku kuu yimaaddaandarka soo fadhiistaanRabbiyow ha nagu darininta aad ku digateeu dareera Naartoolabadaada daaroodRabbiyow ta door roonkuwa degaya naga yeel.
(Qansax-dheere, 1977).
Hud-Hud
Boqorkay huq iyo ciilhagardaamo lumisowhadimada kalgacalka lehCilmigii u hoydowheesaha barorta ahhalqabsiga jacaylkowhambalyiyo salaan iyohibo iga guddoomookollay waan hubaayoohawlii adduunyadaheshay aayahoodeehalyar aan ku huruddaa?hal yar aan ku toydeejannadii ma hurudaa ?Hadh qabow ma jiiftaa?Hoobaan ma gurataa?Hablo xuural cayniisow kuuma heesaan?Waxa aad la haysabahoo kuma yidhaahdaan?
Wedka lama huraayeereer sow hayaamiyohayin raran ma kulanteen?Hor Ilaahay adigiyoHodan maysku aragteen?Ma is-dhaafsateen hadal?
Bal maxaan haweenkiyodumar ugu hiloobaa?Ama kula heshiiyaa,ugu hagar la'aadaa?Sow tay hir beeniyoku tuseen hillaaceehogol aan da'ayn iyohanfi kuu aroorsheenHirwo kuu garaaceenhungo kuugu baaqeen!
Sow-tay ku hawleenku jareen halbawlahahaadaan ku koriyeenhore kuugu riixeenhogga kuu dabooleenhoos kuugu tuureen!
Sow-tay ku heereenku jareen halbawlahahengelaa ku saareengudcur kuu hillaabeenku dhigeen habaaskeecidla kaaga hoydeenhororkiyo waraabuhuhilbahaagi jiiteenhaadda iyo xuunshadu!hanbadaada feenteenWaxaan uga hamranayaahooyaa ka dhalatoonaaskii habreed baaiga hiilinaayeeWallee hawlahaan galoiyo heegantaan dhigodumar lama hawaysteenragba ma hungureeyeenhanti lagama dhiibeenguri laguma hoysteenhadal lalama yeesheen!
(Berbera, 1970)
Haatuf
Cilmi sow hoggiisiihindisulu imuu geynhambalyiyo salaan iyosow hees umaan tirinhalka uu ku nool yahayhanti wuxuu guddoonteehor Ilaahay ugu tegeyhubi sow is maan odhanHodhan sow ma weydiin.
Sow waa nin hoydooifka taar la haysteekama helin jawaabtii.
Xalay fiid horaadkiisow haatufkiisiihud-hudkii u soo diraygacan haadiskiisiikama halacsan sheeddoohurin bayla socoteekama hadhin barbaartii.
sow maan hor-gelinoohayhaato maan geyndabadeedna haybtiihaye kow ma aan odhan.Wuxuu yodhi halyeygiiama haadda soo farayku bilaabay heestii:-"Ninka ila hadlaayeeii soo hiloobeehawdkiyo xabaalahahiilkaygu keeneehamabalyada i siiyeehoggaiiga yeedhaw;hawraarta luuqdiyohab-dhaceeda maansadaadigaa higgaadsheeanigana war iga hoo."
"Waxa hawli joogtaaama lagu harraadaahanad lagu cidhiidhyaahanti lagu gumaystaadumar hoodo leeyahay
ragga hoos u eegaanhoogtada adduunyee."
"Qofka samir hambaystaagodka kuma hungoobeeifka hadimadiisiyodhibtu way horraysooma huraanta aakhiroanigaa ku haystoohogol bay kor joogtooonkod iyo hillaac baadusha iga hadheeyooharo aan go'ayn baandarayaa hadhuubkoohoobaan bislaataanhabaq li'i dhex joogaaishu halacsanaysaaguri hoos qabow bayhalabtaydu taallaa,"
"Nafta waxan u habayaasida hooyo wiilkeednaasaa horaadkiyohaaneedka siisiyonirig hooto-nuugoo."
"Hodan iyo jacaylkeeddani igama haysoo
hablo Xuural-caynaanhaasaawiyaayoohuwanahay taftoodoolagu yidhi u heesoohugunkaad maqlaysiyohoobaydu waa geeligu soo hormanayoohawl bay sugayseehaye nabad walaalow."
(Burco,1971)
Daalo
DAALO
Daaloo korkeediifigta iyo daruuruhuisku soo durkeenooceeryaamo daahiiku dallaallimaysoodirir gaaxdey mirayootoddobaad ku da'ayoodanabkiyo hillaaciiisu daba mareenooonkodkuna dayaankiidhulka dakharro yeeloocasar gaaban daadkiyodurdurradu kulmeenooisku soo darmeenooisla dulundulceeyeenjarar moosa dumiyeenhadba daw samaysteenshinbiruhu mar duuleenmarna soo degeenoodamaloo dhan qariyeendananka iyo fooridadarandoorri heeseendayaxiyo cadceeddunadacallada ka joogaanisha daawanaysaakolla daalimayseedibnahay cuncunayoolahashada dareenkaaila sii durkayseebal aan daaha aan rogeyhalal kale ku sii daro.
Page 38, as printed
Dal ahaanna waa goboldullo iyo bannaanba lehbadna way la deris tahayduni weeye cimiladudardarteeda dhigatoo
waxaa loogu daray taasinta qurux u damac rooncirku doobta kama dhigodegmo weeye hodanoodooxooyin madhaxliyodeegaan ma guurtiyoilo wada darrooriyo
doog aan is dhalan rogindayib geed la magac baxaydahab hoosta yaallaadalag looga dhigayoocudur kama dilaacoodulin kama abuurmoodabar-gooye kama dhicin.
Waa degel qabow ooqorrax diib is marisoojidhka aan damqayn baaloo soo deldelayoodadku kuma gabooboonimankii Darwiishkiikula jirey dagaalkooweli doob la moodaabirta daabka haystoogala duullimaadkooiyagaa dorraatiyotaariikhda duugga ahdhul fog looga doontaa.
Duunyadiisu waa geeldaran iyo tigaad cunaido deexda lagu dhaqofardo lagu dabbaal degocarro weeye dihinoodirka magac ugaadheedlagu soo dareershoofarow iyo dibtaag baaderrimaha ku fara badancawlaan didaynoocidi aanay dilinooqofna aanu dabannoodibindaabyo aragoodannigii ka ba'ay baadugsanaysa xoolaha.
Dad ahaanna waa qaranwaa duul is wada dhalayqalo iyo dirsooc ma lehdab dhexdooda kama huroweligood ma diriraanisma docadoceeyaandumar kama baroortaandooxatiyo wareentiyobudhcad duusha kuma maqaldaandaansi ma oggolaxumo uma dulqaataannabaddana ma diidaandeeq kuma masuugaandoodna waa yaqaanniindiricyaa ka kacay badandamdamtiyo mashxaraddiyosacabkana ma daayaandanna kama fogaadaan.
Nin dabayli wadatoowaxaan ahay dalxiis iyodoolaalo keentoodegdeg baa i soo galaydibna waan u kacayaadunta gabaygu leeyahaykama xulan hal-doorkiidulucdiina kama boganbalse daymo halacsigakollay doorkan maanta ahhalkaas aan ku dagagaro.
Xuduntii dhulkaygaayXaruntii dadkaygaayXamareey ma nabad baa ?
Danta inay xaraashaandembi inay xambaartaanama sharafka xooraanisticmaar la xididaanama xeer la yeeshaannimankii ka xila-furay,naftu waxay u xilataadhegta xeerinteedee,nolol aan xarrago wadannimankii xanuunkiyoxabsiyada ka door-biday,gobannimo xaq weeyeeinta geesi loo xidhayama xawda laga jaray,geerida xalaasha ahnimankii xantoobsadayhalka lagu xurmeeyaay.
Xuduntii dhulkaygaayXaruntii dadkaygaayXamareey ma nabad baa ?
Shinnidii xumbaaliyosida xaydha-weyntiinimankay Xawaashiyoxaab-qaaddu keenteexagga sare ka soo degey,dhulka xaabadii tiilnimankii xambaarteedhirta xaalufka u rogey,dunidaan is-ximinnooxasillooni loo yaaldadku kala xishoodaan,nimankii xaduurkiyoxadaafiirta geliyee,inta ay xifaaliyoxumo iyo colaad iyoxiisadaa ku kiciyeenxulad daba ku olosheenxadhkaheeda kala furay,xidid iyo tol wada yaalnimankii hub xoogliyoxakamaha ku kala raraykala xaday walaalaha .Marwadii xanjeerraydnimankii xabbaadhee,xawawaray dhasheedii.Kuwa midabka ximiyeexaqlahana addoonsadaxistigiyo gumeystaha,birta loogu xiiriyohalka lagu xabaalaay.
Xuduntii dhulkaygaayXaruntii dadkaygaayXamareey ma nabad baa ?
Sida xuur wedkeediixan ahaan ku maqashaanamba xiisahaagiiXamarey la dhuubtooxalay waxaan baraarugayiyadoo xiddayseeyinta xaysku kuu da'aydhulka wada xareed iyoxamash iyo ugbaad iyo
xilli yahay barwaaqoodayaxaagu xaynkiyoxuubkii dillaacshoointa uu xanjaadkiyoxagal qudha la soo baxaydusha sare xinnaystoodhallinyaro xariiriyohablo Xuural-cayniiisasoo xusheenooxeebtaada yaabka lehinta ay xaraarahalaba laba u xaadheenxusullada dhigteenooxeerkii kalgacalkiyolagu jiro xisaabooxantu hoos u socotoonaniguna Xayaad iyoxiddigtii jacaylkeeshanta xaraf mid lagu darayxog-waraysanaayoonkolba xaada cududdiyoxaradhkiyo garaarahail-badhkeed ku xadayee.
Ninba wuxu ku taamaaama hees ka tiriyaatixo gabay ku sheegaahalka lagu tallaaleehawadiisu taalleeuurkiisu tebayee,dumar taan ka sahansadaywaa gabadh Tog-dheerooMaxamuudi toox weynsaddex-qayd ka tolatootusbax luqunta gelisootafta daraya-muuskiitaakiyo badh muuqdoodhaclihii tarraxayoosida boqorad taash xidhanhadalkeeda tirisootoddobaatan jeer baansoo toosay xalayoo.
Sidan timo haldhaaleyugu tebey hurdada xalayanigaba Tog-dheer baatusku iiga muuqdaa.
Page 46, as printed
Ninba wuxuu ka taahaaama talal ku sheegaaama gacan ku taabtaahalka laga taftaafeeBurco waxay ku taallaaxididdada tin iyo cidhibtebinaaya dhiiggeehadba dhan u tallawshoodayax taabba-qaadootoban iyo shan joogiyoxiddigaha tartamayee
isku taxay dushiisaatahan iiga hirayooTusmo barashadeediyotaltallaabsigeediyotarantarinta laafyuhumeeshay i turuqdiyotawstay i gelisaaigu sii tarmaysoo.
Sidan timo haldhaaleyugu tebey hurdada xalayanigaba Tog-dheer baatusku iiga muuqdaa.